2 Taariikhdii 36:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 37:1 : 1 ¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
  • 2 Taar 36:7 : 7 Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.
  • 2 Taar 36:18 : 18 Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.
  • Yer 22:25 : 25 Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.
  • Yer 24:1 : 1 ¶ Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal.
  • Yer 27:18-22 : 18 Laakiinse iyagu hadday nebiyo yihiin, iyo haddii eraygii Rabbigu uu iyaga la jiro, haatan Rabbiga ciidammada ha ka baryeen in weelasha ku hadhay guriga Rabbiga, iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalem gudaheeduba ayan Baabuloon tegin. 19 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay tiirarka, iyo berkedda, iyo saldhigyada, iyo weelasha magaaladan ku hadhay, 20 oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey, 21 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba, 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.
  • Yer 29:1-2 : 1 ¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan. 2 (Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)
  • 2 Sam 11:1 : 1 ¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Daa'uud Yoo'aab diray isagoo wata addoommadiisii, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay baabbi'iyeen reer Cammoon, oo Rabbaahna way hareereeyeen, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.
  • 2 Boq 24:10-17 : 10 Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon. 11 Oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ayaa soo gaadhay magaaladii intay addoommadiisii hareera joogeen. 12 Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa. 13 Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi. 14 Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane. 15 Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey. 16 Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen. 17 ¶ Markaasaa boqorkii Baabuloon wuxuu Yehooyaakiin meeshiisii boqor uga dhigay adeerkiis Matanyaah oo magiciisiina wuxuu u beddelay Sidqiyaah.
  • 2 Boq 25:27-30 : 27 ¶ Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalkii Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii toddoba iyo labaatanaad, Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu xabsigii ka soo bixiyey Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah. 28 Oo si roon buu ula hadlay, oo wuxuu carshigiisii ka kor mariyey carshiyadii boqorradii isagii Baabuloon la joogay. 29 Oo dharkiisii xabsiga ayuu beddelay oo hortiisuu wax ku cuni jiray had iyo jeerba cimrigiisii oo dhanba. 30 Oo xagga masruufkiisana boqorka xaggiisa waxaa laga siin jiray masruuf joogta ah, oo maalin kasta qayb buu heli jiray cimrigiisii oo dhan.
  • 1 Taar 3:15-16 : 15 Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum. 16 Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah.
  • Yex 1:2 : 2 Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
  • Yex 17:12 : 12 Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.
  • Daan 1:1-2 : 1 ¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar. 2 Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.
  • Daan 5:2 : 2 Beelshaasar markuu dhadhamiyey khamrigii ayuu amray in la keeno weelashii dahabka iyo lacagta ahaa, oo aabbihiis Nebukadnesar ka soo qaaday macbudkii Yeruusaalem ku yiil, in boqorka iyo saraakiishiisa, iyo naagihiisii, iyo naagihiisii addoommaha ahaa ay wax ku cabbaan.
  • Daan 5:23 : 23 laakiinse waad iska sarraysiisay Sayidka samada; oo waxaa lagu hor keenay weelashii gurigiisa, markaasaa adiga iyo saraakiishaada, iyo naagahaaga, iyo naagahaaga addoommaha ahu aad khamri ku cabteen; oo waxaad ammaantay ilaahyada lacagta iyo dahabka ah, iyo kuwa naxaasta, iyo birta, iyo qoryaha, iyo dhagaxa ah, oo aan waxba arkin, waxna maqlin, waxna ogayn: oo Ilaaha neeftaadu gacantiisa ku jirto, oo jidadkaaga oo dhan lehna ma aadan ammaanin;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 81%

    11¶ Oo Sidqiyaahna markuu boqor noqday wuxuu jiray kow iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa kow iyo toban sannadood.

    12Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa shar ku ah, oo iskuma uu hoosaysiin Nebi Yeremyaah oo afka Rabbiga ku hadlayay hortiisa.

  • 81%

    6Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.

    7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 1¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.

  • 1¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

  • 17¶ Markaasaa boqorkii Baabuloon wuxuu Yehooyaakiin meeshiisii boqor uga dhigay adeerkiis Matanyaah oo magiciisiina wuxuu u beddelay Sidqiyaah.

  • Yer 39:5-8
    4 aayado
    78%

    5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

    6Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.

    7Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.

    8Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

  • 3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.

  • Daan 1:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

    2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

  • Yer 52:3-5
    3 aayado
    76%

    3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

    4Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.

    5Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.

  • Yer 32:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid sannaddii tobnaad ee Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo kaasu wuxuu ahaa sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Nebukadresar.

    2Markaasaa ciidankii boqorka Baabuloon Yeruusaalem hareereeyeen. Oo Nebi Yeremyaahna wuxuu ku xidhnaa barxaddii xabsigii ku dhex yiil gurigii boqorka dalka Yahuudah.

  • 2 Boq 25:1-2
    2 aayado
    76%

    1¶ Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen.

    2Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah.

  • 12Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.

  • 9Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

  • 2 Boq 25:6-8
    3 aayado
    76%

    6Oo markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah, wayna xukumeen.

    7Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.

    8¶ Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.

  • Yer 52:11-12
    2 aayado
    76%

    11Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.

    12¶ Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray.

  • 20Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 15Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.

  • 6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • 20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

  • 7Oo weliba Kuurosna wuxuu soo bixiyey weelashii guriga Rabbiga, oo Nebukadnesar uu Yeruusaalem ka soo bixiyey oo uu dhigay gurigii ilaahyadiisa.

  • 3Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,

  • 17ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.

  • 4Kolkaasaa boqorkii Masar wuxuu dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalemba boqor uga dhigay walaalkiis Elyaaqiim, oo magiciisiina wuxuu u beddelay Yehooyaaqiim. Oo walaalkiis Yoo'aaxaasna Nekoo wuxuu u kaxaystay dalkii Masar.

  • 1¶ Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.

  • 18Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.

  • 11Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

  • Yer 34:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 9¶ Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ku ahaa saddex bilood iyo toban maalmood, oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.

  • 3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Nebuusaradaan oo sirkaalkii waardiyayaasha ahaa uu Yeremyaah oo silsilado ku xidhan iyo dadka Yeruusaalem iyo kuwa dalka Yahuudah maxaabiis ahaan Baabuloon ugu kaxaynayay oo uu Yeremyaah Raamaah ku sii daayay.

  • 31¶ Oo sannaddii toddoba iyo soddonaad intii boqorkii dalka Yahuudah oo Yehooyaakiin ahaa uu xidhnaa, bishii laba iyo tobnaad, maalinteedii shan iyo labaatanaad Ewiil Merodag oo ahaa boqorkii Baabuloon sannaddii uu boqor noqday ayuu sara u qaaday Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo xabsiguu ka soo bixiyey.

  • 10Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah u yimid oo ku saabsanaa dadka Yahuudah oo dhan, waxayna ahayd Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii afraad, taasoo ahayd sannaddii kowaad oo Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • 3Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.

  • 6oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.