Yeremyaah 13:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 26:19 : 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale.
  • Ish 2:10-17 : 10 ¶ Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo. 11 ¶ Binu-aadmiga indhihiisa kibray waa la hoosaysiin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana hoos baa loo soo dejin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa. 12 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu maalin u haystaa ku kasta oo kibra oo madax weynaada, iyo ku kasta oo kor isu qaada, waana la hoosaysiin doonaa, 13 iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan, 14 iyo buuraha dhaadheer oo dhan, iyo kuraha sare u jooga oo dhan, 15 iyo munaarad kasta oo dheer, iyo derbi kasta oo deyr leh, 16 iyo doonniyaha Tarshiish oo dhan, iyo taswiiro la jecel yahay oo dhan. 17 Oo kibirka binu-aadmiga hoos baa loo soo dejin doonaa, oo dadka madaxweynaantiisana waa la hoosaysiin doonaa, oo Rabbiga keliya ayaa maalintaas la sarraysiin doonaa.
  • Saf 3:11 : 11 ¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
  • Ish 23:9 : 9 Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.
  • Yer 13:15-17 : 15 ¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay. 16 Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah. 17 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale.
  • Yer 18:4-6 : 4 Oo markii weelkii uu dheryasameeyuhu dhoobada ka samaynayay gacantiisii ku kharribmay ayuu dheryasameeyihii haddana weel kale sameeyey sidii isaga la wanaagsanayd. 5 ¶ Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 6 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iilow, miyaanan idinku samayn karin sida dheryasameeyuhu yeelay oo kale? Dadka Israa'iilow, bal ogaada, idinku waxaad gacantayda ugu jirtaan sida dhoobadu gacanta dheryasameeyaha ugu jirto oo kale.
  • Yer 48:29 : 29 Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba.
  • Bar 5:5-8 : 5 Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin. 6 Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno. 7 Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay. 8 Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
  • Yex 16:50 : 50 Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey.
  • Yex 16:56 : 56 Waayo, walaashaa Sodom afkaagu kama hadlin waagii aad kibirsanayd,
  • Nax 2:2 : 2 Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.
  • Luuk 18:14 : 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Yac 4:6 : 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • 1 But 5:5 : 5 Sidaasoo kalena dhallinyaraday, odayaasha ka dambeeya, oo kulligiinba is-hoosaysiiya, in midkiinba midka kale u adeego, maxaa yeelay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiinse kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Ish 16:6 : 6 ¶ Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa madaxweynaantiisa, iyo kibirkiisa, iyo cadhadiisa, faankiisuna waa wax aan waxba tarayn.
  • Ayuub 40:10-12 : 10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad. 11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi, Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji. 12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii, Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
  • Maah 16:18 : 18 Kibirku wuxuu hor socdaa baabba', Oo madaxweynaanuna waxay hor socotaa dhicid.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

  • 8Waayo, Yeruusaalem waa duntay, oo dadka Yahuudahna waa dheceen, maxaa yeelay, hadalkooda iyo falimahooduba waxay col ku yihiin Rabbiga, oo indhihiisa ammaanta leh ayay ka cadhaysiiyaan.

  • 15Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaan magaaladan iyo tuulooyinkeeda oo dhanba ku soo dayn doonaa masiibadii aan markii hore kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, way sii madax adkaadeen, si ayan erayadayda u maqlin aawadeed.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 10Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.

  • 11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • Yer 13:10-11
    2 aayado
    76%

    10Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale.

    11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.

  • 9Oo waxaa garan doona dadka oo dhan, xataa reer Efrayim iyo kuwa Samaariya deggan oo kibirka iyo islaweynaanta qalbiga ku hadla, iyagoo leh,

  • Yer 1:15-16
    2 aayado
    76%

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

    16Oo anna waxaan kala hadli doonaa xukummadayda ku saabsan xumaantooda oo dhan, waayo, way iga tageen oo ilaahyo kale ayay foox u shideen, wayna u sujuudeen shuqulladii ay gacmahoodu sameeyeen.

  • 9Rabbiga ciidammada ayaa waxaas u qasdiyey inuu jebiyo kibirka faanka oo dhan, iyo inuu ka dhigo in kuwa dhulka sharafta ku leh oo dhan la quudhsado.

  • 15Oo sidaasaan cadhadayda ugu dhammayn doonaa derbigii iyo kuwii dhoobada aan nuuradda lahayn ku malaasayba, oo waxaan idinku odhan doonaa, Imminka derbigii iyo kuwii malaasayba ma jiraan.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • Ish 10:11-12
    2 aayado
    76%

    11iyo sidii aan Samaariya iyo sanamyadeedii ku sameeyey oo kale, miyaanan Yeruusaalem iyo sanamyadeedaba ku samayn doonin?

    12¶ Sidaas daraaddeed markii Sayidku shuqulkiisa oo dhan ku dhammaystiro Buur Siyoon iyo Yeruusaalem, wuxuu odhan doonaa, Boqorka Ashuur ayaan u ciqaabi doonaa midhaha qalbigiisa isla weyn iyo faanka indhihiisa kibrayba.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • Yer 19:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

    8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 75%

    12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

    13Oo Yeruusaalem korkeeda waxaan ku soo fidin doonaa xadhiggii Samaariya iyo xadhiggii miisaanka lahaa ee gurigii Axaab; oo Yeruusaalem waxaan u tirtiri doonaa siduu nin saxan u tirtiro oo kale, isagoo tirtira oo gembiya.

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah?

  • 9¶ Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 31Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa.

  • 1 Boq 9:7-8
    2 aayado
    75%

    7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

    8Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?

  • 4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

  • 9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.

  • 19¶ Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad istaagtaa iridda dadka oo ay boqorrada dalka Yahuudah ka soo galaan kana baxaan, iyo weliba irdaha Yeruusaalem oo dhanba.

  • 2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

  • 27Markaasaa Rabbigu yidhi, Anigu dadkii Yahuudahna hortayda waan ka fogaynayaa, sidaan dadkii Israa'iilba u fogeeyey oo kale, oo waan duminayaa magaaladan aan doortay oo ah Yeruusaalem, iyo gurigii aan idhi, Magacaygu halkaas ha yaallo.

  • 9Oo magaaladanu waxay igu noqon doontaa magac farxadeed, oo ammaan iyo sharaf ku hor leh quruumaha dunida oo maqli doona wanaagga aan iyaga u sameeyo oo dhan hortooda, oo iyagu waxay la cabsan doonaan oo la wada gariiri doonaan wanaagga iyo nabadda aan u yeelo oo dhan.

  • 9Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 6markaas gurigan waxaan ka dhigi doonaa sida Shiiloh oo kale, oo magaaladanna quruumaha dunida oo dhan ayaan habaar uga dhigi doonaa.

  • 18Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,

  • 17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

  • 8Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.

  • 9Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa maalintaas noqon doona in boqorka qalbigiisa iyo amiirrada qalbigooduba ay kharribmaan, oo wadaaddaduna way yaabi doonaan, oo nebiyaduna way fajici doonaan.

  • 11Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.

  • 8Yeruusaalem aad iyo aad bay u dembaabtay, oo sidaas daraaddeed sida wax wasakh ah ayaa loo xooray. Intii sharfi jirtay oo dhammu way quudhsadaan, maxaa yeelay, waxay arkeen cawradeedii. Hubaal way taahdaa, wayna sii jeesataa.

  • 2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.