Yeremyaah 48:45

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwii cararay waxay istaagan yihiin hooska Xeshboon, iyagoo taag gabay, waayo, dab baa Xeshboon ka soo baxay, ololna wuxuu ka soo baxay Siixon dhexdeeda, oo wuxuu baabbi'iyey Moo'aab darafkeeda iyo kuwa bulxanka badan dhaladooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 24:17 : 17 Isagaan arkaa, haddase ma aha, Waan u jeedaa, mase dhowa, Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta, Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo, Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab, Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
  • Tir 21:28 : 28 Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon.
  • Tir 21:21 : 21 ¶ Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo waxay ku yidhaahdeen,
  • Tir 21:26 : 26 Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.
  • Aam 2:2 : 2 Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.
  • Sak 10:4 : 4 Waxaa isaga ka iman doona dhagaxa rukunka, oo dhidibkuna isaguu ka iman doonaa, qaansada dagaalkuna isagay ka iman doontaa, oo taliye kastaana isaguu ka iman doonaa.
  • Mat 21:42 : 42 Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 21:26-30
    5 aayado
    84%

    26Waayo, Xeshboon waxay ahayd magaaladii Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, oo la diriray boqorkii hore oo reer Moo'aab, oo dalkiisii oo dhan ka qabsaday, xataa tan iyo Arnoon.

    27Oo sidaas daraaddeed kuwa maahmaahyo ku hadlaa waxay yidhaahdaan, War Xeshboon kaalaya, Magaaladii Siixon ha la dhiso oo ha la xoojiyo,

    28Waayo, dab baa ka soo baxay Xeshboon, Taasoo ah magaaladii Siixon oo olol ka soo baxay. Wuxuu baabbi'iyey Caartii reer Moo'aab, Iyo sayidyadii meelaha sare oo Arnoon.

    29Moo'aabay, waa kuu hoog! Waad baabba'day, dadka reer Khemooshow. Wiilashiisii wuxuu u sii daayay sida laajiyo, Gabdhihiisiina wuxuu maxaabiis ahaan ugu sii daayay Boqorka reer Amor oo Siixon ahaa.

    30Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.

  • Yer 48:1-6
    6 aayado
    78%

    1¶ Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu reer Moo'aab ka leeyahay, Waxaa iska hoogtay Neboo! Waayo, iyadu way baabba'day. Qiryaatayim waa la ceebeeyey oo waa la qabsaday, Misgaabna waa la ceebeeyey, waana la dumiyey.

    2Dalka Moo'aab ammaan dambe ma leh. Xeshboon baa shar loogu hindisay, oo waxaa la yidhaahdaa, Kaalaya oo aynu baabbi'innee si ayan quruun u sii ahaan. Madmeenay, adigana waa lagu baabbi'in doonaa, oo seef baa ku eryan doonta.

    3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

    4Dalka Moo'aab waa la wada baabbi'iyey, oo dhallaankiisiina qaylo bay maqashiiyeen.

    5Waayo, jiirtii Luxiid waxaa lala fuuli doonaa oohin aan kala joogsanayn, waayo, dhaadhaca Xoronayim waxay ka maqleen tiiraanyadii oohinta baabbi'idda.

    6Carara, oo naftiinna badbaadiya, oo waxaad noqotaan sida geed xun oo cidlada ku yaal oo kale.

  • Yer 48:42-44
    3 aayado
    78%

    42Oo Moo'aab waa la baabbi'in doonaa si uusan innaba quruun u sii ahaan, maxaa yeelay, Rabbiguu iska sii weyneeyey.

    43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

    44Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.

  • Yer 48:8-9
    2 aayado
    77%

    8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.

    9Dalka Moo'aab baalal siiya si uu u duulo oo uu u cararo. Magaalooyinkiisu waxay noqon doonaan cidla aan ciduna dhex degganayn.

  • Ish 15:4-5
    2 aayado
    76%

    4Oo Xeshboon iyo Elecaaleehba way qayliyaan, oo codkoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Yahas, sidaas daraaddeed ragga hubka leh ee Moo'aab aad bay u qayliyaan, oo cabsi bay la gariiraan.

    5Qalbigaygu wuxuu u ooyaa reer Moo'aab, kuwoodii qaxay waxay u cararaan tan iyo Socar iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, oohin bay la fuulaan jiirta Luxiid, oo jidka Xororayimna waxay kor ugu qaadaan qaylo baabba'eed.

  • Yer 48:39-40
    2 aayado
    76%

    39Sidee buu u dumay! Sidee baa reer Moo'aab dhabarka ceeb ula sii jeediyey! Markaasuu reer Moo'aab kuwa hareerihiisa ku wareegsan oo dhan u noqon doonaa wax lagu qoslo oo lagu naxo.

    40Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa dalka Moo'aab.

  • 46Moo'aabow, adigaa iska hoogay, Kemoosh dadkiisii way wada halligmeen, maxaa yeelay, wiilashaadii maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo gabdhahaagiina waa la wada kaxaystay.

  • Yer 48:34-36
    3 aayado
    76%

    34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.

    35Oo weliba Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan Moo'aab ka joojin doonaa kan meesha sare allabariga ku bixiya, iyo kan ilaahyadiisa fooxa u shidaba.

    36Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.

  • Yer 48:18-21
    4 aayado
    75%

    18Dadka Diibon degganow, sharaftaada hoos uga soo deg oo oon la fadhiiso, waayo, waxaa kugu soo duulay baabbi'iyaha Moo'aab, oo isagu wuxuu dumiyey qalcadahaaga adadag.

    19Kuwiinna Carooceer degganow, bal jidka dhiniciisa istaaga, oo bal wax fiiriya, oo kan sii cararaya iyo tan sii baxsanaysa waxaad weyddiisaan waxa dhacay.

    20Moo'aab waa la ceebeeyey, waayo, wuu baabba'ay. Haddaba ooya oo qayliya, oo Arnoon ka sheega in Moo'aab baabba'ay.

    21Xukun baa ku dhacay dalka bannaanka ah, iyo Xolon, iyo Yahsaah, iyo Mefacad,

  • Yer 48:15-16
    2 aayado
    75%

    15Boqorka magiciisu yahay Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab cidla buu noqday, oo magaalooyinkiisiina way baabbe'een, oo kuwa barbaarradiisii u wanaagsanaana waxay hoos ugu dhaadheceen in la gowraco.

    16Moo'aab masiibadiisii mar dhow bay imanaysaa, oo dhibtiisiina aad iyo aad bay u soo degdegaysaa.

  • 2Laakiinse dab baan ku soo dayn doonaa dalka Moo'aab, oo wuxuu wada laasan doonaa daaraha waaweyn oo Qiryood, oo reer Moo'aab waxay ku dhiman doonaan buuq iyo qaylo iyo buun dhawaaqiis.

  • 15Markaasay ugaasyadii reer Edom yaabeen; Raggii xoogga weynaa oo Moo'aabna gariir baa qabtay. Dadkii Kancaan degganaa oo dhammuna way dhalaaleen.

  • 8Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen.

  • 3Hortooda dab baa wax laasanaya, oo dabadoodana olol baa wax gubaya. Dhulka iyaga ka horreeya waa sida Beer Ceeden, oo kan iyaga ka dambeeyana waa sidii cidla baabba' ah oo kale, oo wax iyaga ka baxsadayna innaba ma jiraan.

  • 14Bal eeg, iyagu waxay noqon doonaan sida xaab oo kale, oo dabka ayaa wada gubi doona, oo iyana xoogga ololka iskama ay samatabbixin doonaan, oo dabkaasuna ma ahaan doono dhuxul la kulaalo, amase dab la hor fadhiisto.

  • Ish 15:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.

    2Waxaa kor loogu baxay Bayid iyo Diboon oo meelaha sare ku yaal in lagu ooyo, reer Moo'aab waxay u baroortaan Neboo iyo Meedebaa, madaxyadooda oo dhan waa la xiiray oo gadh kastana waa la jaray.

  • 18Reer Yacquub dab buu ahaan doonaa, oo reer Yuusufna olol buu ahaan doonaa, reer Ceesawna bal jajab ah buu ahaan doonaa. Dhexdooday ku gubi doonaan oo iyagana way laasan doonaan, oo reer Ceesawna innaba waxba kama hadhi doonaan, waayo, Rabbigu sidaasuu ku hadlay.

  • 8Waayo, qayladii waxay gaadhay soohdimaha Moo'aab ku wareegsan, baroortoodii waxay gaadhay tan iyo Eglayim, oo baroortoodiina waxay gaadhay tan iyo Bi'ir Eelim.

  • 25Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Moo'aab geeskiisii waa la gooyay oo gacantiisiina waa jabtay.

  • 3Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba.

  • 3Oo reer Moo'aab dadka bay ka cabsadeen, maxaa yeelay, iyagu aad bay u badnaayeen, oo reer Moo'aab aad iyo aad bay u welweleen reer binu Israa'iil aawadood.

  • 14Sida dabka duurka guba, Iyo sida ololka buuraha huriya,

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qasdiyey.

  • 2Waayo, sidii shimbir wareegaysa oo buulkeedii laga tuuray ayaa gabdhaha Moo'aab ku ahaan doonaan meelaha Webi Arnoon laga gudbo.

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • 5Oo sanqadhkoodu waa sida gaadhifardood buuraha dhaladooda boodboodaya, iyo sida olol dab oo bal gubaya, iyo sida dad xoog badan oo dagaal u diyaargaroobay.

  • 24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

  • 9Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay oo sida xaqiiqada ah Moo'aab waxay noqon doontaa sida Sodom oo kale, oo reer Cammoonna waxay noqon doonaan sida Gomora oo kale, oo waxay ahaan doonaan meel maraboob ka baxo, iyo godad cusbo, iyo meel had iyo goor cidla ah. Kuwa dadkayga ka hadhay ayaa dhici doona oo inta quruuntayda ka hadhay ayaa dhaxli doonta.

  • 9Oo cabsi ayuu qalcaddiisa kala sii gudbi doonaa, oo amiirradiisuna cabsi aawadeed bay calanka uga carari doonaan, saas waxaa leh Rabbiga dabkiisu Siyoon ku jiro oo foornadiisuna ay Yeruusaalem taallo.