Yeremyaah 12:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 28:38 : 38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax.
  • Miik 6:15 : 15 Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.
  • Xag 1:6 : 6 Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
  • Laaw 26:16 : 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.
  • Ish 55:2 : 2 Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.
  • Xab 2:13 : 13 Bal eeg in dadku ay dabka aawadiis u hawshoodaan, oo quruumuhuna ay waxtarla'aan isu daaliyaan sow ma aha mid Rabbiga ciidammada xaggiisa ka timid?
  • Yer 4:26 : 26 Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
  • Yer 25:37-38 : 37 Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis. 38 Wuxuu meeshiisii qarsoonayd uga soo baxay sidii libaax oo kale, waayo, dalkoodii cidla buu noqday, waana baabbi'iyaha cadhadiisa aawadeed iyo xanaaqiisa kulul aawadiis.
  • Yer 3:23-25 : 23 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah. 24 Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba. 25 Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.
  • Ish 30:1-6 : 1 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogay dadka caasiyiinta ah oo talo aan iga iman ku talaggala, oo heshiis sameeya laakiinse aan xagga Ruuxayga ahayn, si ay dembiba dembi ugu sii daran, 2 oo u sii socda inay Masar galaan, iyagoo aan afkayga waxba weyddiisan, si ay xoogga Fircoon ugu xoogaystaan, oo ay hooska Masar isugu halleeyaan! 3 Haddaba sidaas daraaddeed xoogga Fircoon wuxuu idiin noqon doonaa ceeb, oo iskuhallayntii aad hooska Masar isku hallayseenna waxay idiin noqon doontaa sharafjab. 4 Waayo, amiirradiisii Socan bay joogaan, oo ergooyinkiisiina Xaanees bay yimaadeen. 5 Kulligood waxay ku ceeboobi doonaan dad aan iyaga waxba u tari karin, oo aan iyaga u ahayn caawimaad iyo faa'iido toona, laakiinse ceeb iyo sharafjab u soo jiidi doona. 6 ¶ Kanu waa warka culus ee xayawaanka koonfureed ku saabsan. Waxay maalkooda dameerro dhabarkooda ugu raraan oo ay khasnadahoodana awr kuruskeed ugu qaataan dad aan iyaga waxba u tari doonin, oo waxay dhex maraan dalka dhibka iyo cidhiidhiga oo ay goosha iyo aarka, iyo jilbiska iyo masduulaaga dabka lahu ka yimaadaan.
  • Ish 31:1-3 : 1 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin. 2 Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya. 3 Haddaba bal ogaada in Masriyiintu ay binu-aadmi yihiin, oo ayan Ilaah ahayn, iyo in fardahoodu ay jiidh yihiin, oo ayan ruux ahayn, oo markii Rabbigu gacantiisa soo fidiyo kan wax caawiyaa wuu kufi doonaa, kan la caawiyana wuu dhici doonaa, oo labadooduba way wada halligmi doonaan.
  • Xag 2:16-17 : 16 iyo tan iyo wakhtigaas oo dhan markii la doonto tulmo ah labaatan, waxaa laga helay toban keliya, oo markii loo yimaado in macsarada khamriga laga soo dhaansado konton weel, waxaa ku jiray labaatan weel oo keliya. 17 Anigu shuqulka gacmihiinna oo dhan waxaan ku dhuftay beera-engeeg iyo cariyaysi iyo roobdhagaxyaale, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Room 6:21 : 21 Haddaba wakhtigaas maxaad midho ku haysateen waxyaalaha aad haatan ka xishoonaysaan? Waayo, waxyaalahaas ugu dambaystoodu waa dhimashada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 7Waayo, waxay beertaan dabaysha, oo dabaysha cirwareenta ah ayay soo goosan doonaan. Hadhuudh taagan ma leh, baalkuna midho ma dhali doono, oo hadduu dhalona, shisheeyaa cuni doona.

  • Hos 10:12-13
    2 aayado
    79%

    12Nafsaddiinna xaqnimo wax ugu beerta, oo si naxariista waafaqsan wax u goosta, oo jabsada dhulkiinna jeexan, waayo, waa wakhti ku habboon in Rabbiga la doondoona, ilaa uu yimaado oo uu xaqnimo idinku soo dejiyo.

    13Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.

  • 6Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka, Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.

  • Yer 12:10-12
    3 aayado
    75%

    10Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.

    11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.

    12Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • Ish 32:12-13
    2 aayado
    74%

    12Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan.

    13Oo dalka dadkayga iyo xataa guryaha farxadda oo magaalooyinka faraxsan ku yaal oo dhan waxaa ka soo bixi doona qodxan iyo yamaarug,

  • 17Oo iyagu waxay dhammayn doonaan waxaad beeraha ka goosataan iyo kibistiinna, oo waxay dhammayn doonaan wiilashiinna iyo gabdhihiinna, oo waxay dhammayn doonaan adhyihiinna iyo lo'diinnaba, oo waxay dhammayn doonaan canabkiinna iyo berdihiinnaba, oo magaalooyinkiinna deyrka leh oo aad isku hallaynaysaanna seef bay la dhici doonaan.

  • Miik 6:14-15
    2 aayado
    74%

    14Wax baad cuni doontaan mase dhergi doontaan. Gaajadiinnu dhexdiinnay ku jiri doontaa. Wax baad kaydin doontaan, laakiinse sinaba uma aad nabad gelin doontaan, oo wixii aad nabadgelisaanna seef baan u gacangelinayaa.

    15Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.

  • 3¶ Rabbigu wuxuu dadka dalka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem ku leeyahay, Dhulkiinna jeexan jabsada, oo qodxan dhexdood waxba ha ku beeranina.

  • 11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.

  • 17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

  • 74%

    38Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax.

    39Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.

  • 13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.

  • 20Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.

  • 8Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa.

  • 10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.

  • 12Laakiinse iyagu ma ay yaqaaniin Rabbiga fikirradiisa, mana ay gartaan taladiisa, waayo, isagu wuxuu iyaga u ururshay sidii xidhmooyin loo wada meesha hadhuudhka lagu tumo.

  • Ish 33:11-12
    2 aayado
    73%

    11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.

    12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 8Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa, Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 13Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan wada baabbi'in doonaa. Geedcanabka midho kuma oolli doonaan, oo geedberdahana midho kuma oolli doonaan, oo caleentuna way wada dhadi doontaa, oo waxyaalihii aan siiyey oo dhammu way ka wada dhammaan doonaan.

  • 29Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.

  • 8laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.

  • 5Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 12Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

  • 13Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.

  • 6oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn.

  • 24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.

  • 2Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.

  • 24Oo waxaa halkaas lala iman doonaa fallaadho iyo qaansooyin, maxaa yeelay, dalka oo dhammu wuxuu noqon doonaa yamaarug iyo qodxan miidhan.

  • 6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.

  • 27Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.

  • 17Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida kuwa beer dhawraya ayay hareeraheeda kaga kacsan yihiin, maxaa yeelay, iyadu way igu caasiyowday.

  • 5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.

  • 17Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.

  • 16markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna.

  • 26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

  • 12Waayo, waxaa jiri doona iniintii nabadda. Geedcanabkuna canabkiisuu dhali doonaa, oo dhulkuna midhihiisuu soo bixin doonaa, oo samooyinkuna sayaxay soo deyn doonaan, oo waxaan ka dhigi doonaa in kuwa dadkan ka hadhay ay waxyaalahan oo dhan dhaxlaan.