Yeremyaah 26:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 24:9 : 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.
  • 2 Boq 22:19 : 19 Qalbigaagu wuu jilicsanaa oo Rabbiga hortiisa ayaad isku hoosaysiisay markaad maqashay wixii aan kaga hadlay meeshan iyo dadka degganba, iyo inay iyagu noqon doonaan cidla iyo inkaar, oo waad igu hor ooyday, dharkaagiina waad jeexjeexday, oo sidaas daraaddeed waan ku maqlay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Ish 65:15 : 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.
  • Yer 25:18 : 18 Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,
  • Yer 29:22 : 22 Oo maxaabiista dadka Yahuudah oo Baabuloon joogta oo dhammu way habaartami doonaan iyagoo leh, Rabbigu ha kaa dhigo sidii Sidqiyaah iyo sidii Axaab ee uu boqorka Baabuloon dabka ku dubay oo kale,
  • Yer 42:18 : 18 Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.
  • Yer 44:8-9 : 8 Waxaad igaga cadhaysiisaan shuqullada gacmihiinna idinkoo ilaahyo kale foox ugu shidaya dalka Masar oo aad u tagteen inaad degtaan, si laydiin wada baabbi'iyo oo aad quruumaha dunida oo dhan ugu dhex ahaataan inkaar iyo cay. 9 War miyaad illowdeen xumaantii awowayaashiin, iyo xumaantii boqorradii dalka Yahuudah, iyo xumaantii naagahooda, iyo xumaantiinnii, iyo xumaantii naagihiinna, oo ay dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba ku dhex sameeyeen? 10 Iyagu ilaa maantadan isma ay hoosaysiin, oo kama ay cabsan, kumana ay socon sharcigaygii iyo qaynuunnadaydii aan iyaga iyo awowayaashoodba hor dhigay. 11 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo. 12 Oo waxaan qaadan doonaa kuwa dadka Yahuudah ka hadhay ee wejigooda ku qummaatiyey inay dalka Masar galaan oo ay halkaas degaan, oo kulligoodna way wada baabbi'i doonaan, oo waxay ku le'an doonaan dalka Masar. Waxaa baabba' ka dhigi doona seef iyo abaar, wayna wada dhiman doonaan, oo kan ugu yar ilaa kan ugu weyn waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo waxay wada noqon doonaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar iyo cay.
  • Yer 44:22 : 22 Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.
  • Daan 9:11 : 11 Haah, reer binu Israa'iil oo dhammu sharcigaagii way ku xadgudbeen, oo xataa way ka baydheen, si aanay u addeecin codkaaga, sidaas daraaddeed ayaa cadhada lanoogu riday, iyo weliba dhaarta ku qoran sharciga Muuse, oo ahaa addoonkii Ilaah; waayo, waannu kugu dembaabnay.
  • Mal 4:6 : 6 Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.
  • Yer 7:12-14 : 12 Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed. 13 Oo haatan Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku waxaad samayseen shuqulladan oo dhan, oo anna goor wanaagsan waan idinla hadlay, laakiinse ima aydaan maqlin, waanan idiin dhawaaqay, laakiinse iima aydaan jawaabin, 14 sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.
  • Sab 78:60-64 : 60 Sidaas daraaddeed taambuuggii Shiiloh wuu dayriyey, Kaasoo ah teendhadii uu dadka dhex dhigay, 61 Oo xooggiisii wuxuu u gacangeliyey maxaabiisnimo, Ammaantiisiina wuxuu ku riday cadowga gacantiisii. 62 Dadkiisiina wuxuu u gacangeliyey seef, Oo wuxuu u cadhooday dhaxalkiisii. 63 Raggoodii dhallinyarada ahaa dab baa laastay, Gabdhahoodiina buraanbur aroos looma tirin. 64 Wadaaddadoodii waxay ku dhinteen seef, Carmalladoodiina uma ay barooran.
  • Ish 43:28 : 28 Haddaba sidaas daraaddeed waxaan amiirradii meesha quduuska ah ka dhigi doonaa wax nijaas ah, reer Yacquubna habaar baan u dayn doonaa, oo dadka Israa'iilna cay baan u dayn doonaa.
  • Yash 18:1 : 1 ¶ Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
  • 1 Sam 4:10-12 : 10 Markaasay reer Falastiin dirireen, reer binu Israa'iilna waa la jebiyey, oo midkood waliba wuxuu ku cararay teendhadiisii. Oo maalintaas waxaa la laayay dad aad u badan; waayo, reer binu Israa'iil waxaa ka le'day soddon kun oo nin oo lug ah. 11 Oo sanduuqii Ilaahna waa la qaatay; oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaasna waa la dilay. 12 ¶ Oo ciidankii waxaa ka orday nin reer Benyaamiin ah, oo isla maalintiiba wuxuu yimid Shiiloh isagoo dharkiisu jeexjeexan yahay, oo madaxana ciid ku leh.
  • 1 Sam 4:19-22 : 19 Oo gabadhii uu soddogga u ahaa ee Fiinexaas qabay, uur bay lahayd oo fool bay ku dhowayd; oo markay maqashay warkii ahaa in sanduuqii Ilaah la qaatay, oo ay soddoggeed iyo ninkeediiba dhinteen ayay foororsatay oo umushay; waayo, haddiiba fool baa qabatay. 20 Oo markay sakaraadaysay ayay naagihii agteeda taagnaa ku yidhaahdeen, Ha baqin, waayo, waxaad dhashay wiil. Laakiinse uma ay jawaabin, oo danna kama gelin. 21 Oo iyana waxay wiilkii u bixisay Iikabood, oo tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay, oo weliba soddoggeed iyo ninkeediiba way dhinteen. 22 Oo waxay tidhi, Reer binu Israa'iil ammaantii way ka tagtay; maxaa yeelay, sanduuqii Ilaah waa la qaatay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    20de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.

    21Oo gurigan aad u dheerna ku alla kii soo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

  • 9Bal maxaad magaca Rabbiga wax ugu sii sheegtay adigoo leh, Guriganu wuxuu noqon doonaa sidii Shiiloh oo kale, oo magaaladanuna waxay noqon doontaa cidla oo aan ciduna degganayn? Oo dadkii oo dhammuna Yeremyaah ayay gurigii Rabbiga ugu soo wada urureen.

  • 14sidaas daraaddeed gurigan laygu magacaabay, oo aad isku hallaynaysaan, iyo meeshii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba ayaan ku samayn doonaa wixii aan Shiiloh ku sameeyey oo kale.

  • 24Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli habaarrada ku qoran kitaabkii boqorka Yahuudah hortiisa lagu akhriyey oo dhan,

  • 18Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,

  • 1 Boq 9:7-8
    2 aayado
    77%

    7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

    8Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

  • 12Markaas Yeremyaah wuxuu la hadlay amiirradii oo dhan iyo dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Rabbiga ayaa ii soo diray inaan gurigan iyo magaaladanba ka sii sheego erayadii aad maqasheen oo dhan.

  • Yer 19:11-12
    2 aayado
    77%

    11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

    12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,

  • Yer 22:5-6
    2 aayado
    77%

    5Laakiinse haddaad erayadan maqli weydaan, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nafsaddaydaan ku dhaartaye guriganu cidluu noqon doonaa.

    6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.

  • Yer 19:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

    8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 7Oo wadaaddadii iyo nebiyadii iyo dadkii oo dhammuba waxay maqleen Yeremyaah oo erayadan gurigii Rabbiga kagaga dhex hadlaya,

  • 9Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar.

  • 27Markaasaa Rabbigu yidhi, Anigu dadkii Yahuudahna hortayda waan ka fogaynayaa, sidaan dadkii Israa'iilba u fogeeyey oo kale, oo waan duminayaa magaaladan aan doortay oo ah Yeruusaalem, iyo gurigii aan idhi, Magacaygu halkaas ha yaallo.

  • 11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.

  • 75%

    31Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.

    32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

  • 6¶ Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 62oo markaas waxaad tidhaahdaa, Rabbiyow, adigu waxaad ka hadashay meeshan inaad baabbi'inaysid, si aan waxba gudaheeda ugu hadhin dad iyo duunyo toona, laakiinse ay weligeedba cidla ahaan doonto.

  • 12Laakiinse haatan bal taga meeshaydii Shiiloh ku oolli jirtay, oo aan markii ugu horraysay magacayga dejiyey, oo bal soo arka wixii aan ugu sameeyey xumaantii dadkayga reer binu Israa'iil aawadeed.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,

  • 13Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 31Waayo, magaaladanu waxay ii ahayd wax iga dhirfiya oo iga cadhaysiiya tan iyo maalintii ay dhiseen iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, oo sidaas daraaddeed ayaan wejigayga uga hor fogayn doonaa,

  • 18Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sidii xanaaqaygii iyo cadhadaydii ay kuwii Yeruusaalem degganaa ugu dheceen oo kale ayaa cadhadaydu idiinku dhici doonta markaad dalka Masar gashaan, oo weliba waxaad wada noqon doontaan wax aad loo karho, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, iyo cay, oo meeshanna mar dambe ma aad arki doontaan innaba.

  • 18Oo waxaan iyaga ku eryan doonaa seef iyo abaar iyo belaayo, oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hor iyo dib, oo ay inkaar iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo cay ku dhex noqdaan quruumaha aan u kexeeyey oo dhan,

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 2Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddii aydaan dhegaysan, oo aydaan qalbigiinna gelin si aad magacayga u ammaantaan aawadeed, markaas waxaan idinku soo dejin doonaa inkaartii, oo barakooyinkiinnana waan inkaari doonaa, oo mar horaan inkaaray, maxaa yeelay, qalbigiinna ma aad gelisaan.

  • 8Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 13Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

  • 4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

  • 30¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Yahuudah wax hortayda shar ku ah ayay sameeyeen. Si ay gurigii laygu magacaabay u nijaaseeyaan ayay karaahiyadoodii dhex qotomiyeen.

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

  • 29Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan bilaabayaa inaan masiibo ku soo dejiyo magaaladii laygu magacaabay, haddaba miyaan idinkana laydin wada ciqaabayn? Idinku ciqaabla'aan ku sii joogi maysaan, waayo, waxaan u yeedhayaa seef inay ku dhacdo dadka dhulka deggan oo dhan.

  • 11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.