Yeremyaah 21:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 37:17 : 17 ayaa waxaa isagii u soo cid diray Boqor Sidqiyaah, oo soo bixiyey. Markaasaa boqorkii si qarsoodi ah gurigiisa gudihiisa wax ugu weyddiiyey, oo wuxuu ku yidhi, Eray Rabbiga ka yimid miyuu jiraa? Kolkaasaa Yeremyaah ku yidhi, Waa jiraa. Oo wuxuu kaloo yidhi, Adigu waxaa laguu gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon.
  • 2 Boq 25:5-7 : 5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay ku gaadheen bannaannadii Yerixoo; oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen. 6 Oo markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah, wayna xukumeen. 7 Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.
  • Xab 1:6-9 : 6 Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn. 7 Iyagu waa kuwa laga cabsado oo aad looga baqo; xukunkooda iyo sharaftoodu iyagay ka soo baxaan. 8 Fardahoodu way ka sii dheereeyaan shabeelka, oo way ka sii cabsi badan yihiin yeyda fiidka, oo fardooleydooduna way iskala bixiyaan, haah, oo fardooleydooduna meel fog bay ka yimaadaan, oo waxay u soo duulaan sida gorgor u soo degdegaya inuu wax dhufsado oo cuno. 9 Dhammaantood waxay u yimaadaan inay wax xoogaan, oo damaca wejigooduna waa sida dabaysha bari, oo waxay urursadaan maxaabiis sida cammuudda u badan. 10 Cadowgu boqorro wuu quudhsadaa, oo amiirrona wuu fududaystaa, oo qalcad kastana wuu ku qoslaa, waayo, intuu ciid tuulaa ayuu iska qabsadaa.
  • Yex 7:9 : 9 Oo indhahaygu kuuma tudhi doonaan, oo innaba kuuma aan nixi doono, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa siday jidadkaagu ahaayeen, oo waxyaalahaaga karaahiyada ahuna way ku dhex oolli doonaan, oo idinkuna waad ogaan doontaan inaan anigoo Rabbiga ahu wax idinku dhufto.
  • Yex 17:20-21 : 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa. 21 Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
  • Yer 52:8-9 : 8 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen. 9 Markaasay boqorkii qabsadeen oo boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 10 Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah. 11 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo boqorkii Baabuloon wuxuu ku xidhxidhay silsilado oo wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo xabsi buu ku riday ilaa maalintii dhimashadiisa.
  • 2 Boq 25:18-21 : 18 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog; 19 oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay. 20 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon. 21 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
  • Yer 13:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.
  • Sharc 28:50 : 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin.
  • Yer 24:8-9 : 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba. 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar. 10 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
  • Yer 34:19-22 : 19 kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan, 20 waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka. 21 Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday. 22 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.
  • Yer 38:21-23 : 21 Laakiinse haddaad diiddo inaad baxdo, kanu waa eraygii Rabbigu i tusay, 22 Bal ogow, naagaha guriga boqorka dalka Yahuudah ku hadhay dhammaantood waxaa loo bixin doonaa amiirrada boqorka Baabuloon, oo naagahaasi waxay odhan doonaan, Saaxiibbadaa ayaa ku khiyaaneeyey oo way kaa adkaadeen oo haddana cagahaagii waxay ku dhex tiimbadeen dhoobada, oo iyana dib bay kaaga noqdeen. 23 Markaasay naagahaaga oo dhan iyo carruurtaadaba reer Kaldayiin u bixin doonaan, oo adiguna gacantooda sina ugama baxsan doontid, laakiinse waxaa ku qabsan doonta gacanta boqorka Baabuloon, oo magaaladanna dab baa lagu gubi doonaa.
  • Yer 39:4-7 : 4 Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah. 5 Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay. 6 Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan. 7 Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.
  • 2 Taar 36:17-20 : 17 Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey. 18 Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon. 19 Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey. 20 Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,
  • Ish 13:17-18 : 17 Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin. 18 Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan.
  • Ish 27:11 : 11 Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
  • Ish 47:6 : 6 Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
  • Yer 52:24-27 : 24 Oo sirkaalkii askartu wuxuu kaloo kaxaystay Seraayaah oo ahaa wadaadkii sare, iyo Sefanyaah oo ahaa wadaadkii labaad, iyo saddexdii iridjoog. 25 Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay. 26 Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon. 27 Markaasaa boqorkii Baabuloon iyagii ku laayay Riblaah oo ku taal dalka Xamaad. Oo sidaasaa dadkii Yahuudah dalkoodii looga kaxaystay iyagoo maxaabiis ah.
  • Yex 21:25-26 : 25 Oo amiirka reer binu Israa'iil oo nijaasta iyo sharka ah, oo wakhtigiisu hadda yimid marka la ciqaabayow, 26 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu kugu leeyahay, Duubka iska fur, oo taajka iska qaad. Xaalku sidiisii sii ahaan maayo. Kan hooseeya sarraysii, oo kan sarreeya hoosaysii.
  • Yex 8:18 : 18 Oo sidaas daraaddeed weli cadhaan ku shaqayn doonaa, indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, oo in kastoo ay dhegahaygu qaylo weyn ugu qayliyaanna innaba ma aan maqli doono.
  • Yex 9:5-6 : 5 Oo kuwii kalena wuxuu anigoo maqlaya ku yidhi, Isaga dabadiis magaalada dhex mara oo wada laaya, oo indhihiinnu yaanay u tudhin, oo innaba ha u nixina. 6 Oo waxaad wada laysaan odayaasha, iyo barbaarrada, iyo gabdhaha, iyo carruurta yaryar, iyo naagahaba, laakiinse innaba ha u dhowaanina nin alla ninkii ay calaamaddu ku taal, oo waxaad ka bilowdaan meeshayda allabariga. Markaasay waxay ka bilaabeen raggii odayaasha ahaa oo guriga hortiisa joogay.
  • Yex 9:10 : 10 Oo aniguna indhahaygu uma tudhi doonaan, oo innaba uma aan nixi doono, laakiinse jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
  • Yex 12:12-16 : 12 Oo amiirka iyaga dhex joogaana iyadoo gudcur ah ayuu garbaha wax ku qaadan doonaa, wuuna ambabbixi doonaa. Derbigay daloolin doonaan si ay halkaas alaabta ugala baxaan aawadeed, oo isna wejiguu dedan doonaa si uusan indhihiisa dhulka ugu arag. 13 Oo weliba aniguna shabaggaygaan ku kor kala bixin doonaa, oo dabinkaygaa lagu soo qaban doonaa, oo waxaan isaga keeni doonaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin, oo weliba ma uu arki doono, in kastoo uu halkaas ku dhiman doono. 14 Oo kuwa hareerihiisa u jooga inay isaga caawiyaan oo dhanna waan u kala firdhin doonaa xagga dabaylaha oo dhan iyaga iyo guutooyinkiisa oo dhanba, oo seef baan ka daba qaadan doonaa. 15 Oo iyaguna waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga quruumaha ku kala dhex eryi doono, oo aan waddammada ku kala firdhin doono. 16 Laakiinse wuxoogaa yar oo iyaga ka mid ah ayaan ka caymin doonaa seefta, iyo abaarta, iyo belaayada si ay waxyaalahooda karaahiyada ah oo dhan uga dhex sheegaan quruumaha oo dhan meel alla meeshay tagaanba, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 34:20-22
    3 aayado
    84%

    20waxaan kulligood ku wada ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo meydkooduna wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

    21Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.

    22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 6Oo wax baan ku dhufan doonaa waxa magaaladan deggan, dad iyo duunyaba, oo waxay ku le'an doonaan belaayo weyn.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • Yer 21:8-10
    3 aayado
    80%

    8Oo dadkanna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan idin hor dhigayaa jidka nolosha iyo jidka geerida.

    9Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.

    10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • Yer 34:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • Yer 27:11-13
    3 aayado
    78%

    11Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.

    12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

    13Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • Yer 29:21-22
    2 aayado
    78%

    21¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.

    22Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,

  • Yer 38:2-3
    2 aayado
    77%

    2Rabbigu wuxuu leeyahay, Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii reer Kaldayiin u baxaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisuna waxay isaga u ahaan doontaa sidii booli oo kale, wuuna noolaan doonaa.

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • Yer 21:2-3
    2 aayado
    77%

    2Waan ku baryayaaye, bal Rabbiga wax noo weyddii, waayo, Nebukadresar oo ah boqorkii Baabuloon ayaa nala diriraya. Waxaa suurtowda in Rabbigu nagula macaamiloodo shuqulladiisa yaabka badan oo dhan, si uu cadowgu nooga noqdo.

    3¶ Markaas Yeremyaah wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Sidqiyaah ku tidhaahdaan:

  • Yer 29:17-18
    2 aayado
    77%

    17Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin.

    18Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,

  • Yer 20:4-5
    2 aayado
    77%

    4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.

    5Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Fircoon Xofrac oo ah boqorka Masar waxaan gelin doonaa gacanta cadaawayaashiisa, iyo gacanta kuwa naftiisa doondoonaya sidaan boqorkii dalka Yahuudah oo Sidqiyaah ahaa u geliyey gacantii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon, kaasoo cadowgiisa ahaa oo naftiisa doondooni jiray.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • Yer 24:8-9
    2 aayado
    76%

    8Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba.

    9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.

  • Yer 32:3-5
    3 aayado
    76%

    3Waayo, Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa isaga xidhay, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad wax u sii sheegtaa, adigoo leh, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa,

    4oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah gacanta reer Kaldayiin kama uu baxsan doono, laakiinse hubaal waxaa la gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna afkiisuu kula hadli doonaa, oo indhahana way isku arki doonaan,

    5oo isna Sidqiyaah ayuu u kaxaysan doonaa Baabuloon oo halkaasuu joogi doonaa ilaa aan isaga soo booqdo, ayaa Rabbigu leeyahay; oo in kastoo aad reer Kaldayiin la dirirtaan innaba ma liibaani doontaan?

  • 7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

  • Yer 34:6-7
    2 aayado
    76%

    6Markaas Nebi Yeremyaah wuxuu erayadaas oo dhan Yeruusaalem kagala hadlay Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah,

    7markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.

  • 21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

  • 20Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa iyaga ka tuuray; kolkaasaa Sidqiyaah ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 25Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.

  • Yer 39:5-6
    2 aayado
    75%

    5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

    6Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.

  • 17Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono,

  • 2Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada.

  • 17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.

  • 7Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.

  • 3Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon.

  • 21Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 1¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

  • 10Oo boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii hortiisuu ku laayay, oo weliba amiirradii dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu ku wada laayay Riblaah.