Maahmaahyadii 16:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 19:12 : 12 Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.
  • Maah 20:2 : 2 Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
  • Wacd 10:4 : 4 Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.
  • Daan 3:13-25 : 13 Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii. 14 Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey? 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa? 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 19 Markaasaa Nebukadnesar aad ugu cadhooday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, wejigiisiina waa beddelmay; kolkaasuu hadlay oo wuxuu ku amray in foornada laga sii kululeeyo toddoba jeer intii hore loo kululayn jiray. 20 Oo wuxuu ku amray niman xoog badan oo ciidankiisa ku jiray inay xidhxidhaan Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo, oo ay ku dhex tuuraan foornada dabka ah oo ololaysa. 21 Markaasaa nimankii la xidhxidhay iyagoo qaba sirwaalladoodii, iyo khamiisyadoodii, iyo go'yaashoodii, iyo dharkoodii kaleba, oo waxaa lagu dhex tuuray foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 22 Boqorka amarkiisu wuxuu ahaa degdeg, foornaduna aad iyo aad bay u kululayd, sidaas daraaddeed ololkii dabku wuxuu dilay nimankii waday Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. 23 Saddexdii nin ee ahaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoona waxay iyagoo xidhxidhan ku dhex dheceen foornadii dabka ahayd oo ololaysay. 24 Markaasaa Boqor Nebukadnesar yaabay, oo haddiiba kacay; oo intuu hadlay ayuu ku yidhi waaniyayaashiisii, Miyaynan saddex nin oo xidhxidhan dabka ku dhex ridin? Markaasay u jawaabeen oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Taasu waa run, Boqorow. 25 Kolkaasuu jawaabay oo yidhi, Bal eega, waxaan arkaa afar nin oo furan, oo dabka ku dhex socda, ee aan waxyeello gaadhin; oo midka afraad soojeedkiisu wuxuu u eg yahay mid ka mid ah wiilasha ilaahyada.
  • Mark 6:27 : 27 Kolkiiba boqorkii wuxuu diray askari oo ku amray inuu madaxiisa soo qaado. Markaasuu tegay oo xabsiga madaxa kaga gooyay.
  • Luuk 12:4-5 : 4 ¶ Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin. 5 Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa.
  • Fal 12:20 : 20 ¶ Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.
  • 2 Kor 5:20 : 20 ¶ Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
  • 2 Boq 6:31-33 : 31 Oo markaasuu yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daranba ha igu sameeyo, haddii Eliishaa ina Shaafaad madaxiisu maanta ku sii yaallo. 32 Oo Eliishaana markaas wuxuu dhex fadhiyey gurigiisii, oo odayaashiina way la fadhiyeen; oo boqorkiina nin buu iska soo hor mariyey; laakiinse ninkii wargeeyska ahaa intuusan isagii u iman ayuu Eliishaa odayaashii ku yidhi, War bal eega siduu kan gacankudhiigluhu dhalay cid ugu soo diray in madaxa layga gooyo? War markii wargeeysku yimaado albaabka xidha, oo dib ugu celiya albaabka. War waxa ka dambeeya sow ma aha sanqadhii cagihii sayidkiisa? 33 Oo intuu iyagii weli la hadlayay ayaa wargeeyskii u soo dhaadhacay; oo isna wuxuu yidhi, Belaayadanu xagga Rabbigay ka timid; haddaba maxaan Rabbiga weli u sii sugaa?
  • Maah 17:11 : 11 Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Nuurka wejiga boqorka nolol baa ku jirta, Oo raallinimadiisuna waa sida daruurta roobka dambe.

  • 35Boqorka raallinimadiisa waxaa leh midiidinkii caqli ku shaqeeya, Laakiinse wuxuu u cadhoon doonaa kii ceeb sameeya.

  • 79%

    12Waa u karaahiyo boqorrada inay xumaan falaan. Waayo, carshigu xaqnimuu ku dhismaa.

    13Boqorradu bushimaha xaqa ah way ku farxaan, Oo kii si qumman u hadlana way jecel yihiin.

  • 2Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.

  • Maah 15:1-2
    2 aayado
    77%

    1Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.

    2Kuwa caqliga leh carrabkoodu aqoon buu ku hadlaa, Laakiinse afka nacasyadu wuxuu shubaa nacasnimo.

  • 77%

    10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

    11Nin miyirkiisu cadho buu ka celiyaa, Oo waxaa isaga ammaan u ah inuu xadgudub dhaafo.

    12Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.

  • 10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

  • 75%

    27Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed, Si dabinnada dhimashada looga leexdo.

    28Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa, Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.

    29Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

  • 18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

  • 14Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.

  • 74%

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

    17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • 26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

  • 14Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.

  • 16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 15Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.

  • Wacd 10:4-5
    2 aayado
    72%

    4Haddii taliyahu kugu dhirfo, meeshaada ha ka dhaqaaqin, waayo, qalbiqabowgu xumaano waaweyn wuu qabowjiyaa.

    5Waxaa jira wax shar ah oo aan qorraxda hoosteeda ku arkay, waxaana weeye qalad taliyaha ka yimaada.

  • 32Kii cadhada u gaabiyaa waa ka wanaagsan yahay kii xoog badan, Oo kii ruuxiisa xukumaana waa ka wanaagsan yahay kii magaalo qabsada.

  • Maah 29:8-9
    2 aayado
    71%

    8Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

    9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 17¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.

  • 13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.

  • 71%

    15Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.

    16Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.

  • 2Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.

  • 10Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.

  • 18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

  • 19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 70%

    26Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.

    27Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

  • 10Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa, Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.

  • 2Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.

  • 23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 28Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.

  • 29Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.

  • 2¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

  • 4Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?

  • 28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.