Maahmaahyadii 21:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 18:16 : 16 Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.
  • Maah 19:6 : 6 Kuwa badan ayaa deeqsiga raallinimo ka baryi doona, Oo nin kastaaba waa u saaxiib kii hadiyado bixiya.
  • Maah 17:8 : 8 Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.
  • Maah 17:23 : 23 Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.
  • Bil 32:20 : 20 oo waxaad ku tidhaahdaan, Weliba addoonkaagii Yacquub waa naga dambeeyaa. Oo wuxuu yidhi, Hadiyadda iga horraysa ayaan ku cadho tirayaa isaga, dabadeedna wejigiisaan arki doonaa; oo mindhaa wuu i aqbali doonaa.
  • Bil 43:11 : 11 Markaasaa aabbahood Israa'iil wuxuu iyagii ku yidhi, Hadday haatan saas tahay, bal tan yeela, haddaba midhaha ugu fiican oo dalka weelashiinna ku qaada, oo bal ninkii hadiyad ugu geeya, wuxoogaa beeyo ah, iyo wuxoogaa malab ah, iyo xawaash iyo malmal, iyo lows iyo yicib;
  • 1 Sam 25:35 : 35 Sidaas daraaddeed Daa'uud gacanteedii buu ka guddoomay wixii ay u keentay, markaasuu ku yidhi, Haddaba gurigaagii nabad ku tag, oo bal eeg, codkaagii waan maqlay, waanan ku aqbalay.
  • Mat 6:3-4 : 3 Laakiin adigu goortaad sadaqad bixinayso, bidixdaadu yaanay ogaan waxa midigtaadu samaynayso, 4 si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

  • 1Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

  • 18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

  • 14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

  • 7Hubaal dulmigu nin xigmad leh wuu waalaa, oo laaluushkuna qalbiguu ka kharribaa.

  • Maah 17:8-9
    2 aayado
    73%

    8Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.

    9Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • 13Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.

  • 17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 72%

    29Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

    30Qalbigii degganu waa nolosha jidhka, Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.

  • 27Kan faa'iido u hunguri weynu reerkiisuu dhibaa, Laakiinse kii hadiyadaha necebu wuu noolaan doonaa.

  • Maah 27:4-5
    2 aayado
    71%

    4Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

    5Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon.

  • 19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 9Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.

  • 14Nin wuxuu wanaag kaga dhergi doonaa midhaha afkiisa, Oo nin walbana waxa gacmihiisu sameeyaan ayaa loo abaalgudi doonaa.

  • 16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 4si ay sadaqaddaadu u qarsoonaato, oo Aabbahaaga waxa qarsoon arka ayaa kuu abaalgudi doona.

  • 15Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.

  • 18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

  • 70%

    22Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.

    23Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.

  • 8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

  • 16Nin hadiyaddiisu meel bay u bannaysaa. Oo waxay isaga hor keentaa rag waaweyn.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 11Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.

  • 27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

  • 34Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono.

  • 21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.

  • 24Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,

  • 1Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.

  • 69%

    12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.

    13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

  • 28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.

  • 69%

    14Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.

    15Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

  • 16Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan.

  • 35Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

  • 33Waayo, caanihii la lulaa subag bay soo saaraan, Sankii la maroojiyaana dhiig buu keenaa, Sidaas oo kalena cadhadii la qasbaa dirir bay keentaa.

  • 16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.

  • 68%

    13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

    14Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.

  • 6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.

  • 23Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.

  • 26Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.

  • 19¶ Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo;

  • 6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.