Yexesqeel 30:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo cidla bay ku ahaan doonaan waddammada cidlada ah dhexdooda, oo magaalooyinkeeduna waxay ku dhex jiri doonaan magaalooyinka baabba'ay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 29:12 : 12 Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.
  • Yer 25:18-26 : 18 Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay, 19 iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan, 20 iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay, 21 iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon, 22 iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya, 23 iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan, 24 iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan, 25 iyo boqorrada Simrii oo dhan, iyo boqorrada Ceelaam oo dhan, iyo boqorrada reer Maaday oo dhan, 26 iyo boqorrada woqooyi oo dhan, ku fog iyo ku dhowba, kan iyo kaasba, iyo boqortooyooyinka dunida ee dhulka joogo oo dhan, oo iyaga dabadoodna waxaa cabbi doona boqorka Sheeshag.
  • Yer 46:1-9 : 1 ¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo Nebi Yeremyaah u yimid ee quruumaha ku saabsanaa. 2 Wuxuu ka hadlay Masar, iyo Fircoon Nekoo oo ahaa boqorkii Masar ciidankiisii, kaasoo joogay Karkemiish Webi Yufraad agtiisa, oo uu Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wax ku dhuftay sannaddii afraad ee Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqorkii dalka Yahuudah ahaa. 3 ¶ Gaashaanka yar iyo kan weynba diyaariya oo dagaalka u soo dhowaada. 4 Fardoleydoy, fardaha heenseeya oo fuula, oo isa soo safa idinkoo koofiyadihiinna dagaalka qaba, oo warmaha afaysta, oo waxaad soo xidhataan dharka birta ah. 5 Bal maxaan u arkay? Way nexeen oo dib bay u sii noqdeen, oo kuwoodii xoogga badnaa waa la wada dilay, oo degdeg bay u carareen, dibna uma ay soo jeesan, waayo, cabsi baa dhinac kasta kaga hareeraysnayd, ayaa Rabbigu leeyahay. 6 Kan dheereeyaa yuusan cararin, oo kan xoogga badanuna yuusan baxsan. Xagga woqooyi iyo Webi Yufraad agtiisa ayay ku turunturoodeen, wayna ku dheceen. 7 Yuu yahay kan u soo kaca sida Webi Niil, oo biyihiisu ay sida webiyaasha u rogrogmadaan? 8 Dalka Masar ayaa u kaca sida Webi Niil, oo biyihiisuna way u rogrogmadaan sida webiyaasha oo kale, oo wuxuu leeyahay, Anigu waan kacayaa, oo dhulkaan dabooli doonaa, waanan baabbi'in doonaa magaalada iyo dadka dhex degganba. 9 Fardahow, kaca, oo gaadhifardoodyadow, yaaca. Ragga xoogga badanuna ha bexeen, kuwaasoo ah reer Kuush iyo kuwa reer Fuud oo gaashaanka gacanta ku haya, iyo kuwa reer Luud oo qaansada xoodi yaqaan. 10 Waayo, taasu waa maalintii Sayidka ah Rabbiga ciidammada, waana maalin aarsasho, oo uu cadaawayaashiisa ka aarsan doono. Seeftuna way wada baabbi'in doontaa, wayna ka dhergi doontaa, oo dhiiggooday ku sakhraami doontaa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu qurbaan ku samaynayaa dalka woqooyi Webi Yufraad agtiisa. 11 Dadka Masar ee sida bikrad oo kale ahow, waxaad tagtaa Gilecaad, oo beeyo dawo ah soo qaado. Waxtarla'aan baad dawooyin badan u qaadataa, illowse bogsiini kuuma jirto. 12 Quruumuhu waxay maqleen ceebtaada, oo qayladaaduna waxay ka buuxsantay dalka oo dhan, waayo, kuwii xoogga badnaa ayaa midba kan kale ku turunturooday, oo labadoodiiba way wada dheceen. 13 ¶ Kanu waa eraygii Rabbigu uu kula hadlay Nebi Yeremyaah, oo ku saabsanaa sida Nebukadresar oo boqorka Baabuloon ahu uu u iman doono, oo uu dalka Masar wax ugu dhufan doono. 14 ¶ Masar ka dhex sheega, oo Migdol ka dhex naadiya, oo weliba ka dhex naadiya Nof iyo Taxfanxeesba, oo waxaad tidhaahdaan, Istaag oo isdiyaari, waayo, intii kugu wareegsanayd oo dhan seef baa baabbi'isay. 15 Kuwaagii xoogga badnaa bal maxaa loo kala xaaqay? Iyagu ma ay istaagin, waayo, Rabbiga ayaa riday. 16 Kuwa badan ayuu turuntureeyey, oo midba midka kaluu ku dhacay. Oo waxay isku yidhaahdeen, Kaca oo ina keena, aynu dadkeennii iyo dalkii aynu ku dhalannay u tagnee, oo aynu seefta ina dulmaysa ka cararnee. 17 Waxay halkaas kaga qayliyeen, Fircoon oo ah boqorka Masar waa sanqadh keliya, wakhtigiina wuu dhaafiyey. 18 Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye. Sida xaqiiqada ah isagu wuxuu u iman doonaa sida Taaboor oo buuraha ku dhex taal, iyo sida Karmel oo badda u dhow. 19 Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn. 20 Masar waa qaalin lo'aad oo qurxoon, laakiinse halligaad baa xagga woqooyi uga timid, wayna gaadhay. 21 Oo weliba raggiisa la soo kiraystay oo isaga dhex joogaana waa sida weylo cayilay, waayo, dib bay u noqdeen, oo dhammaantood way isla wada carareen, oo innaba ma ay joogsan, waayo, waxaa soo gaadhay maalintii masiibadooda iyo wakhtigii ciqaabiddooda. 22 Sanqadhiisu waa sida abeeso sii gurguuranaysa, waayo, iyagu ciidan bay kula soo socon doonaan, oo faasas bay kula soo duuli doonaan sida kuwa qoryo jaraya. 23 Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aan la dhex baadhi karin, kayntiisa waa la wada jari doonaa, maxaa yeelay, iyagu ayaxa way ka fara badan yihiin, oo waa wax aan la tirin karin. 24 Dadka Masar way ceeboobi doonaan, waayo, waxaa lagu ridi doonaa gacanta dadka woqooyi. 25 Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waan wada ciqaabi doonaa Aamoon oo ah ilaaha Noo, iyo Fircoon, iyo Masar, iyo ilaahyadiisa, iyo boqorradiisa, iyo xataa Fircoon iyo kuwa isaga isku halleeyaba. 26 Oo waxaan ku ridi doonaa gacanta kuwa naftooda doondoonaya, iyo gacanta Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, iyo gacanta addoommadiisa, oo markaas dabadeedna waa loo degi doonaa sidii waayihii hore, ayaa Rabbigu leeyahay. 27 Laakiinse, addoonkayga reer Yacquubow, ha cabsan, hana nixin, reer binu Israa'iilow, waayo, bal eeg, meel fog baan kaa badbaadin doonaa, oo farcankaagana waxaan ka badbaadin doonaa dalka ay maxaabiista ku yihiin, oo reer Yacquub wuu soo noqon doonaa oo wuu iska xasilloonaan doonaa oo iska istareexi doonaa, oo ciduna ma cabsiin doonto innaba. 28 Rabbigu wuxuu leeyahay, Addoonkayga reer Yacquubow, innaba ha cabsan, waayo, waan kula jiraa, oo quruumihii aan ku kala kexeeyey oo dhanna waan wada baabbi'in doonaa, laakiinse adiga ku wada baabbi'in maayo, caddaalad baanse kugu edbin doonaa, oo sinaba ciqaabidla'aan kuugu dayn maayo.
  • Yex 32:18-32 : 18 Wiilka Aadamow, dadka badan ee Masar u barooro, oo iyaga tuur; xataa Masar iyo gabdhaha quruumaha caanka ahba waxaad ku dhex tuurtaa dhulka meelaha ugu hooseeya iyaga iyo kuwa yamayska ku dhaadhacaba. 19 Bal yaad ka qurux badan tahay? Hoos u dhaadhac, oo buuryaqabyada la jiifso. 20 Waxay ku dhex dhici doonaan kuwa seefta lagu laayay, oo seeftaa loo gacangeliyey. Masar iyo dadkeeda badanba wada jiida. 21 Kuwa xoogga badan madaxdooda ayaa iyada iyo caawimayaasheeda She'ool kala dhex hadli doona. Hoos bay u dhaadheceen, wayna jiifaan, iyagoo buuryaqabyo ah oo seefta lagu laayay. 22 Reer Ashuur iyo guutadiisii oo dhammu halkaasay joogaan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, iyagoo kulligood la laayay, oo seef ku le'day. 23 Qabuurahoodu waxay ku yaalliin yamayska meelaha ugu hooseeya, oo guutadiisuna waxay ku wareegsan tahay qabrigiisa. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la wada laayay, oo seef bay ku le'deen. 24 Waxaana jooga reer Ceelaam iyo dadkiisa badan oo qabrigiisa ku wada wareegsan oo dhan. Kuwii dalka kuwa nool cabsigelin jiray oo dhan waa la laayay oo seef bay ku le'deen. Iyagoo buuryaqabyo ah ayay dhulka meelaha ugu hooseeya hoos ugu dhaadheceen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen. 25 Sariir baa kuwa la laayay dhexdooda loo diyaariyey isaga iyo dadkiisa badanba. Qabuurihiisii isagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen, oo ceebtooday kuwa yamayska ku dhaadhaca la qaateen: oo isaga waxaa la dhigay kuwa la laayay dhexdooda. 26 Halkaas waxaa jooga reer Mesheg iyo reer Tubal iyo dadkooda badan oo dhan, oo qabuurahoodiina iyagay ku wareegsan yihiin, oo kulligood iyagoo buuryaqabyo ah ayay seef ku le'deen, waayo, cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen. 27 Oo iyagu lama ay jiifsan doonaan kuwa xoogga badan oo ka le'day kuwa buuryaqabyada ah oo She'ool hoos ugu dhaadhacay iyagoo hubkoodii dagaalka sita, oo seefahoodii madaxooda la hoos dhigay, dembigooduna lafahooduu dul saaran yahay, waayo, iyagu cabsi bay dalka kuwa nool gelin jireen. 28 Laakiinse adigu waxaad ku dhex jabi doontaa kuwa buuryaqabyada ah, oo waxaad la jiifsan doontaa kuwa seefta lagu laayay. 29 Halkaas waxaa jooga reer Edom, iyo boqorradiisii, iyo amiirradiisii oo dhan, kuwaas oo in kastoo ay xoog badnaayeen la dhinac dhigay kuwii seefta lagu laayay, oo iyana waxay la jiifsan doonaan kuwa buuryaqabyada ah iyo kuwa yamayska ku dhaadhaca. 30 Halkaas waxaa jooga amiirradii reer woqooyi oo dhan, iyo reer Siidoon oo dhan, kuwaas oo hoos ula dhaadhacay kuwii la laayay. Cabsidii ay xooggoodii wax ku cabsigelin jireen way ku ceeboobeen, oo waxay la jiifsadaan kuwii seefta lagu laayay iyagoo buuryaqabyo ah, oo waxay ceebtoodii la qaateen kuwa yamayska ku dhaadhaca. 31 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Fircoon iyaguu arki doonaa, oo dadkiisii badnaa oo dhan ayuu u qalbi qaboobi doonaa. Fircoon iyo ciidankiisii oo dhan seef baa lagu wada laayay. 32 Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cabsidaydii waxaan dhex dhigay dalka kuwa nool, oo Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan ayaa kuwa buuryaqabyada ah dhexdooda lala dhigi doonaa kuwa seefta lagu laayay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 20Oo magaalooyinka la deggan yahay way baabbi'i doonaan, oo dalkuna wuu cidloobi doonaa, oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 8Markaan Masar dab ku dhejiyo oo ay caawimayaasheeda oo dhammu wada baabba'aan waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 79%

    31Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono.

    32Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan.

    33Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan.

  • 7Dalkiinnii waa cidla, magaalooyinkiinniina waa la gubay, oo waddankiinniina shisheeyayaal baa hortiinna ku cunay, waana cidla, sidii wax ay shisheeyayaal afgembiyeen.

  • 9Weligaaba cidlaan kaa dhigi doonaa, oo magaalooyinkaagana lama degganaan doono, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa dalka Masar tiiriyaa way dhici doonaan, oo kibirka xooggiisuna hoos buu u soo dhici doonaa, oo tan iyo Migdol, iyo ilaa Seweeneeh ayay seef ugu le'an doonaan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 6¶ Anigu quruumo ayaan baabbi'iyey, oo qalcadahoodiina waa baabba', oo jidadkoodiina cidla baan ka dhigay si aan ciduna u marin, oo magaalooyinkoodiina waa la dumiyey, si aan qofna u joogin oo aan cid keliyuhuna u degganaan.

  • Yex 32:15-16
    2 aayado
    78%

    15Markaan dalka Masar cidla iyo baabba' ka dhigo, oo uu waddanku waayo wixii uu ka buuxi jiray, oo markaan wada laayo waxa dhex deggan oo dhan ayay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

    16Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Taasu waa baroorta iyada loogu barooran doono. Gabdhaha quruumuhuna way ku barooran doonaan. Waxay ugu barooran doonaan Masar iyo dadkiisa badan oo dhanba.

  • 4Oo magaalooyinkaaga waan wada dumin doonaa, oo cidla baad ahaan doontaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 33:28-29
    2 aayado
    78%

    28Oo dalka cidla iyo yaab baan ka dhigi doonaa, oo kibirka xooggiisuna wuu dhammaan doonaa, oo buuraha reer binu Israa'iilna cidla bay noqon doonaan, si aan ciduna u dhex marin.

    29Oo markaan dalka cidla iyo yaab uga dhigo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen aawadood waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • Yex 29:9-10
    2 aayado
    78%

    9Oo dalka Masar wuxuu noqon doonaa cidla iyo baabba' oo iyagu waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay, maxaa yeelay, isagu wuxuu yidhi, Webiga anigaa iska leh, oo anigaa samaystay.

    10Haddaba sidaas daraaddeed bal ogow, anigu col baan kugu ahay adiga iyo webiyaashaadaba, oo dalka Masarna waxaan ka dhigi doonaa baabba' iyo cidla, tan iyo munaaradda Migdol iyo ilaa Seweeneeh, iyo xataa ilaa soohdinta Itoobiya.

  • 10Waayo, magaaladii deyrka lahayd way cidlowday, waxayna tahay hoy laga kacay, oo waxaa looga tegey sida cidlada oo kale. Halkaas waxaa daaqi doona weylka, wuuna jiifsan doonaa, oo wuxuu dhammayn doonaa laamaheeda oo dhan.

  • 43Magaalooyinkeedii waxay noqdeen cidla iyo dhul engegan, iyo lamadegaan, iyo dal aan ciduna degganayn, ama aan binu-aadmi innaba soo ag marin.

  • 12Dalka Masar ayaan waddammada cidlada ah dhexdooda cidla kaga dhigi doonaa, oo magaalooyinkiisuna afartan sannadood ayay magaalooyinka baabba'ay cidla ku dhex ahaan doonaan, oo Masriyiintana quruumaha dhexdooda ayaan ku kala dhex eryi doonaa, oo waxaan ku dhex firdhin doonaa waddammada.

  • 9Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.

  • 14Oo weliba waxaan kaa dhigi doonaa meel cidla ah iyo cay dhex taal quruumaha hareerahaaga ku wareegsan, iyadoo ay kuwa ku soo ag mara oo dhanba indhaha ku hayaan.

  • 8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.

  • Yex 6:6-7
    2 aayado
    77%

    6Oo meel alla meeshaad deggan tihiinba magaalooyinka waa laga dumin doonaa, oo meelaha sarsarena cidla bay wada noqon doonaan, si ay meelihiinna allabarigu u burburaan oo ay cidla u noqdaan, oo ay sanamyadiinnuna jajabaan oo ay u wada dhammaadaan, oo sanamyadiinna qorraxdana loo wada jaro, oo shuqulladiinnana loo wada tirtiro.

    7Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 14Anigu gacantayda ayaan iyaga ku fidin doonaa, oo dalkana meel cidla ah ayaan ka dhigi doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa meel ka sii daran cidlada ku taal xagga Dibla meelaha ay deggan yihiin oo dhan, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 13Laakiinse dhulku cidla buu noqon doonaa, waana kuwa dhex deggan daraaddood iyo midhihii falimahooda aawadood.

  • 22Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, anigu waan amri doonaa oo waxaan ka yeeli doonaa inay magaaladan ku soo noqdaan, wayna la diriri doonaan, oo qabsan doonaan, oo dab bay ku gubi doonaan, oo waxaan magaalooyinka dalka Yahuudah ka dhigi doonaa cidla' aan ciduna degganayn.

  • 8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • 17Barbaarrada Aawen iyo Fiibesed seef bay ku le'an doonaan, oo magaalooyinkaasna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa.

  • 3Oo dalkana dhammaantiis waa la madhin doonaa oo la kharribi doonaa, waayo, Rabbiga ayaa eraygaas ku hadlay.

  • 19Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Markaan magaalo cidla ah kaa dhigo sida magaalooyinka aan ciduna degganayn oo kale iyo markaan moolka korkaaga ku soo daayo, oo ay biyo badanu ku daboolaan,

  • 19Dadka Masar degganow, in maxaabiis ahaan laguu kaxaysto u alaab ururso, waayo, Nof waxay noqon doontaa meel cidla iyo baabba' ah oo aan ciduna degganayn.

  • 12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.

  • Yex 30:11-12
    2 aayado
    75%

    11Isaga iyo dadkiisa la jira oo ah kuwa ugu nac weyn ee quruumaha ayaa loo keeni doonaa inay dalka baabbi'iyaan, oo seefahooda ayay Masar ula bixi doonaan oo waxay dalka ka buuxin doonaan kuwa la laayay.

    12Oo webiyaashana waan wada engejin doonaa, oo dalkana gacanta sharrowyada waan ka iibin doonaa, oo dalka iyo kuwa dhex degganba waxaan ku wada baabbi'in doonaa gacanta shisheeyayaasha. Aniga Rabbiga ah ayaa saas ku hadlay.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 11Oo waxaan Yeruusaalem ka dhigi doonaa tuulmooyin burbur ah, iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan. Oo magaalooyinka dalka Yahuudahna waxaan ka dhigi doonaa cidla aan ciduna degganayn.

  • 11Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa.

  • 14Oo Fatroos ayaan cidla ka dhigi doonaa, Socanna dab baan qabadsiin doonaa, oo Noona xukummo baan ku soo dejin doonaa.

  • 34Oo dhulkii cidlada ahaan jirayna waa la beeran doonaa, kaasoo cidlada ku ahaan jiray wax alla wixii soo dhex maraba.

  • 14Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Iyadoo dunida oo dhammu ay rayraynayso ayaan cidla kaa dhigi doonaa.

  • 27Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 3Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen.

  • 11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.

  • 8Oo quruumo badan baa magaaladan soo ag mari doona, oo midkood kastaaba wuxuu deriskiisa ku odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan magaaladan weyn ugu galay?

  • 26Oo haddana wax baan fiiriyey, oo waxaan arkay dhulkii midhaha badnaa oo abaaroobay, oo magaalooyinkeedii oo dhammuna Rabbiga hortiisa ayay ku dundunsanaayeen cadhadiisii kululayd daraaddeed.

  • 12Maalkaaga way dhici doonaan, oo booli ahaan bay baayacmushtarkaaga u qaadan doonaan, oo derbiyadaadana way dumin doonaan, oo daarahaaga qurqurxoonna way burburin doonaan, oo dhagxantaada iyo alwaaxdaada iyo boodhkaagaba biyahay ku dhex daadin doonaan.

  • 23Belaayo iyo dhiig baan jidadkeeda ku soo dayn doonaa, oo kuwa dhaawaca ahna dhexdeedaa lagu xukumi doonaa iyadoo seefu dhinac kastaba kaga taagan tahay, oo markaasay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 7oo sidaas daraaddeed bal ogow, gacantaydaan kugu soo dul fidiyey, oo quruumaha ayaan booli ahaan kuu siin doonaa, oo dadyowga dhexdooda waan kaa gooyn doonaa, oo waxaan kaa dhigi doonaa inaad waddammada oo dhan ka halligantid, waanan ku wada baabbi'in doonaa, oo waxaad ogaan doontaa inaan Rabbiga ahay.