Yeremyaah 50:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 10:12 : 12 ¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
  • Ish 37:36-38 : 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd. 37 Markaasaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur intuu tegey Nineweh ku noqday oo degay. 38 Oo markuu wax ku caabudayay gurigii ilaahiis Nisrog ayay wiilashiisii oo ahaa Adrammeleg iyo Shareser isagii seef ku dileen, markaasay u carareen dalkii Araarad. Oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Eesar Xaddoon.
  • Yex 31:3-9 : 3 Bal eeg, kii reer Ashuur wuxuu u ekaa geed kedar ah oo Lubnaan ku dhex yaal, oo wuxuu lahaa laamo qurxoon iyo hoos weyn, oo wuu sarajoog dheeraa, oo dhaladiisuna waxay gaadhay tan iyo daruuraha. 4 Biyaha ayaa bixiyey, oo moolka ayaa koriyey, waayo, webiyada ayaa hareeraha kaga qulqulay meeshii lagu beeray, oo faraqyo yaryar ayay gaadhsiiyeen dhirta duurka ku taal oo dhan. 5 Sidaas daraaddeed sarajooggiisu wuu ka wada sarreeyey dhirta duurka ku taal oo dhan, oo laamihiisuna way tiro badnaayeen, waayo, markuu soo bixiyey laamihiisu waxay la sii dheeraadeen biyaha badan aawadood. 6 Haadka samada oo dhammu buulashooda ayay laamihiisa ka dhex samaysteen, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay gabnahooda ku hoos dhaleen, oo quruumaha waaweyn oo dhammuna hooskiisay degganaayeen. 7 Oo sidaasuu weynaantiisa iyo laamihiisa dheerdheer ugu qurxoonaa, waayo, xididkiisu biyo badan buu u dhowaa. 8 Geedaha kedarka ah ee beerta Ilaah ku dhex yaal ma ay qarin karin isaga, oo geedaha berooshkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha armoonkuna laamihiisa oo kale ma ay lahayn, oo geedaha beerta Ilaah ku dhex yaal midkoodna quruxdiisa oo kale ma uu lahayn. 9 Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan. 10 ¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Isagaa sarajoog dheeraa, oo dhaladiisiina wuxuu gaadhsiiyey tan iyo daruuraha, oo qalbigiisuna wuxuu la kibray dhererkiisa aawadiis, 11 sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay. 12 Shisheeyayaashii ahaa kuwii quruumaha ugu nac weynaa ayaa isaga baabbi'iyey oo ka tegey. Buuraha korkooda iyo dooxooyinka dhexdooda oo dhanba waxaa daadsan laamihiisii, oo laamihiisii waxay ku ag jajaban yihiin webiyaasha dalka oo dhan; oo dadyowgii dunida oo dhammuna hooskiisay ka wada dareereen oo isagay ka tageen. 13 Haadka samada oo dhammu waxay ku hoyan doonaan burburkiisa, oo dugaagga duurka oo dhammuna laamihiisay dul saarnaan doonaan. 14 Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca. 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintii uu She'ool galay waxaan ka dhigay in loo baroorto. Oo moolkii baan aawadiis u daboolay, oo webiyaashiisiina waan celiyey, oo biyihii badnaana waa la joojiyey, oo dadka Lubnaanna waxaan ka dhigay inay isaga u baroortaan, oo dhirtii duurka oo dhammuna isaga aawadiis bay u taag darnaadeen. 16 Oo markaan isaga She'ool kula dhex tuuray kuwa yamayska ku dhaadhaca waxaan ka dhigay inay quruumuhu sanqadha dhiciddiisa la wada gariiraan, oo geedaha Ceeden ku yaal oo dhan, oo ah kuwa la doortay oo dhirta Lubnaan ugu wada fiican, kuwaasoo ah inta biyaha cabta oo dhanba, dhulka meelaha ugu hooseeya ayaa loogu wada tacsiyeeyey. 17 Oo iyagiina She'ool bay kula dhaadheceen isagii, oo waxay u wada tageen kuwii seefta lagu laayay. Iyagu gacantiisay ahaayeen oo hooskiisay quruumaha dhexdooda ku degganaan jireen.
  • Nax 1:1-3 : 1 ¶ Kanu waa warka culus oo Nineweh ku saabsan. Oo waa kitaabkii waxa Naxuum kii reer Elkosh la tusay. 2 ¶ Rabbigu waa Ilaah masayr ah oo waa aarsadaa, Rabbigu waa aarsadaa oo waa cadho miidhan. Rabbigu cadaawayaashiisa waa ka aargutaa, oo cadowgiisana cadho buu u kaydiyaa. 3 Rabbigu cadho wuu u gaabiya, waana xoog badan yahay, oo kii gardaran sinaba eedlaawe ugu haysan maayo. Rabbigu wuxuu jid ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, oo daruuruhuna waa boodhkii cagihiisa.
  • Saf 2:13-15 : 13 ¶ Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan. 14 Oo waxaa dhexdeeda jiifsan doona xoolo iyo xayawaanka quruumaha oo dhan, oo cantalyaaga iyo caanaqubtuba waxay ku dhex hoyan doonaan tiirarkeeda. Cod baa ka gabyi doona daaqadaheeda, oo waxaa marinnada joogi doona abaar, waayo, isagu wuu soo bandhigay shuqulkii qoriga kedarka ah laga qabtay. 15 Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yer 50:16-17
    2 aayado
    80%

    16Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii.

    17Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Quruuntii iyo boqortooyadii aan u adeegin Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon, oo diida inay qoortooda ka hoos mariyaan harqoodka boqorka Baabuloon, quruuntaas waxaan ku ciqaabi doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, ilaa aan iyaga gacantiisa ku baabbi'iyo.

  • 19Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa.

  • Ish 10:11-12
    2 aayado
    77%

    11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?

    12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.

  • Yer 25:11-14
    4 aayado
    76%

    11Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.

    12Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.

    13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.

    14Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

  • 24Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Baabuloon iyo dalka Kalday dadka deggan oo dhanba waxaan ka abaalmarin doonaa sharkii ay Siyoon iyo adiga hortaadaba ku sameeyeen.

  • 49Baabuloon sidii ay u daadisay kuwii reer binu Israa'iil laga laayay, sidaas oo kale ayaa Baabuloon waxaa ugu dhex daadan doona kuwa dhulka laga laayay oo dhan.

  • 44Oo Beelna waxaan ku ciqaabi doonaa Baabuloon dhexdeeda, oo waxaan afkiisa ka soo bixin doonaa wixii uu liqay, oo quruumuhuna innaba mar dambe isaga uma ay soo qulquli doonaan, hubaal, derbiga Baabuloon wuu dumi doonaa.

  • Yer 46:25-26
    2 aayado
    74%

    25Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba.

    26Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 13Waayo, kuwa dalka Masar deggan seef iyo abaar iyo belaayo ayaan ugu ciqaabi doonaa sidaan Yeruusaalem u ciqaabay oo kale.

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • Yer 50:28-29
    2 aayado
    74%

    28Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa.

    29Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

  • 20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.

  • 9Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 47Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyada xardhan ee Baabuloon, oo dalkeeda oo dhammuna wuu ceeboobi doonaa, oo kuweeda la laayay oo dhammuna iyaday ku dhex dhici doonaan.

  • 22Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan.

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 52Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas daraaddeed waxaa iman doona wakhti aan xukun ku soo dejin doono sanamyadeeda xardhan, oo dalkeeda oo dhanna dadka dhaawaca ah baa ka dhex taahi doona.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,

  • 3Haddaba Rabbigu wuu dejiyey, oo wuxuu u sameeyey siduu ku hadlay, maxaa yeelay, Rabbigaad ku dembaabteen, oo codkiisiina ma aydaan addeecin, oo sidaas daraaddeed ayaa waxanu idiinku dheceen.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan kula jiraa inaan ku badbaadsho, waayo, waan wada baabbi'in doonaa quruumihii aan kugu dhex firdhiyey oo dhan, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.

  • 28¶ Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu magaaladan waxaan gelin doonaa gacanta reer Kaldayiin, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isna wuu qabsan doonaa.

  • 36Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, anigu dacwadaada waan kuu qaadi doonaa, waanan kuu aari doonaa, oo baddeeda waan engejin doonaa, oo isheedana waan qallajin doonaa.

  • 6Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Quruumahan oo dhan waxaan qoortooda kor saaray harqood bir ah, si ay ugu adeegaan boqorka Baabuloon oo ah Nebukadnesar, oo iyana way u adeegi doonaan, oo weliba xayawaanka duurkana isagaan siiyey.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 29Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

  • 10Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan.

  • 1¶ Kanu waa eraygii ku saabsanaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin ee uu Rabbigu Nebi Yeremyaah faray.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.

  • 18Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.

  • 13Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa.

  • 33¶ Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada.

  • 19Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan dalka Masar siin doonaa Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo isaguna wuxuu qaadan doonaa barwaaqadeeda, oo maalkeedana wuu boobi doonaa, oo xoolaheedana booli ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo mushahaaro bay ciidankiisa u noqon doonaan.

  • 14Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Sidii waagii ay awowayaashiin iiga xanaajiyeen oo aan ugu fikiray inaan iyaga wax xun ku sameeyo, oo aanan taas uga soo noqon,

  • 33¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan.

  • 10Oo waxaad iyaga ku tidhaadaa, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan soo kaxayn doonaa addoonkayga Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo carshigiisaan ka dul qotomin doonaa dhagaxantan aan qariyey, oo isna wuxuu ku dul fidin doonaa taambuuggiisa boqornimo.

  • 11Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa kugu soo degi doonta seeftii boqorka Baabuloon.

  • 10¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan ka dhigi doonaa in dadka badan ee Masar ay gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ku dhammaadaan.

  • 4Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.