Ishacyaah 3:14
Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.
Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?
11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.
12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.
2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.
3Oo bal maxaad samayn doontaan maalinta ciqaabta, iyo wakhtiga baabbi'intu meesha fog ka iman doonto? Bal yaad u magangeli doontaan? Sharaftiinnana xaggee baad kaga tegi doontaan?
13Rabbigu wuxuu u sara joogaa inuu doodo, oo wuxuu u taagan yahay inuu dadka xukumo.
9Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.
7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
8¶ Hoog waxaa leh kuwa guriba guri ku dhejiya oo beerna beer kale ku dara ilaa meel la waayo oo ay keli ahaantood dhulka dhexdiisa degaan.
9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.
4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,
13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.
22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,
23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.
1¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?
3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.
1¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
11Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.
12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.
29Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.
11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.
12Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.
5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.
7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.
6Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
9Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.
23Amiirradaadii way caasiyoobeen, oo waxay u wehel yeeleen tuugag, oo mid walubana wuxuu jecel yahay laaluush, oo wuxuu daba ordaa abaalgudyo. Agoonta gartooda uma qaadaan, oo dacwada carmalkuna hortooda ma timaado.
7Dhexdaaday aabbe iyo hooyo ku fududaysteen, oo dhexdaaday shisheeyaha ku dulmeen, oo dhexdaaday agoonta iyo carmalka ku dhibeen.
6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.
13Waxa beerta laga goosan lahaa way bislaadeene haddaba mindi la gala, oo macsaradii canabku way buuxdaaye kaalaya ku tunta, berkedihii macsarooyinka way buuxdhaafeen, waayo, iyaga xumaantoodu way weyn tahay.
28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?
1¶ Wadaaddadow, tan maqla, oo dadka Israa'iilow, dhegaysta, oo reerka boqorkow, dhegta u dhiga, waayo, xukun baa idinku dhacaya, maxaa yeelay, waxaad ahaydeen dabin Misfaah ku yaal, iyo shabag Buur Taaboor ku kala fidsan.
14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.
4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.
3Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.
9¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
13Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin.
16Waayo, qaynuunnadii Boqor Coomrii iyo shuqulladii reer Boqor Axaab oo dhanba waad dhawrteen, oo waxaad ku socotaan talooyinkoodii, si aan cidla laga yaabo idiinka dhigo, oo dadka magaaladiinna degganna waxaan ka dhigi doonaa wax lagu foodhyo, oo idinku waxaad qaadan doontaan cayda dadkayga.
15Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.
2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.
14Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii, Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed. Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
4Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?
7kuwiinna caddaaladda u roga dacar oo xaqnimadana dhulka ku tuura.
1¶ Bal eeg, waxaa imanaysa maalintii Rabbiga ee waxaagii la dhacay dhexdaada lagu qaybsan doono.
10Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.
10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan.