Ayuub 35:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 2:23 : 23 ¶ Oo waxay noqotay in waayahaas badan dabadeed uu boqorkii Masar iska dhintay, reer binu Israa'iilna addoonnimada aawadeed ayay ula taaheen, oo way ooyeen, oo oohintoodiina waxay gaadhay Ilaah addoonnimada aawadeed.
  • Ayuub 34:28 : 28 Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.
  • Ayuub 40:9 : 9 Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale? Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
  • Sab 10:15 : 15 Kii shar leh gacantiisa jebi, Oo sharrowga xumaantiisana doondoon ilaa aad mid dambe weydid.
  • Sab 12:5 : 5 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
  • Sab 43:2 : 2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
  • Sab 55:2-3 : 2 I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa, 3 Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.
  • Sab 56:1-2 : 1 Ilaahow, ii naxariiso, waayo dad baa waxay doonayaan inay i liqaan; Maalinta oo dhan isagoo diriraya ayuu i dulmaa. 2 Cadaawayaashaydu maalinta oo dhan waxay doonayaan inay i liqaan, Waayo, kuwa kibirka igula diriraa waa tiro badan yihiin.
  • Luuk 18:3-7 : 3 Waxaana magaaladaas joogtay carmal ninkeedii ka dhintay, marar badanna way u timid, iyadoo ku leh, Cadowgayga iga xaq sii. 4 Intii wakhti ah ayuu yeeli waayay, laakiin dabadeed wuxuu isku yidhi, In kastoo aanan Ilaah ka baqin, oo aanan ninna danayn, 5 weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin. 6 Markaasaa Rabbigu yidhi, Maqla wixii xaakinkii xaqa darnaa yidhi. 7 Ilaahna miyaanu xaq siin doonin kuwuu doortay oo habeen iyo maalinba u qayliya; oo miyaanu u dulqaadan doonin?
  • Bax 3:7 : 7 Rabbiguna wuxuu ku yidhi, Hubaal waxaan arkay dhibaatada dadkayga ku haysata Masar, oo waan maqlay oohintii ay ooyeen kuwa hawsha ku qaxraya aawadood, waayo, anigu waan ogahay caloolxumadooda;
  • Bax 3:9 : 9 Oo haatan bal eeg, waxaa i hor timid oohintii reer binu Israa'iil, oo weliba waxaan arkay cadaadinta ay Masriyiintu ku cadaadinayaan iyaga.
  • Nex 5:1-5 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah. 2 Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno. 3 Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed. 4 Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay. 5 Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
  • Ayuub 12:19 : 19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa, Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
  • Ayuub 24:12 : 12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.

  • 28Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

  • Sab 55:2-3
    2 aayado
    76%

    2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

    3Sababtuna waxaa weeye codka cadowga daraaddiis, Iyo kan sharka leh cadaadintiisa daraaddeed, Waayo, iyagu xumaan bay igu tuuraan, Maxaa yeelay, cadho ayay igu silciyaan.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 39Oo haddana way sii dhinmaan, oo waxay la foororsadaan Dulmi iyo dhib iyo murug.

  • 15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

  • 10Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,

  • 5Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood, Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.

  • 8Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

  • 29Dadkii dalku waxay ku isticmaaleen dulmi, oo wax bay dheceen, oo masaakiintii iyo saboolkii baahnaa aad bay u dhibeen, oo xataa shisheeyihii si xun bay u dulmeen.

  • 12Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.

  • 17Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

  • 15Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

  • 18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

  • 9Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal. Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • 12Waayo, waan ogahay xadgudubyadiinnu inay badan yihiin, iyo dembiyadiinnu inay waaweyn yihiin, kuwiinnan kii xaqa ah dhiba, ee laaluush qaata, oo masaakiinta iridda joogtana xaqooda ka leexiya.

  • 1¶ Markaasaan mar kale soo fiirsaday waxyaalaha dulmiga ah ee qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, oo waxaan fiiriyey kuwa la dulmay ilmadoodii, oo mid u qalbi qabowjiyana ma ay lahayn. Kuwii iyaga dulmayay dhankooda xoog baa jiray, laakiinse iyagu qalbiqabowjiye ma ay lahayn.

  • 24Bal maxaad wejiga nooga qarsanaysaa, Oo aad u illoobaysaa dhibaatada iyo dulmiga aan ku dhex jirno?

  • 12Xagga midigtayda waxaa ka kaca ciyaalasuuq, Oo cagtaydana way iska riixaan, Oo waxay igu hor tuuraan jidadkoodii halligaadda.

  • 41Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

  • 9Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday, Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.

  • 3Bal miyey kuu wanaagsan tahay inaad cidhiidhisid Oo aad quudhsatid shuqulkii gacantaada, Oo haddana aad iftiimisid kuwa sharka ah taladooda?

  • 28Aad bay u buurnaadeen oo cayileen, oo xataa falimaha sharka ahna aad bay u badiyaan, ma garsooraan oo agoontana uma ay muddacaan si ay u barwaaqoobaan, oo masaakiintana xaqooda uma ay sameeyaan.

  • 12Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.

  • 8Xumaantaadu waxay wax u dhintaa nin sidaadoo kale ah, Oo xaqnimadaaduna waxay wax ku tartaa binu-aadmiga.

  • 15Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey.

  • 23Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,

  • 21Calooladeeg baad igula soo jeesatay, Oo gacantaada itaalkeeda ayaad igu silcisaa.

  • Bar 1:21-22
    2 aayado
    71%

    21Inaan taahayo waa la maqlay, ninnase ima qalbi qaboojiyo. Cadaawayaashaydii oo dhammu dhibaatadaydii way maqleen, oo inaad saas igu samaysay way ku faraxsan yihiin. Waad keeni doontaa maalintii aad ka hadashay, oo iyaguna sidaydoo kalay noqon doonaan.

    22Xumaantooda oo dhammu hortaada ha timaado, Oo iyaga ku samee wixii aad xadgudubyadayda aawadood iigu samaysay oo dhan, Waayo, taahaygu waa badan yahay, oo qalbigaygiina wuu itaal darnaaday.

  • 24Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

  • 8¶ Haddaad gobol ku aragtid masaakiin la dulmayo, iyo garsoorid iyo caddaalad si xoog leh loo qalloocinayo, waxaas ha la yaabin, waayo, kan sare mid ka sii sarreeya ayaa eegaya, oo weliba waxaa jira kuwa ka sii sarreeya iyaga.

  • 18Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan, Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • 4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

  • 13Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

  • 9Isagu baabba' buu ku dejiyaa kuwa xoogga badan, si ay baabba'du ugu dhacdo qalcadda.

  • 25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 5Oo dadkana midkood kastaba waxaa dulmi doona mid kale, oo mid kastaba waxaa dulmi doona deriskiisa, yarku wuxuu ku kibri doonaa odayga, oo kan hoosena kan sharafta leh.

  • Xab 1:2-3
    2 aayado
    70%

    2Rabbiyow, ilaa goormaan kuu qayshadaa, oo adna aadan i maqlayn? Dulmi baan kaaga qayshadaa, oo namana aad badbaadisid.

    3Bal maxaad xumaan ii tustaa oo aad qallooc iigu jeedisaa? Waayo, waxaa hortayda yaal halligaad iyo dulmi, oo waxaa kor u kaca dirir iyo dagaal.

  • 8Oo haddii silsilado lagu xidho, Oo xadhkaha dhibka lagu kaxaysto,

  • 10Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.

  • 6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.

  • 4Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh.

  • 2Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay? Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?