Yeremyaah 27:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 38:17-19 : 17 Markaas Yeremyaah wuxuu Sidqiyaah ku yidhi, Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad amiirrada boqorka Baabuloon u baxdid, naftaada iyo reerkaaguba way noolaan doonaan, oo magaaladanna dab laguma gubi doono, 18 laakiinse haddaadan amiirrada boqorka Baabuloon u bixin, markaas magaaladan waxaa lagu ridi doonaa gacanta reer Kaldayiin, oo dab bay ku gubi doonaan, adiguna gacantooda kama baxsan doontid. 19 Markaas Sidqiyaah wuxuu Yeremyaah ku yidhi, Waxaan ka cabsanayaa Yuhuuddii reer Kaldayiin u gashay waaba intaasoo ay gacantooda i geliyaan oo ay iyana igu majaajiloodaan.
  • Yer 24:10 : 10 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
  • Yex 14:21 : 21 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Haddaba intee in le'eg bay ka sii darnaan doontaa markaan Yeruusaalem ku soo daayo afartayda xukun ee baas, kuwaasoo ah seef, iyo abaar, iyo dugaag baas, iyo belaayo, si aan dhexdeeda dad iyo duunyoba uga wada gooyo?
  • Yex 17:19-21 : 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa. 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa. 21 Oo kuwiisa qaxay ee guutooyinkiisa oo dhammuba seef bay ku le'an doonaan, oo inta ka hadhaana waxay u kala firdhi doonaan qalbadaha oo dhan, oo markaasaad ogaan doontaan inaan aniga Rabbiga ahu waxan ku hadlay.
  • Yer 25:28-29 : 28 Oo hadday diidaan inay koobka gacantaada ka qaataan oo ay cabbaan, markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu idinku leeyahay, Hubaal waad cabbi doontaan! 29 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.
  • Yer 40:9 : 9 Markaasaa Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan wuxuu dhaar u maray iyagii iyo raggoodiiba, oo wuxuu ku yidhi, Ha ka cabsanina inaad reer Kaldayiin u adeegtaan. Haddaba dalka iska degganaada, oo boqorka Baabuloon u adeega, oo idinna waad nabdoonaan doontaan.
  • Yer 42:10-18 : 10 Haddaad dalkan sii joogtaan, waan idin dhisi doonaa, oo idinma dumin doono, oo waan idin beeri doonaa, oo idinma rujin doono innaba, waayo, waan ka qoomamooday masiibadii aan idinku sameeyey. 11 Boqorka Baabuloon oo aad ka baqaysaan ha ka cabsanina. Rabbigu wuxuu leeyahay, Innaba isaga ha ka cabsanina, waayo, anigaa idinla jira inaan idin badbaadiyo oo aan gacantiisa idinka samatabbixiyo. 12 Waanan idiin naxariisan doonaa si uu isagu idiinku naxariisto, oo uu dalkiinnii idiinku soo celiyo. 13 Laakiinse haddaad tidhaahdaan, Annagu dalkan degganaan mayno, oo codka Rabbiga Ilaahaaga ahna addeeci mayno, 14 oo aad tidhaahdaan, Maya, laakiinse waxaannu tegaynaa dalka Masar, halkaasoo aannan dagaal arki doonin, amase aannan buunka dhawaaqiisa maqli doonin, oo aannan innaba kibis u gaajoon doonin, oo halkaasaannu degganaan doonnaa, 15 haddaba sidaas daraaddeed, kuwiinna dadka Yahuudah ka hadhayow, bal erayga Rabbiga maqla. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Haddaad wejigiinna ku qummaatisaan inaad Masar gashaan, oo aad u tagtaan inaad halkaas degtaan, 16 markaas seefta aad ka cabsanaysaan ayaa dalka Masar idinku gaadhi doonta, oo abaarta aad ka baqaysaan ayaa dalka Masar idinku heli doonta, oo halkaasaad ku dhiman doontaan. 17 Oo saasay wada noqon doonaan dadkii wejigooda ku qummaatiyaa inay Masar galaan oo ay halkaas degaan. Waxay ku dhiman doonaan seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo midkoodna kama hadhi doono, kamana baxsan doono masiibada aan korkooda ku soo dejin doono. 18 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.
  • Yer 52:3-6 : 3 Oo tanu waxay Yeruusaalem iyo dalka Yahuudah ugu dhacday cadhadii Rabbiga aawadeed ilaa uu hortiisa ka tuuray, kolkaasaa Sidqiyaahna ka fallaagoobay boqorkii Baabuloon. 4 Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa, bishii tobnaad, maalintii tobnaad ayaa Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku keceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen. 5 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah. 6 Oo maalintii sagaalaad, bishii afraad, ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 27:9-14
    6 aayado
    85%

    9Haddaba idinku innaba ha maqlina nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna, iyo riyolowyadiinna, iyo faaliyayaashiinna amase xataa saaxiriintiinna ee idinku yidhaahda, Idinku uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon,

    10waayo, been bay idiinku sii sheegaan, si ay dalkiinna idinkaga fogeeyaan, oo aan anigu dibadda idinku kexeeyo, oo aad u halligantaan aawadeed.

    11Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii qoorteeda ka hoos marisa harqoodka boqorka Baabuloon inay isaga u adeegto aawadeed, taas dalkeedaan ku dayn doonaa, oo beeraheeday sii fali doontaa, wayna sii degganaan doontaa.

    12¶ Weliba erayadan oo dhanna waan kula hadlay Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, oo waxaan ku idhi, Qoortiinna ka hoos mariya harqoodka boqorka Baabuloon, oo u adeega isaga iyo dadkiisa, oo saas ku noolaada.

    13Oo bal maxaad adiga iyo dadkaaguba seefta iyo abaarta iyo belaayada ugu dhimanaysaan, sida Rabbigu uga hadlay quruuntii aan u adeegin boqorka Baabuloon?

    14Innaba ha maqlina nebiyada idinka hadla ee leh, Uma aad adeegi doontaan boqorka Baabuloon, waayo, iyagu been bay idiin sii sheegaan.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.

  • 7Oo waxaa Rabbigu leeyahay, Dabadeed Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo addoommadiisa, iyo dadka oo ah intii magaaladan ku hadhay oo belaayada, iyo seefta, iyo abaartaba ka caymatay, waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo isna seef buu ku layn doonaa, oo innaba uma tudhi doono, umana nixi doono, umana naxariisan doono.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • Yer 27:6-7
    2 aayado
    80%

    6Oo haatan dalalkan oo dhan waxaan siiyey addoonkayga Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey inay u adeegaan.

    7Oo quruumaha oo dhammuna way u wada adeegi doonaan isaga, iyo wiilkiisa, iyo wiilka wiilkiisa, ilaa wakhtiga dalkiisu yimaado, oo dabadeedna quruumo badan iyo boqorro waaweyn ayaa isaga addoonsan doona.

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • 26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • Yer 25:11-14
    4 aayado
    79%

    11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.

    12Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.

    13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.

    14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

  • 18Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

  • Yer 29:17-18
    2 aayado
    78%

    17Rabbiga ciidammadu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan korkooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, oo waxaan iyaga ka dhigi doonaa sida midho berde oo qudhmay oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin.

    18Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,

  • Yer 28:2-4
    3 aayado
    77%

    2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.

    3Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.

    4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

  • 1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

  • 17Iyaga ha maqlina. Boqorka Baabuloon u adeega, oo saas ku noolaada, waayo, bal maxay magaaladani cidla u noqonaysaa?

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 17Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.

  • 1¶ Oo wakhtigiisii ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ku soo kacay, markaasaa Yehooyaaqiim isagii addoon u noqday intii saddex sannadood ah, dabadeedna wuu ka jeestay, oo ka fallaagoobay.

  • 12Waayo, quruuntii iyo boqortooyadii aan kuu adeeginuba way halligmi doonaan, hubaal quruumahaas waa la wada baabbi'in doonaa.

  • Yer 21:9-10
    2 aayado
    76%

    9Kii magaaladan sii joogaaba wuxuu ku dhiman doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, laakiinse kii baxa oo reer Kaldayiinka idin hareeraynaya u galaa wuu noolaan doonaa, oo naftiisu waxay isaga u ahaan doontaa sida booli oo kale.

    10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyaga waxaa loo qaadan doonaa Baabuloon, oo halkaasay oolli doonaan ilaa maalinta aan soo booqan doono, oo dabadeedna waan soo qaadi doonaa oo meeshan baan ku soo celin doonaa.

  • 10Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.

  • 8¶ Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ayaan harqoodkiisa qoortaada ka jebin doonaa, oo hadhkaha kugu xidhanna waan jari doonaa, oo shisheeyayaalna mar dambe isaga ma addoonsan doonaan,

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 44Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida xaqiiqada ah magaaladan waxaa loo gacangelin doonaa ciidanka boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Axaab ina Qoolaayaah iyo Sidqiyaah ina Macaseeyaah oo magacayga been idiinku sii sheega, bal ogaada iyaga waxaan gelin doonaa gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna indhihiinna hortooda ayuu iyaga ku dili doonaa.

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, waxaan cabsi kaaga dhigi doonaa nafsaddaada iyo saaxiibbadaa oo dhanba. Iyana waxay ku dhiman doonaan seefta cadaawayaashooda, oo indhahaaguna taas bay arki doonaan. Oo dadka dalka Yahuudah oo dhanna waxaan gelin doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna wuxuu iyaga maxaabiis ahaan ugu kaxaysan doonaa ilaa Baabuloon, oo seef buu ku layn doonaa.

  • 22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

  • 25Oo waxaan kuu gelin doonaa gacanta kuwa naftaada doondoonaya, iyo gacanta kuwa aad ka baqaysid, oo ah Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ah, iyo reer Kaldayiin.

  • 29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 10Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.

  • 21Oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisaba waxaan ku ridi doonaa gacanta cadaawayaashooda, iyo gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta ciidanka boqorka Baabuloon oo haatan idinka noqday.

  • 7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

  • 29Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?

  • 1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.

  • 24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.

  • 16Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.