Ishacyaah 1:17
Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
16Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
18¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Haatan kaalaya oo aynu u wada fiirsannee. In kastoo ay dembiyadiinnu guduudan yihiin, sida baraf cad oo kalay u caddaan doonaan, oo in kastoo ay cascas yihiin, sida suuf oo kalay ahaan doonaan.
1¶ Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora,
2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.
3Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magangeli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan?
16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,
6iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.
1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.
9Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad.
10Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.
6Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan?
7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?
8Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?
27Cibaado daahir ah oo aan nijaas lahayn Ilaaha Aabbaha ah hortiisa waxay tahay in la xannaaneeyo agoonta iyo carmallada markay dhib ku jiraan, iyo in layska dhawro wasakhda dunida.
18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.
1¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?
5Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.
17¶ Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,
17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?
7Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen.
3In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
10¶ Taliyayaasha Sodomow, Rabbiga eraygiisa maqla, dadka Gomorow, sharciga Ilaahayaga dhegta u dhiga.
9Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.
1¶ Bal jidadka Yeruusaalem hore iyo dib ugu orda, oo bal fiiriya, oo garta, oo meelaheeda balballaadhanna ka doondoona nin qudha oo caddaalad sameeya oo runta doondoona, oo haddaad ka heli kartaanna iyada waan cafiyi doonaa.
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.
15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.
7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.
24Laakiinse caddaaladdu sida biyo ha u qulqusho, oo xaqnimaduna sida webi fatahaya ha u yaacdo.
4Sidaas daraaddeed sharcigii waa dabcay oo caddaaladduna hore uma socoto, waayo, kii sharrow ah ayaa hareereeya kii xaq ah, oo sidaas daraaddeed garsooridda waa la qalloociyaa.
19¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
14Wanaagga doondoona, sharkase ha doondoonina, aad noolaataane, oo sidaasuu Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu idiinla jiri doonaa sidaad u tidhaahdaan.
15Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
17Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.
11Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen.
3Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
18Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.
5Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
13Waxaad tahay mid indhihiisu ka sii daahirsan yihiin inay wax shar ah eegaan, oo qalloocna ma fiirin kartid, haddaba bal maxaad u fiirisaa kuwa khiyaanada sameeya? Oo maxaad u aamusan tahay marka sharrowgu liqo ninka isaga ka sii xaq yahay?
14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.
6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
1¶ Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,