1 Korintos 1:20
Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?
Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
18¶ Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.
19Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.
18¶ Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.
19Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
20oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
21Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga.
22In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan,
23annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.
24Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.
25Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.
26¶ U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah,
27laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.
28Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo,
20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.
21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.
22Iyagoo kuwo caqli leh isku sheegaya ayay nacasoobeen.
5inaan rumaysadkiinnu ku tiirsanaan xigmadda dadka, laakiin inuu xoogga Ilaah ku tiirsanaado.
6¶ Waxaannu xigmadda kula hadallaa kuwa garashadu ku dhan tahay, taasoo aan ahayn xigmadda wakhtigan, oo aan ahayn xigmadda madaxda wakhtigan oo ah kuwa la baabbi'in doono;
7laakiin qarsoonaan ayaannu ugu hadallaa xigmadda Ilaah oo la qariyey, oo Ilaah dunida horteed ka dhigay ammaanteenna aawadeed,
8tan madaxda wakhtigan midkoodna aanu garanaynin, waayo, hadday garan lahaayeen, iskutallaabta kuma ay qodbeen Rabbiga ammaanta,
20Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
9Nimankii xigmadda lahaa way ceeboobeen, wayna argaggexeen oo waa la kaxaystay, bal eega, Eraygii Rabbiga way diideen, haddaba xigmadda ku jirta waa maxay?
12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
10Annagu waxaannu nahay Masiixa aawadiis doqonno, idinkuse caqli baad ku leedihiin xagga Masiixa. Annagu waa xoog darannahay, idinkuse waad xoog badan tihiin, idinku ammaan baad leedihiin, annaguse waa maamuus la' nahay.
16Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?
14Ninka nafta raacaa ma aqbalo waxyaalaha Ruuxa Ilaah, waayo, nacasnimo bay u yihiin, mana garan karo, maxaa yeelay, ruuxa ayaa lagu imtixaamaa.
24Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.
3Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan!
22Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan? Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan? Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
8Waayo, bal kii xigmad lahu maxaa faa'iido ah oo uu nacaska dheer yahay? Miskiinkii kuwa nool hortooda si loogu socdo yaqaanse, maxaa faa'iido ah oo uu leeyahay?
8Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?
1Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro. Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah, Oo mid wanaag falaa ma jiro.
20Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka; Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.
1Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro. Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah, Ma jiro mid wanaag sameeya.
16Waayo, kan xigmadda leh lama xusuusto ilaa weligiis xataa sida aan nacaska loo xusuusan, maxaa yeelay, wakhtiga soo socda waxa haatan jooga oo dhan waa la wada illoobi doonaa. Oo bal kan xigmadda lahu wuxuu u dhintaa sida nacaska oo kale!
33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.
22Waayo, dadkaygu waa nacasyo, oo aniga ima ay yaqaaniin. Iyagu waa carruur caqlidaran, oo innaba waxgarasho ma leh. Inay xumaan sameeyaan way u caqli badan yihiin, laakiinse inay samaan sameeyaan innaba aqoon uma leh.
6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.
19Waayo, idinku si farxadleh ayaad doqonnada ugu dulqaadataan idinkoo caqli leh.
3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.
34Waayo, bal yaa soo ogaaday maanka Rabbiga? Bal yaase lataliyihiisii noqday?
30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,
4Ilaaha wakhtigani wuu ka indho tiray maanka kuwa aan rumaysanaynin, inaan iftiinka injiilka ee ammaanta Masiix, kan ah u-ekaanta Ilaah, uu ifin iyaga.
25Waxaan qalbigayga oo dhan u diyaariyey oo u soo jeediyey inaan ogaado, oo baadho, oo aan doondoono xigmad iyo wax kasta sababtiisa, iyo inaan ogaado in sharnimadu tahay nacasnimo, iyo in doqonnimadu tahay waalli.
3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.
2Nacasku waxgarashada kuma farxo, Laakiinse wuxuu ku farxaa uun inuu waxa qalbigiisa ku jira muujiyo.
16¶ Haddana waxaan leeyahay, Qofna yaanu doqon ii malayn, laakiin haddaad ii malaysaan, weliba sida doqon ii qaata inaan aniguna in yar faano.
16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.