Baxniintii 23:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 23:2-3 : 2 Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan, 3 waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.
  • Laaw 19:15 : 15 Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.
  • Sharc 16:19 : 19 Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.
  • Sharc 27:19 : 19 ¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
  • Wacd 5:8 : 8 ¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.
  • Ish 10:1-2 : 1 ¶ Hoog waxaa leh kuwa amarro aan xaq ahayn soo saara, iyo kuwa wax qalloocan qora, 2 inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.
  • Yer 5:28 : 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
  • Mal 3:5 : 5 Oo anigu waan idiin soo dhowaan doonaa inaan idin xukumo aawadeed, oo markhaati dheereeya baan ku noqon doonaa saaxiriinta, iyo dhillayada, iyo dhaarbeenlowyada, iyo kuwa shaqaale mushahaaradiisa ku dulma, iyo kuwa carmalka iyo agoonta dhiba, iyo kuwa qariibka gartiisa ka qalloociya, iyo kuwa aan iga cabsan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay.
  • Yac 2:5-6 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? 6 Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?
  • Yer 6:28 : 28 Iyagu waa caasiyiin fallaagoobay, oo xan bay la ordaan oo iyagu waa naxaas iyo bir, oo kulligoodna waa kuwa wax kharriba.
  • Yer 7:6 : 6 iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,
  • Aam 5:11-12 : 11 Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan. 12 Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.
  • Miik 3:1-4 : 1 ¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin? 2 Idinku wanaagga waad neceb tihiin oo sharkaad jeceshihiin, oo haraggoodana waad ka mudhxisaan, oo hilibkoodana lafahooda waad ka mudhxisaan. 3 Oo weliba waxaad cuntaan hilibka dadkayga, oo haraggoodana waad ka siibtaan, oo lafahoodana waad jejebisaan, haah, oo waxaad u kala gogooysaan sidii hilib dheri loo diyaariyo, iyo sidii hilib digsi ku jiro. 4 Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.
  • Saf 3:1-4 : 1 ¶ Waxaa iska hoogtay magaalada caasiyowday oo nijaasowday oo wax dulunta! 2 Iyadu codkii ma ay addeecin, oo edbintiina ma ay aqbalin, oo Rabbiga iskuma ay hallayn, oo Ilaahna kuma ay soo dhowaan. 3 Amiirradeeda iyada dhex jooga waa sida libaaxyo ciyaya, xaakinnadeeduna waa sida yeey habeennimo oo aan waxba tan iyo aroortii reebin. 4 Nebiyadeedu waa kuwo fudud oo khiyaano badan, oo wadaaddadeediina meeshii quduuska ahayd ayay nijaaseeyeen, oo sharcigiina si xun bay u dhaafeen.
  • 2 Taar 19:7 : 7 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga ka cabsada, iska jira, oo saas yeela, waayo, xagga Rabbiga Ilaaheenna ah dembi ma jiro, dadkana looma kala eexdo, laaluushna lama qaato.
  • Ayuub 31:13 : 13 Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,
  • Ayuub 31:21-22 : 21 Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday, 22 Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto.
  • Sab 82:3-4 : 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 23:1-3
    3 aayado
    87%

    1¶ Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.

    2Inaad xumaan fashid aawadeed dad badan ha u raacin, ama marag ha furin oo dad badan dhankooda ha u leexan inaad gar qalloocisaan,

    3waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

  • 15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

  • 17¶ Waa inaydaan qalloocin garta qariibka iyo agoonta, oo naag carmal ah dharkeedna waa inaydaan rahaamad u qaadan,

  • 81%

    18¶ Oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo irdihiinna oo dhan siday qabiilooyinkiinnu yihiin u samee xaakinno iyo saraakiil, oo iyana dadka ha ugu garsooreen garsoor xaq ah.

    19Waa inaydaan garta qalloocin, oo dadkana waa inaydaan u kala eexan, oo laaluushna waa inaydaan qaadan, waayo, laaluushku wuu indhatiraa kuwa xigmadda leh, oo erayada kuwa xaqa ahna wuu qalloociyaa.

    20Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

  • 79%

    22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

    23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

  • 9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • 78%

    14¶ Waa inaadan dulmin shaqaale la kiraystay oo miskiin ah oo baahan, hadduu yahay walaalahaaga midkood ama hadduu yahay shisheeyaha dalkaaga deggan oo irdahaaga ku jira.

    15Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.

  • Sab 82:3-4
    2 aayado
    77%

    3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.

    4Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 25¶ Oo haddaad lacag ammaahisid dadkayga masaakiinta ah oo kula jooga, waa inaadan ku noqon sidii mid dayn ku leh ama waa inaadan waxba kor saarin.

  • Bax 23:7-8
    2 aayado
    76%

    7Wax been ah ka fogow; oo ha dilin mid aan eed lahayn iyo kan xaqa ah; waayo, anigu xaq ka dhigi maayo kan shar fala.

    8Oo waa inaadan laaluush qaadan innaba; waayo, laaluushku waa indho tiraa kuwa wax arka, wuuna qalloociyaa kan xaqa ah hadalkiisa.

  • 17Oo xagga garsooridda dadka ha u kala eexanina. Kii yar iyo kii weynba waa inaad isku si u maqashaan, oo ninna wejigiisa ha ka cabsanina, waayo, garsooridda Ilaah baa iska leh, oo dacwaddii idinku adagna ii keena, oo anna taas waan maqli doonaa.

  • 19¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • 5Haddaad aragtid kan ku neceb dameerkiisii oo rar la dhacay, oo aanad doonayn inaad caawiso, hubaal waa inaad caawisaa.

  • 35Waa inaydaan xaqdarro ka samayn garsooridda, iyo cabbiridda, iyo miisaamidda iyo beegiddaba.

  • 10Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.

  • 2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

  • 6Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • 5Ma wanaagsana in kan sharka leh loo eexdo, Ama in kan xaqa ah garta lagu afgembiyo.

  • 16Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha?

  • 6iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 22Waa inaydnaan dhibin carmal, ama ilmo agoon ah.

  • 12Oo isagu hadduu yahay nin miskiin ah waa inaadan seexan adigoo rahaamaddiisa sii haysta,

  • 10Oo beertiinna canabka ahna waa inaydaan xaaxaabin, oo midhaha beertiinna canabka ah oo dhacayna waa inaydaan soo urursan, laakiinse waa inaad u daysaan miskiinka iyo shisheeyaha, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 6Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 6Isagu uma daayo kan sharka ahu inuu sii noolaado, Laakiinse kuwa dhibaataysan xaqooduu siiyaa.

  • 14Oo haddaad deriskaaga wax ka iibisid, ama haddaad gacanta deriskaaga wax ka iibsatid, waa inaan midkiinna midka kale dulmin.

  • 23Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana.

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.

  • 7¶ Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.

  • 4¶ Haddaad aragtid walaalkaa dameerkiisa ama dibigiisa oo jidka ku dhacay, waa inaadan ka dhuuman, laakiinse hubaal waa inaad isaga caawisaa oo la istaajisaa.

  • 9Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.

  • 11Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 17Waa inaan midkiinna midka kale dulmin; laakiinse waxaad ka cabsataan Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.