Xaakinnadii 1:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 15:63 : 63 ¶ Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.
  • Xaak 1:21 : 21 Oo reer Benyaamiin ma ay eryin dadkii reer Yebuus oo Yeruusaalem degganaa; laakiinse reer Yebuus waxay Yeruusaalem la degganaayeen reer Benyaamiin ilaa maantadan la joogo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Xaak 1:9-10
    2 aayado
    80%

    9Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.

    10Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • Xaak 1:4-5
    2 aayado
    76%

    4Kolkaasay reer Yahuudah tageen, oo Rabbiguna wuxuu gacantoodii geliyey reer Kancaan iyo reer Feris, oo waxay Beseq kaga laayeen toban kun oo nin.

    5Oo waxay Beseq ka heleen Adonii Beseq, oo way la dagaallameen, oo waxay laayeen reer Kancaan iyo reer Feris.

  • 8Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

  • 8Oo reer Kaldayiinna way soo noqon doonaan, oo magaaladan bay la diriri doonaan, wayna qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • Xaak 1:17-19
    3 aayado
    75%

    17Oo reer Yahuudahna waxay raaceen walaalahood reer Simecoon, oo waxay laayeen reer Kancaan oo Sefad degganaa, oo dhammaanteedna way baabbi'iyeen. Oo magaaladii magaceediina waxaa la odhan jiray Xormaah.

    18Oo reer Yahuudah waxay qabsadeen haddana Gaasa iyo xuduudkeedii, iyo Ashqeloon iyo xuduudkeedii, iyo Ceqroon iyo xuduudkeedii.

    19Oo Rabbigu waa la jiray reer Yahuudah, oo wuxuu hortooda ka eryay dadkii degganaa dalkii buuraha lahaa; maxaa yeelay, ma ay eryi karin dadkii dooxadii degganaa, waayo, waxay lahaayeen gaadhifardood bir ah.

  • 48Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • 8Oo markii aad magaalada qabsataan, waa inaad dab qabadsiisaan magaalada, oo waxaad yeeshaan si waafaqsan ereyga Rabbiga; bal eega, sidaasaan idinku amraye.

  • 19Oo gurigii Ilaah waa la gubay, oo derbiyadii Yeruusaalem waa la dumiyey, oo guryaheedii waaweynaa oo dhanna waa la gubay, oo weelasheedii wanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 6Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.

  • 10Oo magaalooyinkoodii ku yiil meelihii ay degganaayeen iyo xerooyinkoodii oo dhan way wada gubeen.

  • 4Oo isagu wuxuu qabsaday magaalooyinkii deyrka lahaa ee dalka Yahuudah, oo haddana wuxuu yimid Yeruusaalem.

  • 9Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka; oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 10Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wejigaygaan magaaladan ugu jeediyey inaan masiibo ku sameeyo ee ma aha wanaag. Waxay gacanta u geli doontaa boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • Yer 34:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid waagii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, iyo ciidankiisii oo dhan, iyo boqortooyooyinkii dunida oo taliskiisa ku jiray oo dhan, iyo dadkii oo dhammuba ay la dirirayeen Yeruusaalem iyo magaalooyinkeedii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

    2Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Tag oo Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, magaaladan waxaan ku ridi doonaa gacanta boqorka Baabuloon, oo isna dab buu ku gubi doonaa.

  • 24Markaasay magaaladii iyo wixii ku jirayba dab ku gubeen, oo waxay keliyahoo khasnaddii Rabbiga geliyeen lacagtii iyo dahabkii, iyo alaabtii naxaasta iyo birta ahayd.

  • 1¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

  • 72%

    15Markaasay dadkii Yahuudah qayliyeen oo markay dadkii Yahuudah qayliyeen ayaa Rabbigu wax ku dhuftay Yaaraabcaam iyo dadkii Israa'iil oo dhan Abiiyaah iyo dadkii Yahuudah hortooda.

    16Markaasaa dadkii Israa'iil ka carareen dadkii Yahuudah hortooda, oo Rabbiguna wuxuu ku riday gacantoodii.

  • 15markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya.

  • 7Oo wuxuu iyagii ku yidhi, Guriga nijaaseeya, oo barxadahana meydad ka buuxiya, oo haddana baxa. Markaasay bexeen oo magaaladii dad bay ku dhex laayeen.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

  • 27Oo iyana waxay la tageen wixii Miikaah sameeyey, iyo wadaadkiisii, markaasay yimaadeen Layish, iyo dad xasilloon oo ammaan u fadhiya, oo waxay ku laayeen seef; oo magaaladiina dab bay ku gubeen.

  • Yer 52:13-14
    2 aayado
    72%

    13Markaasuu gubay gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka, oo wuxuu kaloo gubay guryihii Yeruusaalem oo dhan, kuwaasoo ahaa guri kasta oo weyn.

    14Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.

  • 5Oo meelahoodii allabarigana wuxuu ku kor gubay lafihii wadaaddadii, oo dalka Yahuudah iyo Yeruusaalemba wuu wada nadiifiyey.

  • 7markii boqorkii Baabuloon ciidankiisii uu la dirirayay Yeruusaalem, iyo magaalooyinkii dalka Yahuudah oo hadhay oo dhan, iyo xataa Laakiish iyo Caseeqaah, waayo, magaalooyinkaas deyrka lahaa ayaa ka hadhay magaalooyinkii dalka Yahuudah oo dhan.

  • 17Waayo, waxaa haddana yimid reer Edom oo intay dalka Yahuudah wax ku dhufteen ayay dadkoodii maxaabiis ahaan u kaxaysteen.

  • 14Oo waxaannu soo dhacnay reer Kereetiim xaggooda Koonfureed, iyo dalka ay leeyihiin reer Yahuudah, iyo xagga Koonfureed oo reer Kaaleeb; oo Siiqlagna waan gubnay.

  • 4Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,

  • 11Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.

  • 2Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha baxeen, oo anna dalka gacantoodaan geliyey.

  • 18Haddaba dadkii Israa'iil sidaasaa wakhtigaas loo jebiyey oo waxaa ka adkaaday dadkii Yahuudah, maxaa yeelay, iyagu waxay isku halleeyeen Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 3Oo Daa'uud iyo raggiisiina markay magaaladii yimaadeen, waxay arkeen iyadoo la gubay, oo naagahoodii iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba loola wada tegey maxaabiis ahaan.

  • 45Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.