Yexesqeel 18:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse haddii nin xaq yahay oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 18:19 : 19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
  • Sab 15:2-5 : 2 Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla. 3 Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin, 4 Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin, 5 Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.
  • Sab 24:4-6 : 4 Waa kii gacmihiisu nadiifsan yihiin, oo qalbigiisu daahir yahay, Oo aan naftiisa hawo been ah kor ugu qaadin, Oo aan si khiyaano leh u dhaaran. 5 Kaasu wuxuu Rabbiga ka heli doonaa barako, Ilaaha badbaadadiisana xaqnimo. 6 Kanu waxaa weeye qarnigii kuwa isaga doondoona, Oo waa kuwa wejigaaga doondoona, Ilaaha Yacquubow. (Selaah)
  • Maah 21:3 : 3 Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
  • Yer 22:15 : 15 Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn?
  • Yex 33:14 : 14 Haddana markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, hadduu dembigiisa ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,
  • Mat 7:21-27 : 21 ¶ Ma aha qof kasta oo igu yidhaahda, Rabbow, Rabbow, kuwa boqortooyadii jannada gelayaa, laakiin kii sameeya doonista Aabbahayga jannada ku jira, kaasaa gelaya. 22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn? 23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow. 24 ¶ Haddaba qof kasta oo ereyadaydan maqla oo yeela, waxaa loo ekaysiinayaa nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagaxa. 25 Roobkii ayaa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, ma uuna dumin, waayo, waxaa laga dul dhisay dhagaxa. 26 Qof kasta oo ereyadaydan maqla oo aan yeelin, waxaa loo ekaysiinayaa nin doqon ah oo gurigiisa carrada ka dul dhisay. 27 Roobkii waa da'ay, daadkiina waa yimid, dabayshiina waa dhacday, wayna ku dhaceen gurigaas, wuuna dumay, dumiddiisuna waa weynayd.
  • Room 2:7-9 : 7 kuwa dulqaadashada shuqulka wanaagsan ku doondoonaa ammaan iyo ciso iyo dhimashola'aan, wuxuu siin doonaa nolosha weligeed ah; 8 laakiin kuwa iskala qaybqaybiya, oo aan runta addeecin, laakiinse xaqdarrada addeeca, waxaa u ahaan doona cadho iyo ciil, 9 iyo dhibaato iyo cidhiidhiba, oo waxay u ahaan doonaan naf kasta oo dadka sharka sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga. 10 Laakiin ammaan iyo ciso iyo nabad baa u ahaan doona ku kasta oo wanaag sameeya, marka hore Yuhuudda, dabadeedna Gariigga;
  • Yac 1:22-25 : 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya. 23 Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya. 24 Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa. 25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.
  • Yac 2:14-26 : 14 ¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa? 17 Haddaba sidaas oo kale rumaysadku haddaanu shuqullo lahayn keli ahaantiisu waa meyd. 18 ¶ Laakiin waxaa la odhan doonaa, Adigu waxaad leedahay rumaysad, anna waxaan leeyahay shuqullo. I tus rumaysadkaaga aan shuqullada lahayn, anna rumaysadkayga shuqulladaydaan kugu tusi doonaa. 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan. 20 Doqonow, ma doonaysaa inaad garatid in rumaysadka aan shuqullada lahaynu aanu waxba tarin? 21 Miyaan awowgeen Ibraahim shuqullo lagu caddaynin inuu xaq yahay goortuu wiilkiisii Isxaaq meeshii allabariga ku bixiyey? 22 Waad garanaysaa in rumaysadku shuqulladiisii la shaqeeyey, oo rumaysadku kaamil ku noqday shuqullada. 23 Waxaa rumoobay Qorniinka leh, Ibraahimna Ilaah buu rumaystay, oo waxaa isaga loogu tiriyey xaqnimo, oo waxaa loogu yeedhay saaxiibkii Ilaah. 24 Waxaad garanaysaan in nin shuqullo lagu caddeeyo inuu xaq yahay oo aan lagu caddayn rumaysadka oo keliya. 25 Sidaas oo kale miyaan dhilladii Raxab ahayd shuqullo lagu caddayn inay xaq tahay kolkay soo dhowaysay basaasyadii oo ay jid kale u dirtay? 26 Sida jidhkii aan ruux lahaynu meyd u yahay, sidaas oo kaluu rumaysadkii aan shuqullo lahaynuna meyd u yahay.
  • 1 Yoox 2:3 : 3 Oo taas ayaynu ku garanaynaa inaynu naqaan isaga, haddaynu qaynuunnadiisa adkayno.
  • 1 Yoox 2:29 : 29 Haddaad og tihiin inuu xaq yahay, waxaad weliba ogaataan in mid walba oo xaqnimo falaa uu isaga ka dhashay.
  • 1 Yoox 3:7 : 7 ¶ Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay.
  • 1 Yoox 5:2-5 : 2 Taasaynu ku garanaynaa inaynu carruurta Ilaah jecel nahay, goortaynu Ilaah jeclaanno oo qaynuunnadiisa xajinno. 3 Waa kan jacaylka Ilaah, kaasoo ah inaynu qaynuunnadiisa xajinno; oo qaynuunnadiisuna ma cusla. 4 Ku alla kii ka dhashay Ilaah, wuxuu ka adkaadaa dunida, oo waxaa libta ka adkaata dunida ah rumaysadkeenna. 5 Waa ayo kan dunida ka adkaadaa, kan rumaystaa inuu Ciise yahay Wiilka Ilaah mooyaane?
  • Muj 22:14 : 14 Haddaba waxaa barakaysan kuwa khamiisyadooda maydha, si ay amar ugu lahaadaan inay u yimaadaan geedka nolosha, oo ay magaalada irdaha ka soo galaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yex 18:6-11
    6 aayado
    80%

    6oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,

    7oo uusan cidna dulmin, laakiinse uu kii wax ka deyntay rahaamaddiisii u celiyey, oo uusan waxba xoog ku boobin, oo uu cuntadiisiina mid gaajaysan siiyey, oo uu kii qaawanna dhar huwiyey,

    8ama uusan korsaar wax ku bixin, oo uusan ribo cidna ka qaadan, oo uu yahay mid gacantiisa xumaanta dib uga celiya, oo si caddaalad ah ugu garsooray nin iyo nin kale,

    9oo uu qaynuunnadayda ku socday, oo uu xukummadayda u xajiyey si uu wax qumman u sameeyo, kaasu waa xaq, oo hubaal wuu noolaan doonaa, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

    10Oo ninkaasu hadduu dhalo wiil tuug ah, oo gacankudhiigle ah, amase wax waxyaalahaas la mid ah sameeya,

    11oo uusan waxyaalaha waajibka ku ah samayn, laakiinse uu buuraha wax ku cunay, oo uu naagtii deriskiisana nijaaseeyey,

  • Yex 33:18-19
    2 aayado
    78%

    18Kan xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo oo uu xumaan sameeyo, xumaantiisuu ku dhiman doonaa.

    19Laakiinse sharrowgu hadduu sharnimadiisa ka soo noqdo oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, qummanaantiisuu ku noolaan doonaa.

  • Yex 18:14-22
    9 aayado
    78%

    14Haddaba bal eeg, kaasu hadduu dhalo wiil dembigii aabbihiis sameeyey oo dhan arka, oo uu markaas cabsado, oo aan waxaas oo kale samayn,

    15oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,

    16ama uusan cidnaba dulmin, oo uusan rahaamadda qaadan, oo uusan waxba xoog ku boobin, laakiinse uu cuntadiisa kii gaajaysan siiyey, oo kii qaawanna dhar huwiyey,

    17oo uu gacantiisana masaakiinta dib uga celiyey, oo uusan korsaar amase ribo cidna ka qaadan, oo uu xukummadayda sameeyey, oo uu qaynuunnadayda ku socday, kaasu xumaantii aabbihiis sameeyey aawadeed uma dhiman doono, hubaalse wuu noolaan doonaa.

    18Laakiinse aabbihiis xumaantiisuu ku dhex dhiman doonaa, maxaa yeelay, isagu si nac weyn ayuu wax u dulmay, oo walaalkiisna xoog buu wax kaga boobay, oo dadkiisana wax aan wanaagsanayn buu ku dhex sameeyey.

    19Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Wiilku muxuu u qaadan waayaa xumaantii aabbihiis? Wiilku hadduu sameeyo waxa xaqa ah oo qumman, oo uu qaynuunnadayda oo dhan xajiyey, oo uu wada sameeyey, hubaal wuu noolaan doonaa.

    20Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.

    21Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.

    22Oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan midna looma soo xusuusan doono. Wuxuu ku noolaan doonaa xaqnimadiisii uu sameeyey.

  • Yer 7:5-6
    2 aayado
    77%

    5Waayo, haddaad jidadkiinna iyo falimihiinnaba wada hagaajisaan, oo aad caddaalad ugu garsoortaan nin iyo deriskiisa,

    6iyo haddaydnan dulmin shisheeyaha iyo agoonta iyo carmalka, oo aydaan meeshan ku daadin dhiig aan xaq qabin, oo aydaan ilaahyo kale waxyeelladiinna u daba gelin,

  • Yex 18:24-28
    5 aayado
    76%

    24Laakiinse ka xaqa ahu hadduu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu wada sameeyo waxyaalaha karaahiyada ah ee uu sharrowgu sameeyo oo dhan, markaas miyuu sii noolaan doonaa? Waxyaalihii xaqa ahaa ee uu sameeyey oo dhan innaba lama soo xusuusan doono, oo wuxuu ku dhex dhiman doonaa xadgudubkiisii uu xadgudbay, iyo dembigiisii uu dembaabay.

    25Laakiinse idinku waxaad tidhaahdaan, Sayidka jidkiisu ma qummana, haddaba reer binu Israa'iilow, bal i maqla. Sow jidkaygu ma qummana? Sow jidadkiinnu ma aha kuwa aan qummanaynu?

    26Marka ka xaqa ahu uu xaqnimadiisa ka leexdo, oo uu xumaan sameeyo, oo uu taas ku dhinto, wuxuu ku dhiman doonaa xumaantii uu sameeyey.

    27Haddaba sharrowgu markuu sharnimadiisii uu sameeyey ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah ee qumman sameeyo, markaasuu naftiisa badbaadin doonaa.

    28Isagu wuu fiirsadaa, oo xadgudubyadiisii uu sameeyey oo dhan wuu ka soo noqdaa, oo sidaas aawadeed hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.

  • 1¶ Haddii niman muran dhex maro, oo ay garsoorid u yimaadaan, oo loo garsooro, markaas kii gar leh, gartiisa ha la siiyo, kii gardaranna ciqaab ha lagu xukumo.

  • 5Haddaba sidaas daraaddeed idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo ninkii sameeyaana iyaguu ku noolaan doonaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Yex 33:13-16
    4 aayado
    75%

    13Markaan ka xaqa ah ku idhaahdo, Hubaal waad noolaan doontaa, hadduu xaqnimada isku halleeyo oo uu xumaan sameeyo, markaas falimihiisii xaqa ahaa lama soo xusuusan doono, laakiinse wuxuu ku dhiman doonaa xumaantiisii uu sameeyey.

    14Haddana markaan sharrowga ku idhaahdo, Hubaal waad dhiman doontaa, hadduu dembigiisa ka soo noqdo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo,

    15iyo hadduu sharrowgu rahaamaddii celiyo, oo uu wixii uu dhacay celiyo, oo uu qaynuunnada nolosha ku socdo, isagoo aan innaba xumaan samaynayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono.

    16Oo dembiyadiisii uu sameeyey midkoodna looma xusuusan doono. Wuxuu sameeyey wax xaq ah oo qumman, oo hubaal wuu noolaan doonaa.

  • 18Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin,

  • 20Oo wixii dhammaan xaq ah waa inaad raacdaan, inaad noolaataan, oo aad dhaxashaan dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo.

  • 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

  • 25Yaanay noqon inaad sidaas samayso, inaad kuwa xaqa ah la dishid kuwa sharka fala, oo sidaas kuwa xaqa ahu ay kula mid noqdaan kuwa sharka fala, taas yaanay noqon. Dunida oo dhan Xaakinkeedu miyuusan xaq samayn doonin?

  • 2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.

  • 17War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa? Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?

  • 21Habase ahaatee haddaad ninka xaqa ah u digtid, si uusan ka xaqa ahu u dembaabin oo uusan dembi u samayn, markaas hubaal wuu noolaan doonaa, maxaa yeelay, wuu digniin qaatay, adiguna naftaadii waad samatabbixisay.

  • 7Haddaad xaq tahayse bal maxaad isaga siisaa? Isaguse muxuu gacantaada ka helaa?

  • 23Waayo, isagu uma baahna inuu in kale binu-aadmiga ka sii fikiro, Inuu isagu Ilaah hortiisa garsoorid u tago.

  • Laaw 5:3-4
    2 aayado
    72%

    3Ama hadduu taabto qof nijaastiis, nijaasta uu ku nijaasoobay wax kastoo ay tahayba, haddii taasu ay isaga ka qarsoon tahay, markuu ogaado wuxuu ahaan doonaa mid eed leh.

    4Ama haddii mid uu bushimihiisa degdeg ugaga dhaarto inuu samaynayo xumaan ama samaan, wax kasta ha ahaadeene wixii qof degdeg ugu dhaarto, hadday waxaasu isaga ka qarsoon yihiin, markuu waxaas ogaado wuxuu ahaan doonaa mid waxyaalahan midkood eed ku leh.

  • 25Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.

  • 23de markaas samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun, adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.

  • 8Nin yahow, Rabbigu wuxuu ku tusay waxa wanaagsan. Oo bal maxaa Rabbigu kaa doonayaa, inaad caddaaladda samaysid, oo aad naxariista jeclaatid, oo aad si hoosaysa Ilaahaaga ula socotid mooyaane?

  • 17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

  • 32de markaa samada ka maqal oo yeel, oo addoommadaada xukun adigoo kii shar leh ciqaabaya si aad xumaantii jidkiisa madaxa ugu saartid, oo aad kii xaq ahna xaq uga dhigtid, oo aad ugu abaalguddid sida xaqnimadiisu tahay.

  • 11Sidaas daraaddeed dadku wuxuu odhan doonaa, Hubaal kii xaq ahu abaalgud buu leeyahay, Hubaal waxaa jira Ilaah dhulka xukuma.

  • 2Haddii qof dembaabo oo uu Rabbiga ku xadgudbo, oo uu si aan daacad ahayn deriskiisa kula macaamiloodo wax ku saabsan carbuun, ama rahmad, ama dhicid, amase hadduu deriskiisa dulmo,

  • 6Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin ama naagu ay galaan dembi ay dadku galaan, oo ay Rabbiga ku xadgudbaan, oo ay naftaasu sidaas eed ku lahaato,

  • 5¶ Waayo, Muuse wuxuu qoray in ninkii yeelaa xaqnimada sharciga uu ku noolaan doono iyada.