2 Taariikhdii 36:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 30:8 : 8 Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
  • Nex 9:16-17 : 16 Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin, 17 wayna diideen inay addeecaan, kamana ay fiirsan yaababkaagii aad dhexdooda ku samaysay, laakiinse luquntay adkeeyeen, oo iyagoo caasi ah ayay sirkaal doorteen inay addoonnimadoodii ku noqdaan; laakiinse adigu waxaad tahay Ilaah diyaar u ah inuu wax cafiyo, waxaanad tahay nimco miidhan, oo waxaa kaa buuxda raxmad, cadho waad u gaabisaa, naxariisna hodan baad ka tahay, oo iyagiina ma aadan dayrin.
  • Nex 9:29 : 29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.
  • Ish 48:4 : 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
  • Yer 52:2-3 : 2 Oo isagu wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan. 3 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.
  • Yex 17:11-20 : 11 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 12 Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay. 13 Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa, 14 si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis. 15 Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa? 16 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa. 17 Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo. 18 Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa. 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
  • Room 2:4-5 : 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda? 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • Cib 3:8 : 8 Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka, Sidii maalintii jirrabaadda ee cidlada dhexdeeda,
  • Cib 3:13 : 13 Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.
  • Bax 8:15 : 15 Fircoonse markuu arkay inay wixii joogsadeen ayuu qalbiga ka sii qallafsanaaday, mana uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu yidhi.
  • Bax 8:32 : 32 Markanna Fircoon qalbiga ayuu ka sii qallafsanaaday, oo dadkiina siima uu dayn inay tagaan.
  • Bax 9:17 : 17 Ma weli baad dadkayga iska weynaynaysaa, oo aanad sii daynin?
  • Yash 9:15 : 15 Oo Yashuucana wuu la nabday iyagii, oo axdina wuu la dhigtay inuu naftooda u daayo; oo amiirradii shirkuna way u dhaarteen iyagii.
  • Yash 9:19-20 : 19 Laakiinse amiirradii oo dhammu waxay shirkii oo dhan ku yidhaahdeen, Waxaannu iyaga ugu dhaarannay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo haddaba sidaas daraaddeed waa inaynaan taaban iyaga. 20 Oo sidan baan u yeelaynaa, oo naftooda ayaan u daynaynaa waaba intaas oo dhaartii aannu ugu dhaarannay daraaddeed cadho inoogu dhacdaaye.
  • 2 Sam 21:2 : 2 Markaasaa boqorkii reer Gibecoon u yeedhay, oo ku yidhi; (haddaba reer Gibecoon ma ay ahayn reer binu Israa'iil, laakiinse waxay ahaayeen dad ka hadhay reer Amor; oo reer binu Israa'iilna way u dhaarteen iyaga; oo Saa'uul baa wuxuu damcay inuu laayo iyaga qiiradii uu u qabay reer binu Israa'iil iyo reer Yahuudah aawadeed;)
  • 2 Boq 17:4 : 4 Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Hoosheeca ka gartay shirqool, waayo, wuxuu wargeeyayaal u dirtay Soowa oo boqorkii Masar ahaa, oo boqorkii Ashuurna gabbaro ma uu siin siduu sannad kasta yeeli jiray; sidaas daraaddeed boqorkii Ashuur wuu xidhay oo xabsi ku riday.
  • 2 Boq 24:20 : 20 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa.

  • 14Oo weliba kuwii wadaaddada sarsare ahaa iyo dadkiiba si weyn bay u xadgudbeen oo waxay wada sameeyeen karaahiyadii quruumuhu samayn jireen oo dhan, oo waxay nijaaseeyeen gurigii Rabbiga, ee uu isagu Yeruusaalem quduus kaga dhigay.

  • 1¶ Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.

  • 14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.

  • 72%

    5¶ Oo Yehooyaaqiimna markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood, oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa.

    6Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.

    7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 72%

    16Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba.

    17Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.

  • 3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 16Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

  • 23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 29oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

  • 2Laakiinse isagii, iyo addoommadiisii, iyo dadkii dalka toona midkoodna ma maqlin erayadii Rabbiga ee uu isagu kaga hadlay Nebi Yeremyaah.

  • 70%

    25Laakiinse Xisqiyaah wanaaggii isaga loo sameeyey mahad kama celin, waayo, qalbigiisa ayaa kibray, sidaas daraaddeed isagii iyo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba cadho baa ku soo degtay.

    26Habase ahaatee Xisqiyaah wuu is-hoosaysiiyey oo kibirkii qalbigiisa wuu ka soo noqday isaga iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhammuba, sidaa daraaddeed cadhadii Rabbigu iyaga kuma ay soo degin wakhtigii Xisqiyaah.

  • 70%

    19Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, sidii wixii Yehooyaaqiim sameeyey oo dhan.

    20Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 16¶ Laakiinse markuu xoogaystay ayuu isla weynaaday ilaa uu halligmay, oo wuxuu ku xadgudbay Rabbiga Ilaahiisa ah, waayo, macbudkii Rabbiga ayuu u galay inuu foox ku shido girgirihii fooxa.

  • 26Laakiinse Rabbigu kama uu soo noqon cadhadiisii kululayd ee weynayd oo uu dadka Yahuudah ugu cadhooday xanaaqii uu Manaseh isaga ka xanaajiyey aawadiis.

  • 70%

    31Markaasaa boqorkii istaagay meeshiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdiga oo kitaabkan ku qornaa.

    32Oo wuxuu ka dhigay in intii Yeruusaalem iyo dalka reer Benyaamiin laga helay oo dhanba ay axdiga aqbalaan oo u istaagaan. Oo dadkii Yeruusaalem degganaana waxay yeeleen si waafaqsan axdigii Ilaah, kaasoo ahaa Ilaahii awowayaashood.

  • Yex 17:15-16
    2 aayado
    69%

    15Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa?

    16Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa.

  • 3Habase yeeshee wuxuu ku dhegay dembigii Yaaraabcaam ina Nebaad, ee uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kaas kama uu tegin.

  • 17Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.

  • 12Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.

  • 10Haddaba waxaa qalbigayga ku jirta inaan axdi la dhigto Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, si ay cadhadiisa kululu inooga noqoto.

  • 25In kastoo ay Elnaataan iyo Delaayaah iyo Gemaryaah boqorkii ka baryeen inuusan kitaabka duudduuban gubin wuu maqli waayay.

  • 53Oo isna wuxuu u adeegay Bacal, wuuna caabuday isagii, oo weliba Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iilna wuu ka xanaajiyey, sidii aabbihiis sameeyey oo kale.

  • 14Oo isagu wuxuu sameeyey wax shar ah, maxaa yeelay, qalbigiisa uma uu diyaarin inuu Rabbiga doondoono.

  • 7Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.

  • 10Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • 12Oo markuu isagu is-hoosaysiiyey ayaa cadhadii Rabbigu ka noqotay si aan Rabbigu isaga dhammaantiisba u baabbi'in, oo weliba dalka Yahuudah waxyaalo wanwanaagsan baa laga heli jiray.

  • 23Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay.

  • 6Reer binu Israa'iilow, u soo noqda kii aad aad uga caasiyowdeen.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

  • 33Fircoon Nekoo ayaa isagii ku xidhay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad si uusan Yeruusaalem boqor ugu sii ahaan; oo dalkiina wuxuu saaray baad ah boqol talanti oo lacag ah iyo talanti dahab ah.

  • 9laakiinse waxaad samaysay shar ka sii badan kii intii kaa horraysay oo dhan, oo waxaad samaysatay ilaahyo kale iyo sanamyo la shubay, waanad iga xanaajisay, oo waxaad igu tuurtay gadaashaada.

  • 26Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.

  • 22Habase yeeshee Yoosiyaah wuu diiday inuu wejigiisii ka jeediyo, laakiinse wuu ismidab rogay si uu ula diriro, oo ma uu maqlin erayadii Nekoo ee afka Ilaah ka soo baxay, wuuse yimid inuu kula diriro dooxadii Megiddoo.

  • 22Oo Boqor Aaxaas kaas qudhiisu intuu dhibaataysnaa ayuu weliba Rabbiga si weyn ugu sii xadgudbay.

  • 6Laakiin Yaaraabcaam ina Nebaad oo ahaa addoonkii Sulaymaan ina Daa'uud ayaa kacay oo ka fallaagoobay sayidkiisii.

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 5Laakiinse ma ay maqlin oo dhegna uma ay dhigin inay xumaantooda ka soo noqdaan iyo inayan innaba ilaahyo kale foox u shidin.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag,