Ishacyaah 34:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo durdurradooduna waxay u beddelmi doonaan daamur, oo ciiddooduna waxay u beddelmi doontaa baaruud, oo dhulkooduna wuxuu noqon doonaa daamur gubanaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 29:23 : 23 iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,
  • Sab 11:6 : 6 Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.
  • Luuk 17:29 : 29 Laakiin maalintii Luud ka baxay Sodom ayay dab iyo baaruud cirka kaga soo daateen oo wada baabbi'iyeen.
  • Yuud 1:7 : 7 Si la mid ah Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii kale ee ku wareegsanaa oo sinaystay oo jidh kale uga daba orday, ayaa masaal laga dhigay, iyagoo ciqaabta dabka weligiis ah ku silcaya.
  • Muj 19:20 : 20 Markaasaa la qabtay bahalkii iyo nebigii beenta ahaa oo calaamooyinka hortiisa ku samayn jiray, kuwaasoo uu ku khiyaanayn jiray kuwii aqbalay sumaddii bahalka iyo kuwii u sujuuday sanamkiisii, oo labadoodii iyagoo nool ayaa waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka ahayd, oo baaruuddu ka ololaysay;
  • Muj 21:8 : 8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.
  • Ayuub 18:15 : 15 Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud.
  • Bil 19:28 : 28 oo wuxuu eegay xagga Sodom iyo Gomora, iyo dhulkii Bannaanka oo dhan, wuuna fiiriyey, oo bal eeg, qiiqii dhulka ayaa kor u baxay sidii qiiqa foornada oo kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 10Oo habeen iyo maalinba lama demin doono, oo qiiqiisuna weligiisba kor buu u bixi doonaa, oo tan iyo ab ka abna cidla ayuu ahaan doonaa, oo weligiis iyo weligiisba ciduna ma dhex mari doonto.

  • 79%

    23iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,

    24markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay?

  • Yer 49:17-18
    2 aayado
    77%

    17Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan.

    18Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono.

  • 4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • Ish 9:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

    19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.

  • Aam 1:11-12
    2 aayado
    75%

    11¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay reer Edom sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, iyagu walaalahood bay seef ku eryadeen, oo way iska xooreen naxariis oo dhan, oo xanaaqoodiina had iyo goorba bay la qarxeen, oo cadho bay la gubanayeen weligoodba.

    12Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa Teemaan, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Bosraah.

  • 8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.

  • 12Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • Yex 25:13-14
    2 aayado
    73%

    13sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Gacantaydaan dalka Edom ku dul fidin doonaa, oo dad iyo duunyoba waan ka baabbi'in doonaa, oo cidla baan ka dhigi doonaa tan iyo Teman, oo tan iyo Dedaan seef baa lagu le'an doonaa.

    14Oo waxaan aarsashadayda dul saari doonaa reer Edom, oo gacanta dadkayga reer binu Israa'iil ayaan kaga aarsan doonaa, iyaguna reer Edom way ku samayn doonaan sida ay cadhadaydu tahay iyo sida uu xanaaqaygu yahay, oo waxay ogaan doonaan aarsashadayda, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 34Oo dhul barwaaqaysanna wuxuu u beddelaa lamadegaan cusbo leh, Oo waana kuwa halkaas deggan xumaantooda aawadeed.

  • 22Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.

  • 6Kuwa shar leh wuxuu ku soo kor daadin doonaa dabinno, Oo qaybta koobkooduna waxaa weeye dab iyo baaruud iyo dabayl hanfi ah.

  • 3Oo weliba kuwoodii la laayayna waa la xoori doonaa, oo qudhmuunkooduna wuxuu ka soo uri doonaa bakhtigooda, oo buurahana dhiiggoodaa ka soo qulquli doona.

  • 4In kastoo reer Edom yidhaahdaan, Annaga waa nala dumiyey, laakiinse waannu soo noqon doonnaa, oo meelaha cidlada ah waannu dhisi doonnaa, Rabbiga ciidammaduse wuxuu leeyahay, Way dhisi doonaan, laakiinse anigu waan dumin doonaa, oo dadku wuxuu ku magacaabi doonaa, Dalka Xumaanta, iyo dadka uu Rabbigu weligiis u cadhaysan yahay.

  • Yex 21:31-32
    2 aayado
    72%

    31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

    32Xaabo baad dabka u noqon doontaa, oo dhiiggaaguna dalkuu dhex oolli doonaa, oo mar dambe laguma soo xusuusan doono, waayo, aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

  • 8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 5Oo Sayidka Rabbiga ciidammada ahu waa kan dhulka taabta oo dhulkuna wuu dhalaalaa, oo kuwa deggan oo dhammuna way wada barooran doonaan, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • 18Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

  • 20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

  • 5Waayo, seeftaydu samooyinkay ka dheregtay oo bal eega, waxay ku soo degi doontaa Edom iyo dadkii aan habaaray inay xukunto.

  • 15Maalintaasu waa maalin ay cadho jirto, oo waa maalin ay jiraan dhibaato iyo cidhiidhi, oo waa maalin ay jiraan dumin iyo baabbi'in, oo waa maalin ay jiraan gudcur iyo mugdi madow, oo waa maalin ay jiraan daruuro iyo gudcur dam ah,

  • 24Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

  • 33Waayo, Tofed waa horaa la sii diyaarshay, oo waxaa loo sii hagaajiyey boqorka, oo aad buu u sii qoday oo uu sii ballaadhiyey, oo waxaa ka tuullan dab iyo qoryo faro badan, oo waxaa shidaysa neeftii Rabbiga oo la moodo sida durdur baaruud ah.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 5sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hubaal anigu waxaan dabkii masayrkayga kaga hadlay wax ka gees ah kuwa quruumaha kale iyo reer Edom oo dhan, kuwaasoo dalkaygii dhaxal ahaan isaga qaatay iyagoo aad u faraxsan oo dadkayga quudhsanaya si ay u dhacaan.

  • 17Iftiinka Israa'iilna wuxuu noqon doonaa dab, oo kiisa Quduuska ahuna olol, oo maalin qudha ayuu gubi doonaa oo baabbi'in doonaa qodxantiisa iyo yamaaruggiisba,

  • 10Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen, Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka, Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.

  • Nax 1:5-6
    2 aayado
    71%

    5Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.

    6¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

  • 8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 40Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin.

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iftiimmada dhalaalaya oo samada oo dhan ayaan korkaaga ku wada madoobayn doonaa, oo dalkaagana gudcur baan ku soo dejin doonaa.

  • 9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 32Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom, Iyo kii ku yiil beerihii Gomora. Canabkoodu waa midho sumeed, Rucubyadooduna waa qadhaadh.

  • 7Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.

  • 22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.