2 Boqorradii 22:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 23:15 : 15 Oo siday waxyaalihii wanaagsanaa idiinku soo wada degeen, kuwaasoo ahaa kuwii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinkula hadlay, ayaa Rabbigu idiinku soo dejin doonaa waxyaalaha sharka ah oo dhan, ilaa uu idinka baabbi'iyo dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.
  • Daan 9:11-14 : 11 Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay. 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale. 13 Sida ku qoran sharciga Muuse, xumaantan oo dhammu annagay nagu dhacday, welise Rabbiga Ilaahayaga ah raallinimo kama aannu baryin, si aannu uga soo jeesanno dembiyadayada, oo aannu runtaada uga fikirno. 14 Haddaba sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaanta u fiiriyey, oo uu noogu soo dejiyey, waayo, Ilaaha Rabbigayaga ahu wax alla wuxuu sameeyo oo dhan waa ku xaq, oo annana ma aannu addeecin codkiisii.
  • 2 Boq 20:17 : 17 Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
  • 2 Boq 21:12-13 : 12 oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo. 13 Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.
  • 2 Boq 25:1-4 : 1 ¶ Oo sannaddii sagaalaad oo boqornimadiisa bishii tobnaad maalinteedii tobnaad ayaa Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii Yeruusaalem ku kaceen, oo intay hor degeen ayay qalcado hareereheeda ka dhisteen. 2 Oo sidaasay magaaladii u hareeraysnayd tan iyo sannaddii kow iyo tobnaad oo Boqor Sidqiyaah. 3 Oo maalintii sagaalaad oo bishii afraad ayaa abaartii magaaladii aad iyo aad ugu xumaatay, oo sidaas daraaddeed dadkii dalka degganaa cunto ma haysan. 4 Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)
  • 2 Taar 34:24-25 : 24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan, 25 maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.
  • Laaw 26:15-46 : 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna. 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan. 21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin. 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna. 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa. 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono. 32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan. 34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa. 35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen. 36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan. 37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan. 38 Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa. 39 Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan. 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda, 42 ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa. 43 Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday. 44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah. 45 Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 46 ¶ Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.
  • Sharc 28:15-68 : 15 ¶ Laakiinse haddaydnan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan oo aad wada yeeshaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa aan maanta idinku amrayo, markaas inkaarahan oo dhammu way idinku soo degi doonaan oo idin soo gaadhi doonaan. 16 Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka. 17 Waxaa inkaarnaan doona dambiishiinna iyo weelkiinna aad wax ku cajiintaan. 18 Oo waxaa inkaarnaan doona midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna, iyo dhasha lo'diinna iyo tan idihiinna. 19 Oo waad inkaarnaan doontaan markaad gudaha soo gashaan, oo waad inkaarnaan doontaan markaad dibadda u baxdaan. 20 Rabbigu wuxuu idinku soo dejin doonaa inkaar iyo dhibaato, oo wuu idinku canaanan doonaa wax alla wixii aad gacanta ku qabataan oo dhan jeeraad baabba'daan oo aad haddiiba halligantaan, waana sharka falimihiinna, oo aad iiga tagteen aawadiis. 21 Oo Rabbigu wuxuu idinku dhejin doonaa balaayada, jeeruu idinka baabbi'iyo dalka aad u gelaysaan inaad hantidaan. 22 Rabbiguna wuxuu idinku dhufan doonaa taagdarro, iyo qandho, iyo gubasho, iyo kulayl daran, iyo seef, iyo beera-engeeg, iyo caariyaysi, oo iyana way idin eryan doonaan ilaa aad halligantaan. 23 Oo samada idinka korraysaa waxay noqon doontaa naxaas, oo dhulka idinka hooseeyaana wuxuu noqon doonaa bir. 24 Oo Rabbigu roobka dalkiinna wuxuu ka dhigi doonaa budo iyo boodh, oo waxaasu samaday idinkaga soo degi doonaan ilaa aad baabba'daan. 25 Oo Rabbigu wuxuu ka dhigi doonaa in laydinku laayo cadaawayaashiinna hortooda, oo iyaga jid qudha baad kaga iman doontaan, oo hortooda ayaad toddoba jid ku kala carari doontaan, oo boqortooyooyinka dunida oo dhammu waad ku dhex rogrogmi doontaan hore iyo dib. 26 Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono. 27 Oo Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa boogtii Masar, iyo kasoobaxyo, iyo cadho, iyo xajiin aydaan ka bogsan karin. 28 Oo weliba Rabbigu wuxuu idinku ridi doonaa waalli iyo indhabbeel iyo naxdin. 29 Oo hadhkii baad u haabhaaban doontaan sida indhooluhu gudcurka u haabhaabto, oo jidadkiinna kuma liibaani doontaan, laakiinse had iyo goorba waa laydin dulmi doonaa oo waa laydin dhici doonaa, oo mid idin badbaadiyana lama arki doono. 30 Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid. 31 Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono. 32 Wiilashiinna iyo gabdhihiinna waxaa la siin doonaa dad kale, oo indhihiinnuna way eegi doonaan, oo maalinta oo dhan waxaad la taag darnaan doontaan xiiso aad iyaga u qabtaan, oo gacantiinnuna xoog ma yeelan doonto innaba. 33 Oo midhaha dhulkiinna iyo hawshiinna oo dhan waxaa cuni doona quruun aydaan aqoon, oo weligiin waxaad ahaan doontaan dad la dulmo oo la burburiyo, 34 oo taas daraaddeed waxaad la waalan doontaan waxa indhihiinnu arki doonaan. 35 Oo Rabbigu lowyaha iyo lugaha tan iyo tin iyo cedhib wuxuu idinka gelin doonaa boogo aydaan ka bogsan karin. 36 Oo Rabbigu wuxuu idinka iyo boqorkiinna aad boqran doontaanba u geeyn doonaa quruun idinka iyo awowayaashiinba aydaan aqoon, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah. 37 Oo dadyowga Rabbigu idiin geeyn doono oo dhan dhexdooda waxaad ku ahaan doontaan yaab iyo maahmaah iyo halqabsi. 38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax. 39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri. 40 Oo soohdimihiinna oo dhan dhexdooda waxaa idiinku oolli doona geedo saytuun ah, laakiinse saliid kuma subkan doontaan, waayo, saytuunkiinna midhuhu way ka daadan doonaan. 41 Waxaad dhali doontaan wiilal iyo gabdho, laakiinse iyagu kuwiinna ma ahaan doonaan, maxaa yeelay, maxaabiis ahaan bay idiinka tegi doonaan. 42 Dhirtiinna oo dhan iyo midhaha dhulkiinnaba waxaa lahaan doona ayax. 43 Oo qariibka dhexdiinna ku jira ayaa idinka sare mari doona, oo idinkuna hoos baad u sii degi doontaan. 44 Oo isagu wax buu idin deymin doonaa, idinkuse wax ma deymin doontaan, madaxa buu noqon doonaa, idinkuse dabada baad noqon doontaan. 45 Inkaarahan oo dhammu idinkay idinku soo degi doonaan, wayna idin eryan doonaan oo idin soo gaadhi doonaan ilaa aad baabba'daan, maxaa yeelay, ma aydaan dhegaysan codka Rabbiga Ilaahiinna ah, inaad xajisaan amarradiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray. 46 Oo waxay calaamad iyo yaab ku dul ahaan doonaan idinka iyo farcankiinnaba weligiin, 47 maxaa yeelay, idinku Rabbiga Ilaahiinna ah wax kasta oo uu idinku badiyey aawadood uguguma aydaan adeegin faraxsanaan iyo qalbi reyreeya. 48 Haddaba sidaas daraaddeed cadaawayaashiinna Rabbigu idiin soo diri doono ayaad ugu adeegi doontaan gaajo iyo harraad iyo qaawanaan, idinkoo wax kasta u baahan, oo wuxuu qoorta idinka saari doonaa harqood bir ah, ilaa uu idin baabbi'iyo. 49 Rabbigu wuxuu meel fog oo dhulka darafkiisa ah idinkaga keeni doonaa quruun sida gorgorka u duulaysa oo aydaan afkeeda garanayn, 50 oo ah quruun weji cabsi badan, oo aan dadka waayeelka ah maamuusin, aan dhallaankana u nixin. 51 Oo dadkaasu wuxuu cuni doonaa midhaha xoolihiinna iyo midhaha dhulkiinna, ilaa aad baabba'daan, oo weliba idiinkama tegi doono hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo dhasha lo'diinna, iyo tan idihiinna, ilaa uu idin halligo. 52 Oo meel kasta oo dhulkiinna ah ayuu dhammaan irdihiinna idinku hareerayn doonaa ilaa derbiyadiinna deyrka dheer ee aad isku hallayseen ay soo wada dhacaan, oo wuxuu idinku hareerayn doonaa irdihiinna oo dhan ee dhulka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey oo dhan. 53 Oo waxaad cuni doontaan midhaha jidhkiinna, kaasoo ah hilibka wiilashiinna iyo gabdhihiinna Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey, waana markaad gashaan hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu idinku cidhiidhin doonaan. 54 Ninka idinku dhex jira oo idiinku jilicsan, oo qabow ku noolaan jiray, wuxuu il shar ah ku dayi doonaa walaalkiis, iyo naagtiisa laabta kaga jiifta, iyo kuwa carruurtiisa ka hadhay, 55 si uusan midkoodna wax uga siin hilibka carruurtiisa oo uu cuni doono, maxaa yeelay, isaga waxba uma hadhi doonaan intii uu ku jiro hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 56 Oo naagta jilicsan, oo idinku dhex jirta oo qabow ku noolaan jirtay oo aan u quudhin inay cagteeda cad dhulka dhigto nolosheedii qaboobayd oo jilicsanayd aawadeed, waxay il shar ah ku dayi doontaa ninkeeda laabta kaga jiifa, iyo wiilkeeda iyo gabadheeda. 57 Wayna ka qarsan doontaa mandheerta ka soo dhex baxdo labadeeda lugood, iyo carruurteeda ay dhasho, waayo, qarsoodi bay iyaga u cuni doontaa iyadoo wax kasta u baahan, intay ku jirto hareeraynta iyo cidhiidhiga ay cadaawayaashiinnu irdihiinna oo dhan idinkaga cidhiidhin doonaan. 58 Haddeydnan dhawrin oo wada yeelin erayada sharcigan ee kitaabkan ku qoran oo dhan inaad ka cabsataan magacan ammaanta badan oo cabsida badan oo ah RABBIGA ILAAHIINNA AH, 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen. 63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
  • Sharc 29:18-23 : 18 waaba intaasoo uu dhexdiinna ku jiraa nin, ama naag, ama reer, ama qabiil, qalbigiisu maanta uga sii jeestay Rabbiga Ilaaheenna ah inuu u adeego quruumahaas ilaahyadooda, oo waaba intaasoo uu idinku dhex jiraa xidid dhalaa xammeeti iyo dacar, 19 oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo. 20 Rabbigu ninkaas saamixi maayo, laakiinse Rabbiga cadhadiisa iyo masayrkiisa ayaa ninkaas ku kululaan doona, oo inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhammuna isagay saarnaan doontaa, oo Rabbiguna magiciisa wuu ka tirtiri doonaa inta samada ka hoosaysa oo dhan. 21 Oo Rabbigu wuxuu isaga qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan uga dhex sooci doonaa inuu belaayo ugu dejiyo siday yihiin dhammaan inkaaraha axdiga ee ku qoran kitaabkan sharciga. 22 Oo qarniga soo socda oo ah carruurtiinna dabadiin kici doonta, iyo shisheeyaha dal fog ka iman doonaaba markay arkaan dalkaas belaayadiisa iyo cudurrada Rabbigu ku riday, 23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,
  • Sharc 29:27 : 27 oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.
  • Sharc 30:17-18 : 17 Laakiinse haddii qalbigiinnu sii jeesto, oo aad dhegaysan weydaan, laakiinse laydiin jiito inaad ilaahyo kale caabuddaan oo u adeegtaan, 18 waxaan maanta idiin caddaynayaa inaad hubaal halligmaysaan, oo cimrigiinnu ku dheeraan maayo dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad gashaan oo aad hantidaan.
  • Sharc 31:16-18 : 16 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Bal eeg, waad dhiman doontaa oo awowayaashaa la seexan doontaa, oo dadkanuna way kici doonaan oo sida naagi ninkeeda ka dhillowday ayay u raaci doonaan ilaahyada qalaad ee dalka, kuwaasoo ay dhex joogayaan, oo aniga way iga tegi doonaan oo axdigaygii aan iyaga la dhigtayna way jebin doonaan. 17 Oo kolkaasaa cadhadaydu ku kululaan doontaa iyaga, waanan ka tegi doonaa, oo wejigaygana waan ka qarin doonaa, oo iyaga waa la baabbi'in doonaa, oo waxaa ku soo degi doona masiibo iyo dhibaatooyin badan, oo waxay maalintaas odhan doonaan, Ilaaheenna aan ina dhex joogin aawadiis sow masiibadanu inooguma soo degin? 18 Oo anna hubaal maalintaas wejigayga ayaan ka qarin doonaa sharka badan oo ay sameeyeen aawadiis, maxaa yeelay, iyagu waxay u jeesteen ilaahyo kale.
  • Sharc 32:15-26 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa. 16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad, Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah. 17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn, Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay, Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin. 18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid, Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay. 19 Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay, Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey. 20 Oo wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka qarin doonaa, Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto. Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan Iyo carruur aan iimaan lahayn. 21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah. 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta. 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan. 26 Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa, Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
  • Yash 23:13 : 13 markaas xaqiiq ahaan u ogaada inuusan Rabbiga Ilaahiinna ahu mar dambe quruumahaas hortiinna ka eryayn, laakiinse waxay idinku noqon doonaan siriq iyo dabin, oo markaasay dhinacyada idinka karbaashi doonaan, oo indhahana qodxan idinkaga mudi doonaan, ilaa aad ka baabba'daan dalkan wanaagsan oo Rabbiga Ilaahiinna ahu idin siiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    24Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,

    25maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.

    26Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay erayadii aad maqashay:

  • 3adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 80%

    17maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kululaanaysaa meeshan, mana qaboobi doonto.

    18Laakiinse boqorkii dalka Yahuudah oo idiin soo diray inaad Rabbiga wax soo weyddiisaan waxaad ku tidhaahdaan, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay waxa ku saabsan erayadii aad maqashay:

  • Yer 21:10-11
    2 aayado
    80%

    10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

    11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.

  • Yer 22:1-2
    2 aayado
    79%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

    2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,

  • 12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

  • Yer 1:14-16
    3 aayado
    79%

    14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

    16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 19Dhulkow, bal maqal, oo bal ogow, dadkan masiibaan ku soo dejin doonaa taasoo ah waxay fikirradoodii keeneen, waayo, erayadaydii ma ayan dhegaysan, sharcigaygiina way diideen.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 2Sirkaalkii waardiyayaashu Yeremyaah ayuu soo kexeeyey, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa masiibadan meeshan kaga hadlay.

  • 10Oo markaad dadkan u sheegtid erayadan oo dhan oo ay kugu yidhaahdaan, Bal maxaa Rabbigu noogaga hadlay masiibadan weyn? Amase waa maxay xumaantayadu? Amase waa maxay dembigii aannu Rabbiga Ilaahayaga ah ku samaynay?

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 13War taga oo aniga iyo dadka iyo reer Yahuudah oo dhan Rabbiga inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkan la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo uu inoo cadhooday way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay dhegaysan erayada kitaabkan inay yeelaan kulli waxyaalaha inagu saabsan ee ku qoran.

  • 31Oo isaga iyo farcankiisa iyo addoommadiisaba xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo iyaga, iyo dadka Yeruusaalem deggan, iyo dadka dalka Yahuudahba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, laakiinse way maqli waayeen.

  • 32waana sharkii dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah ay igaga cadhaysiiyeen oo dhan, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooda, iyo dadka Yahuudah, iyo kuwa Yeruusaalem deggan.

  • 29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 36¶ Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay magaaladan aad tidhaahdeen, Waxay boqorka Baabuloon ugu gacangeli doontaa seef iyo abaar iyo belaayo,

  • 27oo sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu ugu xanaaqay dalkan, inuu ku soo dejiyo kulli inkaarta kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 20Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Bal erayga Rabbiga maqla, boqorrada dalka Yahuudah, iyo dadka Yahuudah oo dhan, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo irdahan ka soo gala oo dhammow.

  • Yer 22:5-6
    2 aayado
    77%

    5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

    6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 6markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.

  • 1¶ Oo haddana mar kale Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,

  • 21War taga, oo aniga iyo kuwa dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ku hadhayba Rabbiga wax inoo soo weyddiiya waxa ku saabsan erayada kitaabkii la helay, waayo, cadhada Rabbiga oo inagu soo degtay way weyn tahay, maxaa yeelay, awowayaasheen ma ay xajin inay wada yeelaan waxa kitaabkan ku qoran oo dhan.

  • 11Haddaba sidaas daraaddeed tag, oo waxaad la hadashaa dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu masiibaan idiin qabanqaabinayaa, oo hindisaan idiin hindisayaa. Haddaba midkiin kastaaba jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo jidadkiinna iyo falimihiinnaba wanaajiya.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,

  • 29Oo boqorka dalka Yahuudah oo Yehooyaaqiim ahna waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad gubtay kitaabkii duudduubnaa, adigoo leh, Maxaad gudihiisa waxyaalahan ugu qortay, oo aad u tidhi, Sida xaqiiqada ah boqorka Baabuloon wuu iman doonaa oo dalkanna wuu baabbi'in doonaa, halkanna dad iyo duunyoba wuu ka gooyn doonaa?

  • 29Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa calaamad idiin noqon doonta inaan meeshan idinku ciqaabi doona, si aad ku ogaataan in erayadaydu ay xaqiiqa ahaan idiinku rumoobi doonaan inaan masiibo idinku dejin doono.

  • 12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu xaakinka waan ka baabbi'in doonaa dalka Moo'aab dhexdiisa, oo amiirradiisa oo dhanna waan la layn doonaa.

  • 2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Erayadii aan kugula hadlay oo dhan kitaab ku qor.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.