2 Boqorradii 22:5
Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,
Oo iyagu ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya, oo si meelaha guriga ka jajabay loo dhiso iyana ha u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga ku jira,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Markaasay u yimaadeen Xilqiyaah oo ahaa wadaadkii sare, oo waxay u dhiibeen lacagtii guriga Ilaah la geliyey, oo irid-dhawrayaasha reer Laawi ay ka soo ururiyeen reer Manaseh iyo reer Efrayim, iyo kuwii kale oo reer binu Israa'iil ah oo dhan, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.
10Oo lacagtii waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u talin jiray, oo raggii guriga Rabbiga ka dhex shaqayn jirayna waxay u bixiyeen in guriga lagu hagaajiyo oo lagu cusboonaysiiyo.
11Waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii inay ku soo iibiyaan dhagaxyo la qoray iyo alwaax wax laysku xidho, iyo inay alwaax saqafka haya u sameeyaan guryihii ay boqorradii reer Yahuudah dumiyeen.
12Oo raggiina shuqulkii waxay u sameeyeen si daacadnimo ah; kuwii u talin jiray oo shuqulka hore u wadi jirayna waxay ahaayeen Yaaxad iyo Cobadyaah oo ahaa reer Laawi oo ka ahaa reer Meraarii, iyo Sekaryaah iyo Meshullaam oo ahaa reer Qohaad, oo waxaa kaloo la jiray kuwa kale oo reer Laawi ah oo alaabta muusikada karay oo dhan.
6kuwaasoo ah nijaarrada, iyo waxdhisayaasha, iyo wastaadyada, oo ha ku soo iibiyeen alwaax iyo dhagaxyo la qoray oo guriga lagu dhiso.
7Habase yeeshee lama xisaabin lacagtii iyaga loo dhiibay, maxaa yeelay, waxay ahaayeen kuwa la aaminay.
10Oo markay arkeen in lacag badanu sanduuqii ku jirto ayaa waxaa yimid karraanigii boqorka iyo wadaadkii sare, oo kiishash bay ku gureen markay tiriyeen lacagtii laga helay gurigii Rabbiga.
11Oo lacagtii la miisaamay ayay u dhiibeen kuwii shuqulka sameeyey, kuwaas oo guriga Rabbiga u talin jiray; oo waxay siiyeen nijaarradii iyo waxdhisayaashii ka shaqeeyey gurigii Rabbiga,
12iyo wastaadyadii, iyo kuwii dhagaxyada qori jiray, waxayna u bixiyeen in lagu iibiyo alwaax iyo dhagaxyo la qoray si loogu dhiso meelihii guriga Rabbiga ka jajabnaa, iyo wax kasta oo loo bixiyey in guriga lagu dhiso.
5wadaaddada nin waluba ha ka qaado kii uu yaqaan, oo ha ku dhiso meelaha guriga ka jajaban meel kasta oo meel jaban laga heloba.
6Laakiinse sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Yehoo'aash wadaaddadii weli ma ay dhisin guriga meelihiisii jajabnaa.
7Markaasaa Boqor Yehoo'aash wuxuu u yeedhay wadaadkii Yehooyaadaac ahaa, iyo wadaaddadii kaleba, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad guriga meelihiisa jajaban u dhisi weydeen? Haddaba lacag dambe ha ka qaadanina dadka aad taqaaniin, laakiinse meelaha jajaban ee guriga aawadood ku bixiya.
8Oo wadaaddadiina waxay oggolaadeen inayan dadka lacag dambe ka qaadin, oo guriga meelihiisa jajabanna ayan dhisin.
14waayo, waxay lacagtii siiyeen kuwii shuqulka sameeyey, oo waxay ku dhiseen gurigii Rabbiga.
15Oo weliba lama ay xisaabtamin raggii ay lacagta u dhiibeen inay iyagu siiyaan nimankii shuqulka sameeyey, maxaa yeelay, waxay ku shaqeeyeen aaminnimo.
11Oo waxay noqotay in markii sanduuqii la geeyey xafiiskii boqorka iyadoo ay reer Laawi sidaan, oo la arkay in lacag badanu ku jirto ayaa waxaa yimid oo sanduuqii ka shubay karraanigii boqorka iyo sirkaalkii wadaadka sare, oo haddana sanduuqii bay qaadeen oo meeshiisii ku celiyeen. Oo saasay maalin kasta yeeli jireen, oo waxay soo ururiyeen lacag faro badan.
12Oo boqorkii iyo Yehooyaadaac waxay lacagtii siin jireen kuwii samayn jiray hawshii adeegidda guriga Rabbiga, oo waxay soo kiraysteen wastaadyo iyo nijaarro si ay u cusboonaysiiyaan gurigii Rabbiga, oo waxay kaloo siin jireen kuwii bir iyo naxaas wax uga samayn jiray si ay gurigii Rabbiga ugu hagaajiyaan.
13Markaasay shaqaalihii shaqeeyeen, oo shuqulkiina gacantoodii buu ku hagaagay, oo gurigii Ilaahna waxay ka dhigeen siduu ahaan jiray, wayna adkeeyeen.
17Oo iyagu lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen oo waxay u dhiibeen kuwa shuqulka u taliya iyo ragga shaqaalaha ah.
4Oo waxyaalahaas dabadoodna Yoo'aash wuxuu ku fikiray inuu gurigii Rabbiga cusboonaysiiyo.
5Markaasuu soo wada ururiyey wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, oo wuxuu ku yidhi, Baxa oo magaalooyinka dalka Yahuudah taga, oo reer binu Israa'iil oo dhan waxaad ka soo ururisaan lacag guriga Ilaahiinna lagu cusboonaysiiyo sannad ilaa sannad, oo xaalkaas dhaqso u sameeya. Habase yeeshee kuwii reer Laawi xaalkaas kuma ayan dhaqsan.
4Orod oo waxaad u tagtaa Xilqiyaah oo ah wadaadka sare, oo isagu ha xisaabo lacagta guriga Rabbiga la soo geliyey oo irid-dhawrayaashu ay dadka ka soo ururiyeen.
15oo wuxuu isagii ku yidhi, Tag oo weelashan qaad, oo waxaad gelisaa macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo gurigii Ilaahna ha laga dhiso meeshiisii.
9Markaasaa Shaafaan oo karraanigii ahaa boqorkii u yimid, wuuna u soo warramay oo ku yidhi, Addoommadaadii lacagtii guriga Rabbiga laga dhex helay way soo ururiyeen, oo waxay u dhiibeen shaqaalaha guriga Rabbiga u taliya.
15Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,
13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
7oo gurigan Ilaah shuqulkiisa faraha ka qaada, oo taliyaha Yuhuudda iyo odayaasha Yuhuuddu gurigan Ilaah meeshiisii ha ka dhiseen.
8Oo weliba waxaan amar ku bixiyey wixii aad u samayn lahaydeen odayaashan Yuhuudda oo dhisaya gurigan Ilaah. Waa in alaabta boqorka iyo xataa gabbarada laga qaado inta webiga ka shishaysa nimankan kharash loo siiyo iyadoo aad loogu dadaalayo, si aan iyaga loo hor joogsan innaba.
19Oo weelasha laguugu dhiibay in lagu qabto adeegidda guriga Ilaahaaga waxaad hor geeysaa Ilaaha Yeruusaalem.
20Oo wax alla wixii kaloo loogu baahan yahay guriga Ilaahaaga aawadiis, ee kugu habboon inaad bixiso, ka bixi boqorka gurigiisa khasnadda ah.
17Haddaba sidaas daraaddeed, haddii ay kula wanaagsan tahay, boqorow, bal ha la baadho gurigaaga khasnadda ah oo Baabuloon ku yaal, bal inay saas tahay in Boqor Kuuros amar ku bixiyey in la dhiso gurigan Ilaah oo Yeruusaalem ku yaal, oo noo soo dir wixii aad xaalkan ka damacsan tahay.
2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.
4oo ha lagu dhiso saddex saf oo dhagaxyo waaweyn ah iyo saf alwaax cusub ah; kharashkiisana ha laga bixiyo guriga boqorka.
5Oo weliba weelashii guriga Ilaah oo ahaa dahabka iyo lacagta oo Nebukadnesar uu ka soo qaaday macbudka Yeruusaalem ku yaal, oo uu keenay Baabuloon, ha la celiyo, oo mar dambe ha la geeyo macbudka Yeruusaalem ku yaal, mid kastaba meeshiisii ha la dhigo, oo waxaad gelisaa guriga Ilaah.
5iyo in dahab laga sameeyo alaab dahab ah, iyo in lacag laga sameeyo alaab lacag ah, iyo shuqul kasta oo ay kuwa sancada yaqaan gacmahooda ku qabtaan. Haddaba yaa raalli ka ah oo maantadan nafsaddiisa Rabbiga u bixinaya?
10Oo waxaad tiriseen guryihii Yeruusaalem, oo waxaad guryihii u dumiseen inaad derbiga adkaysaan.
5Ka qaad iyaga inay u ahaadaan wax hawsha teendhada shirka lagu sameeyo, oo waxaad siisaa reer Laawi, nin walba sidii hawshiisu tahay.
8Boqorow, bal ogow inaannu tagnay gobolka Yahuudah, oo soo aragnay gurigii Ilaaha weyn, oo dhagaxyo waaweyn lagu dhisay, oo derbiyadiisana alwaax la dhex geliyey, oo shuqulkaasuna dadaal buu ku socdaa oo gacmahooduu ku liibaanaa.
9Oo waxaannu duqowdaas weyddiinnay oo ku nidhi, Yaa idin siiyey amar aad gurigan ku dhistaan, oo aad derbigan ku dhammaysaan?
17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.
18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.
5oo wuxuu isagii u hagaajiyey qowlad weyn oo waagii hore la dhigi jiray qurbaannada hadhuudhka, iyo fooxa, iyo weelasha, iyo meeltobnaadyada hadhuudhka iyo khamriga iyo saliidda, oo amar lagu siin jiray kuwa reer Laawi, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryada, iyo qurbaannadii kor loo qaadi jiray oo la siin jiray wadaaddada.
15¶ Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Kac, oo waxaad u tagtaa Shebnaa oo ah khasnajiga guriga u sarreeya, oo waxaad ku tidhaahdaa,
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gacmihiinnu xoog ha yeesheen, kuwiinna wakhtigan erayadan ka maqla afka nebiyada kuwaasoo joogay maalintii aasaaskii guriga Rabbiga ciidammada, kaasoo ah macbudka, loo dhigay si loo dhiso.
3Oo isla markaasba waxaa u yimid Tatenay oo ahaa taliyihii dalka webiga ka shisheeya, iyo Shetar Boosnay iyo saaxiibbadood, oo waxay ku yidhaahdeen, War yaa amar idin siiyey inaad gurigan dhistaan, iyo inaad derbigan dhammaysaan?
68Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.
11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.
5Oo iyagoo indhaha kugu haya derbiga dalooli oo alaabta halkaas ka soo bixi.
5Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Reer Laawiyow, i maqla, oo haddeer isdaahiriya, oo waxaad kaloo daahirisaan guriga Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin, oo nijaastana ka bixiya meesha quduuska ah.
16Rabbiyow Ilaahayagiiyow, kaydkan aannu u diyaarinnay inaan guri ugu dhisno magacaaga quduuska ah dhammaantiis wuxuu ka yimid gacantaada oo kulligiisna adigaa iska leh.