Yeremyaah 4:26
Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.
24Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.
25Oo haddana wax baan fiiriyey, oo ninna ma jirin, oo haaddii hawada oo dhammuna way wada carareen.
27Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka oo dhammu wuu cidloobi doonaa, laakiinse anigu kulligiis wada baabbi'in maayo.
10Magaalooyinkaagii quduuska ahaa cidlo bay noqdeen, Siyoon waxay noqotay cidlo oo kale, Yeruusaalemna waxay noqotay meel baabba' ah.
11Gurigayagii quduuska ahaa oo qurxoonaa oo ahaa meeshii ay awowayaashayo kugu ammaani jireen dab baa lagu gubay, oo waxyaalahayagii wanwanaagsanaa oo dhanna waa la wada baabbi'iyey.
6Oo sidaas daraaddeed ayaa cadhadaydii iyo xanaaqaygiiba waxay ku soo dheceen oo ay ku ololeen magaalooyinkii dalka Yahuudah iyo jidadkii Yeruusaalemba, oo iyana haatan waa cidla iyo baabba' siday maantadan tahay.
7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.
10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.
11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.
11Markaasaan idhi, Sayidow, waa ilaa goorma? Oo isna wuxuu iigu jawaabay, Waa ilaa magaalooyinku baabba'aan oo wax deggan laga waayo, oo guryuhuna ay noqdaan cidla, oo dalkuna uu dhammaantiis wada baabba'o,
12oo Rabbigu dadka ka fogeeyo, oo ay dhulka ku bataan meelo badan oo laga tegey.
6¶ Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.
2Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waad aragteen masiibadii aan Yeruusaalem iyo magaalooyinkii reer Yahuudah oo dhan ku dejiyey, oo bal eega, maantadan iyagu waa cidla, oo ciduna halkaas ma dhex deggana,
7Libaax baa ka soo baxay jiqdiisa, quruumo baabbi'iyihiina wuu soo kacay, oo wuxuu meeshiisii uga soo baxay inuu dalkaaga cidlo ka dhigo, oo magaalooyinkaagana waa la baabbi'in doonaa, oo qofna ma degganaan doono.
8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.
22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.
20Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
4Waxaad isaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Wixii aan dhisay waan dumin doonaa, oo wixii aan beerayna waan rujin doonaa, taasuna waa dalka oo dhan.
31Oo bal eeg, kulligood waxaa ka baxay qodxan, Oo dhammaantoodna waxaa qariyey maraboob, Oo derbigoodii dhagaxa ahaana waa dumay.
11Rabbigu cadhadiisii buu sii daayay, oo xanaaqiisii kululaa wuu daadiyey. Siyoonna dab buu ka dhex shiday oo aasaaskeedii wuu baabbi'iyey.
31Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.
32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.
11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.
1¶ Bal eega, Rabbigu dalkuu madhinayaa, oo baabba' buu ka dhigayaa, wuuna afgembiyayaa, oo kuwa degganna wuu kala firdhinayaa.
10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.
12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.
29Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
7Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.
8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.
6Waayo, Rabbigu wuxuu ku leeyahay reerka boqorka Yahuudah, Adigu waxaad ii tahay sida Gilecaad iyo sida Buur Lubnaan dhaladeeda oo kale, laakiinse sida xaqiiqada ah waxaan kaa dhigi doonaa cidla, iyo sida magaalooyin aan ciduna degganayn oo kale.
20Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.
11Oo qaarkiin waan u afgembiyey sidii markii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora, oo idinna waxaad ahaydeen sidii qori ololaya oo dab laga soo dhiftay, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
23iyo in dalka oo dhammu yahay baaruud, iyo cusbo, iyo meel guban, oo aan waxba lagu beerin, aanna dhalin, oo aan cawsna ka bixin innaba sidii markii la afgembiyey Sodom iyo Gomora, iyo Admaah iyo Seboyim oo Rabbigu ku afgembiyey cadhadiisa iyo xanaaqiisa,
24markaasay quruumaha oo dhammu odhan doonaan, Rabbigu muxuu dalkan sidaas ugu galay? Oo kulaylka xanaaqan weyn micnihiisu waa maxay?
8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.
22Markaasuu Rabbigu u sii adkaysan kari waayay, waana sharka falimihiinna iyo karaahiyada aad samayseen aawadood, oo sidaas daraaddeed dalkiinnii wuxuu u noqday cidla, iyo wax laga yaabo, iyo inkaar, oo ciduna ma deggana siday maantadan tahay.
4Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay guryaha magaaladan iyo guryaha boqorrada dalka Yahuudah oo loo dumiyey in la sameeyo wax lagaga daafaco tuulmooyinkii dagaalka iyo seefta,
14Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Masiibo ayaa xagga woqooyi kaga soo kici doonta dadka dalka deggan oo dhan.
16Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, belaayaan ku soo dejin doonaa meeshan iyo dadka degganba, taasoo ah kulli erayadii ku yiil kitaabkii boqorka dalka Yahuudah akhriyey oo dhan,
2Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey.
4Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.
4Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
14Waayo, dadka Israa'iil Abuurahoodii way illoobeen, oo waxay dhisteen daaro waaweyn, dadka Yahuudahna magaalooyin deyr leh aad bay u badsadeen, laakiinse anigu magaalooyinkooda ayaan dab ku soo dul dayn doonaa, oo wuxuu wada gubi doonaa daarahooda waaweyn oo dhan.
9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.
8Bal eega, Sayidka Rabbiga ah indhihiisu waxay fiirinayaan Boqortooyadii dembi badan, oo dhulkaan ka baabbi'in doonaa, laakiinse reer Yacquub ma aan wada baabbi'in doono, ayaa Rabbigu leeyahay.
8Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.
43Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.
9Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo.
14laakiinse waxaan iyaga ku kala firdhiyey dabayl duufaan ah oo waxaan dhex geeyey quruumaha ayan aqoon oo dhan. Sidaasuu dalkii cidla u noqday iyaga dabadood, oo ninna ma dhex marin, ciduna kuma soo noqon, waayo, dalkii wacnaa cidla baa laga dhigay.