Ishacyaah 1:29
Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.
Waayo, way ku ceeboobi doonaan geedihii aad jeclaateen, oo beerihii aad doorateenna waad ku qasmi doontaan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
30Waayo, idinku waxaad ahaan doontaan sida geed caleentiisu dhado iyo sida beer aan biyo lahayn.
28Laakiinse kuwa xadgudba iyo dembilayaasha isku mar baa la burburin doonaa, oo kuwa Rabbiga ka tagana waa la wada baabbi'in doonaa.
8Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.
9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.
10Maxaa yeelay, waxaad illowday Ilaaha badbaadadaada, oo kamana aad fikirin Dhagaxa xoogga kuu ah, sidaas daraaddeed waxaad beertaa geedo wacan, waxaadna tallaashaa geedo qalaad oo canab ah.
11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.
11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
12Canabkii wuu engegay, oo berdihiina wuu dhaday, oo geedkii rummaanka, iyo geedkii timirta, iyo geedkii tufaaxa, iyo xataa dhirtii berrinka ku tiil oo dhammu way wada engegeen, oo farxaddiina way ka dhammaatay binu-aadmiga.
11¶ Wakhtigaas uma aad ceeboobi doontid falimahaaga oo dhan, kuwaas oo aad igaga xadgudubtay, waayo, markaas waxaan dhexdaada ka bixin doonaa kuwaaga kibray oo isfaaninaya, oo adna mar dambe ku madax weynaan maysid buurtayda quduuska ah.
16Iyagu dhammaantood way ceeboobi doonaan oo giddigoodna way sharafjabi doonaan, oo kuwa sanamyo sameeya oo dhammu way wada qasmi doonaan.
26¶ Siduu tuug markii la qabto u ceeboobo oo kale ayay reer binu Israa'iil u ceeboobeen, iyaga, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo nebiyadooduba,
21Laakiin waxaan kuu beeray canab wacan, oo kulligiis abuur wanaagsan ah, haddaba sidee baad ugu beddelantay inaad igu noqotid canab ba'ay oo qalaad?
22Dabaysha ayaa wada qaadi doonta daajiyayaashaada oo dhan, oo kuwa ku jecelna maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaysan doonaa. Sida xaqiiqada ah markaas waad ceeboobi doontaa oo waxaad ku sharafjabi doontaa sharnimadaadii aawadeed oo dhan.
14Taasu waa si dhirta biyaha ku ag taal oo dhammu ayan dhererkooda aawadiis kor isugu sii qaadin, ama ayan dhaladooda daruuraha u gaadhsiin, ama aan geedahooda midna dhererkiisa ugu sii taagnaan inta biyaha cabta oo dhan, waayo, kulligood waxaa loo gacangeliyey geeri inay dhulka meelaha ugu hooseeya oo binu-aadmigu ku dhex jiro hoos ugula dhacaan kuwa yamayska ku dhaadhaca.
2Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday.
10Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
13iyo weliba geedaha kedar la yidhaahdo ee Lubnaan ee dhaadheer ee sare u baxa oo dhan, iyo geedaha eelaah la yidhaahdo ee Baashaan oo dhan,
10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.
11Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.
9Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.
16Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen.
17Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
31Oo markaasaad jidadkiinnii xunxumaa iyo falimihiinnii aan wanaagsanayn soo xusuusan doontaan, oo xumaatooyinkiinna iyo waxyaalihiinna karaahiyada ah aawadood ayaad iskaraahsan doontaan.
20Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan.
27Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
2Waayo, iyaga haddiiba waxaa loo jari doonaa sida cawska oo kale, Oo waxay u engegi doonaan sida geedo yaryar oo qoyan.
6Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn.
9Waxaan isaga ku qurxiyey laamihiisa badan, si ay dhirtii beerta Ilaah oo Ceeden ah ku dhex tiil oo dhammu isaga ugu wada hinaasaan.
29Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta, Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
17Weligood ha ceeboobeen, hana baqeen, Ha wareereen, hana baabbe'een,
14Oo dhexbadhtankiinna waan ka rujin doonaa geedihiinna Asheeraah ah, oo magaalooyinkiinnana waan wada dumin doonaa.
12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
13Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.
12Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtiga ciqaabtooda ayay hoos u dhici doonaan.
17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.
26Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen; Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, Iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh gubtay intaanu korin.
8Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Samooyinkow, bal waxan la yaaba, oo aad iyo aad u cabsada, oo haddana aad u gariira.
7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.
16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.
7Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.
18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.
54si aad u ceebowdid, oo aad ugu facsharantid wixii aad samaysay oo dhan, waayo, waxaad iyaga u tahay qalbi qabowjis.
18oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.
16Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
29Oo waxaan iyaga u soo bixin doonaa geed caan ah, oo mar dambena dalka dhexdiisa abaar uguma ay baabbi'i doonaan, oo kol dambe ceebtii quruumaha ma ay sidan doonaan.
24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
7Sidii ay u tarmeen si le'eg ayay igu dembaabeen, haddaba sharaftoodii ayaan ceeb u beddeli doonaa.
15Markay karaahiyada sameeyeen miyey xishoodeen? Maya, innaba ma ay xishoon, ceebna ma garan, sidaas daraaddeed waxay la dhici doonaan kuwa dhacaya. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigii aan iyaga soo ciqaabo ayay hoos u dhici doonaan.
9Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?