Ayuub 24:12
Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda, Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
10Magaalada cidlada ah waa la dumiyey, oo guri kastana waa la xidhay si aan ninna u soo gelin.
11Jidadka waxaa looga ooyayaa khamri la waayay aawadeed, farxaddii oo dhammuna way madoobaatay, oo rayrayntiina dalkay ka dhammaatay.
12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.
13Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba, Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin, Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
11Indhahaygii ilmay la gudheen, uurkuna waa i gubanayaa, Oo aad baan u caloolxumahay, waayo, waxaa la baabbi'iyey dadkaygii, Maxaa yeelay, carruurtii iyo naasonuugyadiiba jidadka magaalada bay ku itaal darnaadaan.
12Waxay hooyooyinkood ku yidhaahdaan, Meeh hadhuudhkii iyo khamrigii? Iyagoo jidadka magaalada ku itaaldaran sida dad dhaawac ah oo kale, Markii ay naftoodu kaga baxayso laabta hooyooyinkood.
24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?
25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?
10Maalin iyo habeenba derbiyadeeday ku dul wareegaan, Oo weliba waxaa ku dhex jira xumaan iyo belaayo.
11Dhexdeedana waxaa ku jira shar, Dulmi iyo khiyaanona kama tagaan jidadkeeda.
22Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa.
9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.
12Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.
11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.
12¶ Waxaa iska hoogay kii magaalo dhiig ku dhisa, oo magaalo xumaan ku adkeeya!
18Haddaan duurka tago waxaan arkaa kuwa seef lagu laayay, oo haddaan magaalada galona waxaa arkaa kuwa gaajo la buka, waayo, nebiyadii iyo wadaaddadiiba dalkay ku dhex warwareegaan iyagoo aan aqoon lahayn.
19¶ Rabbiyow, aslanba dalka Yahuudah ma nacday? Naftaadu Siyoon ma karahday? Bal maxaad wax noogu dhufatay oo aannu u bogsan waynay? Nabad baannu filanaynay, laakiinse wax wanaagsanina ma iman, oo waxaannu filanaynay wakhti caafimaad leh, laakiinse waxaa noo timid cabsi keliya!
1¶ Kanu waa war culus ee dooxada muujinta ku saabsan. War maxaa idinku dhacay, oo aad dhammaantiin guryaha dushooda la korteen?
2¶ Magaalada qaylada iyo bulxanku ka buuxaanay, magaalada farxadda badanay, kuwa dhexdaada lagu laayay seef laguma layn, dagaalna kuma ay dhiman.
11Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.
11Samatabbixi kuwa dhimashada loo wadayo, Kuwa ku dhow in la gowracona dib uga qabo.
12Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin.
21Yar iyo weyn baa dhulkay jiifaan jidadka dhexdooda, Hablahaygii iyo barbaarradaydiiba seef baa lagu laayay. Waxaad iyaga laysay maalintii cadhadaada, waad gowracday oo uma aad tudhin.
25Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn, Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.
20Wiilashaadii aad bay u daaleen, waxayna dhinac yaalliin jidadka oo dhan sida biciid dabin ku dhacay. Waxay ka wabxeen cadhadii Rabbiga iyo canaantii Ilaahaaga.
2Dadka dalka Yahuudah way barooranayaan, irdahoodii way jilceen, oo iyagoo ooyaya ayay dhulka fadhiyaan, oo Yeruusaalem qayladeeduna kor bay u kacaysaa.
39Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa?
7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.
14Oo qalbigooda igama ay baryin, laakiinse sariirahooday ku kor ooyaan. Waxay u soo wada shiraan hadhuudh iyo khamri aawadood, oo anigana way igu caasiyoobaan.
12Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda, Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
1¶ Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga! Waayo, dhammaanteed waxaa ka buuxa been iyo dhac, oo boobkuna iyada kama dhammaado.
12Oo wakhtigaas ayaan Yeruusaalem laambado ku baadhi doonaa, waanan ciqaabi doonaa dadka gufarkooda isaga fadhiyey sida khamri deggan oo kale, oo qalbigooda iska yidhaahda, Rabbigu wax wanaagsan samayn maayo, wax shar ahna samayn maayo.
7¶ Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.
12Miyaydaan dan iga lahayn, kuwiinna i ag marayow? Bal eega, oo fiiriya hadday jirto murug murugtayda la mid ah ee laygu riday, Oo uu Rabbigu igu dhibay maalintii ay cadhadiisa kululu timid.
17Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.
4Dhulku wuu baroortaa, wuuna qallalaa, dunidu way daashaa, wayna qallashaa, oo dadka sarena way daalaan.
22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.
9Muuqashada wejigooda ayaa iyaga ku marag furta oo dembigoodana way u sheegaan sidii dadkii Sodom oo kale, oo innaba ma ay qarsadaan. Naftoodaa hoogtay! Waayo, xumaan bay isu keeneen.
6¶ Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaa iska hoogtay magaalada dhiigga qabta, taasoo ah digsiga miridhkiisu ku jiro, oo aan miridhkiisu ka bixin! Cadcad u soo bixiya, iyadoo aan saami lagu bixin.
16Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan, Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan, Oo iftiinka maba yaqaaniin.
4Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.
9Waayo, nabraheedu ma bogsan karaan, oo xataa waxay soo gaadheen dalka Yahuudah, oo waxay soo gaadheen xataa iridda dadkayga taasoo ah Yeruusaalem.
7Khamriga cusubu wuu baroortaa, dhirta canabkuna way dhadaa, oo kuwii qalbigoodu faraxsanaa oo dhammuna way taahaan.
16Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
19Waxaan u yeedhay kuwii i jeclaa, laakiinse way i khiyaaneeyeen. Wadaaddadaydii iyo duqowdaydiiba magaalada dhexdeeda ayay ku naf bexeen, Intay doondoonayeen cunto ay nafta ku ceshadaan.
20Rabbiyow, bal i eeg, waayo, cidhiidhi baan ku jiraa. Uurkaa i gubanaya, Qalbigayguna wuu igu dhex rogman yahay, waayo, aad baan u caasiyoobay. Dibadda seef baa igu gablamisa, gurigana geeri baa ii joogta.
29Magaalada oo dhammu waxay ka qixi doontaa qaylada fardoleyda iyo qaansoleyda, oo jiqday ku carari doonaan, dhagaxyada dushoodana way fuuli doonaan, magaalo kastana waa laga tegi doonaa, oo nin qudhuhuna ma degganaan doono.
12Beerihii wanaagsanaa iyo canabkii midhaha badnaa ee la waayay aawadood ayay naasahooda u garaaci doonaan.
31Waayo, waxaan maqlay cod sidii naag foolanaysa, iyo qaylo sidii mid ilmaheedii ugu horreeyey dhalaysa, waana codkii magaalada Siyoon, oo taahaysa, oo gacmaheeda kala fidisa, oo waxay tidhaahdaa, anigaa haatan hoogay! Waayo, naftaydii aad bay ugu daallan tahay gacankudhiiglayaasha aawadood.