Yeremyaah 27:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaad iyaga ugu sii dhiibtaa boqorka dalka Edom, iyo boqorka dalka Moo'aab, iyo boqorka reer Cammoon, iyo boqorka Turos, iyo boqorka Siidoon gacanta wargeeyayaasha Yeruusaalem ugu yimid boqorka dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 17:15-21 : 15 Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa? 16 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa. 17 Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo. 18 Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa. 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa. 21 Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
  • Yex 25:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg, 3 oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen, 4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan. 5 Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay. 8 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin. 9 Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim, 10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan, 11 oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 12 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay, 13 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa. 14 Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan, 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa. 17 Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 29:18 : 18 Wiilka Aadamow, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ciidankiisuu hawl weyn oo Turos ka gees ah ka shaqaysiiyey. Madax kasta wuu bidaaroobay, oo garab kastana wuu diirmay, laakiinse isaga iyo ciidankiisii toona Turos mushahaaro uu hawshii iyada ka gees ahayd ka shaqeeyey kama ay helin.
  • Aam 1:9-2:3 : 9 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada. 10 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 11 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba. 12 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah. 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex amase afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay xudduudkooda u ballaadhsadaan aawadeed. 14 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona. 15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba. 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Moo'aab sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay gubeen lafihii boqorka reer Edom ilaa ay nuurad noqdeen. 2 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis. 3 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.
  • 2 Taar 36:13 : 13 Oo weliba wuxuu ka fallaagoobay Boqor Nebukadnesar oo isaga Ilaah ku dhaariyey, laakiinse wuu madax adkaaday oo qalbigiisana wuu qallafiyey si uusan ugu soo noqon Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
  • Yer 25:19-26 : 19 iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan, 20 iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay, 21 iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon, 22 iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya, 23 iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan, 24 iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan, 25 iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan, 26 iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
  • Yer 47:1-7 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo reer Falastiin ku saabsanaa oo Nebi Yeremyaah u yimid intaan Fircoon Gaasa wax ku dhufan ka hor. 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xagga woqooyi biyaa ka soo kici doona, oo waxay noqon doonaan webi aad u daadanaya, oo waxay qarqin doonaan dalka iyo waxa ku dhex jira oo dhan, iyo magaalada iyo waxa dhex degganba, oo markaas ayaa raggu qaylin doonaa, oo dadka dalka deggan oo dhammuna way wada ooyi doonaan. 3 Gurdanka qoobabka fardihiisa xoogga badan iyo yaacidda gaadhifardoodyadiisa, iyo xiinka giraangirihiisa aawadood ayaa aabbayaashu ayan dib u dhugan doonin carruurtooda, waayo, gacmahoodu cabsi bay la taag gabeen, 4 waana maalinta u imanaysa inay reer Falastiin wada baabbi'iso, iyo inay kaalmeeye kasta oo hadhay Turos iyo Siidoon ka baabbi'iso, waayo, Rabbigu wuxuu baabbi'in doonaa reer Falastiin iyo kuwa hadhay ee gasiiradda Kaftoor oo dhan. 5 Baroorashaa Gaasa heshay, Ashqeloonna waa lala baabbi'iyey kuwii dooxadooda ku hadhay; ilaa goormaad isgoogooynaysaa? 6 Rabbiga seeftiisay, ilaa goormaad xasilloonaan la'aanaysaa? Galkaaga gal, naso, oo xasilloonow. 7 Sidee baad u xasilli kartaa, iyadoo uu Rabbigu ku amray? Ashqeloon iyo badda xeebteedaba ayuu iyada ku amray.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 4Oo waxaad iyaga ku amartaa inay sayidyadooda ku yidhaahdaan, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaad sayidyadiinna ku tidhaahdaan,

  • Yer 29:3-4
    2 aayado
    80%

    3Oo wuxuu ugu sii dhiibay gacantii Elcaasaah ina Shaafaan, iyo Gemaryaah ina Xilqiyaah (oo uu boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa uu u diray Baabuloon iyo ilaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon,) isagoo leh,

    4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • 3Oo Boqor Sidqiyaah wuxuu Nebi Yeremyaah u soo diray Yehuukal ina Shelemyaah, iyo Sefanyaah ina wadaadka Macaseeyaah, oo wuxuu ku soo yidhi, Bal Rabbiga Ilaaheenna ah noo bari.

  • Yer 27:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,

    2Rabbigu wuxuu igu leeyahay, Waxaad samaysataa xadhko iyo harqood, oo waxaad kor saartaa qoortaada.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, markii Boqor Sidqiyaah uu isaga u soo diray Fashxuur ina Malkiiyaah, iyo Safanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ahaa, isagoo leh,

  • 6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

  • Yer 34:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Adigu waxaad warqado magacaaga ugu soo dirtay dadka Yeruusaalem jooga oo dhan, iyo Sefanyaah ina Macaseeyaah oo wadaadka ah, iyo wadaaddada oo dhanba,

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

  • 2Markaasaa Rabbigu u soo diray guutooyin reer Kaldayiin ah, iyo guutooyin reer Suuriya ah, iyo guutooyin reer Moo'aab ah, iyo guutooyin reer Cammoon ah, oo wuxuu iyaga u soo diray inay dalka Yahuudah baabbi'iyaan sidii Rabbigu uga hadlay nebiyadii addoommadiisa ahaa.

  • 18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • 12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

  • 21Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.

  • 7Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.

  • 7Oo weliba waxaad dooratay nebiyo si ay wax kugu saabsan dadka Yeruusaalem ugu wacdiyaan, iyagoo leh, Dalka Yahuudah waxaa jooga boqor. Haddaba erayadan waxaa loo sheegi doonaa boqorka. Haddaba sidaas daraaddeed kaalay, oo aan tashannee.

  • 3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.

  • 17ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.

  • 3Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,

  • 3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

  • Yer 22:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

    2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.

  • 8¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid markii Boqor Sidqiyaah uu dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan axdi la dhigtay dabadeed. Axdigaasuna waa in xorriyad loogu dhawaaqo,

  • Yer 17:19-20
    2 aayado
    72%

    19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

    20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.

  • 20Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 14Waxaa ku soo diray boqorkii iyo toddobadiisii lataliye inaad soo warsatid Yahuudah iyo Yeruusaalem, sida waafaqsan sharciga Ilaahaaga oo gacantaada ku jira,

  • 22Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,

  • 19Haddaba bal meeye nebiyadaadii wax idiin sii sheegay, oo idinku yidhi, Boqorka Baabuloon ku soo duuli maayo idinka iyo dalkanba?

  • 29¶ Oo wadaadkii Sefanyaah ahaa ayaa warqaddaas ku akhriyey Nebi Yeremyaah hortiisa.

  • Yer 25:21-22
    2 aayado
    72%

    21iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,

    22iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

  • 10Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.

  • 20Haddaba maxaabiistii aan Yeruusaalem ka diray oo aan Baabuloon u kexeeyey, bal erayga Rabbiga maqla.

  • 1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

  • 9Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

  • 22Markaasaa Boqor Yehooyaaqiim rag u diray dalkii Masar, waxayna ahaayeen Elnaataan ina Cakboor iyo rag kale oo isaga dalkii Masar u raacay.

  • 12Haddaba waxaad reerka caasiyoobay ku tidhaahdaa, War miyaydaan waxyaalahaas micnahooda garanayn? Waxaad ku tidhaahdaa, Bal eega, boqorkii Baabuloon Yeruusaalem buu yimid, oo wuxuu kaxaystay boqorkeedii iyo amiirradeediiba, oo Baabuloon buu u watay.

  • 1¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.

  • 6Markaasaa eraygii Rabbigu Nebi Yeremyaah u yimid, oo wuxuu ku yidhi,

  • Sak 6:9-10
    2 aayado
    71%

    9¶ Oo haddana waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh,

    10Kuwii maxaabiista loo kaxaystay waxaad ka soo waddaa Xelday iyo Toobiyaah iyo Yedacyaah, oo isla maalintaasba kaalay, oo waxaad gashaa guriga Yoosiyaah ina Sefanyaah oo ay joogaan kuwii Baabuloon ka yimid.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • 7Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.