Ishacyaah 10:6
Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
Isagaan u diri doonaa inuu quruun cibaadalaawayaal ah ku kaco, oo waxaan ku amri doonaa amar ka gees ah dadka aan u cadhooday, inuu maalkooda dhaco, oo uu maxaabiis kexeeyo, oo uu iyaga ugu tunto sida dhoobada jidadka dhex taal.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
4Waxay ku dhex foororsan doonaan maxaabiista, oo waxay ku dhex dhici doonaan kuwa la layn doono. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.
5¶ Hoog waxaa leh ka reer Ashuur oo ah ushii cadhadayda iyo hangoolka dhirifkaygu gacanta ugu jiro.
25taasoo ah inaan kan reer Ashuur dalkayga ku jebin doono, buurahayga korkoodana isaga ku tuman doono, markaasaa harqoodkiisu iyaga ka fogaan doonaa, culayskiisuna garbahooda ka degi doonaa.
26Kanu waa qasdigii loola qasdiyey dhulka oo dhan, oo tanuna waa gacantii lagu kor fidiyey quruumaha oo dhan.
11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?
12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.
13Waayo, isagu wuxuu yidhi, Tan waxaan ku sameeyey xoogga gacantayda iyo xigmaddayda, maxaa yeelay, miyir baan leeyahay, oo waxaan durkiyey dadyowga soohdintooda, khasnadahoodiina waan dhacay, oo sidii nin geesi ah oo kale ayaan kuwii carshiyada ku fadhiyey u soo dejiyey.
6¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro.
7Habase ahaatee isagu saas kuma talo jiro, oo qalbigiisuna saas kuma fikiro, laakiinse waxaa qalbigiisa ku jira inuu baabbi'iyo oo jaro quruumo aan yarayn.
24¶ Haddaba sidaa daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkayga Siyoon degganow, kan reer Ashuur ha ka baqin. Ushiisuu kugu dhufan doonaa, oo hangoolkiisuu kuu qaadan doonaa sida Masriyiintu sameeyeen oo kale,
25laakiin, weli wakhti yar baa hadhay, dabadeedna dhirifkaygu wuu idlaan doonaa, oo cadhadayduna way ku dhammaan doontaa baabba'ooda.
26Oo Rabbiga ciidammaduna wuxuu iyaga ku ciqaabi doonaa karbaash u gala sida layntii reer Midyaan oo ka dhacday dhagixii weynaa ee Xoreeb agtiisa, oo sida ushiisu u kor ahayd badda ayuu kor ugu qaadi doonaa sidii Masar loogu qaaday oo kale.
7Bal ogow, jinni baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in isaga seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.
6Waayo, bal eega, waxaan soo kicinayaa reer Kaldayiin oo ah quruuntaas qadhaadh oo degdegga badan oo dhulka ballaadhkiisa mara inay hantiyaan meelo la dego oo ayan iyagu lahayn.
7Bal ogow, ruux baan gelin doonaa, oo belef buu maqli doonaa, markaasuu ku noqon doonaa dalkiisii, oo waxaan ka dhigi doonaa in seef lagu dilo, isagoo dalkiisii jooga.
15Oo quruumihii aan i dhegaysan waxaan kaga aargoosan doonaa xanaaq iyo cadho.
8Oo markaas kan reer Ashuur wuxuu ku le'an doonaa seef aan binu-aadmi ka iman, oo seefta aan xagga dadka ka iman ayaa dili doonta, oo seeftuu ka carari doonaa, oo barbaarradiisuna addoommo bay noqon doonaan.
13¶ Oo isagu gacantiisuu u fidin doonaa xagga woqooyi, oo dalka Ashuur wuu wada baabbi'in doonaa, oo Ninewehna cidla buu ka dhigi doonaa iyo lamadegaan engegan.
6Oo dadyowgaan cadhadayda kula tuntay, xanaaqaygana waan ku sakhraamiyey, oo dhiiggoodana dhulkaan ku soo daadiyey.
11sidaas daraaddeed isagaan u gacangeliyey kan quruumaha ugu wada xoog badan. Hubaal isagu wuu abaalmarin doonaa. Aniga ayaa sharkiisii aawadiis u eryay.
18Rabbiyow, sida runta ah boqorrada Ashuur waxay baabbi'iyeen quruumihii oo dhan iyo dalalkoodiiba,
10Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
18Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale.
9Oo markaan halligaaddii aad quruumaha ku dhex halligantay u keeno waddammada aadan aqoonin ayaan dadyow badan qalbigood dhibi doonaa.
20Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
6Waxaan u cadhooday dadkaygii, oo dhaxalkaygii nijaas baan ka dhigay, oo adigaan gacanta kuu geliyey. Innaba iyagii uma aadan naxariisan, oo dadka gaboobay ayaad harqoodkaagii wax culus kaga dhigtay.
6Oo seef baa waxay ku dhici doontaa magaalooyinkooda, oo waxay baabbi'in doontaa qataarradooda, oo way wada dhammayn doontaa iyaga, waana taladooda daraaddeed.
14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.
15Sidaasay quruumaha hareerahaaga ku wareegsan ugu noqon doontaa cay, iyo ceeb, iyo wax lagu waana qaato, iyo wax lagu yaabo, markaan dhexdaada xukummo ugu sameeyo xanaaq iyo cadho iyo canaan kulul. Aniga Rabbiga ah ayaa sidaas ku hadlay.
11Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa.
6Oo wasakh baan korkaaga ku tuuri doonaa, oo ceeb baan ku saari doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa wax lagu dhaygago.
24Sidaas daraaddeed waxaan u keeni doonaa kuwa ugu liita ee quruumaha, oo iyana guryahooda way hantiyi doonaan, oo weliba waxaan joojin doonaa kuwa xoogga badan kibirkooda, oo meelahooda quduuska ahna waa la wada nijaasayn doonaa.
9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?
17Adiga, iyo dadkaaga iyo reerka aabbahaaba waxaa Rabbigu ku soo dejin doonaa wakhti aan idiin iman tan iyo waa reer Efrayim ay dalka Yahuudah ka tageen, oo kaasuna waa kii boqorka Ashuur.
2Ergooyin ayuu badda ku diraa, oo xataa doonniyo caw ah ayuu biyaha korkooda ku diraa oo yidhaahdaa, Wargeeyayaasha dheereeyow, waxaad u tagtaan quruun dheer oo sulubsan, oo ah dad tan iyo bilowgoodii aad looga cabsado, oo ah quruun xoog badan oo wax ku tumata, oo dalkeeda webiyadu kala qaybiyaan!
8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.
4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.
31Waayo, kan reer Ashuur oo wax ushiisa ku dhufan jiray waxaa burburin doona codka Rabbiga,
46Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Guuto baan iyaga ku soo kicin doonaa, oo cabsi iyo dhac baan u gacangelin doonaa.
14Oo waxaan ka dhigi doonaa inaad cadaawayaashaada ula gudubtid dal aadan innaba aqoonin, waayo, waxaa xanaaqaygii ka ololay dab idin gubi doona.
10Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn.
10Markaan damco ayaan iyaga edbin doonaa, oo dadyowga ayaa isugu soo wada ururi doona iyaga, markii loo xidho labadoodii xadgudub aawadood.
15Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, bal ogaada, quruun baan meel fog idinkaga keeni doonaa, oo taasu waa quruun xoog badan, oo waa quruun tan iyo waa hore jirtay, oo waa quruun aydaan afkeeda aqoon, oo aydaan innaba garanayn wax alla waxay yidhaahdaanba.
28Oo neeftiisuna waa sida durdur wax qarqinaya, oo xataa tan iyo qoorta gaadhaya, inuu quruumaha ku kala shaandheeyo shaandho halaag ah, oo dadka afkiisana waxaa ku jiri doona xakame qalda.
16Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
6Ina keena aynu dalka Yahuudah ku kacnee oo dhibnee, aynuna jabsanno, oo dhexdiisa boqor fadhiisinno, kaasoo ah ina Taabeel,
7Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,
11Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
15¶ Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.