Yeremyaah 5:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 32:15 : 15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey. Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay. Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay, Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
  • Ish 1:23 : 23 Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
  • Sak 7:10 : 10 Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.
  • Sab 73:12 : 12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
  • Yer 7:6 : 6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
  • Yer 12:1 : 1 ¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?
  • Yer 22:15-19 : 15 Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn? 16 Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha? 17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan. 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye! 19 Isaga waxaa loo xabaali doonaa sida dameer loo xabaalo oo kale, oo inta la jiido ayaa irdaha Yeruusaalem dibadda looga bixin doonaa.
  • Yex 5:6-7 : 6 Oo iyana xukummadaydii bay sharnimadeedii kaga caasiyowday in ka sii badan quruumaha kale, oo qaynuunnadaydiina way ka caasiyowday in ka sii badan waddammada hareereheeda ku wareegsan, waayo, iyagu xukummadaydii iyo qaynuunnadaydiiba way diideen, oo innaba kuma ay socon. 7 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Quruumaha hareerihiinna ku wareegsan waad ka sii belaayo badiseen, oo qaynuunnadaydiina kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan xajin, oo quruumaha idinku wareegsan xukummadoodana ma aydaan samayn,
  • Yex 16:47-52 : 47 Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd. 48 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Waxa adiga iyo gabdhahaagu aad samayseen oo kale walaashaa Sodom iyo gabdhaheeduba ma ay samayn. 49 Bal eeg, walaashaa Sodom dembigeedu sidan buu ahaa. Iyada iyo gabdhaheeduba waxay lahaayeen kibir, iyo cunto faro badan, iyo raaxo barwaaqo ah, laakiinse masaakiinta iyo saboolka baahan gacmahooda ma ay taageeri jirin. 50 Oo weliba iyagu way isla madax weynaadeen, oo hortayday karaahiyo ku sameeyeen, sidaas daraaddeed markaan waxaas arkay ayaan fogeeyey. 51 Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan. 52 Bal adigu ceebow, waayo, walaalahaa waad xukuntay, maxaa yeelay, waxaad samaysay wax karaahiyadoodii ka sii daran, oo iyagu way kaa xaq badan yihiin. Haddaba facsharan, oo ceebow, waayo, waxaad xaq ka dhigtay walaalahaa.
  • Aam 4:1 : 1 ¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
  • 1 Kor 5:1 : 1 ¶ Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto.
  • Yac 5:4-5 : 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood. 5 Dhulkaad ku barwaaqaysateen, waadna ku raaxaysateen, oo qalbiyadiinnii waxaad u naaxiseen maalinta gowracidda.
  • Sab 82:2-4 : 2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
  • Sab 119:70 : 70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday, Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
  • Yer 2:33 : 33 Sidee baad jidkaaga u hagaajisaa markaad caashaq doondoonto? Sidaas daraaddeed xataa naagaha xunxunna jidadkaagaad bartay.
  • Ayuub 12:6 : 6 Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan, Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan, Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
  • Ayuub 15:27-28 : 27 Maxaa yeelay, wejiga ayuu ka cayilay, Oo bowdooyinkana baruur buu ku yeeshay, 28 Oo wuxuu degay magaalooyin baabba' ah, Iyo guryo aan lagu hoyan, Oo u diyaarsan inay tuulmooyin burbur ah noqdaan.
  • Ayuub 21:23-24 : 23 Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon, 24 Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay.
  • Ayuub 29:12-14 : 12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn. 13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay, Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso. 14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale.
  • Sab 72:4 : 4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
  • Sab 73:6-7 : 6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin. 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 10:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora,

    2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.

  • 27Sida qafas shimbirro ka buuxaan oo kale ayaa guryahooda khiyaano uga buuxdaa, oo sidaas daraaddeed ayay u weynaadeen oo u taajiroobeen.

  • 23kuwaasoo kan sharka leh xaq ka dhiga laaluush aawadiis, oo ka xaqa ahna xaqiisa ka qaada!

  • 3Gacmahoodu waxay aad ugu dadaalaan inay sameeyaan wax shar ah. Amiirka iyo xaakinkuba waxay dadka weyddiistaan laaluush. Ninka weynuna wuxuu ku hadlaa xumaanta naftiisu doonayso, oo sidaasay isugu maroojiyaan xumaan.

  • 4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.

  • 7Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • Aam 5:11-12
    2 aayado
    75%

    11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

    12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

  • 7Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.

  • Sab 82:3-4
    2 aayado
    74%

    3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.

    4Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.

  • 6Carmalka iyo shisheeyaha ayay laayaan, Oo agoontay nafta ka qaadaan.

  • Sab 73:7-8
    2 aayado
    74%

    7Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.

    8Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

  • 29Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.

  • Yer 22:16-17
    2 aayado
    73%

    16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?

    17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.

  • 9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • Maah 28:4-5
    2 aayado
    73%

    4Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.

    5Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.

  • 4Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.

  • 9Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada, Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • Ayuub 24:3-4
    2 aayado
    73%

    3Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta, Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.

    4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan.

  • 17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

  • 14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • 4Markaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.

  • 5Kuwii hantidooda lahaa way gowracaan, oo isumana ay haystaan inay eed leeyihiin, oo kuwa iyaga soo iibiyaana mid kastaaba wuxuu leeyahay, Mahad waxaa leh Rabbiga, waayo, taajir baan noqday, oo adhijirradooduna uma ay naxaan iyaga.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 9Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

  • 17Haddaba sidaas daraaddeed Sayidku ku farxi maayo barbaarradooda, oo agoontooda iyo carmalladoodana u naxariisan maayo, waayo, midkood kastaaba waa cibaadalaawe iyo xumaanfale, oo af kastaana wuxuu ku hadlaa wax nacasnimo ah. Hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisii weli way fidsan tahay.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 9Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.

  • 18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

  • 9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

  • 12Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh, Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.

  • 7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.