Sakaryaah 12:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Coba 1:18 : 18 Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.
  • Sak 2:4 : 4 Oo wuxuu ku yidhi isagii, Orod, oo la hadal ninkaas dhallinyarada ah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Yeruusaalem waxaa loo degi doonaa sidii tuulooyin aan deyr lahayn, sababtuna waa dadka tirobadnaantiisa iyo xoolaha iyada dhex jooga daraaddood.
  • Sak 8:3-5 : 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Siyoon baan ku soo noqday, oo waxaan degganaan doonaa Yeruusaalem dhexdeeda, oo Yeruusaalem waxaa lagu odhan doonaa Magaaladii runta, oo buurta Rabbiga ciidammadana waxaa lagu odhan doonaa Buurta quduuska ah. 4 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem jidadkeeda waxaa mar kale degganaan doona odayaal iyo habro, nin kasta isagoo gacanta ku haysta ushiisa cimrigiisa weynaaday daraaddiis. 5 Oo magaalada jidadkeedana waxaa ka buuxi doona wiilal iyo gabdho oo jidadka dhexdooda ku cayaaraya.
  • Sak 9:15 : 15 Rabbiga ciidammada ayaa daafici doona iyaga, oo way baabbi'in doonaan, oo waxay ku tuman doonaan dhagaxyada wadhafka, oo khamri bay cabbi doonaan oo waxay u qaylin doonaan sida iyagoo sakhraansan, oo waxay u buuxsami doonaan sida maddiibado, iyo sida rukummada meesha allabariga.
  • Miik 4:13 : 13 Magaalada Siyoonay, sara joogso, oo wax tun, waayo, geeskaaga waxaan ka dhigi doonaa bir, oo qoobabkaagana waxaan ka dhigi doonaa naxaas, oo adna dadyow badan baad burburin doontaa oo faa'iidadooda waxaad gooni u sooci doontaa Rabbiga, oo maalkoodana waxaad gooni u sooci doontaa Sayidka adduunka oo dhan.
  • Miik 5:5-8 : 5 Oo kanu wuxuu noqon doonaa nabaddeenna. 6 ¶ Oo dalka Ashuur seef baa lagu dumin doonaa, oo dalka reer Nimrod waa laga dumin doonaa irdaha laga galo, oo isagu wuxuu inaga samatabbixin doonaa kan reer Ashuur markuu dalkeenna soo galo iyo markuu soohdinteenna dhex maro. 7 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay dadyow badan ku dhex ahaan doonaan sidii sayax xagga Rabbiga ka yimid, iyo sidii shuxshux caws ku kor da'ay, kaasoo aan ninna dhawrin, oo aan binu-aadmiga sugin. 8 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.
  • Nex 11:1-9 : 1 ¶ Oo dadka amiirradiisii waxay degeen Yeruusaalem, oo dadka intiisii kalena waxay saami u riteen inay tobankii qofba mid ka soo bixiyaan inuu dego magaalada quduuska ah oo Yeruusaalem, oo sagaalka qof oo kalena ay degaan magaalooyinka kale. 2 Oo dadkiina waxay u duceeyeen dadkii ikhtiyaarkooda isu bixiyey inay Yeruusaalem degganaadaan. 3 Haddaba kuwanu waa madaxdii gobolka oo Yeruusaalem degay, laakiinse magaalooyinkii dalka Yahuudah mid waluba wuxuu degay meeshii hantidiisii ahayd oo ku tiil magaalooyinkoodii, oo waxay ahaayeen reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo reer Netiiniim, iyo carruurtii addoommadii Sulaymaan. 4 Oo Yeruusaalemna waxaa degay kuwo reer Yahuudah ah, iyo kuwo reer Benyaamiin ah. Kuwii reer Yahuudah waxay ahaayeen: Cataayaah, oo ahaa ina Cusiyaah ina Sekaryaah, ina Amaryaah, ina Shefatyaah, ina Mahalaleel, oo ahaa reer Feres, 5 iyo Macaseeyaah oo ahaa ina Baaruug, ina Kaalxoseh, ina Xasaayaah, ina Cadaayaah, ina Yooyaariib, ina Sekaryaah oo ahaa kii uu dhalay kii reer Shiilonii. 6 Raggii reer Feres oo Yeruusaalem degganaa oo dhammu waxay ahaayeen afar boqol iyo siddeed iyo lixdan nin oo xoog leh. 7 Oo intanuna waa kuwii reer Benyaamiin: Sallu oo ahaa ina Meshullaam, ina Yooceed, ina Fedaayaah, ina Qoolaayaah, ina Macaseeyaah, ina Iitii'eel, ina Yeshacyaah. 8 Oo isaga dabadiisna waxaa jiray Gabbay, iyo Sallay, oo waxay ahaayeen sagaal boqol iyo siddeed iyo labaatan. 9 Oo waxaa madax u ahaa Yoo'eel oo ahaa ina Sikrii; oo Yahuudah oo ahaa ina Hasenu'aahna wuxuu ahaa kan labaad oo magaalada u taliya. 10 Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen Yedacyaah oo ahaa ina Yooyaariib iyo Yaakiin, 11 iyo Seraayaah oo ahaa ina Xilqiyaah, ina Meshullaam, ina Saadooq, ina Meraayood, ina Axiituub oo u talin jiray guriga Ilaah, 12 iyo walaalahoodii ka shaqayn jiray guriga, oo waxay ahaayeen siddeed boqol iyo laba iyo labaatan, iyo Cadaayaah oo ahaa ina Yeroxaam, ina Felaliyaah, ina Amsii, ina Sekaryaah, ina Fashxuur, ina Malkiiyaah, 13 iyo walaalihiis oo ahaa madaxdii qabiilooyinka, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo afartan, iyo Camashay oo ahaa ina Casareel, ina Axsay, ina Meshilleemood, ina Immeer; 14 iyo walaalahood oo ahaa rag xoog leh, oo waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan; oo madaxooduna wuxuu ahaa Sabdii'eel oo ahaa ina Haggedooliim. 15 Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Shemacyaah oo ahaa ina Xashuub, ina Casriiqaam, ina Xashabyaah, ina Bunnii; 16 iyo Shabbetay iyo Yoosaabaad oo ka mid ahaa madaxdii reer Laawi, oo hawsha dibadda oo guriga Ilaah dusha ka ilaalin jiray, 17 iyo Matanyaah oo ahaa ina Miikaa, ina Sabdii, ina Aasaaf, oo ahaa madaxda mahadnaqidda tukashada, iyo Baqbuqyaah oo ahaa kan labaad walaalihiis dhexdooda, iyo Cabdaa oo ahaa ina Shammuuca, ina Gaalaal, ina Yeduutuun. 18 Kuwii reer Laawi oo dhan oo magaalada quduuska ah joogay waxay ahaayeen laba boqol iyo afar iyo siddeetan. 19 Oo weliba irid-dhawryadii oo ahaa Caquub, iyo Talmon, iyo walaalahood oo irdaha dhawri jiray waxay ahaayeen boqol iyo laba iyo toddobaatan. 20 Oo intii ka hadhay reer binu Israa'iil oo ahaa wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi waxay joogeen magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan, oo mid waluba wuxuu degganaa dhulkii uu dhaxalka u helay. 21 Laakiinse kuwii reer Netiiniim waxay degeen Cofel, oo waxaa reer Netiiniim madax u ahaa Siixaa iyo Gishfaa. 22 Oo kuwii reer Laawi oo Yeruusaalem joogayna waxaa madax u ahaa Cusii oo ahaa ina Baanii, ina Xashabyaah, ina Matanyaah, ina Miikaa, oo ka mid ahaa reer Aasaaf oo ahaa kuwii gabayaaga ahaa, oo u talin jiray hawsha guriga Ilaah. 23 Waayo, waxaa jiray amar iyaga ku saabsan oo boqorka ka yimid, oo kuwii gabayaaga ahaa waxaa loo xukumay sooryo rukun ah siday maalin walba ugu baahnaayeen. 24 Oo Fetaxyaah oo ahaa ina Mesheysabeel oo ahaa reer Serax, ina Yahuudah, boqorkuu wakiil uga ahaa wax alla wixii dadka xaalkiisa ku saabsan. 25 Xagga tuulooyinkii iyo beerahooda qaar reer Yahuudah ah waxay degganaayeen Qiryad Arbac iyo magaalooyinkeedii, iyo Diibon iyo magaalooyinkeedii, iyo Yeqabseel iyo tuulooyinkeedii, 26 iyo Yeeshuuca, iyo Molaadaah, iyo Beytfeled, 27 iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac iyo magaalooyinkeedii, 28 iyo Siiqlag, iyo Mekonaah iyo magaalooyinkeedii, 29 iyo Ceyn Rimmoon, iyo Sorcaah, iyo Yarmuud, 30 iyo Saanoo'ax, iyo Cadullaam, iyo tuulooyinkoodii, iyo Laakiish iyo beeraheedii, iyo Caseeqaah iyo magaalooyinkeedii. Sidaasay u degeen Bi'ir Shebac ilaa dooxadii Xinnom. 31 Oo reer Benyaamiinna waxay degeen inta laga bilaabo Gebac, iyo Mikmaash, iyo Cayaa, iyo Beytel iyo magaalooyinkeeda, 32 iyo Canaatood, iyo Nob, iyo Cananyaah, 33 iyo Xaasoor, iyo Raamaah, iyo Gitayim, 34 iyo Xaadiid, iyo Seboyim, iyo Neballaad, 35 iyo Lod, iyo Oonoo oo ahayd dooxadii kuwa sancada badan. 36 Oo kuwii reer Laawi oo reer Yahuudah ku dhex jiray qaybahoodii qaarkood ayaa ku darsamay reer Benyaamiin.
  • Sab 149:6-9 : 6 Ammaanta sare oo Ilaah afkooda ha ku jirto, Seef laba af lahuna gacantooda ha ku jirto, 7 Si ay quruumaha uga aargutaan, Oo ay dadyowgana u ciqaabaan, 8 Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan, 9 Si ay iyaga ugu soo dejiyaan xukunka qoran, Quduusiintiisa oo dhammuna waxay leeyihiin sharaftan. Rabbiga ammaana.
  • Ish 9:20 : 20 Xagga gacanta midig ayaa wax laga dhufsan doonaa, waana la sii gaajoon doonaa, xagga gacanta bidixna wax baa lagu cuni doonaa, lamana dhergi doono, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka gacantiisa.
  • Ish 10:16-18 : 16 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed. 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba, 18 oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.
  • Ish 41:15-16 : 15 Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale. 16 Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.
  • Ish 54:3 : 3 Waayo, waxaad u kala faafi doontaa xagga midigta iyo xagga bidixdaba, oo farcankaaguna wuxuu dhaxli doonaa quruumaha, oo magaalooyinka baabba'ayna wuxuu ka dhigi doonaa in la dego.
  • Yer 30:18 : 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maxaabiistii teendhooyinka dadka Yacquub waan soo celin doonaa, oo meelihiisa lagu hoydona waan u naxariisan doonaa, oo magaaladana waxaa laga dul dhisi doonaa taallada burburkeeda, oo daarta boqorkuna siday ahaan jirtay ayay u ahaan doontaa.
  • Yer 31:38-40 : 38 Oo haddana Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti Rabbiga magaalada looga dhisi doono munaaradda Xananeel iyo tan iyo iridda rukunka. 39 Oo xadhigga qiyaastuna wuxuu hore ugu sii gudbi doonaa tan iyo buurta Gaareeb oo ka sii horraysa, oo xagga Gocaahna wuu u jeedsan doonaa. 40 Oo dhammaan dooxada meydadka, iyo dambaskaba, iyo beeraha oo dhan tan iyo durdurka Qidroon iyo ilaa iridda faraska oo dhanka bari u jeeddaba quduus bay Rabbiga u ahaan doonaan, oo weligeedna mar dambe lama rujin doono, lamana dumin doono.
  • Yex 48:30-35 : 30 ¶ Oo kuwanuna waa meelaha magaalada laga baxo, xagga dhanka woqooyi waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur. 31 Oo magaalada irdaheedana waa in lagu magacaabaa qabiilooyinka reer binu Israa'iil magacyadooda. Saddexda irdood oo xagga woqooyi irid waa in reer Ruubeen lagu magacaabaa, iridna reer Yahuudah, iridna reer Laawi. 32 Oo xagga dhanka barina waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo xagga barina irid waa in reer Yuusuf lagu magacaabaa, iridna reer Benyaamiin, iridna reer Daan. 33 Oo xagga dhanka koonfureedna qiyaastiisu waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddexda irdood oo dhanka koonfureed irid waa in reer Simecoon lagu magacaabaa, iridna reer Isaakaar, iridna reer Sebulun. 34 Oo xagga dhanka galbeedna waa afar kun iyo shan boqol oo cawsduur, oo saddex irdood leh, oo irid waa in reer Gaad lagu magacaabaa, iridna reer Aasheer, iridna reer Naftaali. 35 Oo magaalada wareeggeeduna wuxuu ahaan doonaa siddeed iyo toban kun oo cawsduur, oo maalintaas intii laga bilaabona magaalada magaceedu wuxuu ahaan doonaa, Rabbigaa halkaas jooga.
  • Daan 2:34-35 : 34 Oo waxaad aragtay ilaa uu dhagax aan gacmo lagu gooyn ekaantii kaga dhacay cagihii ahaa birta iyo dhoobada, wayna kala burbureen. 35 Markaasaa birtii, iyo dhoobadii, iyo naxaastii, iyo lacagtii, iyo dahabkiiba wada burbureen, oo waxay noqdeen sida buunshaha meelaha wax lagu tumo; dabayl baana la tagtay, si aan meella loogu helin; markaasaa dhagaxii ekaanta ku dhacay wuxuu noqday buur weyn, oo dhulka oo dhan buuxiyey.
  • Daan 2:44-45 : 44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa. 45 Waayo, waxaad aragtay dhagax buurta laga soo gooyay oo aan gacmo lagu gooyn, oo kala jejebiyey birtii, iyo naxaastii, iyo dhoobadii, iyo lacagtii, iyo dahabkii; Ilaaha weynu wuxuu, boqorow, ku ogeysiiyey waxa dhici doona hadda dabadeed, riyaduna waa dhab, fasirkeeduna waa wax la hubo.
  • Sak 14:10-11 : 10 ¶ Oo dalka oo dhammuna wuxuu u rogman doonaa sida Caraabaah, tan iyo Gebac iyo ilaa Rimmoon oo Yeruusaalem xagga koonfureed ka jirta. Oo Yeruusaalemna kor baa loo qaadi doonaa oo waxay iska degganaan doontaa meesheeda, tan iyo iridda Benyaamiin iyo ilaa meesha iridda kowaad, iyo ilaa iridda geeska ku taal, iyo tan iyo munaaradda Xananeel iyo ilaa boqorka macsarooyinkiisa khamriga. 11 Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.
  • 2 Kor 6:7 : 7 iyo hadalka runtaa, iyo xoogga Ilaah, iyo hubka xaqnimada ee midigta iyo bidixdaba,
  • Muj 19:19-20 : 19 ¶ Oo markaasaan arkay bahalkii iyo boqorradii dhulka iyo ciidammadoodii oo u soo wada ururay inay la diriraan kii faraska fuushanaa iyo ciidankiisii. 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Muj 20:9 : 9 Oo waxay ku soo kor baxeen ballaadhka dhulka, oo waxay hareereeyeen kaambadii quduusiinta iyo magaaladii la jeclaa; markaasaa waxaa samada ka soo degay dab, wuuna laastay iyagii.
  • Sak 1:16 : 16 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Yeruusaalem ayaan naxariis kula soo noqday. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Gurigayga waa laga dhisi doonaa dhexdeeda, oo Yeruusaalem korkeeda waxaa lagu fidin doonaa xadhig qiyaaseed.
  • Sak 11:1 : 1 ¶ Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah.
  • Sak 2:12 : 12 Oo Rabbiguna dadka dalka Yahuudah wuu dhaxli doonaa iyagoo qaybtiisa ku ah dalka quduuska ah, oo weliba Yeruusaalem buu dooran doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 5Oo taliyayaasha dalka Yahuudahna waxay qalbiga iska odhan doonaan, Kuwa Yeruusaalem deggan xooggii ay Rabbiga ciidammada oo Ilaahooda ah ka heleen waa inoo xoog.

  • Sak 12:2-3
    2 aayado
    79%

    2¶ Bal eeg, Yeruusaalem waxaan koob lagu dhacdhaco uga dhigi doonaa dadka ku wareegsan oo dhan, iyo weliba dalka Yahuudah, markii Yeruusaalem la hareereeyo.

    3Oo waxay wakhtigaas ahaan doontaa inaan Yeruusaalem dhagax culaab badan uga dhigo dadyowga oo dhan, oo intii isku culaabaysa oo dhammuna aad bay u dhaawacmi doonaan, oo quruumaha dhulka oo dhammuna iyaday isu soo urursan doonaan inay la dagaallamaan.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • Sak 12:7-9
    3 aayado
    78%

    7Oo weliba Rabbigu wuxuu marka hore badbaadin doonaa teendhooyinka dadka Yahuudah, in sharafta reer Daa'uud iyo sharafta dadka Yeruusaalem degganu ayan ka sii weynaan tan dadka Yahuudah.

    8Wakhtigaas Rabbigu wuxuu daafici doonaa dadka Yeruusaalem deggan, oo kii iyaga ugu tabaryaru wakhtigaas wuxuu ahaan doonaa sida Daa'uud oo kale, oo reer Daa'uudna wuxuu noqon doonaa sida Ilaah oo kale, iyo sida malaa'igtii Rabbiga oo iyaga hor socota.

    9Oo wakhtigaas waxaan doondoonayaa inaan wada baabbi'iyo quruumaha Yeruusaalem ku kaca oo dhan.

  • Yex 15:6-7
    2 aayado
    77%

    6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.

    7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • Yer 6:5-6
    2 aayado
    76%

    5Sara joogsada, oo ina keena aynu iyada habeennimo weerarnee, oo aynu daaraheeda waaweyn wada duminnee.

    6Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu yidhi, Dhirteeda jara, oo Yeruusaalem tuulmo ku tuula, waayo, tanu waa magaalada la ciqaabayo, oo waxaa ka buuxa dulmi miidhan.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

  • Saf 1:12-13
    2 aayado
    74%

    12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.

    13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 15Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waxaan u yeedhi doonaa qolooyinka boqortooyooyinka woqooyi oo dhan, oo iyana way iman doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu carshigiisa dhigan doonaa irdaha Yeruusaalem laga soo galo, iyagoo ku kacsan derbiyadeeda ku wareegsan oo dhan, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah oo dhan.

  • 27Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.

  • 8¶ Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.

  • 14¶ Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

  • Yer 22:6-7
    2 aayado
    73%

    6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.

    7Oo waxaan kuu diyaarin doonaa kuwa ku baabbi'inaya oo midkood kastaaba hubkiisii sito, oo geedahaaga la doortay oo kedarka ah way jari doonaan, oo dab bay ku dhex tuuri doonaan.

  • 17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • 7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

  • 31Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona. Oo qiirada Rabbiga ayaa taas samayn doonta.

  • Sak 14:11-14
    4 aayado
    72%

    11Oo dad baa dhexdeeda degganaan doona, oo innaba habaar dambe ma jiri doono, laakiinse Yeruusaalem si ammaan ah ayay u degganaan doontaa.

    12Oo tanuna waa belaayada Rabbigu ku dhufan doono dadyowga Yeruusaalem la diriray oo dhan. Iyagoo cagahooda ku taagan ayaa hilibkoodu iska dhammaan doona, oo indhahoodu waxay ku dhex baabbi'i doonaan godadkooda, carrabkooduna afkooda.

    13Oo wakhtigaas rabshad weyn oo xagga Rabbiga ka timid ayaa dhexdooda jiri doonta, oo midkood kastaaba wuxuu qabsan doonaa gacanta deriskiisa, oo gacantiisu waxay ku kici doontaa gacanta deriskiisa.

    14Oo weliba dadka dalka Yahuudah Yeruusaalem bay ku dagaallami doonaan, oo maalka quruumaha hareeraheeda ku wareegsan oo dhanna waa la soo wada ururin doonaa, kaasoo ah dahab iyo lacag iyo dhar aad u badan.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • 5Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan iyada u noqon doonaa deyr dab ah oo iyada ku wareegsan, oo waxaan iyada u noqon doonaa ammaanta dhexdeeda joogta.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaasaan meeshan ku samayn doonaa, iyada iyo dadka dhex degganba, oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa sida Tofed oo kale,

  • 12Oo Rabbiguna dadka dalka Yahuudah wuu dhaxli doonaa iyagoo qaybtiisa ku ah dalka quduuska ah, oo weliba Yeruusaalem buu dooran doonaa.

  • 32Waayo, Yeruusaalem waxaa ka soo bixi doona kuwa hadhi doona, oo Buur Siyoonna waxaa ka soo bixi doona kuwa baxsan doona, oo qiirada Rabbiga ciidammada ayaa taas samayn doonta.

  • 18Waayo, bal eeg, maanta waxaan kaa dhigay magaalo deyr leh, iyo tiir bir ah, iyo derbiyo naxaas ah, oo dalka oo dhan col ku ah, oo col ku ah boqorrada dalka Yahuudah, iyo amiirradooda, iyo wadaaddadooda, iyo dadka dalka oo dhanba.

  • 9Oo kuwa magaalooyinka reer binu Israa'iil degganu way soo bixi doonaan, oo waxay dab ku shidan doonaan oo ay gubi doonaan hubka dagaalka, kuwaasoo ah gaashaammada yaryar iyo gaashaammada waaweynba, iyo qaansooyinka iyo fallaadhaha, iyo budhadhka iyo warmaha, oo intii toddoba sannadood ah ayay dab ku shidan doonaan.

  • 12Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Daa'uudow, aroortii caddaalad sameeya, oo kii la dhacay kii dulmay ka samatabbixiya, si ayan cadhadaydu u soo bixin sidii dab oo kale, oo ayan u hurin si aan innaba loo demin sharka falimihiinna aawadiis.

  • 7Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.

  • 17Oo wakhtigaas waxaa Yeruusaalem lagu magacaabi doonaa carshigii Rabbiga, oo quruumaha oo dhammuna iyaday ugu soo wada ururi doonaan magaca Rabbiga oo Yeruusaalem yaal, oo iyana mar dambe ma ay daba geli doonaan caasinimada qalbigooda sharka ah.

  • 3Waxaa iyada u iman doona adhijirro adhyahoodii wata, oo teendhooyinkooda ayay hareeraheeda ka dhisan doonaan, oo midkood kastaaba wuxuu iska daaqsan doonaa meeshiisa.

  • 22Midigtiisa waxaa yiil faalkii Yeruusaalem loo faaliyey, inuu wax lagu jejebiyo dhisto, oo uu afka laynta u furo, oo uu qaylo aad ugu dhawaaqo, oo uu wax lagu jejebiyo irdaha ka hor samaysto, oo uu tuulmo tuulo, oo uu qalcado dhisto.

  • 18Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

  • 9Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba.

  • 12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 13Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.