Aamos 5:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Miik 6:15 : 15 Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.
  • Sharc 28:30 : 30 Naag baad guursan doontaa, laakiinse nin kalaa la seexan doona, guri baad dhisan doontaa, laakiinse degi maysid, beercanab baad beeran doontaa, laakiinse midhihiisa ku isticmaali maysid.
  • Saf 1:13 : 13 Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.
  • Yac 2:6 : 6 Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?
  • Muj 11:8-9 : 8 Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay. 9 Oo saddex maalmood iyo badh ayaa waxaa meydadkooda daawan doona dad ka yimid dadadka iyo qabiilooyinka iyo afafka iyo quruumaha; oo umana ay oggolaan doonaan in meydadkooda qabri la geliyo. 10 Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan.
  • Xag 1:6 : 6 Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.
  • Sharc 28:38-39 : 38 Waxaad beerta u qaadan doontaan abuur badan, wax yar baadse ka soo urursan doontaan, maxaa yeelay, waxaa cuni doona ayax. 39 Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.
  • Ish 5:7-8 : 7 Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo. 8 ¶ Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
  • Ish 59:13-14 : 13 ¶ Waynu xadgudubnay oo Rabbiga been ka sheegnay oo Ilaaheen ka leexannay, innagoo dulmi iyo fallaago ku hadlayna oo erayo been ah uuraysanayna oo qalbiga kaga hadlayna. 14 Caddaaladdii dib bay u noqotay, oo xaqnimaduna meel fog bay taagan tahay, waayo, runtii jidkay ku dhex dhacday, oo qummanaantuna sooma geli karto.
  • Ish 65:21-22 : 21 Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan.
  • Aam 3:15-4:1 : 15 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan. 1 ¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
  • Miik 2:2 : 2 Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.
  • Miik 3:1-3 : 1 ¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin? 2 Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan. 3 Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 3:14-15
    2 aayado
    83%

    14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

  • Miik 6:15-16
    2 aayado
    80%

    15Wax baad beeran doontaan mase goosan doontaan, oo saytuunka waad tuman doontaan laakiinse saliiddiisa kuma subkan doontaan, oo canabkana waad tuman doontaan laakiinse khamrigiisa ma cabbi doontaan.

    16Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 19Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • Yer 22:13-15
    3 aayado
    78%

    13¶ Waxaa iska hoogay ninka gurigiisa xaqdarro ku dhistaa, oo qolalkiisana caddaaladdarro ku dhista, oo intuu deriskiisa adeegsado aan mushahaaro siin, oo aan shuqulkiisii waxba u siin,

    14oo yidhaahda, Anigu waxaan dhisan doonaa guri ballaadhan iyo qolal waaweyn, oo daaqado samaysta, oo saqafkiisa hoose ka dhiga qoryo kedar ah, oo rinji cas mariya.

    15Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?

  • Ish 5:7-9
    3 aayado
    78%

    7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

    8¶ Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.

    9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 10Way neceb yihiin kii iridda wax ku canaanta, oo way karhaan kii si qumman u hadla.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 7Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo, Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.

  • 11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.

  • 1¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.

  • 6Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?

  • 22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

  • Aam 6:11-12
    2 aayado
    75%

    11Waayo, bal eeg, Rabbigu waa amraa, oo daarta weyn waxaa lagu dhufan doonaa daldalool, guriga yarna waxaa lagu dhufan dildillaac.

    12Miyaa fardo dhagaxa ku ordi doonaan? Miyaase mid halkaas dibi ku beerjeexi doonaa? Laakiin, idinku garsooriddii waxaad u beddesheen xammeeti, oo midhihii xaqnimadana waxaad u beddesheen dacar.

  • 6Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.

  • 5Kuwaas beertay goostaan waxaa cuna kuwa gaajaysan, Oo xataa qodxanta way kala soo dhex bixiyaan, Oo maalkoodana waxaa afka u kala haya siriq.

  • 23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 12¶ Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!

  • 9¶ Waxaa iska hoogay kii faa'iido shar ah reerkiisa u soo urursada si uu buulkiisa uga dhisto meel sare oo uu gacanta sharka uga samatabbaxo!

  • Ish 5:2-3
    2 aayado
    74%

    2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.

    3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.

  • 2Oo waxay damcaan beero, kolkaasay xoog ku qabsadaan, oo waxay damcaan guryo oo way iska qaataan, oo waxay dulmaan nin iyo reerkiis, iyo xataa nin iyo dhaxalkiis.

  • 13Waxaad falateen sharnimo, waxaad soo goosateen xumaan, oo waxaad cunteen midhihii beenta, waayo, waxaad isku hallayseen jidkiinna iyo raggiinna tirada iyo xoogga badan.

  • 11Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad maantadan u celisaan beerahoodii, iyo beerahoodii canabka ahaa, iyo beerahoodii saytuunka ahaa, iyo guryahoodii, oo lacagtii, iyo hadhuudhkii, iyo khamrigii, iyo saliiddii aad korsocodka uga qaadateenna boqolkii meelood meel u celiya.

  • 7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.

  • 12Dhexdaada ayay laaluush ku qaataan si ay dhiig u daadiyaan aawadeed, oo waxaad qaadataa korsaar iyo ribo, oo si hunguri weyn iyo dulmi ah ayaad uga faa'iidaysataa deriskaaga, oo aniga waad i illowday, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 29Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.

  • 5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,

  • 10Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 11Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.

  • 5Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda.

  • 39Waxaad beeran doontaan beero canab ah, waanad fali doontaan, laakiinse khamrina ma cabbi doontaan, canabna kama guran doontaan, waayo, waxaa cuni doona dixiri.

  • 5Haddii tuugag idiin soo dhici lahaayeen ama haddii shufto habeennimo idin miri lahayd, sow wax idinkama xadi lahayn jeeray wax ku filan la tagaan? (Sidee baad u ba'deen!) Haddii kuwa canabka gura idiin iman lahaayeen, sow kama tegi lahayn canab xaaxaab ah?

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.