Yacquub 2:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 11:22 : 22 Sow ma lihidin guryo aad wax ku cuntaan oo wax ku cabtaan? Mise kiniisadda Ilaah baad fududaysanaysaan, oo aad kuwa aan waxba haysan ceebaynaysaan? Maxaan idinku idhaahdaa? Ma waxanaan idinku ammaanaa? Idinku ammaani maayo!
  • Fal 17:6 : 6 Oo markay waayeen, ayay Yasoon iyo kuwo walaalo ah ku hor jiideen taliyayaashii magaalada iyagoo ku qaylinaya oo leh, Kuwii dunida rogay ayaa halkanna yimid,
  • Fal 18:12 : 12 ¶ Laakiin kolkii Galliyo ahaa taliyaha Akhaya, Yuhuuddii oo isku qalbi ah baa ku kacday Bawlos, oo waxay hor keeneen kursigii xukumaadda iyagoo leh,
  • Fal 8:3 : 3 Laakiin Sawlos aad buu kiniisadda u rafaadiyey, oo intuu guri walba galay, ayuu rag iyo dumarba ka soo jiiday, oo xabsi ku riday.
  • Fal 13:50 : 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.
  • Sab 14:6 : 6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
  • Maah 14:31 : 31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.
  • Maah 17:5 : 5 Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.
  • Yac 5:6 : 6 Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.
  • Maah 22:16 : 16 Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.
  • Wacd 5:8 : 8 ¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.
  • Wacd 9:15-16 : 15 Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan. 16 Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.
  • Ish 3:14-15 : 14 Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan. 15 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?
  • Ish 53:3 : 3 Isaga waa la quudhsaday, waana la diiday, oo wuxuu ahaa nin murugeed, oo xanuun bartay, waana la quudhsaday sida mid dadku wejiga ka qarsado, mana aynaan xurmayn.
  • Aam 2:6-7 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood. 7 Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.
  • Aam 4:1 : 1 ¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.
  • Aam 5:11 : 11 Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.
  • Aam 8:4-6 : 4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow, 5 oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya, 6 si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?
  • Miik 6:11-12 : 11 Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah? 12 Waayo, dadkeeda taajiriinta ahu waa dulmi miidhan, oo kuweeda degganuna been bay ku hadlaan, oo carrabka afkooduna waa khiyaano miidhan.
  • Xab 3:14 : 14 Madaxii dagaalyahanyadiisa waxaad ku mudday ulihiisii, Waxay u yimaadeen sidii dabayl cirwareen ah inay i kala firdhiyaan daraaddeed. Rayrayntoodu waxay ahayd inay masaakiinta qarsoodi u dhammeeyaan.
  • Sak 7:10 : 10 Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.
  • Fal 16:19-20 : 19 ¶ Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda, 20 oo markay xaakinnadana u keeneen, waxay yidhaahdeen, Nimankanu iyagoo Yuhuud ah ayay si weyn magaaladayada u dhibayaan,
  • 1 Boq 21:11-13 : 11 Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay. 12 Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen. 13 Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.
  • Yac 2:3 : 3 oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,
  • Yac 5:4 : 4 Shaqaalayaashii beerihiinnii idiin gooyay mushahaaradoodii aad dulmiga uga reebateen way dhawaaqaysaa, qaylooyinkii kuwii beerihii gooyayna waxay galeen dhegaha Rabbiga Saba'ood.
  • Sab 10:2 : 2 Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.
  • Sab 10:8 : 8 Isagu wuxuu fadhiistaa tuulooyinka meelahooda lagu dhuunto, Oo kan aan xaqa qabinna wuxuu ku dilaa meelaha qarsoon, Oo indhihiisuna waxay si qarsoon hoos uga fiiriyaan miskiinka.
  • Sab 10:10 : 10 Wuu foororsadaa, oo hoos isu gaabiyaa, Oo masaakiinta waxaa ridda gacanta kuwiisa xoogga badan.
  • Sab 10:14 : 14 Waxaas baad aragtay, waayo, waad u jeeddaa belaayada iyo xanaaqa, inaad gacantaada ku aargudatid aawadeed, Miskiinku adiguu isu kaa dhiibaa, Waayo, adigu waxaad tahay agoonka kaalmeeyihiisa.
  • Sab 12:5 : 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
  • Fal 4:1-3 : 1 ¶ Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen, 2 iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. 3 Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd.
  • Fal 4:26-28 : 26 Boqorrada dhulku col bay u taagnaayeen. Taliyayaashuna intay is-urursadeen Ayay waxay caasi ku noqdeen Rabbiga iyo Masiixiisa; 27 waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen, 28 inay sameeyaan wax alla wixii gacantaada iyo taladaadu hore u gooyeen inay noqdaan.
  • Fal 5:17-18 : 17 ¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan, 18 intay rasuulladii qabqabteen, xabsi ku rideen.
  • Fal 5:26-27 : 26 Markaasaa sirkaalkii, isagoo saraakiil kale la socoto, intuu tegey, rabshadla'aan u soo kaxeeyey; waayo, waxay ka baqeen dadku inuu dhagxiyo. 27 ¶ Markaasay, intay soo kaxeeyeen, shirka soo hor taageen. Kolkaasaa wadaadkii sare weyddiiyey,
  • Ayuub 20:19 : 19 Waayo, wuxuu dulmay oo dayriyey masaakiinta, Oo wuxuu xoog ku qaatay guri uusan dhisin.
  • Yoox 8:49 : 49 Ciise wuxuu ugu jawaabay, Jinni ma qabo, laakiin Aabbahay baan murweeyaa, idinkuna waad i murwad jebisaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yac 2:1-5
    5 aayado
    82%

    1¶ Walaalahayow, iimaanka Rabbigeenna Ciise Masiix kan ammaanta leh eexasho ha ku haysanina.

    2Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo,

    3oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,

    4miyeydnaan kala qaybsamin oo miyeydnaan noqonin kuwa fikirrada sharka leh wax ku xukuma?

    5I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel?

  • 7Miyaanay caayin magaca wanaagsan oo laydiinku yeedhay?

  • Aam 5:11-12
    2 aayado
    76%

    11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

    12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

  • Yac 5:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan taajiriinta ahow, ooya oo ka baroorta dhibaatooyinka idinku soo degaya.

    2Duunyadiinnii way qudhuntay, dharkiinniina aboor baa cunay.

  • 3waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

  • 1 Kor 6:7-8
    2 aayado
    73%

    7Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee?

    8Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

  • 6Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.

  • Ish 3:14-15
    2 aayado
    72%

    14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 6Waad xukunteen, waadna disheen kan xaqa ah. Isaguna isma kiin hor taago.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 71%

    20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

    21Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.

  • 1¶ Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda?

  • 23Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.

  • 15Waa inaydaan garsooridda caddaaladdarro ku samayn, oo waa inaadan miskiinka u eexan, ama aadan cisayn qofka weyn, laakiinse deriskaaga waxaad ugu garsoortaa si caddaalad ah.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed waxaan dadka oo dhan hortiisa idinkaga dhigay wax la quudhsado oo hooseeya, maxaa yeelay, jidadkayga ma aydaan dhawrin, laakiinse dadka baad ugu kala eexateen sharciga.

  • 19Haddaba ma saasaad ku odhan lahayd kan aan amiirrada u eexan, Ama aan taajirka uga roonayn kan miskiinka ah? Waayo, iyagu dhammaantood waa shuqulkii gacmihiisu sameeyeen.

  • 10Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis.

  • 24Hoog waxaa leh kuwiinna hodanka ah, waayo, gargaarkiinna waad hesheen.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • Yac 1:9-10
    2 aayado
    70%

    9¶ Walaalkii hooseeyaa ha ku faano sarraysiintiisa,

    10kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.

  • 6Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.

  • 4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

  • 8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

  • 5Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • 20¶ Markaasuu kor u fiiriyey oo xertiisii eegay oo ku yidhi, Waxaa barakaysan kuwiinna masaakiinta ah, waayo, boqortooyadii Ilaah idinkaa leh.

  • 4Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?

  • 28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.

  • 7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 2Kii shar leh oo kibir badan ayaa miskiinka si kulul u eryada, Xeeladdii ay hindiseen iyaga ha la rogmato.

  • 6Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 2Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey.

  • 11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 3Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka.