Sabuurradii 53:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 14:1-7 : 1 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya. 2 Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona. 3 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba. 4 Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga. 5 Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah. 6 Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka, Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa. 7 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado! Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo, Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
  • Sab 10:4 : 4 Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.
  • Room 3:10-31 : 10 Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba; 11 Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro; 12 Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba; 13 Hungurigoodu waa xabaal furan; Carrabbadooda wax bay ku khiyaaneeyeen; Bushimahooda waxaa ku hoos jira sun jilbis; 14 Afkooda waxaa ka buuxa habaar iyo qadhaadh; 15 Cagahoodu waxay u dheereeyaan inay dhiig daadiyaan; 16 Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba'; 17 Jidka nabaddana ma yaqaaniin; 18 Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal. 19 ¶ Waannu og nahay in wax alla wixii sharcigu yidhaahdo, uu ku leeyahay kuwa sharciga ku hoos jira, in af kasta la xidho, oo dunida oo dhammu ay Ilaah ku hor gar darnaato. 20 Maxaa yeelay, shuqullada sharciga ninna xaq ku noqon maayo Ilaah hortiis, waayo, sharciga ayaa lagu gartaa dembiga. 21 ¶ Laakiin haatan sharciga la'aantiis ayaa xaqnimadii Ilaah la muujiyey, waxaana u marag furay sharciga iyo nebiyadii, 22 waxaana weeyaan xaqnimada Ilaah ee lagu helo rumaysadka xagga Ciise Masiix oo u ah in alla inta rumaysata oo dhan, waayo, kala duwanaan ma leh. 23 Maxaa yeelay, dhammaan way wada dembaabeen oo gaadhi waayeen ammaanta Ilaah; 24 iyagoo hadiyad ahaan xaq lagaga dhigay nimcadiisa xagga madaxfurashada Ciise Masiix ku furtay, 25 kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah; 26 waxaa weeye muujinta xaqnimadiisa ee haatan joogta inuu isaga qudhiisu xaq ahaado iyo kan xaq ka dhiga kan Ciise rumaysan. 27 Haddaba faankii meeh? Waa reebban yahay. Sharci caynkee ah buu ku hadhay? Ma xagga shuqulladaa? Maya; laakiinse wuxuu ku hadhay sharciga rumaysadka. 28 Sidaas daraaddeed waxaannu ku tirinnaa in nin xaq ku noqdo rumaysadka ee uusan xaq ku noqon shuqullada sharciga. 29 Ama Ilaah ma Ilaaha Yuhuudda oo keliya baa? Miyuusan ahayn kan quruumaha kalena? Haah, waa yahay kan quruumaha kalena, 30 hadday tahay in Ilaah mid keliya yahay oo uu kuwa gudan xaq kaga dhigi doono rumaysadka, kuwa buuryoqabka ahna rumaysadka. 31 De miyaannu haddaba sharciga ku burinnaa rumaysadka? Yaanay noqon! Laakiin sharciga waannu taagnaa.
  • Ef 5:12 : 12 waayo, waxay qarsoodiga ku sameeyaan waa ceeb xataa in laga hadlo.
  • 1 But 4:3 : 3 Waayo, waxaa idinku filan wakhtigii hore oo aad doonistii dadka aan Ilaah aaminin samayn jirteen, markii aad ku socon jirteen nejisnimo, iyo damacyadii jidhka, iyo sakhraannimo, iyo rabshad, iyo khamricabbid, iyo sanamcaabudid xaaraan ah.
  • Sab 10:6 : 6 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Anigu weligay dhaqdhaqaaqi maayo, Oo tan iyo ka ab ka ab xumaanu i heli mayso.
  • Sab 10:11 : 11 Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.
  • Sab 10:13 : 13 Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?
  • Sab 88:1 : 1 Rabbiyow, Ilaaha badbaadadaydow, Habeen iyo maalinba hortaadaan ka qayliyey,
  • Sab 92:6 : 6 Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.
  • Yex 16:47 : 47 Jidadkoodii kuma aadan socon oo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa oo kalena ma aadan samayn, laakiinse taasu wax yar bay kula noqotay, oo iyaga jidadkaagii oo dhan waad kaga sii darnayd.
  • Yex 16:51 : 51 Oo xataa dembigaaga badhkiis Samaariya ma ay samayn, laakiinse waxyaalahaaga karaahiyada ah waad ka sii badisay kuweeda, oo walaalahaana waxaad xaq kaga dhigtay waxyaalahaagii karaahiyada ahaa oo aad samaysay oo dhan.
  • Mat 5:22 : 22 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo walaalkiis u cadhoodaa wuxuu galabsadaa xukunka, oo kii walaalkiis ku yidhaahda, Nacas yahow, wuxuu galabsadaa in shirka la geeyo, oo kii yidhaahda, Doqon yahow, wuxuu galabsadaa jahannamada dabka ah.
  • Luuk 12:20 : 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
  • Room 1:21 : 21 Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.
  • Room 1:28 : 28 ¶ Intay oggolaan waayeen inay Ilaah ku sii haystaan aqoontooda, Ilaah wuxuu u daayay maan dulli ah inay sameeyaan waxyaalo aan qummanayn,
  • Bil 6:5-6 : 5 Rabbiguna wuxuu arkay in dadka sharkiisu ku badan yahay dhulka, iyo in male kasta oo fikirrada qalbigiisu ay shar keliya yihiin had iyo goorba. 6 Rabbiguna wuxuu ka qoomamooday abuuriddii uu dadka ku abuuray dhulka, wuuna caloolxumaaday.
  • Bil 6:11-13 : 11 Dhulkuna wuu kharribnaa Ilaah hortiisa, dhulkana dulmi baa ka buuxsamay. 12 Ilaahna wuxuu arkay dhulka, oo bal eeg, wuu kharribnaa; waayo, intii jidh lahayd oo dhammu jidkooday ku kharribeen dhulka. 13 ¶ Oo Ilaah wuxuu Nuux ku yidhi, Intii jidh leh oo dhan dhammaadkoodii aan dhammayn lahaa ayaa gaadhay; waayo, dhulkii waxaa ka buuxsamay dulmi iyaga ka yimid, oo bal eeg, iyagaan dhulka la baabbi'in doonaa.
  • Laaw 18:24-30 : 24 ¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen, 25 oo dalkii wuu nijaasoobay, haddaba sidaas daraaddeed ayaan xumaantiisii soo gaadhsiinayaa, oo dalku waa mantagayaa dadka deggan. 26 Haddaba idinku waa inaad dhawrtaan qaynuunnadayda iyo xukummadayda, oo waa inaydaan waxyaalahaas karaahiyada ah innaba samayn, kiinnii waddani ah, iyo kii shisheeye ah oo idin dhex degganuba, 27 (waayo, dadkii dalka degganaan jiray oo idinka horreeyey waxyaalahaas karaahiyada ah oo dhan ayay wada samayn jireen, oo dalkuna wuu nijaasoobay;) 28 si markaad nijaasaysaan dalku uusan idinkana idiin mantagin, siduu quruuntii idinka horraysay u mantagay oo kale. 29 Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa. 30 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • Sharc 12:31 : 31 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.
  • 1 Boq 12:26 : 26 Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;
  • 1 Boq 14:24 : 24 Oo weliba dalka waxaa joogay makhnuudyo, oo waxay u wada sameeyeen sidii kulli karaahiyadii ay samayn jireen quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
  • Ayuub 14:4 : 4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
  • Ayuub 15:16 : 16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 14:1-4
    4 aayado
    95%

    1Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.

    2Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.

    3Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen, Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.

    4Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn? Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan, Mana ay baryaan Rabbiga.

  • Sab 53:2-4
    3 aayado
    85%

    2Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.

    3Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.

    4Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan, Oo aanay Ilaah baryin?

  • Room 3:9-12
    4 aayado
    81%

    9¶ Waa maxay haddaba? Miyaynu dhaannaa iyaga? Maya, sinaba. Waayo, horaannu u dacweynay Yuhuudda iyo Gariigtaba inay kulligood dembi ku hoos jiraan.

    10Sida qoran, Mid xaq ahu ma jiro, midnaba;

    11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;

    12Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, waxay wada noqdeen wax aan wax tar lahayn; Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba;

  • 1Kii shar leh xadgudubkiisu wuxuu qalbigiisa ka yidhaahdaa, Ilaah ka cabsashadiisu indhahayga ma hor taal.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • Room 1:20-22
    3 aayado
    75%

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

    21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.

    22Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.

  • 20Waayo, dhulka laguma arag nin xaq ah oo wanaag fala, oo aan dembaabin.

  • 6Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo.

  • 18Cabsida Ilaahna indhahooda ma hor taal.

  • 7Waa kan ninkii aan Ilaah xooggiisa ka dhiganu, Laakiinse wuxuu isku halleeyey hodantinimadiisa badan, Oo wuxuu ku xoogaystay xumaatadiisii.

  • 3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.

  • 4Kii shar lahu isagoo wejigiisa kibir ka muuqdo wuxuu yidhaahdaa, Isagu waxba i weyddiisan maayo. Fikirradiisa oo dhammu waxaa weeye, Ilaah ma jiro.

  • 2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.

  • 22Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.

  • 9Fikirka nacasnimadu waa dembi, Kii wax quudhsadaana waa u karaahiyo dadka.

  • 4Markaasaan idhi, Sida xaqiiqada ah kuwanu waa masaakiin, oo waa nacasyo, waayo, Rabbiga jidkiisa iyo qaynuunka Ilaahooda toona garan maayaan.

  • 13Bal kii shar lahu muxuu Ilaah u quudhsadaa? Oo muxuu qalbigiisa uga leeyahay, Adigu waxba i weyddiisan maysid?

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • Sab 94:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo waxay isyidhaahdaan, Waxan Rabbigu ma arki doono, Oo Ilaaha reer Yacquubna kama fikiri doono.

    8Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?

  • 1Ninka xoogga badanow, bal maxaad xumaanta ugu faanaysaa? Naxariista Ilaah had iyo goorba way sii waartaa.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 17Nacasyadu waxay u dhibban yihiin xadgudubkooda aawadiis, Iyo xumaatooyinkooda aawadood.

  • 4Ninna si xaq ah uma dacweeyo, oo midnaba run kuma muddaco. Waxay isku halleeyaan waxaan waxba ahayn, oo been bay ku hadlaan, belaayay uuraystaan, oo xumaan bay dhalaan.

  • 9Nacasyadu dembigay ku majaajiloodaan, Laakiinse kuwa qumman waxaa ku dhex jirta raallinimo.

  • 1Miskiinka daacadnimadiisa ku socda ayaa ka wanaagsan Nacaska bushimihiisu qalloocan yihiin.

  • 11Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ilaah waa i illoobay, Oo wejigiisiina wuu qariyey, weligiisna ima arki doono.

  • 20Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?

  • 5Kan ismadax-weyneeya hortaada soo istaagi maayo, Oo waxaad neceb tahay xumaanfalayaasha oo dhan.

  • 28Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn, Oo innaba waxgarasho kuma jirto.

  • 16Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?

  • 19Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,

  • 12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

  • 11Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan? Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?

  • 21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

  • 5Ilaahow, waad og tahay nacasnimadayda, Oo dembiyadayduna kaama qarsoona.

  • 5Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.

  • 9Qalbiga dadku wax kasta buu ka khiyaano badan yahay, oo aad iyo aad buu u xun yahay, bal yaa garan kara?

  • 16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

  • 21Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan.