Yeremyaah 12:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 2:8 : 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.
  • Saf 2:8-9 : 8 ¶ Anigu waan maqlay caydii reer Moo'aab iyo canaantii reer Cammoon oo ay dadkayga ku caayeen, iyo inay iska sii weyneeyeen soohdintooda. 9 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta. 10 Kibirkoodii aawadiis ayay waxan u heli doonaan, maxaa yeelay, waxay caayeen oo iska weynaysiiyeen dadkii Rabbiga ciidammada.
  • Sab 106:47 : 47 Rabbiyow Ilaahayagow, na badbaadi, Oo quruumaha naga soo dhex ururi, Si aannu magacaaga quduuska ah ugu mahadnaqno, Oo aannu ammaantaada ugu guulaysanno.
  • Ish 11:11-16 : 11 ¶ Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba. 12 Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah. 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan. 14 Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan. 15 Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan. 16 Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
  • Yer 2:3 : 3 Reer binu Israa'iil wuxuu Rabbiga u ahaa quduus, iyo midhihii ugu horreeyey ee beergooyskiisii, oo kuwii isaga cunay oo dhammu eed bay lahaayeen, oo masiibo baa iyaga ku soo degtay, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 3:18 : 18 Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.
  • Sharc 30:3 : 3 markaasaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka celin doonaa maxaabiisnimadiinna, wuuna idiin naxariisan doonaa, oo mar kaluu idinka soo ururin doonaa quruumihii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhexdooda idinku kala firdhiyey oo dhan.
  • Yer 49:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay?
  • Yex 25:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga reer Cammoon u sii jeedi oo iyaga wax ka sii sheeg, 3 oo waxaad reer Cammoon ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ah eraygiisa maqla, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaad Ahaa ku tidhaahdeen meeshayda quduuska ah markii la nijaaseeyey, iyo markuu dalka reer binu Israa'iil cidlada noqday, iyo markay dadka Yahuudah maxaabiisnimo u bexeen, 4 sidaas daraaddeed bal ogow, hanti ahaan ayaan dadka bari kuu siin doonaa, oo iyana xerooyinkooda bay kaa dhex samaysan doonaan, oo hooygoodana dhexdaaday ka samaysan doonaan. Midhahaaga way cuni doonaan, caanahaagana way dhami doonaan. 5 Oo Rabbaahna waxaan ka dhigi doonaa gole geel, meesha reer Cammoonna waxaan ka dhigi doonaa xeryo adhi, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay. 6 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waad sacbisay, waanad rablaysay, oo qalbigaagaad ku rayraysay adigoo aad iyo aad dalka reer binu Israa'iil u quudhsanaya, 7 oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay. 8 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Moo'aab iyo Seciir waxay leeyihiin, Dadka dalka Yahuudah quruumaha oo dhan bay la mid yihiin. 9 Sidaas daraaddeed bal ogaada, anigu dalka Moo'aab dhinac baan ka faruuri doonaa xagga magaalooyinkiisa, waana magaalooyinka soohdintiisa ku yaal, kuwaas oo ah dalka ammaantiisa, oo ah Beytyeshimood, iyo Bacal Mecoon, iyo Qiryatayim, 10 oo waxaan u sii dayn doonaa dadka reer bari inay reer Cammoon ku kacaan, oo hanti ahaan baan iyaga u siin doonaa si aan reer Cammoon mar dambe quruumaha dhexdooda loogu soo xusuusan, 11 oo anigu xukun baan reer Moo'aab ku soo dejin doonaa, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay. 12 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Edom aarsasho buu dadka Yahuudah kula macaamilooday, oo si weyn ayuu u xumeeyey, oo iyaga wuu ka aar goostay, 13 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa. 14 Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay. 15 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Reer Falastiin aarsashay kula macaamiloodeen oo iyagoo qalbiga ka quudhsanaya ayay ka aarsadeen si ay cadownimo weligeed ah ugu baabbi'iyaan, 16 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, gacantaydaan reer Falastiin ku dul fidin doonaa, oo reer Kereetiimna waan gooyn doonaa, oo kuwa badda xeebteeda ku hadhayna waan baabbi'in doonaa. 17 Oo waxaan dushooda ku soo dejin doonaa aarsasho weyn anigoo xanaaq weyn ku canaananaya, oo markaan aarsashadayda dul saaro waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 28:25 : 25 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan reer binu Israa'iil ka soo ururiyo dadyowga ay ku kala dhex firidhsan yihiin, oo aan dhexdooda quduus ku noqdo iyadoo ay quruumuhu indhaha ku hayaan, ayay dalkoodii aan addoonkaygii Yacquub siiyey dhex degganaan doonaan.
  • Yex 34:12-13 : 12 Sida adhijir adhigiisa u doondoono maalintii uu dhex joogo idihiisa kala firidhsan, sidaas oo kalaan idahayga u doondooni doonaa, oo waxaan ka soo samatabbixin doonaa meelihii ay maalintii cadarka iyo gudcurka ahayd ku kala firdheen oo dhan. 13 Oo iyagaan dadyowga ka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadaan ka soo wada ururin doonaa, oo dalkoodaan keeni doonaa, oo waxaan daajin doonaa buuraha reer binu Israa'iil, iyo webiyaasha dhinacooda, iyo dalka meelihiisa la deggan yahay, oo dhan.
  • Yex 35:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh, 2 Wiilka Aadamow, wejigaaga Buur Seciir u jeedi, oo iyada wax ka sii sheeg, 3 oo waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Buur Seciiray, bal eeg, col baan kugu ahaye, oo gacantaydaan kugu fidin doonaa, waxaanan kaa dhigi doonaa cidla iyo yaab. 4 Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay. 5 Weligaa had iyo goorba nacayb baad reer binu Israa'iil u qabtay, oo waagii masiibadoodii iyo waagii ay xumaantu dhammaatay ayaad reer binu Israa'iil xooggii seefta u gacangelisay, 6 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu dhiig baan kuu diyaarin doonaa, oo dhiig baa ku eryan doona. Dhiig baad nebcaan weyday oo sidaas aawadeed dhiig uun baa ku eryan doona. 7 Sidaasaan Buur Seciir cidla iyo yaab uga dhigi doonaa, oo waxaan ka baabbi'in doonaa kii dhex mara iyo kii ku soo noqdaba. 8 Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay. 9 Weligaaba cidlaan kaa dhigi doonaa, oo magaalooyinkaagana lama degganaan doono, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay. 10 In kastoo uu Rabbigu halkaas joogay waxaad tidhi, Labadan quruumood iyo labadan waddanba anigaa iska lahaan doona, oo waannu hantiyi doonnaa, 11 sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Anigu waxaan wax kuugu samayn doonaa sidii xanaaqaagu ahaa iyo siduu ahaa masayrkii nacaybkaaga ka yimid oo aad iyaga u muujisay, oo markaan ku xukumo ayaan dhexdooda isku garansiin doonaa. 12 Oo waxaad ogaan doontaa inaan anigoo Rabbiga ah maqlay caydaadii aad buuraha reer binu Israa'iil ku cayday oo dhan, adoo lahaa, Iyaga cidlaa laga dhigay, oo annagaa lanoo siiyey inaan baabbi'inno. 13 Afkaagaad ku faantay oo isaga kay weynaysay, oo erayadaadiina waad igu badisay, oo anigu kulligood waan wada maqlay. 14 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa. 15 Sidaad dhaxalka reer binu Israa'iil ugu rayraysay markuu cidlada noqday sidaas oo kalaan kaa dhigi doonaa. Buur Seciiray, cidla baad noqon doontaa, dhammaantiin adiga iyo reer Edom oo dhammuba, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 36:24 : 24 Waayo, quruumahaan idinka soo dhex bixin doonaa, oo waddammadana waan idinka soo ururin doonaa, oo waxaan idin geeyn doonaa dalkiinnii.
  • Yex 37:21 : 21 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, reer binu Israa'iil waan ka soo dhex bixin doonaa quruumaha ay tageen, oo intaan dhinac kasta ka soo ururiyo ayaan dalkoodii keeni doonaa.
  • Yex 39:27-28 : 27 markaan dadyowga ka soo dhex kexeeyo, oo aan dalalka cadaawayaashooda ka soo ururiyo, oo dhexdooda quduus laygaga dhigo iyadoo ay quruumo badanu indhaha ku hayaan. 28 Kolkaasay ogaan doonaan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo ka dhigay in iyaga maxaabiis ahaan quruumaha dhexdooda loogu kaxaysto, oo aan haddana dalkoodii ku soo dhex ururiyey, oo aanan innaba mar dambe midkoodna halkaas ku soo dayn doonin.
  • Hos 1:11 : 11 Oo dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iilba waa laysu soo wada ururin doonaa, oo waxay dooran doonaan mid madax iyaga u ah, oo dalkana way ka bixi doonaan, waayo, maalinta Yesreceel maalin weyn bay ahaan doontaa.
  • Aam 1:2-9 : 2 ¶ Oo isagu wuxuu yidhi, Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa, kolkaasay daaqsiimaha adhijirradu barooran doonaan, oo Buur Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa. 3 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Dimishaq sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay reer Gilecaad kula tunteen alaab bir ah oo hadhuudh lagula tunto. 4 Laakiinse dab baan u soo diri doonaa guriga Xasaa'eel, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Benhadad. 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Qataarkii albaabka Dimishaq waan jebin doonaa, oo waxaan dooxada Aawen ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ceeden ka gooyn doonaa, oo dadka Suuriyana maxaabiis ahaan baa loogu kaxaysan doona Qiir. 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Gaasa sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay maxaabiis ahaan u kaxaysteen si ay ugu gacangeliyaan reer Edom. 7 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Gaasa, oo wuxuu laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 8 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan Ashdood ka wada baabbi'in doonaa dadka deggan, oo weliba kan haysta usha boqornimada ayaan reer Ashqeloon ka gooyn doonaa, oo waxaan gacantayda ku soo jeedin doonaa reer Ceqroon, oo kuwa reer Falastiin ka hadhayna way wada baabbi'i doonaan. 9 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Turos sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu dadkii oo dhan ayay u gacangeliyeen reer Edom, oo soo mana ay xusuusan axdigii walaalnimada. 10 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Turos, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn. 11 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba. 12 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah. 13 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex amase afar xadgudub oo ay reer Cammoon sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu waxay dooxeen naagihii uurka lahaa oo reer Gilecaad si ay xudduudkooda u ballaadhsadaan aawadeed. 14 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona. 15 Rabbigu wuxuu leeyahay, Boqorkooda maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa isaga iyo amiirradiisaba.
  • Aam 9:14-15 : 14 Oo anigu waxaan soo celin doonaa maxaabiistii dadkayga Israa'iil, oo iyana way dhisi doonaan magaalooyinkii baabba'ay, wayna degi doonaan, oo beercanabyo way beeran doonaan, khamrigoodana way cabbi doonaan, oo weliba waxay samaysan doonaan beero, oo midhahooda way cuni doonaan. 15 Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.
  • Coba 1:10-16 : 10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan. 11 Waayo, wakhtigii aad ag taagnaydeen oo iska fiirinayseen, markay shisheeyayaashu maalkooda qaadanayeen, oo dadka qalaad irdihooda soo gelayeen, oo ay Yeruusaalem saamiga u ridanayeen, xataa idinku iyagoo kalaad ahaydeen. 12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga. 13 Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin. 14 Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina. 15 Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay oo way ku dhici doontaa quruumaha oo dhan, oo sidaad samayseen ayaa idinkana laydiinku samayn doonaa, oo abaalgudkiinnii ayaa madaxiinna ku soo noqon doonaa. 16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
  • Yer 50:9-9 : 9 Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan. 11 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale, 12 kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan. 13 Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa. 14 Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay. 15 Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya. 16 Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii. 17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday.
  • Yer 51:33-35 : 33 ¶ Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Dadka Baabuloon waa sidii meel hadhuudh lagu tumo, oo haatan waa wakhtigii la tumi lahaa, in yar dabadeedna waxaa u iman doona wakhtigii beergoosashada. 34 Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa i baabbi'iyey, wuu i burbursaday, oo weel madhan buu iga dhigay, wuuna i liqay sidii bahal weyn oo kale, oo wuxuu calooshiisa ka buuxsaday cuntadaydii macaanayd, oo dibadduu ii xooray. 35 Kan Siyoon degganu wuxuu odhan doonaa, Dulmigii aniga iyo jidhkayga lagu sameeyey Baabuloon ha saarnaado. Yeruusaalem waxay odhan doontaa, Dhiiggaygu dadka dalka Kalday deggan ha saarnaado.
  • Sab 105:15 : 15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
  • Yer 32:37 : 37 Bal ogaada, waxaan iyaga ka soo dhex ururin doonaa waddammadii aan xanaaqayga iyo dhirifkayga iyo cadhada weyn ugu kexeeyey oo dhan, oo meeshan ayaan mar kale ku soo celin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay ammaan ku degganaadaan.
  • Yer 48:1-49:1 : 1 ¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey. 2 Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan. Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta. 3 Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood. 4 Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen. 5 Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda. 6 Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale. 7 Waayo, waxaad isku hallaysay shuqulladaada iyo khasnadahaaga, oo sidaas daraaddeed adigana waa lagu qabsan doonaa, oo Kemooshna maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa, iyo amiirradiisaba. 8 Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa. 9 Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn. 10 Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso. 11 Dalka Moo'aab wuu iska istareexsanaa tan iyo yaraantiisii, oo sida khamri deggan ayuu iskaga dul fadhiyey gufarkiisii, oo weelna weel kale lagagama shubin, oo maxaabbiisahaanna marna looma kaxaysan, sidaas daraaddeed dhadhankiisii wuu ku sii hadhay isaga, oo udgoonkiisiina innaba ma beddelmin. 12 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan isaga u soo diri doono kuwa wax shuba, isagayna shubayaan, oo weelashiisay madhinayaan, oo jalxadihiisana wada burburinayaan. 13 Sidii reer binu Israa'iil ay Beytel oo ay ku kalsoonaayeen ugu ceeboobeen, sidaas oo kale ayaa reer Moo'aabna Kemoosh ugu ceeboobi doonaa. 14 Idinku sidee baad u odhan kartaan, Annagu waxaannu nahay dagaalyahan iyo rag u xoog badan dagaalka? 15 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco. 16 Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa. 17 Kuwiinna hareerihiisa ku wareegsan oo magiciisa yaqaan oo dhammow, u baroorta, oo waxaad tidhaahdaan, Ushii xoogga iyo quruxda badnayd sidee bay u kala jabtay! 18 Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag. 19 Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay. 20 Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay. 21 Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad, 22 iyo Diibon, iyo Neboo, iyo Beytdiblaatayim, 23 iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon, 24 iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay. 26 Isaga sakhraamiya, waayo, Rabbiguu iska sii weyneeyey, oo Moo'aab wuxuu ku dhex galgalan doonaa mantaggiisa, oo weliba wuxuu noqon doonaa wax lagu qoslo. 27 Waayo, miyaan dalka Israa'iil wax lagu qoslo kuu ahayn? Miyaase isaga laga helay tuugag dhexdood? Waayo, markaad isaga ka hadashidba madaxaad ruxruxdaa. 28 Kuwa dalka Moo'aab degganow, magaalooyinka ka taga, oo dhagaxa weyn ku hoyda, oo waxaad la mid noqotaan sidii qoolleyda buulkeeda ka samaysata dhinacyada bohol afkeeda. 29 Waxaannu maqalnay kibirkii Moo'aab oo uu aad u kibray, iyo xataa kor-isu-qaadiddiisa, iyo kibirkiisa, iyo madaxweynaantiisa, iyo qabweynaanta qalbigiisaba. 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan ogahay inaan cadhadiisu waxba ahayn oo faankiisuna innaba waxba tarayn. 31 Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres. 32 Canabka Sibmaahow, waxaan kuugu ooyi doonaa oohin ka sii daran tii Yacser. Laamahaagii badday dhaafeen, oo waxay gaadheen xataa tan iyo badda Yacser. Baabbi'iyihii wuxuu soo dhacay midhahaagii la hor guray iyo canabkaagii. 33 Farxadda iyo rayraynta waa laga qaaday beertii midhaha badnayd iyo dalka Moo'aabba, oo waxaan ka dhigay in khamri macsarooyinka laga waayo, oo ciduna kuma tuman doonto iyagoo heesaya, oo heestooduna innaba hees ma noqon doonto. 34 Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan. 35 Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba. 36 Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay. 37 Waayo, madax kastaba waa la xiiray, oo gadh kastaba waa la jaray, oo gacmaha oo dhanna nabaraa ku kor yaal, oo dhexdana joonyad baa ku xidhan. 38 Rabbigu wuxuu leeyahay, Guryaha Moo'aab dushooda, iyo jidadkiisa dhexdooda waxaa meel kasta jira baroorasho, waayo, Moo'aab waxaan u burburiyey sidii weel aan la doonaynin oo kale. 39 Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo. 40 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab. 41 Qiryood waa la qabsaday, oo qalcadihiina waa la argaggixiyey, oo ragga xoogga badan ee Moo'aab qalbigoodu wuxuu maalintaas noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale. 42 Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey. 43 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin. 44 Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda. 45 Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda. 46 Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay. 47 Laakiin Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Moo'aab waan soo celin doonaa. Intaasu waa xukunkii reer Moo'aab. 1 ¶ Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad?
  • Saf 3:19-20 : 19 Bal eeg, wakhtigaas anigaa la macaamiloon doona kuwa ku dhiba oo dhan, oo waan badbaadin doonaa kuwa dhutiya, oo kuwii la eryayna waan soo ururin doonaa, oo kuwii ceebtoodu ay wada gaadhay dhulka oo dhan ayaan u yeeli doonaa ammaan iyo magac. 20 Oo wakhtigaas waan idin soo gelin doonaa gudaha, oo wakhtigaas waan idin soo ururin doonaa, waayo, dadyowga dunida jooga oo dhan waxaan idiinku dhex yeeli doonaa magac iyo ammaan, markaan maxaabiistiinnii oo dhan hortiinna ku soo celiyo, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 1:15 : 15 Oo aad iyo aad baan ugu cadhooday quruumaha iska istareexsan! Waayo, anigoo in yar u cadhaysan ayay sii badiyeen dhibaatadii.
  • Sak 10:6-9 : 6 Reer Yahuudah waan xoogayn doonaa, waanan badbaadin doonaa reer Yuusuf, oo mar kalaan soo celin doonaa, waayo, waan u naxariisanayaa, oo waxay noqon doonaan sidii iyagoo aanan xoorin, waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahooda ah, oo waan maqli doonaa iyaga. 7 Oo kuwa reer Efrayimna waxay noqon doonaan sida nin xoog badan, oo qalbigooduna wuxuu u rayrayn doonaa sidii iyagoo khamri ka wabxay, oo carruurtooduna way arki doonaan, oo way rayrayn doonaan, oo qalbigooduna waa ku farxi doonaa Rabbiga. 8 Anigu waan u foodhyi doonaa iyaga, oo waan isu soo wada ururin doonaa, waayo, waan soo furtay, oo waxay u badan doonaan siday u badnaan jireen. 9 Waxaan iyaga ku beeri doonaa dadyowga dhexdooda, wayna igu soo xusuusan doonaan waddammo fog. Way noolaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, oo way soo noqon doonaan. 10 Mar kalaan ka soo bixin doonaa dalkii Masar, Ashuurna waan ka soo ururin doonaa, oo waxaan iyaga keeni doonaa dalka Gilecaad iyo Lubnaan, oo weliba meel looma heli doono. 11 Oo isagu wuxuu dhex mari doonaa badda dhibaatada, oo wax buu ku dhufan doonaa hirarka badda, oo Webi Niil moolkiisuna waa engegi doonaa, oo kibirka Ashuurna waa la soo dejin doonaa, oo usha boqortooyada Masarna way iska baabbi'i doontaa. 12 Oo iyagaan ku xoogayn doonaa Rabbiga, oo hor iyo dibba way ugu socon doonaan magiciisa, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Sak 12:2-4 : 2 ¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo. 3 Oo waxay wakhtigaas ahaan doontaa inaan Yeruusaalem dhagax culaab badan uga dhigo dadyowga oo dhan, oo intii isku culaabaysa oo dhammuna aad bay u dhaawacmi doonaan, oo quruumaha dhulka oo dhammuna iyaday isu soo urursan doonaan inay la dagaallamaan. 4 Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas faras kasta waan argaggixin doonaa, oo kan ku joogana waalli baan ku ridi doonaa, laakiin indhaha baan ku hayn doonaa dadka dalka Yahuudah, markaan faras kasta oo dadyowga indhatiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

  • 14Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;

  • 17Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

  • Yer 1:14-15
    2 aayado
    77%

    14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.

    15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • 20de markaasaan xididdadooda ka rujin doonaa dalkayga aan iyaga siiyey, oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo waxaan isaga dadyowga oo dhan kaga dhex dhigi doonaa maahmaah iyo halqabsi.

  • 2ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa'iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen.

  • 14Laakiinse bal eega, dadka dalka Israa'iilow, Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruun baan idinku soo kicin doonaa, oo iyana waxay idinku dhibi doonaan tan iyo meesha Xamaad laga galo iyo ilaa webiga Carabaah.

  • 11Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal eega, wejigaygaan idinku soo jeedin doonaa inaan dadka Yahuudah oo dhan wada baabbi'iyo.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.

  • 6Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu mar dambe u sii nixi maayo dadka dalka deggan, laakiinse bal eeg, nin kastaba waxaan ku ridi doonaa gacanta deriskiisa, iyo gacanta boqorkiisa, oo iyana dalkay ku dhufan doonaan, oo gacantooda kama aan samatabbixin doono.

  • 11Waayo, dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba khiyaano bay igula macaamiloodeen, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil u layn doonaa sida cawsduur biyo ugu ruxmado, oo dadkii Israa'iil wuu ka rujin doonaa dalkan wanaagsan oo uu siiyey awowayaashood, oo wuxuu ku firdhin doonaa Webiga shishadiisa, maxaa yeelay, waxay samaysteen geedihii Asheeraah, oo Rabbigana saasay uga xanaajiyeen.

  • Miik 2:3-4
    2 aayado
    75%

    3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

    4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 12Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 9¶ Rabbigii ciidammadu wuxuu leeyahay, Kuwa dadka Israa'iil ee hadhay waxaa loo wada xaabxaabi doonaa sida geedcanab oo kale, Sida mid canab guranaya oo kale gacanta dambiisha ku soo celiya.

  • 13Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

  • 7de markaasaan reer binu Israa'iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa'iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.

  • 7Mar alla markaan ku hadlo wax ku saabsan quruun ama boqortooyo, inaan iyaga rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan baabbi'iyo,

  • 18Oo wakhtigaas dadka Yahuudah waxay la socon doonaan dadka Israa'iil, oo iyagoo isa soo raaci doona ayay dalka woqooyi ka soo bixi doonaan, waxayna iman doonaan dalkii aan awowayaashiin dhaxalka u siiyey.

  • 15Oo Rabbiga Ilaahaaga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan iyaga ku beeri doonaa dalkoodii, oo mar dambena lagama rujin doono dalkooda aan siiyey.

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • 4Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.

  • Yer 10:17-18
    2 aayado
    74%

    17¶ Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso.

    18Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan.

  • 14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.

  • 28Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in sidaan iyaga ugu dhawray inaan rujiyo, oo aan dumiyo, oo aan afgembiyo, oo aan baabbi'iyo, oo aan wada dhibo, sidaas oo kale ayaan iyaga ugu dhawri doonaa inaan dhiso, oo aan beero.

  • Yer 30:3-4
    2 aayado
    74%

    3Waayo, bal eeg, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iman doona wakhtigii aan maxaabiisnimadii ka soo celin doono dadkayga dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudahba, oo waxaan iyaga ku soo celin doonaa dalkii aan awowayaashood siiyey, oo iyana way hantiyi doonaan, ayaa Rabbigu leeyahay.

    4¶ Oo kuwanu waa erayadii ku saabsanaa dadka dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah ee Rabbigu ku hadlay.

  • 12oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, belaayo weyn baan ku soo ridi doonaa Yeruusaalem iyo dalka Yahuudahba, si ku alla kii maqlaaba uu u argaggaxo.

  • 12inay iyagu dhaxlaan kuwii ka hadhay reer Edom iyo quruumaha magacayga loogu yeedho oo dhan, ayaa Rabbiga waxan sameeya leeyahay.

  • 22Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigaa ku soo kici doona iyaga, oo Baabuloon ayaan ka baabbi'in doonaa magac iyo dad hadhay, iyo wiil iyo wiil wiilkii.

  • 17Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 4Oo xataa hadday cadaawayaashooda maxaabiis ahaan u hor socdaan, halkaasna seef baan ka amri doonaa, iyana way layn doontaa, oo waxaan indhahayga iyaga ugu taagi doonaa inaan belaayo ku sameeyo oo aanan wanaag u samayn.

  • 7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.

  • 9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.

  • 3Oo waxaad dalka reer binu Israa'iil ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu col baan kugu ahaye, oo intaan seeftayda galkeeda ka soo bixiyo ayaan kan xaqa ah iyo sharrowgaba kaa baabbi'in doonaa.

  • 1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.

  • 12¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo ay xoog badan yihiin oo weliba ay tiro badan yihiin, haddana iyaga waa la wada gooyn doonaa, oo isna wuu dhammaan doonaa. In kastoo aan idin dhibay, mar dambe idin dhibi maayo.

  • 13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

  • 14¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan wada oofin doona wixii wanaagsanaa ee aan dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba kaga hadlay.

  • 11Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.