Nexemyaah 9:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse iyagii iyo awowayaashayaba way kibreen, oo luquntay adkeeyeen, oo amarradaadiina ma ay maqlin,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 31:27 : 27 Waayo, caasinimadiinna iyo madax adkaantiinna waan aqaan. Bal eeg, intaan weli noolahay oo aan maantadan idinla joogo caasiyiin baad ku ahaydeen Rabbiga, haddaba intee baad ka sii darnaan doontaan markaan dhinto dabadeed?
  • Nex 9:10 : 10 oo weliba Fircoon iyo addoommadiisii oo dhan, iyo kulli dadkii dalkiisa oo dhan waxaad tustay calaamooyin iyo yaabab, waayo, waad ogayd inay iyaga ku kibreen, oo halkaas magac baad ku heeshay siday maanta tahay.
  • Nex 9:29 : 29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.
  • Sab 81:11-14 : 11 Laakiinse dadkaygii ma ay dhegaysan codkaygii, Oo reer binu Israa'iilna ima aqbalin. 12 Sidaas daraaddeed waxaan u daayay inay ku socdaan madaxadayggooda. Si ay taladooda ugu socdaan. 13 Bal may dadkaygu i dhegaystaan, Oo reer binu Israa'iil bal may jidkayga ku socdaan! 14 Oo waxaan haddiiba jebin lahaa cadaawayaashooda, Oo gacantaydana waan ku jeedin lahaa colkooda.
  • Sab 95:8-9 : 8 Qalbigiinna ha adkaynina, sidii markii Meriibaah la joogay, Iyo sidii maalintii la joogay Masaah oo cidlada ku dhex taal, 9 Markay awowayaashiin i jirrabeen, Oo ay i tijaabiyeen, oo ay shuqulkaygii arkeen. 10 Dadkii qarnigaas afartan sannadood waan u cadhaysnaa, Oo waxaan idhi, Waa dad qalbigooda ka qaldama, Oo iyagu ma ay aqoon jidadkaygii,
  • Sab 106:6 : 6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo, Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
  • Maah 29:1 : 1 Kii inta wax badan la canaanto ka madax adkaadaa, Dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh.
  • Ish 48:4 : 4 Waan ogaa inaad madax adag tihiin, iyo in qoortiinnu seed bir ah tahay, iyo in jaahiinnu naxaas yahay,
  • Ish 48:18 : 18 Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale,
  • Ish 63:10 : 10 Laakiinse way caasiyoobeen, oo Ruuxiisa Quduuska ahna way calool xumeeyeen, oo sidaas daraaddeed ayuu ugu rogmaday inuu cadowgoodii noqdo, wuuna la diriray.
  • Yer 2:31 : 31 Dadka qarniganow, bal erayga Rabbiga ka fiirsada. Reer binu Israa'iil ma waxaan u ahaa cidlo ama dal gudcur ah? Haddaba bal maxaa dadkaygu u yidhaahdaan, Xor baannu nahay, oo mar dambe kuu iman mayno?
  • Yer 19:15 : 15 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.
  • Fal 7:51 : 51 ¶ Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan.
  • Room 2:5 : 5 Laakiin engegnaantaada iyo toobadla'aanta qalbigaaga aawadood waxaad cadho u urursanaysaa maalinta cadhada iyo muuqashada xukunka xaqa ah oo Ilaah,
  • Cib 3:13 : 13 Laakiin maalin kasta iswaaniya, intii la odhanayo, Maanta, inuusan midkiinna ku engegin khiyaanada dembiga.
  • Cib 3:15 : 15 inta la leeyahay, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina sidii wakhtigii dhirifka.
  • Sab 78:8-9 : 8 Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn. 9 Reer Efrayim iyagoo hub iyo qaansooyin sita Ayay maalintii dagaalka dib u noqdeen. 10 Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan, 11 Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay. 12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey, Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan. 13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey, Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan. 14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur, Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis. 15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada, Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo. 16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro, Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale. 17 Laakiinse iyagu weli way ku sii socdeen inay isaga ku dembaabaan, Inay ku caasiyoobaan Ilaaha ugu sarreeya intii ay cidladii joogeen. 18 Oo weliba Ilaah waxay ku tijaabiyeen qalbigooda Kolkii ay hilib u weyddiisteen damacooda aawadiis. 19 Oo Ilaah bay wax ka sheegeen, Oo waxay yidhaahdeen, Ilaah ma miis buu cidlada ku diyaarin karaa? 20 Bal eeg, dhagaxii ayuu wax ku dhuftay, markaasaa biyo ka soo buqdeen Oo durdurraa ka soo buuxdhaafay, Haddaba miyuu kibisna bixin karaa? Miyuu dadkiisa hilib siin karaa? 21 Sidaas daraaddeed Rabbigu taas buu maqlay, wuuna cadhooday, Oo reer Yacquub dab baa ku shidmay, Reer binu Israa'iilna cadhaa ku dhacday, 22 Maxaa yeelay, Ilaah ma ay rumaysan, Oo badbaadintiisana iskuma ay hallayn. 23 Laakiin isagu wuxuu amray cirka sare Oo albaabbadii samadana wuu furay; 24 Oo wuxuu ku soo daayay maanna ay cunaan, Oo wuxuu iyagii wax ka siiyey hadhuudhkii samada. 25 Dadkii waxay cuneen kibistii malaa'igaha, Oo weliba wuxuu iyaga u soo diray hilib ay ka dhergaan. 26 Isagu wuxuu samada ka kiciyey dabaysha bari, Oo dabaysha koonfureedna xooggiisuu ku hoggaamiyey. 27 Oo korkoodana hilib buu ugu soo daadiyey sidii ciidda oo kale, Oo wuxuu ku soo daayay haad baalal leh oo ah sidii cammuudda badaha, 28 Oo wuxuu ku soo daadiyey xeradooda dhexdeeda, Iyo rugahooda hareerahooda. 29 Sidaas daraaddeed iyagii way cuneen, oo aad bay uga dhergeen, Oo isna wuxuu iyagii siiyey wixii ay u jeellanaayeen. 30 Iyagu jeelkii damacooda kama ay xiisa dhicin, Oo cuntadoodii weli afkooday ku jirtay, 31 Markii cadhada Ilaah ay iyaga ku dhacday, Oo ay dishay kuwii iyaga ugu buurbuurnaa, Oo ay laysay raggii dhallinyarada ahaa oo reer binu Israa'iil. 32 In kastoo waxyaalahaas oo dhammu ay ku dheceen, Weli way sii dembaabeen, Oo mana ay rumaysan shuqulladiisii yaabka badnaa. 33 Sidaas daraaddeed maalmahoodii wuxuu ku dhammeeyey wax aan waxtar lahayn, Cimrigoodiina cabsi. 34 Markii uu iyaga laayay ayay isaga dooneen, Oo haddiiba way soo noqdeen oo Ilaah goor hore doondooneen. 35 Oo waxay xusuusteen in Ilaah ahaa dhagaxoodii weynaa, Iyo in Ilaaha ugu sarreeyaa uu ahaa Bixiyahooda. 36 Laakiinse waxay isaga ku faansheen afkooda, Oo carrabkoodana been bay ugu sheegeen. 37 Waayo, qalbigoodu xaggiisa kuma hagaagsanayn, Oo axdigiisiina daacad uma ay ahayn. 38 Laakiinse isagoo raxmad miidhan ah ayuu xumaantoodii cafiyey, oo mana uu baabbi'in iyagii, Haah, oo marar badan ayuu cadhadiisii ka leexiyey, Oo cadhadiisii oo dhanna ma uu wada kicin. 39 Oo wuxuu xusuustay inay iyagu yihiin binu-aadmi, Iyo dabayl iska gudubta oo aan mar dambe soo noqon. 40 Immisa jeer bay isaga ku caasiyoobeen markay cidlada joogeen, Oo immisa jeer bay calool xumeeyeen markay lamadegaanka dhex joogeen! 41 Oo haddana way soo noqdeen oo waxay tijaabiyeen Ilaah, Oo waxay ka xanaajiyeen reer binu Israa'iil Kooda Quduuska ah. 42 Sooma ay xusuusan gacantiisii, Iyo maalintii uu iyaga ka soo furtay cadowga toona, 43 Iyo xataa siduu calaamooyinkiisii Masar ugu dhex sameeyey, Yaababkiisiina berrinkii Socan. 44 Iyo siduu webiyaashoodii dhiigga ugu beddelay, Durdurradoodiina, si aanay waxba uga cabbi karin. 45 Wuxuu ku soo dhex daayay duqsiyo badan, wayna cuneen, Iyo xataa rahyo, oo iyana way baabbi'iyeen. 46 Oo weliba wixii u baxay wuxuu siiyey diir, Oo waxay ku hawshoodeenna wuxuu siiyey ayax. 47 Geedcanabkoodii wuxuu ku baabbi'iyey roobdhagaxyaale, Oo dhirtoodii darayga ahaydna wuxuu ku baabbi'iyey sayax barafoobay. 48 Xoolahoodii wuxuu ku soo daayay roobdhagaxyaalaha, Adhyahoodiina danabyo kulul. 49 Oo wuxuu ku soo daayay kulaylkii cadhadiisa, Iyo xanaaq, iyo dhirif, iyo dhib, Iyo guuto ah malaa'igo shar ah. 50 Isagu cadhadiisii wadduu u sameeyey, Oo naftoodiina dhimasho ugama uu lexejeclaan, Laakiinse noloshoodii wuxuu u daayay belaayada, 51 Oo wuxuu dalkii Masar ku laayay curadyadii oo dhan, Kuwaas oo ahaa xooggoodii u horreeyey oo uu ku dhex laayay teendhooyinkii Xaam, 52 Laakiinse isagu dadkiisii sidii ido oo kale ayuu u hor kacay, Oo cidladuu ku dhex hoggaamiyey iyaga sidii adhi oo kale. 53 Oo ammaan buu ku hoggaamiyey, si aanay u baqin, Laakiinse cadaawayaashoodii baddaa qarqisay. 54 Oo wuxuu iyagii keenay xuduudkii meeshiisa quduuska ah, Iyo ilaa buurtan ay midigtiisu iibsatay. 55 Oo weliba hortoodana wuxuu ka eryay quruumaha, Oo dhaxal ahaan buu ugu qaybiyey. Oo qabiilooyinkii reer binu Israa'iilna wuxuu dejiyey teendhooyinkoodii. 56 Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin, 57 Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan. 58 Waayo, waxay isaga kaga xanaajiyeen meelahoodii sarsare, Oo waxay isaga uga hinaasiyeen sanamyadooda la qoray. 59 Ilaah markuu taas maqlay ayuu cadhooday, Oo aad buu reer binu Israa'iil u karhay, 60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay, 61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii. 62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii. 63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin. 64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran. 65 Markaasaa Sayidku wuxuu u kacay sidii mid hurdo ka toosay, Sidii nin xoog badan oo la qaylinaya khamri daraaddiis. 66 Cadaawayaashiisiina wuu ku dhuftay oo dib buu u celiyey, Oo wuxuu saaray ceeb aan weligeed ka hadhayn. 67 Oo weliba wuu diiday teendhadii reer Yuusuf, Qabiilkii reer Efrayimna ma uu dooran, 68 Laakiinse wuxuu doortay qabiilkii reer Yahuudah, Iyo Buur Siyoon oo uu jeclaaday. 69 Oo meeshiisii quduuska ahayd wuxuu u dhisay sidii meelaha sare, Iyo sidii dhulka uu weligiis adkeeyey. 70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha, 71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah. 72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
  • Sab 81:8 : 8 Dadkaygiiyow, bal i maqla, Oo anna waan idiin digi doonaa, Reer binu Israa'iilow, bal haddaad i maqli lahaydeen!
  • Sharc 32:15 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
  • 2 Boq 17:14 : 14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.
  • 2 Taar 30:8 : 8 Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.
  • 2 Taar 36:13 : 13 Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Bax 15:26 : 26 oo wuxuu ku yidhi, Haddaad aad u dhegaysatid Rabbiga Ilaahaaga ah codkiisa, oo aad samaysid wixii ku hagaagsan indhihiisa hortooda, oo aad dhegta u dhigtid amarradiisa, oo aad dhawrtid qaynuunnadiisii oo dhan, de markaas anigu kugu ridi maayo cudurradii aan Masriyiinta ku riday midnaba; waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga ku bogsiiya.
  • Bax 32:9 : 9 Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag,
  • Sharc 1:26-33 : 26 ¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah. 27 Oo teendhooyinkiinna ayaad ku dhex gunuunacdeen, oo waxaad tidhaahdeen, Rabbigu nacaybka uu inoo qabo aawadiis ayuu dalkii Masar inooga soo bixiyey inuu ina geliyo gacanta reer Amor oo ay ina baabbi'iyaan. 28 Bal xaggee baynu u sii kacnaa? Waayo, walaalaheen ayaa qalbigeennii aad u cabsiiyey, oo waxay yidhaahdeen, Dadku waa inaga badan yahay, wayna inaga dhaadheer yihiin, oo magaalooyinkuna way waaweyn yihiin oo deyr samada ku tolan ayaa ku wareegsan, oo weliba waxaan kaloo halkaas ku soo aragnay reer Canaaq. 29 Oo markaasaan idinku idhi, Ha cabsanina, hana ka baqina. 30 Waayo, waxaa idiin dagaallami doona Rabbiga Ilaahiinna ah ee idin hor socda, si waafaqsan kulli wixii uu indhihiinna hortooda idiinku sameeyey dalkii Masar, 31 iyo cidladii oo aad ku soo aragteen sidii Rabbiga Ilaahiinna ahu, sida nin wiilkiisa u sido, uu idiinku siday jidkii aad soo marteen oo dhan ilamaa aad meeshan timaadeen. 32 Oo weliba waxyaalahaas kuma aydaan rumaysan Rabbiga Ilaahiinna ah 33 oo jidkii aad soo marteen idinku soo hor kacay si uu idiinku doondoono meel aad teendhooyinkiinna ka dhisataan, isagoo habeenkii dab ku dhex jira, maalintiina daruur, si uu idiin tuso jidka aad mari lahaydeen.
  • Sharc 5:29 : 29 Waxaan jeclaan lahaa in qalbi sidaas ahu uu iyaga ku jiro si ay iiga cabsadaan oo ay had iyo goorba u dhawraan amarradayda inay iyaga iyo carruurtooduba weligood nabdoonaadaan!
  • Sharc 9:6 : 6 Haddaba ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu dalkan wanaagsan idiin siinayn inaad hantidaan xaqnimadiinna aawadeed, waayo, waxaad tihiin dad madax adag.
  • Sharc 9:13 : 13 Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag,
  • Sharc 9:23-24 : 23 Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan. 24 Tan iyo maalintii aan idin bartay caasiyiin baad Rabbiga ku ahaydeen.
  • Sharc 9:27 : 27 Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Nex 9:17-18
    2 aayado
    87%

    17wayna diideen inay addeecaan, kamana ay fiirsan yaababkaagii aad dhexdooda ku samaysay, laakiinse luquntay adkeeyeen, oo iyagoo caasi ah ayay sirkaal doorteen inay addoonnimadoodii ku noqdaan; laakiinse adigu waxaad tahay Ilaah diyaar u ah inuu wax cafiyo, waxaanad tahay nimco miidhan, oo waxaa kaa buuxda raxmad, cadho waad u gaabisaa, naxariisna hodan baad ka tahay, oo iyagiina ma aadan dayrin.

    18Oo xataa markay samaysteen weyl dahab la shubay ah, oo ay isku yidhaahdeen, Kanu waa Ilaahaagii kaa soo bixiyey dalkii Masar; oo ay aad kaaga dhirfiyeen,

  • 86%

    14Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah.

    15Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin.

  • Nex 9:29-30
    2 aayado
    84%

    29oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan.

    30Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.

  • 23Laakiinse ma ay maqlin, oo dhegna uma ay dhigin, illowse way madax adkaadeen, si ayan u maqlin, ama ayan waano u qaadan.

  • 26Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima ay dhigin, illowse way sii madax adkaadeen, oo waxay sameeyeen wax ka sii xun wixii ay awowayaashood samayn jireen.

  • 26Habase yeeshee way dhega adkaadeen oo kaa caasiyoobeen; sharcigaagiina gadaashooday ku tuureen, oo waxay dileen nebiyadaadii iyaga ku markhaati furay oo doonayay inay mar kale kuu soo celiyaan, oo aad bay kaaga dhirfiyeen.

  • 39¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,

  • 40Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd.

  • Nex 9:34-35
    2 aayado
    78%

    34oo boqorradayadii, iyo amiirradayadii, iyo wadaaddadayadii, iyo awowayaashayadii toona ma ay dhawrin sharcigaagii, mana ay dhegaysan amarradaadii iyo markhaatifurkaagii aad ugu marag furtay.

    35Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.

  • 7Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay. Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada, Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.

  • 8Oo aanay sidii awowayaashood oo kale noqon Farcan madax adag oo caasi badan, Kaasoo ah farcan aan qalbigoodu qummanayn, Oo naftooduna aanay xagga Ilaah aamin ku ahayn.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo Rabbigu igula hadlay oo igu yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo bal eeg waa dad madax adag,

  • 26¶ Laakiinse idinku waad diiddeen inaad u kacdaan, oo waxaad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 8Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.

  • 15Oo kibis ay ku gaajo baxaan baad samada ka siisay, biyo ay ku oon baxaanna dhagax baad uga soo daysay, oo waxaad ku amartay inay galaan oo hantiyaan dalkii aad ku dhaaratay inaad siinaysid.

  • 23Oo markii Rabbigu Qaadeesh Barneeca idinka diray oo uu idinku yidhi, Taga oo hantiya dalkaan idin siiyey, waad ku caasiyowdeen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah, mana aydaan rumaysan, codkiisiina ma aydaan dhegaysan.

  • Sab 78:56-57
    2 aayado
    76%

    56Laakiin way jirrabeen oo ku caasiyoobeen Ilaaha ugu sarreeya, Oo markhaatifurkiisiina ma ay xajin,

    57Laakiinse dib bay u noqdeen, oo sidii awowayaashood ayay si aan daacad ahayn ula dhaqmeen, Oo iyagu waxay u leexdeen sidii qaanso khiyaano badan.

  • Bax 32:8-9
    2 aayado
    76%

    8oo haddiiba way ka leexdeen jidkii aan ku amray, oo waxay samaysteen weyl dahab la shubay ah, wayna caabudeen, oo allabarina way u bixiyeen, oo waxayna yidhaahdeen, Reer binu Israa'iilow, kanu waa ilaahiinnii dalka Masar idinka soo waday.

    9Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Anigu dadkan waan arkay oo waa dad madax adag,

  • 6Haddaba maxaad qalbiyadiinna ugu adkaynaysaan sidii Masriyiintii iyo Fircoon qalbiyadooda u adkeeyeen oo kale? Oo markii uu cajaa'ibka weyn dhexdooda ku sameeyey, miyaanay dadkii sii dayn inay tagaan oo miyaanay ambabbixin?

  • 6Waayo, awowayaasheen way xadgudbeen, oo waxay sameeyeen wax shar ah Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, oo isagii way ka tageen, oo wejigoodiina way ka sii jeediyeen rugtii Rabbiga, oo waxay u jeediyeen dhabarkooda.

  • Sab 78:10-11
    2 aayado
    75%

    10Axdigii Ilaah ma ay xajin, Oo waxay diideen inay sharcigiisii ku socdaan,

    11Oo waxay illoobeen falimihiisa Iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu iyaga tusay.

  • 11Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.

  • 12maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.

  • 17Oo weliba xaakinnadoodiina ma ay dhegaysan, maxaa yeelay, ilaahyo kalay raaceen sidii naag ninkeedii ka dhillowday, wayna u sujuudeen; oo haddiiba gees bay uga leexdeen jidkii ay awowayaashood mareen iyagoo addeecaya amarradii Rabbiga; laakiinse iyagu sidaas ma ay yeelin.

  • 9Muusena sidaasuu reer binu Israa'iil ula hadlay, laakiinse ma ayan maqlin Muuse, caloolxumadooda iyo addoonsiga aan looga tudhayn aawadood.

  • 10Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay.

  • 43Oo sidaasaan idinkula hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, illowse amarkii Rabbiga ayaad ku caasiyowdeen, waadna kibirteen oo buurtaad u kacdeen.

  • 24Laakiinse ima ay dhegaysan, dhegna iima dhigin, illowse waxay ku socdeen talooyinkii iyo caasinimadii qalbigooda sharka ah, oo dib bay u socdeen, horena uma dhaqaaqin.

  • 10Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay.

  • 15Haddaba Ilaahayaga ahow, oo dadkiisa gacanta xoogga leh Masar kaga soo bixiyayow, oo maanta ammaan isu soo jiidayow, waannu dembaabnay, oo wax shar ah baannu falnay.

  • 9Meeshii ay awowayaashiin igu jirrabeen, oo ay igu tijaabiyeen, Oo ay afartanka sannadood shuqulladaydii ku arkeen.

  • 16Haddaba sida jidhka loo gudo isaga jara xumaanta qalbigiinna, oo mar dambe ha sii madax adkaanina.

  • 74%

    7Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan.

    8Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto.

  • 7Oo si aad u xun ayaannu kula macaamiloonnay, oo ma aannan xajin amarradii, iyo qaynuunnadii, iyo xukummadii aad ku amartay addoonkaagii Muuse ahaa.

  • 27Bal xusuuso addoommadaadii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, oo ha fiirin dadkan madax adkaantooda ama xumaantooda amase dembigooda,

  • 9Oo aan ahayn axdigii aan awowayaashood la dhigtay oo kale Maalintii aan iyaga gacanta qabtay inaan ka kaxeeyo dalka Masar, Waayo, iyagu kuma ay sii socon axdigaygii, Aniguna farahaan ka qaaday, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 7Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.

  • 7Laakiinse reer binu Israa'iil dooni maayaan inay ku maqlaan, maxaa yeelay, dooni maayaan inay aniga i maqlaan, waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu waa dad weji adag oo qalbi qallafsan.

  • 7¶ Bal xusuusta oo ha illoobina sidaad Rabbiga Ilaahiinna ah uga xanaajiseen markaad cidladii joogteen. Oo tan iyo maalintii aad dalkii Masar ka soo baxdeen iyo ilamaa aad halkan timaadeen Rabbigaad ku caasiyoobayseen.

  • 10mana aannu addeecin codkii Rabbiga Ilaahayaga ah, iyo inaannu ku soconno sharciyadiisa ay na hor dhigeen nebiyadii ahaa addoommadiisa.

  • 13¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu sharcigaygii aan hortooda dhigay way ka tageen, oo codkaygiina ma ay addeecin, kumana ay dhex socon,

  • 12Rabbiguna waa sii qallafiyey Fircoon qalbigiisii, oo isna ma uu dhegaysan iyagii, sidii Rabbigu Muuse ku yidhi.