Baroorashadii 4:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yer 7:20 : 20 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.
  • Yex 22:31 : 31 Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Bar 2:17 : 17 Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.
  • Yer 17:27 : 27 Laakiinse haddaad i maqli weydaan inaad maalinta sabtida quduus ka dhigtaan, iyo inaydaan maalinta sabtida rar qaadin markaad irdaha Yeruusaalem soo gelaysaan, markaas anigu dab baan ku sii dayn doonaa irdaheeda, oo isna wuxuu baabbi'in doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem, oo innaba lama demin doono.
  • Yer 19:3-9 : 3 adoo leh, Boqorrada dalka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem degganow, bal maqla erayga Rabbiga. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, meeshan masiibaan ku soo dejin doonaa, oo ku alla kii maqlaaba wuu ka nixi doonaa. 4 Iyagu way iga tageen, oo intay meeshan nijaaseeyeen, ayay foox ugu shideen ilaahyo kale oo iyaga, iyo awowayaashood, iyo boqorrada dalka Yahuudahba ayan aqoon, oo waxay meeshan ka buuxiyeen dhiigga kuwa aan xaqa qabin. 5 Oo waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal inay wiilashooda dab ku gubaan oo ay Bacal qurbaanno la gubo ugu bixiyaan, taasoo aanan ku amrin, oo aanan ku hadlin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin. 6 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan meeshan mar dambe loogu yeedhi doonin Tofed, amase dooxadii ina Xinnom, laakiinse waxaa lagu magacaabi doonaa Dooxadii Gowracidda. 7 Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka. 8 Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood. 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay cunaan hilibka wiilashooda iyo hilibka gabdhahoodaba, oo midkood kastaaba wuxuu cuni doonaa hilibka saaxiibkiis markii dagaal lagu hareereeyo oo ay ku cidhiidhsanaadaan cidhiidhiga cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya ay ku cidhiidhin doonaan. 10 Oo markaas jalxadda waxaad ku jebisaa raggii kula socda hortooda. 11 Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadkan iyo magaaladanba waxaan u jejebin doonaa sida weelka dheryasameeyaha loo jebiyo oo kale, kaasoo aan mar kale la kabi karayn, oo waxaa meydadkooda lagu wada xabaali doonaa Tofed, ilamaa ay waayaan meel ay ku kala xabaalaan.
  • Yer 21:14 : 14 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.
  • Yer 23:19-20 : 19 Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada. 20 Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.
  • Yer 24:8-9 : 8 Rabbigu wuxuu leeyahay, Midhaha berde oo xun oo xumaantooda aawadeed aan innaba la cuni karin, hubaal sidaas oo kalaan u xoori doonaa Sidqiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, iyo amiirradiisa, iyo kuwa reer Yeruusaalem ah oo dalkan ku dhex hadhay, iyo kuwa dalka Masar degganba. 9 Oo waxaan ka dhigi doonaa inay boqortooyooyinka dunida oo dhan hor iyo dib ku dhex rogrogmadaan, oo meelaha aan iyaga u kaxayn doono oo dhanba waxay ku noqon doonaan cay iyo maahmaah iyo halqabsi iyo habaar. 10 Oo waxaan dhexdooda ku soo dayn doonaa seef, iyo abaar, iyo belaayo, ilaa ay ka wada baabba'aan dalkii aan siiyey iyaga iyo awowayaashoodba.
  • Bar 2:8 : 8 Rabbigu wuu u qasdiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon. Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii. Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen.
  • Yer 9:9-9 : 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaanan iyaga waxyaalahan u ciqaabayn? Miyaanse naftaydu ka aarsanayn quruun tanoo kale ah? 10 ¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen. 11 Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
  • Yer 13:14 : 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.
  • Yer 14:15-16 : 15 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu nebiyadaas ka leeyahay, Nebiyada magacayga wax ku sii sheega, oo aanan soo dirin, laakiinse yidhaahda, Seef iyo abaar toona dalkan dhexdiisa laguma arki doono, waxaa baabbi'in doona seef iyo abaar. 16 Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.
  • Yer 15:1-4 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Xataa haddii Muuse iyo Samuu'eel ay hortayda soo istaagaan, qalbigaygu innaba dadkan uma soo noqon kareen. Hortayda ka fogee iyaga, oo iska daa ha tageene. 2 Oo markay kugu yidhaahdaan, Xaggee baannu tegaynaa? waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu idinku leeyahay, Kuwii dhimashadu waajib ku tahay xagga dhimashada ha tageen, kuwii seeftu xagga seefta, kuwii abaartu xagga abaarta, oo kuwii maxaabiisnimadu xagga maxaabiisnimada. 3 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan korkooda ku soo dayn doonaa belaayo afar cayn ah, waana in seeftu disho, oo eeydu kala dildillaacsadaan, oo haadka samada iyo dugaagga dhulku ay wada laastaan oo ay baabbi'iyaan. 4 Manaseh ina Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wixii uu Yeruusaalem ku dhex sameeyey daraaddood ayaan ka dhigi doonaa inay iyagu boqortooyooyinka dunida oo dhan ku dhex rogrogmadaan hore iyo dib.
  • Bar 4:22 : 22 Magaalada Siyoonay, ciqaabtii xumaantaadu way dhammaatay. Isagu innaba mar dambe maxaabiis ahaan kuu kaxaysan maayo. Reer Edomow, xumaantaada wuu soo ciqaabi doonaa, Oo dembiyadaadana daahuu ka qaadi doonaa.
  • Yex 20:47-48 : 47 oo waxaad kaynta koonfureed ku tidhaahdaa, Rabbiga eraygiisa maqal: Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogow, dab baan kugu dhex shidi doonaa, oo wuxuu wada baabbi'in doonaa geed kasta oo qoyan oo dhexdaada ku yaal iyo geed kasta oo qallalanba. Ololka ololayana lama demin doono, oo weji kasta oo tan iyo xagga koonfureed iyo ilaa xagga woqooyi joogaana isaguu ku guban doonaa. 48 Oo binu-aadmiga oo dhammuna waxay wada arki doonaan in aniga Rabbiga ahu aan dabkaas shiday, oo innaba lama demin doono.
  • Sharc 32:21-25 : 21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen, Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn, Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn, Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah. 22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha. 23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin, Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa. 24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya Iyo halligaad qadhaadh, Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga, Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta. 25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi, Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
  • Yer 6:11-12 : 11 Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa. 12 Oo guryahooda, iyo beerahooda, iyo naagahoodaba kuwa kalaa la siin doonaa dhammaantoodba, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan gacantayda ku fidin doonaa dadka dalka deggan.
  • Daan 9:12 : 12 Hadalladiisii uu kaga hadlay annaga iyo xaakinnadayada na xukumi jiray wuxuu ku adkeeyey xumaan weyn oo uu nagu soo dejiyey; waayo, samada hoosteeda oo dhan laguma samayn waxa Yeruusaalem lagu sameeyey oo kale.
  • Sak 1:6 : 6 Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
  • Luuk 21:22 : 22 Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.

  • Bar 2:1-8
    8 aayado
    79%

    1Sayidku sidee buu xanaaqiisii magaalada Siyoon daruur ugu daboolay! Quruxdii dadka Israa'iilna samaduu ka soo tuuray oo dhulkuu ku soo xooray, Oo maalintii cadhadiisa meeshuu cagaha dhigan jiray sooma uu xusuusan.

    2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.

    3Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan.

    4Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale.

    5Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.

    6Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba.

    7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.

    8Rabbigu wuu u qasdiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon. Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii. Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen.

  • 31Sidaas daraaddeed dhirifkaygaan ku soo shubay, oo dabkii cadhadayda ayaan ku baabbi'iyey, oo jidkoodiina madaxoodaan kaga abaalmariyey, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 22Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii, Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool, Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba. Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.

  • 10Naagihii raxiimka ahaa gacmahoodii waxay kariyeen carruurtoodii, Oo waxay iyagu u noqdeen cuntadoodii markii la baabbi'iyey dadkayga.

  • 4markii Sayidku maydho wasakhda dadka Siyoon, oo uu Yeruusaalem dhiiggeeda dhexdeeda kaga nadiifiyo ruuxa caddaaladda, iyo ruuxa wax guba.

  • 31Oo waxaan kugu soo kor shubi doonaa dhirifkayga, oo dabkii cadhadayda ayaan kugu soo afuufi doonaa, oo waxaan gacanta kuugu ridi doonaa niman doqonna ah oo aad waxbaabbi'inta u yaqaan.

  • 20Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, xanaaqayga iyo cadhadayda ayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka iyo duunyada, iyo dhirta duurka, iyo midhaha dhulkaba. Cadhadaydu way wada gubi doontaa oo lamana demin doono.

  • Yer 4:7-8
    2 aayado
    76%

    7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.

    8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 2Waayo, Rabbigu wuxuu u cadhaysan yahay quruumaha oo dhan, oo wuxuuna u dhirifsan yahay ciidammadooda oo dhan. Dhammaantood wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu iyaga u gudbiyey in la laayo.

  • 9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.

  • 25Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 17Rabbigu wuu sameeyey wixii uu ku talaggalay, Oo eraygiisii uu waagii hore amrayna wuu oofiyey. Wuu dumiyey, umana uu tudhin. Oo wuxuu ka dhigay in cadowgu kugu reyreeyo, Oo geeskii cadaawayaashaadana kor buu u taagay.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • Ish 9:18-19
    2 aayado
    75%

    18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

    19Dhulku wuxuu la gubtay Rabbiga ciidammada cadhadiisa, oo dadkuna waxay yihiin sida wax dabka lagu shido, oo ninna walaalkiis ma caymiyo.

  • 11Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.

  • 26Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.

  • 25Sidaas daraaddeed wuxuu dadka ku sii daayay cadhadiisii aad u kululayd, iyo xooggii dagaalka, oo hareerahooda oo dhanna dab baa lagu shiday, laakiinse way garan waayeen, waana la gubay, illowse innaba qalbiga ma gelin.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed ayaa cadhadii Rabbigu dadkiisa ugu oloshay, oo wuxuu iyaga ku soo fidiyey gacantiisii, wax buuna ku dhuftay, oo buurihiina way wada gariireen, oo meydadkoodiina jidadkay dhex daadsanaayeen sida qashin oo kale, hase ahaatee cadhadiisa kama uu sii jeedin, laakiinse gacantiisu weli way sii fidsan tahay.

  • 13Oo sidaasaa xanaaqaygu ku dhammaystirmi doonaa, cadhadaydana iyagaan ku dejin doonaa, markaasaan qaboobi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan aniga Rabbiga ahu qiiradayda kula hadlay markaan cadhadaydii korkooda ku dhammaystiray.

  • 5Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Yahuudah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Yeruusaalem.

  • 18Oo maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooda midna kama samatabbixin doono iyaga, laakiinse dalka oo dhan waxaa baabbi'in doona dabka qiiradiisa, oo dhulka waxa deggan oo dhanna haddiiba dhaqsiyuu u wada dhammayn doonaa.

  • 9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.

  • 24Xanaaqaaga iyaga ku deji, Oo cadhadaada kulaylkeeduna ha qabsado.

  • 8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

  • 22Sida lacagta foornada dhexdeeda loogu dhalaaliyo ayaad dhexdeeda ugu wada dhalaali doontaan, oo waxaad ogaan doontaan in aniga Rabbiga ahu aan cadhadaydii idinku kor shubay.

  • 11Sidaas daraaddeed waxaa iga buuxda cadhadii Rabbiga, oo inaan isceliyo waan ku daalay. Haddaba cadhadii ku deji carruurta jidka joogta iyo shirka barbaarrada oo dhan, waayo, xataa nin iyo naagtiisaba waa la kaxayn doonaa, oo odayga iyo kan cimriga dheerba waa la isla wada kaxayn doonaa.

  • 11Oo hadda waxaa kaa shiray quruumo badan, oo waxay yidhaahdaan, Ha nijaasowdo, oo indhahayagu Siyoon ha fiiriyeen.

  • 4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.

  • 6¶ Bal yaa dhirifkiisa is-hor taagi kara? Oo bal yaa u adkaysan kara kulaylka cadhadiisa? Cadhadiisu waa u daadatay sidii dab oo kale, oo dhagaxyada waaweynna isagaa kala dildillaacshay.

  • 14Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa derbiga Rabbaah, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraheeda waaweyn, oo maalinta dagaalka waa la qaylin doonaa, oo maalinta dabaysha cirwareentana duufaan baa ku dhici doona.

  • 15Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya.

  • 24markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay?

  • 11Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Markii laamaheedu engegaan way wada jajabi doonaan, oo naagaa iman doona oo gubi doona, waayo, kuwanu waa dad aan innaba waxgarasho lahayn, oo sidaas daraaddeed kii iyaga uumay uma uu naxariisan doono, oo kii iyaga sameeyeyna raalli kama ahaan doono.

  • 25maxaa yeelay, iyagu way iga tageen, oo waxay foox u shideen ilaahyo kale inay igaga xanaajiyaan shuqulka gacmahooda oo dhan; oo sidaas daraaddeed cadhadaydu waxay ku kor degtay meeshan, mana qaboobi doonto.

  • 7Waayo, waxay laayeen reer Yacquub, Rugtoodiina way baabbi'iyeen.

  • 8Waayo, taasu waa maalinta aarsashada Rabbiga, iyo sannaddii abaalgudka dacwaddii Siyoon loo qabay.

  • 12Boqorrada dhulka iyo dadka dunida deggan oo dhammuba ma ay rumaysteen In cadowga iyo nacabku ay irdaha Yeruusaalem geli doonaan.

  • 14¶ Wakhti dheer baan iska aamusnaa oo aan xasilloonaa oo aan iscelinayay, oo haatan waxaan u qaylin doonaa sida naag foolanaysa oo kale, waan hinraagi doonaa, waanan taahi doonaa.