Cobaadyaah 1:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sak 12:6 : 6 Wakhtigaas taliyayaasha dalka Yahuudah waxaan ka dhigi doonaa sida girgire dab ah oo qoryo ku dhex jira, iyo sida qori ololaya oo xidhmooyin hadhuudh ah ku dhex jira, oo iyana waxay wada baabbi'in doonaan dadyowga iyaga ku wareegsan oo dhan, kuwa midigta ka xiga iyo kuwa bidixda ka xigaba, oo reer Yeruusaalemna mar kalay degganaan doonaan meeshooda, taasoo ah Yeruusaalem qudheeda.
  • Ish 10:17 : 17 Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,
  • Yoel 2:5 : 5 Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.
  • Ish 5:24 : 24 Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.
  • 1 Kor 3:12 : 12 Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,
  • 2 Sam 19:20 : 20 Waayo, anigoo addoonkaaga ah haatan waan ogahay inaan dembaabay, oo sidaas daraaddeed ayaan maanta reer Yuusuf oo dhan ugu soo hor maray inaan soo dhaadhaco oo aan kaa hor imaado, boqorow, sayidkaygiiyow.
  • Sab 83:6-9 : 6 Teendhooyinkii reer Edom iyo reer Ismaaciil, Iyo reer Moo'aab iyo reer Hagariim, 7 Reer Gebal iyo reer Cammoon iyo reer Camaaleq, Reer Falastiin iyo kuwii Turos degganaa, 8 Oo xataa reer Ashuurna way ku darsameen, Oo waxay kaalmeeyeen ilma Luud. (Selaah) 9 Iyaga ku samee wixii aad ku samaysay reer Midyaan, Iyo Siiseraa iyo Yaabiin markii ay ag joogeen Webi Qiishoon, 10 Waxay ku halligmeen Ceyn Door, Oo waxay dhulka u noqdeen digo. 11 Nimankooda gobta ah oo dhan waxaad ka dhigtaa sida Cooreeb iyo Se'eeb, Oo amiirradooda oo dhanna sida Sebah iyo Salmunnac, 12 Kuwaas oo isyidhi, War aan iska qaadanno oo hantinno Ilaah degmooyinkiisa. 13 Ilaahayow, iyaga ka dhig sida boodhka warwareega, Iyo sida xaab dabaysha ka horreeya, 14 Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya, 15 Sidaasoo kale iyaga duufaankaaga ku eri, Hufadaadana ku cabsii.
  • Aam 5:15 : 15 Sharka nebcaada, oo wanaagga jeclaada, oo caddaalad iridda ku sameeya, waayo, waxaa suurtowda in Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu uu u roonaado kuwa reer Yuusuf ka hadhay.
  • Aam 6:6 : 6 oo khamriga maddiibadaha ku cabba, oo ku subkada saliidda ugu wada fiican, laakiinse kama murugaysna dhibaatada reer Yuusuf haysata.
  • Coba 1:9-9 : 9 Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona. 10 Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan.
  • Coba 1:16 : 16 Oo sidaad buurtayda quduuska ah korkeeda wax ugu cabteen ayaa quruumaha oo dhammuna had iyo goorba wax u cabbi doonaan, haah, iyagu way cabbi doonaan oo way liqi doonaan, oo waxay ahaan doonaan sidii iyagoo aan weligood ahaanin.
  • Miik 5:8 : 8 Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.
  • Nax 1:10 : 10 Waayo, in kastoo ay la mid yihiin qodxan isku wada murugsan, oo ay yihiin sidii kuwo cabniinkoodii ku sakhraamay, haddana waxaa loo wada baabbi'in doonaa sidii bal engegay.
  • Ish 31:9 : 9 Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.
  • Ish 47:14 : 14 Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.
  • Yex 37:16 : 16 Wiilka Aadamow, ul soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yahuudah iyo reer binu Israa'iil oo saaxiibbadiis ah. Oo haddana ul kale soo qaad, oo waxaad ku qortaa: Tanu waxay u tahay reer Yuusuf taasoo ah ushii Efrayim, iyo reer binu Israa'iil oo dhan oo saaxiibbadiis ah.
  • Yex 37:19 : 19 waxaad ku tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo qaadan doonaa usha reer Yuusuf oo gacanta reer Efrayim ku jirta, iyo qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo isaga saaxiibbadiis ah, oo waxaan ku dari doonaa usha reer Yahuudah, oo kulligood waxaan isaga wada dhigi doonaa ul qudha oo gacantayday ku midoobi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 17Laakiinse Buur Siyoon waxaa joogi doona kuwa baxsaday, oo iyana quduus bay ahaan doontaa, oo reer Yacquubna waxay lahaan doonaan waxyaalihii dhaxalkoodii ahaa.

  • 19Oo dadka koonfur degganu waxay hantiyi doonaan buurta Ceesaw, oo kuwa bannaanka degganuna waxay hantiyi doonaan dalka reer Falastiin, oo weliba waxay hantiyi doonaan dalka reer Efrayim, iyo dalka reer Samaariya, oo reer Benyaamiinna waxay hantiyi doonaan dalka Gilecaad.

  • Ish 10:16-18
    3 aayado
    76%

    16¶ Haddaba sidaas daraaddeed Sayidka ah Sayidka ciidammadu wuxuu kuwiisa cayilay ku soo diri doonaa macaluul, oo sharaftiisa meesheedana waxaa lagu shidi doonaa olol ah sida olol dabeed.

    17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

    18oo wuxuu dhammayn doonaa ammaanta duuddiisa iyo beertiisa midhaha badanba, iyo naf iyo jidhba, oo waxay noqon doontaa sidii markii calanqaade taag darnaado.

  • Tir 24:18-19
    2 aayado
    76%

    18Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda, Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa. Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.

    19Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona, Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.

  • 21Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

  • 10Laakiinse anigu reer Ceesaw waan qaawiyey, oo meelihiisii qarsoonaana daahaan ka wada qaaday, oo isna ma uu kari doono inuu isqariyo. Farcankiisii iyo walaalihiis iyo deriskiisiiba way wada baabbe'een oo isagiina innaba ma jiro.

  • 7Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 8Oo kuwa reer Yacquub ka hadhayna waxay quruumaha dhexdooda iyo dadyow badan dhexbadhtankooda joogi doonaan sidii libaax ku dhex jira xayawaanka kaynta, iyo sidii aaran libaax oo ku dhex jira ido foof ah, kaasoo markuu dhex maraaba ku tunta oo kala jeexjeexda, oo weliba aan la arag mid ka samatabbixiya.

  • Coba 1:8-10
    3 aayado
    75%

    8Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ragga xigmadda leh sow kama aan baabbi'in doono reer Edom oo waxgarashadana sow kama baabbi'in doono buurta Ceesaw?

    9Reer Teemaanow, raggiinna xoogga badanu way wada nixi doonaan, oo sidaas daraaddeed mid kasta oo buurta Ceesaw ka yimid ayaa laynta ku go'i doona.

    10Xumaantii aad walaalihiin reer Yacquub ku samayseen aawadeed ayaa ceebu idiinku degi doonta, oo weligiin baad go'naan doontaan.

  • Mal 1:3-4
    2 aayado
    74%

    3Ceesawse waan necbaaday, oo buurihiisiina cidla baan ka dhigay, oo dhaxalkiisiina waxaan siiyey dawacooyinka cidlada.

    4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.

  • 12Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah.

  • Ish 9:18-19
    2 aayado
    74%

    18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

    19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.

  • 14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 3Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 1¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona.

  • 31Kan xoogga badanu wuxuu noqon doonaa sida shootali oo kale, oo shuqulkiisuna wuxuu noqon doonaa sida dhimbiil oo kale, oo labadooduba way isla guban doonaan, oo lama demin doono iyaga.

  • 25Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 5sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.

  • 6Si aad u noolaataan, oo uusan Rabbigu sidii dab reer Yuusuf ugu soo farabbaxsan, oo aan dabku laasan, oo aan Beytel laga waayin wax demiya, Rabbiga doondoona,

  • 6Sidee baa loo dhacay alaabtii reer Ceesaw! Oo khasnadihiisii qarsoonaa sidee baa loo baadhay!

  • 4Oo haddana kuwaas qaar ka qaad oo dab ku dhex tuur, oo dab ku gub, oo iyaga dab baa ka soo bixi doona, wuxuuna wada gaadhi doonaa reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 4¶ Reer Yacquub iyo qolooyinka reer binu Israa'iil oo dhammow, bal maqla erayga Rabbiga:

  • 45Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.

  • 24Haddaba sidaas daraaddeed sida carrabka dabku xaabka u gubo, oo uu cawskuna ololka ugu dhammaado ayaa xididkoodu u xumaan doonaa, oo ubaxooduna wuxuu u duuli doonaa sida boodh oo kale, maxaa yeelay, waxay diideen sharcigii Rabbiga ciidammada, oo waxay quudhsadeen Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil eraygiisii.

  • 7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.

  • 9Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.

  • 14Oo sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadan aad ku hadasheen aawadood bal ogaada, ereyga afkaaga ku jira dab baan ka dhigi doonaa, oo dadkanna waxaan ka dhigi doonaa xaabo, oo isna wuu wada baabbi'in doonaa dhammaantood.

  • Miik 1:4-5
    2 aayado
    72%

    4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

    5Waxan oo dhammu waxay u dheceen xadgudubka reer Yacquub iyo dembiyada dadka Israa'iil. Xadgudubka reer Yacquub waa maxay? Sow Samaariya ma aha? Meelaha sare oo dalka Yahuudahna waa maxay? Sow Yeruusaalem ma aha?

  • 2Waayo, Rabbigu sharaftii reer Yacquub wuu u soo celinayaa sidii sharaftii reer binu Israa'iil oo kale, waayo, kuwii wax dhici jiray ayaa dhacay, oo laamahoodii canabka ahaana way wada baabbi'iyeen.

  • 13Maalkoodu wuxuu noqon doonaa wax la boobo, guryahooduna waxay noqon doonaan meel baabba' ah, haah, oo waxay dhisan doonaan guryo, laakiinse ma ay degi doonaan, oo waxay beeran doonaan beero canab ah, laakiinse khamrigooda ma ay cabbi doonaan.

  • Ish 33:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.

    12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

  • 8oo wuxuu isyidhi, Ceesaw hadduu koox u yimaado oo uu laayo, dabadeed kooxda hadha ayaa baxsan doonta.

  • 4¶ Oo maalintaas sharafta reer Yacquub way daciifi doontaa, oo baruurta jidhkiisuna way macaluuli doontaa.

  • 18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.

  • 10Sidaas daraaddeed iyagu duurka qoryo kama ay soo guran doonaan, oo kayntana waxba kama ay soo goosan doonaan, waayo, waxay dab ku shidan doonaan hubka dagaalka, oo waxay boobi doonaan kuwii iyaga boobay, wayna dhici doonaan kuwii iyaga dhacay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 8¶ Rabbiga ah Ilaaha ciidammadu wuxuu leeyahay, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu ku dhaartay nafsaddiisa, oo yidhi, Anigu waan karhay islaweynaanta reer Yacquub, oo waan nebcahay daarihiisa waaweyn, sidaas daraaddeed magaalada iyo waxa ku dhex jira oo dhanba cadow baan u gacangelin doonaa.