Ayuub 35:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 1:28 : 28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
  • Sab 123:3-4 : 3 Rabbiyow, noo naxariiso, annaga noo naxariiso, Waayo, waxaa aad nooga buuxda quudhsasho. 4 Naftayadii waxaa aad uga batay Qosolka kuwa istareexsan Iyo quudhsashadii kuwa kibirsan.
  • Yoox 9:31 : 31 Waannu garanaynaa inaan Ilaah dembilayaashii maqlayn, laakiin wuxuu maqlaa kii Ilaah caabuda oo doonistiisa sameeya.
  • Ish 14:14-17 : 14 Waxaan kori doonaa daruuraha sare korkooda, oo waxaan noqon doonaa sida Ilaaha ugu sarreeya oo kale. 15 Laakiinse waxaa lagu dejin doonaa She'ool, iyo meelaha ugu hooseeya ee yamayska. 16 Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay, 17 oo dunida sidii lamadegaan oo kale ka dhigay, oo magaalooyinkeedii dumiyey, oo aan maxaabiistiisa u dayn inay gurigoodii ku noqdaan baa?
  • Sab 18:41 : 41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
  • Sab 73:6-8 : 6 Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan, Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin. 7 Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin, Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo. 8 Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan, Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 13Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.

  • 41Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

  • 77%

    9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

    10Laakiinse ninna ma yidhaahdo, Meeh Ilaahii i abuuray, Oo habeenkii gabayo i siiya,

    11Oo wax na bara in ka sii badan xayawaanka dunida jooga, Oo weliba naga sii xigmad badiya haadda samada duusha?

  • 74%

    27Maxaa yeelay, lasocodkiisii way ka leexdeen, Oo waxay diideen inay jidadkiisa midnaba ka fikiraan.

    28Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

    29Haddii quruun lagu sameeyo iyo haddii qof lagu sameeyaba, Markuu nasiyo yaa belaayo kicin kara? Oo markuu wejigiisa qariyana bal yaa isaga fiirin kara?

  • 4Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.

  • 28Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;

  • 42Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya; Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

  • 7Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto.

  • 13Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

  • 1Hadda bal u yeedh, mid kuu jawaabayaa ma jiraa? Balse kuwa quduuska ah midkoodee baad u jeesanaysaa?

  • 12Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan, Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa, Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.

  • 11Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono.

  • 19Ilaah oo ah kan weligiis waara, Wuu maqli doonaa oo u jawaabi doonaa iyaga, Kuwaas oo aan beddelmin, (Selaah) Oo aan Ilaah ka cabsan.

  • 28Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag.

  • 12Sida runta ah aad baan idiin dhegaysanayay, Oo bal eega, laydinkuma arag mid Ayuub rumaysiiyey, Amase mid erayadiisii uga jawaabay.

  • 20Anigu waan kuu qayshadaa, adiguse iima aad jawaabtid, Waan ku soo hor istaagaa, adiguse ima aad aragtid.

  • 70%

    14Waayo, isagu erayadiisii iguma uu soo jeedin, Oo anigu hadalladiinnii isaga ugu jawaabi maayo.

    15Iyagii way yaabsan yihiin, oo mar dambena ma ay jawaabaan; Oo wax ay ku yidhaahdaanna ma leh.

    16Haddaba anigu miyaan u sii sugaa, hadalka ay waayeen daraaddiis, Iyo istaagiddooda daraaddeed, oo ay mar dambe jawaabi waayeen?

  • 11Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?

  • 34Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay.

  • 69%

    12Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn.

    13Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho.

  • 17Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.

  • 24Laakiinse ninkii hoos u dhacaya sow gacantiisa sooma fidiyo? Markuu halligmayose sow ma qayshado?

  • 17Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.

  • 15In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya.

  • 22Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab.

  • 15¶ Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay.

  • 4Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.

  • 12Raggiisa gobta ah waxaa loogu yeedhi doonaa boqortooyada, laakiinse midkoodna halkaas ma joogi doono, oo amiirradiisa oo dhammuna waxba ma ay ahaan doonaan.

  • 15Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?

  • 7Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan, Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,

  • 7Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.

  • 7Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid.

  • 11Waayo, dhagax baa ka qaylin doona derbiga dhexdiisa, oo loox alwaaxda ku dhex jira ayaa u jawaabi doona.

  • 7Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.

  • 4Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto, Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay, Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.

  • 30Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin; Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;

  • 2I maqal, oo ii jawaab, Waxaan la nasan waayaa calaacalkayga, waanan la taahaa,

  • 1Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.

  • 13Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan.

  • 17sidaas daraaddeed Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ku soo dejin doonaa masiibadii aan iyaga kaga hadlay oo dhan, maxaa yeelay, waan la hadlay, laakiinse ima dhegaysan, waanan u yeedhay, laakiinse iima ay jawaabin.

  • 4Aar miyuu duudda ka ciyaa, hadduusan raq haysan? Aaran libaax miyuu bohoshiisa ka qayliyaa, hadduusan waxba soo qaadan?

  • 12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?