Maahmaahyadii 21:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 2:13-16 : 13 Xukunku naxariis uma leh kii aan dadka u naxariisan; naxariistu way ka faantaa xukunka. 14 ¶ Maxay tartaa, walaalahayow, haddii nin yidhaahdo, Rumaysad baan leeyahay, laakiin aanu shuqullo lahayn? Rumaysadku ma badbaadin karaa isaga? 15 Walaal wiil ah ama walaal gabadh ah hadday arradan yihiin oo cuntadii maalinta u baahan yihiin, 16 oo midkiin ku yidhaahdo iyaga, Nabad gala, diirsada oo dherga, oo weliba aydnaan siin waxa jidhku u baahan yahay, maxay tartaa?
  • Fal 7:57 : 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii.
  • Sharc 15:7-9 : 7 ¶ Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah. 8 ¶ Laakiinse hubaal waa inaad gacanta u furtaa oo hubaal waa inaad deymisaa intii baahidiisa ku filan. 9 Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa. 10 Hubaal waa inaad isaga wax siisaa, oo markaad wax siisona qalbigaagu yuusan xumaan, maxaa yeelay, taas daraaddeed ayaa Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakayn doonaa shuqulkaaga oo dhan iyo wax alla wixii aad gacanta ku qabatoba. 11 Waayo, masaakiintu weligood dalka kama ay dhammaan doonaan, haddaba waxaan kugu amrayaa oo kugu leeyahay, Hubaal waa inaad gacanta u furtaa walaalkaa iyo kaaga baahan iyo masaakiintaada dalkaaga joogta.
  • Nex 5:1-5 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah. 2 Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno. 3 Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed. 4 Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay. 5 Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
  • Nex 5:13 : 13 Markaasaan maradii dhabtayda hurgufay oo waxaan idhi, Ilaahay sidaas ha uga hurgufo gurigiisa iyo hawshiisa nin alla ninkii aan oofin ballankan; sidaas oo kale isaga ha loo hurgufo oo ha loo madhiyo. Markaasaa ururkii oo dhammu waxay yidhaahdeen, Aamiin, Rabbigana way ammaaneen. Oo dadkiina way sameeyeen sidii ballankaasu ahaa.
  • Sab 18:41 : 41 Iyagu way qayshadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya, Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.
  • Sab 58:4 : 4 Suntoodu waa sida abeesada waabaydeeda oo kale, Iyagu waa sida jilbis dhega la' oo dhegihiisa fureeya,
  • Maah 1:28 : 28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
  • Maah 28:27 : 27 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
  • Ish 1:15-17 : 15 Oo markaad gacmihiinna ii soo hoorsataanna indhahayga waan idinka qarinayaa, oo markaad tukasho ku noqnoqataanna idin maqli maayo, waayo, gacmihiinnu waa dhiig miidhan. 16 Maydha, oo isnadiifiya, oo falimihiinna sharkooda, indhahayga hortooda ka fogeeya, oo sharka aad samaysaan daaya. 17 Inaad wax wanaagsan samaysaan barta, oo caddaalad doondoona, oo kuwa la dulmay u gargaara, agoonta gartooda u qaada, oo carmallada u muddaca.
  • Ish 58:6-9 : 6 Sow kanu ma aha soonkii aan doortay in silsiladihii sharnimada la furo, oo guntimihii harqoodka la debciyo, oo kuwa la dulmay la xoreeyo, oo aad harqood kasta jebisaan? 7 Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman? 8 Oo markaas iftiinkaagu wuxuu u soo kaahi doonaa sida kaaha waaberi, oo bogsiintaaduna dhaqso bay u soo bixi doontaa, oo xaqnimadaaduna way ku hor socon doontaa, oo ammaanta Rabbiguna way ku daba socon doontaa. 9 Markaasaad dhawaaqi doontaa, oo Rabbiguna waa kuu jawaabi doonaa, waad u qayshan doontaa, oo isna wuxuu ku odhan doonaa, Waa i kan. Haddaad dhexdaada ka fogaysid harqoodka, iyo farta fiiqiddeeda, iyo hadlidda sharka ah,
  • Yer 34:16-17 : 16 Laakiinse intaad iga noqoteen ayaad magacaygii nijaasayseen, oo ninkiin kastaaba wuxuu soo ceshaday addoonkiisii iyo addoontiisii uu ikhtiyaarkooda ku xoreeyey, oo waxaad ku soo celiseen gumaysi inay addoommo idiin sii ahaadaan. 17 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinku ima aydaan maqlin, in nin kastaa xorriyad ugu dhawaaqo walaalkiis iyo deriskiisa. Bal ogaada, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan idinku dhawaaqayaa xorriyad, taasoo ah in seef, iyo belaayo, iyo abaaru ay idin baabbi'iyaan, oo waxaan idinka dhigi doonaa inaad boqortooyooyinkii dunida oo dhan hore iyo dib ku dhex rogrogmataan.
  • Sak 7:9-9 : 9 Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad. 10 Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis. 11 Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin. 12 Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn. 13 Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,
  • Mat 6:14 : 14 ¶ Waayo, haddaad dadka u cafidaan xumaantooda, Aabbihiinna jannada ku jira ayaa idin cafiyi doona.
  • Mat 7:2 : 2 Waayo, xukunkii aad ku xukuntaan ayaa laydinku xukumi doonaa, oo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydinku qiyaasi doonaa.
  • Mat 18:30-35 : 30 Isaguse ma uu doonaynin, laakiin wuu baxay oo xabsiga ku tuuray ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa. 31 Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan. 32 Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday. 33 Miyaanad lahayn inaad kii kula shaqayn jiray u naxariisatid sidaan anigu kuugu naxariistay? 34 Markaasaa sayidkiisu cadhooday oo u dhiibay kuwa dadka silciya ilaa uu bixiyo wixii lagu lahaa oo dhan. 35 Sidaas oo kalena ayaa Aabbahayga jannada ku jiraa idinku samayn doonaa, haddaan midkiin waliba qalbiga ka cafiyin walaalkiis.
  • Mat 25:41-46 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey. 42 Waayo, waan gaajooday, cuntona ima aydnaan siin, waan harraadsanaa, imana aydnaan waraabin. 43 Qariib baan ahaa, imana aydnaan soo dhowayn, waan qaawanaa, dharna ima aydnaan huwin, waanan bukay oo xabsi ku jiray oo ima aydnaan soo booqan. 44 Iyaguna markaasay u jawaabi doonaan oo ku odhan doonaan, Sayidow, goormaannu ku aragnay adigoo gaajaysan ama harraadsan ama qariib ah ama qaawan ama buka ama xabsi ku jira oo aannu ku kalmayn waynay? 45 Markaasuu u jawaabi doonaa oo ku odhan doonaa, Runtii waxaan idinku leeyahay, In alla intaad u samayn weydeen mid ka mid ah kuwan u yaryar, anigana waad ii samayn weydeen. 46 Kuwanuna waxay geli doonaan taqsiirta weligeed ah, kuwa xaqa ahuse waxay geli doonaan nolosha weligeed ah.
  • Luuk 13:25 : 25 Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28Sidaasay qaylada masaakiinta isaga soo gaadhsiiyeen, Oo isna qaylada kuwa dhibaataysan ayuu maqlay.

  • Maah 13:7-8
    2 aayado
    78%

    7Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.

    8Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.

  • 27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 78%

    16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

    17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

  • 31Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

  • 7Kii xaq ahu wuxuu ka war hayaa dacwadda masaakiinta, Laakiinse kii shar ahu ma yaqaan aqoontaas.

  • Maah 28:8-9
    2 aayado
    76%

    8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

    9Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.

  • 16Sidaas daraaddeed kii miskiin ahu rajuu leeyahay, Xumaantuse afkeeday xidhaa.

  • 3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.

  • 5Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.

  • 15Isagu kii dhibban ayuu dhibaatadiisa ku samatabbixiyaa, Oo dhegahana buu u furaa markay dhib la kulmaan.

  • Maah 31:8-9
    2 aayado
    74%

    8Afka u fur carrablaawaha aawadiis, Si aad kuwa baabba'aya oo dhan u xaq mariso.

    9Afka fur, oo si xaq ah u garsoor, Oo miskiinka iyo saboolka baahanba gartooda u qaad.

  • 17Kii miskiinka u naxaa Rabbiguu wax amaahiyaa, Oo wanaaggii uu sameeyeyna wuu u celin doonaa.

  • 23Miskiinku baryootan buu ku hadlaa, Laakiinse taajirku si qallafsan buu ugu jawaabaa.

  • 1Waxaa barakaysan kii ka fikira miskiinka, Maalinta shar jiro Rabbigu waa samatabbixin doonaa isaga.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • 73%

    20Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay, Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.

    21Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa, Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.

  • 14Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

  • 11Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.

  • 15Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

  • 73%

    12Dadka sharka ah kibirkooda daraaddiis Ayay iyagu halkaas uga qayliyaan, laakiinse ninna uma jawaabo.

    13Hubaal Ilaah maqli maayo wax aan waxba ahayn, Oo Kan Qaadirka ahuna innaba ka fiirsan maayo.

  • 9Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta.

  • 25Oo ninka dhibaataysan anigu sow uma ooyi jirin? Naftayduse sow masaakiinta uma murugoon jirin?

  • 15Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.

  • 23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.

  • 22Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin,

  • 21Oo sanqadh cabsi leh ayaa dhegihiisa gasha, Oo wakhtiga barwaaqadana baabbi'iyuhu waa u soo iman doonaa.

  • 4Markaasay Rabbiga u qayshan doonaan, laakiinse isagu uma uu jawaabi doono, oo weliba wakhtigaas wejigiisa wuu ka qarin doonaa, waana sidii ay iyagu falimahooda xumaanta ugu sameeyeen.

  • 16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

  • 23Bal yaa idinka mid ah oo waxan dhegta u dhigi doona? Bal yaa dib dambe u dhegaysan oo maqli doona?

  • 22Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.

  • 20Waxyaalo badan baad aragtaa, laakiinse uma fiirsatid, dhegaha waa la furay, laakiinse waxba lama maqlo.

  • 23Oo si kasta ha noqotee haddii aad iyaga dhibtid, oo ay ii qayshadaan hubaal qayladooda waan maqli doonaa,

  • 9Ilaah miyuu qayladiisa maqli doonaa, Markii dhib ku yimaado?

  • 3Oo kuwii arka indhahoodu ma ay awdmi doonaan, oo kuwii maqla dhegahooduna way dhegaysan doonaan.

  • 12Waayo, isagu wuxuu samatabbixin doonaa kan baahan markuu qayliyo, Iyo miskiinka aan mid caawiya lahayn.

  • 7¶ Hadduu kula joogo nin miskiin ah oo walaalahaa midkood ah ee ku jira irdahaaga middood ee dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siinayo, waa inaadan qalbiga ka qallafin, gacantana ka xidhin walaalkaaga miskiinka ah.

  • 15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.

  • 12Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.

  • 24Waayo, isagu ma quudhsan, mana karhin kan la dhibay dhibkiisa, Oo wejigiisiina kama uu qarin isagii, Laakiinse markuu u qayshaday ayuu maqlay.

  • 9Dulmiga ku batay daraaddiis ayay u qayliyaan, Oo kan xoogga badan gacantiisa daraaddeed ayay caawimaad ugu qayshadaan.

  • 18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

  • 11Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin.

  • 21Dadka nacasyada ahu oo aan waxgarashada lahayn, oo indhaha leh laakiinse aan waxba arkin, oo dhegaha leh laakiinse aan waxba maqlinow, bal haatan waxan maqla: