Yeremyaah 21:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 1:17 : 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
  • Yer 4:4 : 4 Raggiinna dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganow, Rabbiga isu guda, oo iska gooya buuryada qalbigiinna, si ayan cadhadaydu u soo bixin sida dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin karin sharka falimihiinna aawadiis.
  • Yer 36:7 : 7 Waxaa suurtowda inay baryootankooda Rabbiga hor keenaan, oo midkood kastaaba uu jidkiisa sharka ah ka soo noqdo, waayo, cadhada iyo xanaaqa uu Rabbigu dadkan kaga hadlay way weyn yihiin.
  • Yer 22:2-3 : 2 oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.
  • Ish 1:31 : 31 Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.
  • Sab 101:8 : 8 Subax ilaa ka subax ayaan wada baabbi'in doonaa kuwa sharka leh oo dalka deggan oo dhan, Si aan magaalada Rabbiga uga baabbi'iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhan.
  • Maah 31:8-9 : 8 Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso. 9 Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.
  • Saf 3:5 : 5 Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.
  • Sak 7:9-9 : 9 Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad. 10 Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis. 11 Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.
  • Nax 1:6 : 6 ¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.
  • Ish 7:2 : 2 Oo waxaa reer Daa'uud loo soo sheegay war leh, Suuriya waxay xidhiidh la yeelatay reer Efrayim. Markaasaa qalbigiisii iyo qalbigii dadkiisuba waxay u ruxmadeen sida geedaha duurka dabayshu u ruxdo oo kale.
  • Ish 7:13 : 13 Oo isna wuxuu yidhi, Reer Daa'uudow, bal haatan i maqla, ma wax yar bay idinku tahay inaad dadka daalisaan? Oo weliba Ilaahaygana miyaad daalinaysaan?
  • Yer 22:15-17 : 15 Ma waxaad u malaynaysaa inaad boqor tahay qoryo kedar ah oo aad ku loollamaysid aawadood? Aabbahaa isagoo wax cunaya oo wax cabbaya miyuusan caddaalad iyo xaqnimo samayn jirin? Oo markaas isagu sow ma nabdoonayn? 16 Isagu miskiinka iyo saboolka baahan buu u garsoori jiray, oo markaasuu nabdoonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, In lay aqoonsado sow taasu ma aha? 17 Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.
  • Yer 5:28 : 28 Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.
  • Yer 7:20 : 20 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
  • Yer 17:4 : 4 Oo adiga qudhaadu waad sii dayn doontaa dhaxalkii aan ku siiyey, oo inaad cadaawayaashaada ugu adeegtid dal aadan weligaa aqoonin ayaan ka dhigi doonaa, waayo, waxaad cadhadaydii ku dhex shidday dab weligiisba sii ololaya.
  • Yex 20:47-48 : 47 oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa. 48 Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
  • Yex 22:18-22 : 18 Wiilka Aadamow, reer binu Israa'iil wasakh bay ii noqdeen, oo kulligood waa naxaas iyo qasacad iyo bir iyo laxaamad foornada ku dhex jira, oo xataa waa wasakhda lacagta. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku soo ururin doonaa Yeruusaalem gudaheeda, maxaa yeelay, kulligiin wasakh baad noqoteen. 20 Sida lacag, iyo naxaas, iyo bir, iyo laxaamad, iyo qasacad loo soo ururiyo, oo foornada loogu dhex rido in dabka lagu afuufo si loo dhalaaliyo aawadeed, sidaas oo kalaan idinku soo wada ururin doonaa xanaaqayga iyo cadhadayda, oo halkaasaan idinku ridi doonaa oo aan idinku dhalaalin doonaa. 21 Hubaal waan idin soo ururin doonaa oo waxaan idinku soo afuufi doonaa dabka cadhadayda, oo idinkuna dhexdiisaad ku dhalaali doontaan. 22 Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.
  • Yex 22:31 : 31 Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Yex 24:8-9 : 8 Inay cadho ugu soo kacdo oo ay ka aarsato ayaan dhiiggeedii dhagax diiran dul saaray si uusan u daboolmin. 9 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta! Aniguna tuulmada waan weynayn doonaa. 10 Qoryo ku sii gur, oo dabka sii shid, oo hilibka aad u kari, oo maraqana xawaash ku shub, oo lafuhuna ha gubteen. 11 Markaas digsiga oo madhan dhuxusha shidan saar si uu u kululaado, oo ay naxaastiisu u gubato, oo ay wasakhdiisu gudihiisa ugu dhalaasho oo uu miridhkiisuna u baabba'o. 12 Iyadu si aan waxba tarayn ayay isu daalisay, oo miridhkeeda badanna iyada kama uu baxo, oo miridhkeeda dabka kagama baxo. 13 Wasakhdaada shar baa ku jira, maxaa yeelay, waan ku nadiifiyey laakiinse waad nadiifsanaan weyday, haddaba innaba wasakhdaada kama aad nadiifsami doontid jeeraan cadhadayda kugu dhammaystiro. 14 Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay. Saasay noqon doontaa, oo taasaan samayn doonaa. Innaba dib ugama aan noqon doono, mana tudhi doono, oo innaba kama aan soo noqon doono. Siday jidadkaagu ahaayeen iyo siday falimahaagu ahaayeen ayay kuu xukumi doonaan ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Bar 2:3-4 : 3 Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan. 4 Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.
  • Bar 4:11 : 11 Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.
  • Yer 5:14 : 14 Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.
  • Yer 21:5 : 5 Oo aniga qudhaydu waxaan idinkula diriri doonaa gacan fidsan iyo cudud xoog badan, anoo xanaaqsan oo cadhaysan oo aad u dhirifsan.
  • Yer 23:5 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa soo socda wakhti aan Daa'uud u kicin doono biqil xaq ah, oo boqor ayuu ahaan doonaa, wuuna liibaani doonaa, oo wuxuu dhulka ku samayn doonaa caddaalad iyo xaqnimo.
  • Yer 23:19 : 19 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.
  • Ish 16:3-5 : 3 Talo ku tali, oo caddaalad ku garsoor, maalin hadh cad ah hooskaaga ka dhig habeen madow oo kale, masaafurisyada qari, oo magantana ha gacangelin. 4 Kuwa Moo'aab ee masaafurisyada ah ha kula joogeen, oo waxaad gabbaad uga noqotaa kan iyaga dhacaya, waayo, kii wax dulmi jiray wuu dhammaaday, dhiciddiina way joogsatay, kuwii dadka cadaadin jirayna dalkaa laga baabbi'iyey. 5 Oo carshigu naxariis buu ku dhismi doonaa, oo run ahaan waxaa carshiga taambuugga Daa'uud dhexdiisa ah ku fadhiisan doona mid caddaalad ku garsoora, caddaaladna doondoona, oo xaqnimada ku dhaqsada.
  • Ish 31:1-2 : 1 ¶ Waxaa iska hoogay kuwa Masar caawimaad ugu dhaadhaca, oo fardo ku kalsoonaada, oo gaadhifardoodyo isugu halleeya badidooda aawadeed, oo fardooleyna isugu halleeya xooggooda badan aawadiis, laakiinse aan Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil fiirin, oo aan Rabbigana innaba doondoonin. 2 Laakiinse isaguba waa xigmad badan yahay, oo belaayuu keeni doonaa, oo erayadiisana dib uma soo celin doono, laakiinse wuxuu ku kici doonaa reerka xumaanfalayaasha iyo caawimaadda kuwa xumaanta sameeya.
  • Wacd 10:16-17 : 16 Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmo yar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan! 17 Dalkow, waad barakaysan tahay, markii boqorkaagu nin gobeed yahay, oo amiirradaaduna ay wakhti habboon wax u cunaan inay xoog ku yeeshaan ee aan ahayn inay sakhraamaan!
  • Maah 24:11-12 : 11 Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo. 12 Haddaad tidhaahdid, Bal eeg, waxan ma aannu garanayn, Kan qalbiyada miisaamaa miyaanu ka fiirsanayn? Oo kan naftaada dhawraa miyaanu ogayn? Oo miyaanu isagu nin walba ugu abaalgudayn sida shuqulkiisu yahay?
  • Bax 18:13 : 13 Markaasaa waxaa maalintii dambe dhacday in Muuse u fadhiistay inuu dadkii u kala gar naqo; dadkiina waxay Muuse ag taagnaayeen subaxdii ilaa makhribkii.
  • Laaw 26:28 : 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa.
  • Sharc 32:22 : 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
  • 2 Sam 8:15 : 15 ¶ Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey; oo Daa'uud wuxuu dadkiisii oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
  • Ayuub 29:17 : 17 Ka xaqa daran daamankiisa waan jebin jiray, Oo wixii uu dhufsadana ilkihiisaan ka soo bixin jiray.
  • Sab 72:1-4 : 1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii. 2 Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad. 3 Buuruhu waxay dadka u keeni doonaan nabad, Kuruhuna waxay nabad ugu keeni doonaan xaqnimada. 4 Isagu wuxuu u garsoori doonaa dadka masaakiintiisa, Oo wuxuu badbaadin doonaa ka baahan carruurtiisa, Oo kan wax dulmana cadcad buu u kala jejebin doonaa.
  • Sab 72:12-14 : 12 Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn. 13 Wuxuu u nixi doonaa miskiinka iyo kan baahan, Oo kuwa baahan naftoodana wuu badbaadin doonaa. 14 Naftooduu ka furan doonaa khiyaano iyo dulmi, Oo dhiiggooduna hortiisuu qaali ku ahaan doonaa,
  • Sab 82:2-4 : 2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.
  • Saf 1:18 : 18 Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.
  • Mark 9:43-48 : 43 Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn 44 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 45 Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 46 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn. 47 Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada 48 oo ah meeshii dixirigoodu uusan dhimanayn, dabkuna uusan ka demayn.
  • Luuk 1:69 : 69 Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,
  • Luuk 18:3-5 : 3 Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. 4 Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, 5 weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
  • Room 13:4 : 4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 11¶ Erayga Rabbiga ee ku saabsan reerka boqorka dalka Yahuudah maqla.

  • Yer 22:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad u dhaadhacdaa guriga boqorka dalka Yahuudah, oo halkaas eraygan kaga hadal,

    2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.

    3Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaalad iyo xaqnimo sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, oo ha dulminina, hana xumaynina, hana wax yeelina qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka toona, oo meeshanna dhiig aan xaq qabin ha ku daadinina.

  • Yer 21:13-14
    2 aayado
    74%

    13Rabbigu wuxuu leeyahay, Ogaada, col baan idinla ahay, kuwiinna dooxada iyo dhagaxa bannaanka deggan ee yidhaahda, Bal yaa nagu soo dhaadhici kara, amase yaa rugtayada soo geli kara?

    14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • Ish 3:14-15
    2 aayado
    73%

    14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • 3Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan hindisay belaayo qoyskan ka gees ah, taas oo aydaan surkiinna kala bixi doonin, oo weliba si kibir leh uma socon doontaan, waayo, waa wakhti xun.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 24¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Rabbiga ciidammada, oo ah Ka xoogga badan ee reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Way, anigu nacabyadayda waan ka nasan doonaa, oo cadaawayaashaydana waan ka aar gudan doonaa.

  • 8Oo subaxdii dambe ayaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • 12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • 11Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.

  • 8¶ Haddaba i suga, ayaa Rabbigu leeyahay, ilaa maalinta aan ugaadhsade u soo kici doono, waayo, waxaan ku talajiraa inaan quruumaha isu soo ururiyo oo aan boqortooyooyinka isu soo shiriyo, si aan korkooda ugu shubo dhirifkayga iyo xataa xanaaqayga kulul oo dhan, waayo, dhulka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradayda.

  • 17Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.

  • 7Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 23Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa.

  • 5Rabbiga dhexdeeda jooga waa xaq, oo innaba xumaan ma samayn doono, oo caddaaladdiisana aroor kastaba wuu soo saaraa, oo marnaba kama baaqdo, laakiinse caddaaladlaawuhu isma ceebsan yaqaan.

  • 5Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku gooyay gacantii nebiyada, oo waxaan ku laayay erayadii afkayga, oo xukummadayduna waa sidii iftiinka soo baxa.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Caddaaladda dhawra oo xaqnimada sameeya, waayo, badbaadintaydu way soo dhow dahay inay timaado, oo xaqnimadayduna dhaqsay u soo muuqan doontaa.

  • 20Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay.

  • 11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

  • 8Goor dhow baan cadhadayda kugu kor shubi doonaa, oo xanaaqaygaan kugu kor dhammaystiri doonaa, oo siday jidadkaagu ahaayeen ayaan kuu xukumi doonaa, oo waxaan kaa abaalmarin doonaa waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo dhan.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 6Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.

  • 9¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Amiirrada reer binu Israa'iilow, intaasu ha idinku filnaato. Dulmiga iyo dhicidda joojiya, oo garsoorid iyo caddaalad sameeya, oo baaddiinnana dadkayga ka fogeeya, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • 20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

  • 29Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruuntii tan oo kale ah?

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 12Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah.

  • 9Maalintaas waxaan wada ciqaabi doonaa kuwa marinka ka booda, oo guriga sayidkooda ka buuxiya dulmi iyo khiyaano.

  • 9Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya.

  • 12Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi'iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa.

  • 4Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan soo bixin doonaa, oo wuxuu soo geli doonaa guriga tuugga, iyo guriga kan magacayga beenta ugu dhaarta, oo wuxuu iska joogi doonaa gurigiisa dhexdiisa, oo alwaaxdiisa iyo dhagaxyadiisaba wuu wada baabbi'in doonaa.

  • 21Haddaba sidaas daraaddeed carruurtooda abaar u gacangeli, oo waxaad iyaga u gudbisaa xoogga seefta, oo naagahooduna ha gablameen, oo carmallo ha noqdeen, oo raggoodana ha la laayo, oo barbaarradoodana seef ha lagu dilo dagaalka dhexdiisa.

  • 16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,

  • 17Laakiinse indhahaaga iyo qalbigaagu waxay keliyahoo u diyaar yihiin faa'iidadaada xaqdarrada ah, iyo inay dhiig aan xaq qabin daadiyaan, iyo inay dulmi iyo waxyeelid sameeyaan.

  • 20¶ Waxan dadka Yacquub ka dhex sheega, oo dadka Yahuudah ka dhex naadiya, oo waxaad tidhaahdaan,