Yeremyaah 22:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 9:24 : 24 laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.
  • Ish 1:17 : 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
  • Sab 72:1-4 : 1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii. 2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad. 3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada. 4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
  • Sab 72:12-13 : 12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn. 13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa.
  • 1 Taar 28:9 : 9 Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.
  • Titus 1:16 : 16 Waxay afka ka qirtaan inay Ilaah yaqaaniin, laakiin camalladooday isaga kaga hor yimaadaan, iyagoo karaahiyo iyo caasiyiin ah, oo xagga shuqul wanaagsan oo dhan laga nacay.
  • 1 Yoox 2:3-4 : 3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno. 4 Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
  • Yoox 17:3 : 3 Tanu waa nolosha weligeed ah inay ku gartaan, adoo ah Ilaaha runta ah oo keliya, iyo inay gartaan Ciise Masiix, kii aad soo dirtay.
  • Maah 24:11-12 : 11 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo. 12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
  • 1 Sam 2:2 : 2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro, Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro, Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
  • Ayuub 29:12-17 : 12 Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn. 13 Ka halligaadda ku dhow ducadiisa ayaa igu soo degi jirtay, Oo ta carmalka ahna qalbigeeda waan ka farxin jiray ilaa ay gabay la rayrayso. 14 Waxaan huwan jiray xaqnimo, oo iyana dhar bay ii noqon jirtay, Oo caddaaladdayduna waxay ii ahaan jirtay sida khamiis iyo cimaamad oo kale. 15 Kuwa indhaha la' indho baan u ahaan jiray, Kuwa curyaanka ahna cago baan u ahaan jiray. 16 Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray. 17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
  • Sab 9:10 : 10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan, Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
  • Sab 82:3-4 : 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
  • Sab 109:31 : 31 Waayo, isagu wuxuu isa soo taagi doonaa miskiinka midigtiisa, Si uu uga badbaadiyo kuwa naftiisa xukuma.
  • Yer 5:28 : 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
  • Yer 9:3 : 3 Carrabkooda ayay been ugu xoodaan sida qaanso oo kale, oo dhulkay ku xoogaysteen, runtase uma aha, waayo, sharba shar bay uga sii gudbaan, oo ima ay yaqaaniin, ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Yer 9:16 : 16 Oo iyaga waxaan ku kala dhex firdhin doonaa quruumaha iyaga iyo awowayaashood toona ayan aqoonin, oo waxaan iyaga ka daba diri doonaa seef jeeraan baabbi'iyo.
  • Yer 31:33-34 : 33 Laakiinse kanu waa axdiga aan la dhigan doono reer Israa'iil maalmahaas dabadood, ayaa Rabbigu leeyahay. Sharcigayga waxaan gelin doonaa uurkooda, oo qalbigoodana waan ku qori doonaa, oo Ilaahooda waan ahaan doonaa, iyaguna dadkaygay ahaan doonaan. 34 Mar dambe nin kastaaba deriskiisa wax ma bari doono, oo nin kastaaba walaalkiis wax ma bari doono, isagoo ku leh, Rabbiga garo, waayo, kulli way i garan doonaan, kooda ugu yar ilaa kooda ugu weynba, ayaa Rabbigu leeyahay, waayo, xumaantooda waan cafiyi doonaa, oo dembigoodana kol dambe ma xusuusan doono.
  • Yoox 8:19 : 19 Sidaas aawadeed waxay ku yidhaahdeen, Aabbahaa xaggee buu joogaa? Ciise ayaa ugu jawaabay, I garan maysaan, Aabbahayna garan maysaan. Haddaad i garanaysaan, Aabbahayna waad garan lahaydeen.
  • Yoox 8:54-55 : 54 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Haddaan is-ammaano, ammaantaydu waxba ma aha. Waa Aabbahay kan i ammaanaa, kaad ku sheegtaan Ilaahiinna. 55 Mana aydnaan garan isaga, laakiinse anigu waa garanayaa, oo haddaan idhaahdo, Garan maayo isaga, sidiinna oo kalaan beenaaleh noqonayaa, laakiinse waan aqaan isaga, ereygiisana waan xajiyaa.
  • Yoox 16:3 : 3 Oo waxay waxyaalahaas u samayn doonaan, waayo, waxaanay garanayn Aabbaha iyo aniga toona.
  • Yoox 17:6 : 6 Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?

  • 16Aabbaan u ahaan jiray saboolka baahan, Oo ka aanan aqoonna xaalkiisa waan baadhi jiray.

  • 17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • 9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • 17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.

  • 14Boqorkii daacadnimo masaakiinta ugu xukuma, Carshigiisu wuu dhisnaan doonaa weligiisba.

  • 3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.

  • 2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.

  • 12Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono, Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 1¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 24laakiinse kii faanaa ha ku faano inuu i garanayo oo uu i yaqaan inaan anigu ahay Rabbiga dhulka ku sameeya raxmadda, iyo caddaaladda, iyo xaqnimada, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxyaalahaasaan ku farxaa.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

  • 6Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.

  • Yer 5:28-29
    2 aayado
    73%

    28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.

    29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.

  • 22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

  • 25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

  • 15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.

  • 12Maxaa yeelay, waxaan samatabbixin jiray miskiinka qaylinaya, Iyo weliba agoonka aan wax u kaalmeeya lahayn.

  • 4Markaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 17Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.

  • Ish 3:14-15
    2 aayado
    72%

    14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

  • 7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 18¶ Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay.

  • 17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 1¶ Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

  • 16Maxaa yeelay, isagu wuu xusuusan waayay inuu u naxariisto Miskiinka, iyo kan baahan, iyo kan qalbiga ka murugaysan, Laakiinse wuxuu u silciyey inuu iyaga laayo aawadeed.

  • 4Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.

  • 8Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?

  • 17¶ Waxaad Rabbiga ku daaliseen erayadiinna, oo weliba waxaad tidhaahdaan, War sidee baannu isaga u daalinnay? Waad daalisaan markaad tidhaahdaan, Ku alla kii shar falaaba waa ku wanaagsan yahay Rabbiga hortiisa, oo isagu wuu ku farxaa. Amase markaad tidhaahdaan, Meeh Ilaahii caddaaladdu?

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.

  • 3Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.

  • 20Quruunna sidaas oo kale uma uu samayn. Xukummadiisiina ma ay garanaynin, Rabbiga ammaana.

  • 18Wuxuu u garsooraa agoonta iyo carmalka, shisheeyahana wuu jecel yahay, wuxuuna siiyaa dhar iyo dhuuni.

  • 16ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,

  • 32de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.