Sabuurradii 2:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 52:15 : 15 ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.
  • Hos 14:9 : 9 Kii xigmad lahu waxyaalahan ha fiirsado. Kii miyir lahuna ha garto. Waayo, Rabbiga jidadkiisu waa qumman yihiin, oo kuwii xaq ahuna way ku socon doonaan, laakiinse kuwa xadgudbaa way ku dhex dhici doonaan.
  • Ish 60:3 : 3 Oo quruumo baa iftiinkaaga u iman doona, oo boqorrona waxay u iman doonaan dhalaalka sarakiciddaada.
  • Ish 60:10-11 : 10 Oo derbiyadaada waxaa dhisi doona shisheeyayaal, oo boqorradooduna adigay kuu adeegi doonaan, waayo, cadhadayda aawadeed ayaan wax kuugu dhuftay, laakiinse raallinimadayda aawadeed ayaan kuugu naxariistay. 11 Weliba irdahaagu had iyo goorba way furnaan doonaan, oo habeen iyo maalin toona lama xidhi doono in laguu keeno hodantinimada quruumaha iyo boqorradooda la kaxaystay.
  • Yer 6:8 : 8 Yeruusaalemay, si aan naftaydu kaaga tegin, oo aanan kaaga dhigin cidlo iyo dal aan ciduna degganayn, edeb qaado.
  • Sab 45:12 : 12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
  • Sab 72:10-11 : 10 Boqorrada Tarshiish iyo kuwa gasiiraduhuba waxay isaga u keeni doonaan gabbaro, Boqorrada Shebaa iyo kuwa Sebaana waxay isaga siin doonaan hadiyado. 11 Haah, oo boqorrada oo dhammu hortiisay ku wada sujuudi doonaan, Oo quruumaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan.
  • Sab 82:1-8 : 1 Ilaah wuxuu dhex istaagaa ururka Ilaah, Oo wuxuu wax ku xukumaa ilaahyada dhexdooda, 2 Ilaa goormaad xaqdarro wax ku xukumaysaan? Oo ilaa goormaad kuwa sharka leh u eexanaysaan? (Selaah) 3 Miskiinka iyo agoonka gar siiya, Oo caddaalad ugu garsoora kan dhibaataysan iyo saboolka. 4 Badbaadiya miskiinka iyo kan baahan, Oo ka samatabbixiya gacanta kuwa sharka leh. 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay. 6 Waxaan idhi, Idinku waxaad tihiin ilaahyo, Oo dhammaantiin waxaad tihiin Ilaaha uga sarreeya wiilashiisii. 7 Habase yeeshee waxaad u dhiman doontaan sida dadka oo kale, Oo waxaad u dhici doontaan sida amiirrada midkood. 8 Ilaahow, sara joogso oo dhulka xukun, Waayo, waxaad dhaxli doontaa quruumaha oo dhan.
  • Ish 49:23 : 23 Oo boqorro waxay kuu noqon doonaan aabbayaal carruurtaada xannaaneeya, oo boqoradahoodu waxay kuu noqon doonaan hooyooyin carruurtaada nuujiya. Oo intay jaahooda dhulka saaraan ayay kuu sujuudi doonaan, oo waxay leefleefi doonaan ciidda cagahaaga. Markaasaad ogaan doontaa inaan anigu Rabbiga ahay, oo kuwii i sugaa marnaba ma ay ceeboobi doonaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Sab 2:8-9
    2 aayado
    79%

    8I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.

    9Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.

  • 11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

  • 11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.

  • 8Si ay boqorradooda silsilado ugu soo xidhaan, Oo ay raggooda gobta ahna jeebbooyin bir ah ugu soo xidhaan,

  • Sab 2:2-3
    2 aayado
    73%

    2Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,

    3Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.

  • Maah 8:15-16
    2 aayado
    72%

    15Boqorradu gacantayday wax ku xukumaan, Oo amiirraduna amarkaygay garta ku gooyaan.

    16Taliyayaasha iyo saraakiisha iyo weliba xaakinnada dunida oo dhammuna Anigay wax iigu taliyaan.

  • 1¶ Bal eega, boqor baa xaqnimo ku talin doona, oo amiirrona caddaalad bay wax ku xukumi doonaan.

  • 14Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,

  • 2¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

  • 6Oo xaakinnadiina wuxuu ku yidhi, Waxa aad samaynaysaan ka fiirsada, waayo, idinku garsoorid dad u samayn maysaan, laakiinse waxaad u samaynaysaan Rabbiga, oo weliba isaguna garsooridda wuu idinla weheliyaa.

  • Sab 72:1-2
    2 aayado
    71%

    1Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.

    2Isagu dadkaaga wuxuu ku xukumi doonaa xaqnimo, Oo masaakiintaadana caddaalad.

  • 2Xaakinka dunidow, sara joogso, Oo kuwa kibray abaalkooda mari.

  • 5Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.

  • 14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

  • 7Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro.

  • 5Sayidka midigtaada joogaa Wuxuu maalinta cadhadiisa dooxi doonaa boqorro.

  • 10¶ Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.

  • 8Kuwiinna doqonnada ah oo dadka ku dhex jirow, fiirsada, Oo kuwiinna nacasyada ahow, goormaad caqli yeelanaysaan?

  • 2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 17Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay, Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.

  • 10Quruumaha dhexdooda waxaad ka tidhaahdaan, Rabbigaa taliya, Oo duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin, Dadyowgana wuxuu ugu garsoori doonaa caddaalad.

  • 1¶ Oo anigu waxaan idhi, Waan idin baryayaaye madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, i maqla. Sow idinkuma habboona inaad caddaaladda taqaanniin?

  • 12Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda, Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

  • 29Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta.

  • 7Waayo, Ilaah waa dunida oo dhan Boqorkeeda, Haddaba sabuur ammaan ah ku heesa.

  • 2oo waxaad tidhaahdaa, Boqorka dalka Yahuudah ee carshiga Daa'uud ku fadhiyow, bal erayga Rabbiga maqal, adiga iyo addoommadaada iyo dadkaaga irdahan soo galow, wada maqla.

  • 16Dalkow, adaa iska hoogay, markii boqorkaagu ilmo yar yahay, oo amiirradaaduna ay aroortii wax cunaan!

  • 20Rabbiyow, iyaga cabsi geli, Oo quruumuhu ha is-ogaadeen inay dad uun yihiin. (Selaah)

  • 20Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.

  • 4Rabbiyow, boqorrada dhulka jooga oo dhammu way kugu mahadnaqi doonaan, Waayo, waxay maqlaan erayada afkaaga.

  • 26Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.

  • 21Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

  • 18Si aad gartooda u naqdid agoonta iyo kuwa la dulmay, Si aan dadka dunidu mar dambe u noqon kuwo laga cabsado.

  • 25Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.

  • 10Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa; Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa, Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida; Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa, Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.

  • 28Oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammuna way wada maqleen xukunkii boqorku wax ku xukumay, wayna ka baqeen boqorkii; maxaa yeelay, waxay arkeen in xigmaddii Ilaah ku jirto si uu wax u xukumo.

  • 10Rabbiga ka cabsashadiisu waa bilowga xigmadda, Kuwa sidaas yeela oo dhammu waxay leeyihiin waxgarasho wanaagsan, Ammaantiisu way waartaa weligeedba.

  • 10Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro?

  • 15Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,

  • 9Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta, Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 16Oo kuwa ku arkaa way kugu dhaygagi doonaan, wayna ku fiirsan doonaan, oo waxay odhan doonaan, War kanu ma ninkii dhulka gariiriyey, oo boqortooyooyinka ruxruxay,

  • 10Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa

  • 4Oo weliba boqorka xooggiisu wuxuu jecel yahay garsoorid, Caddaalad baad adkaysaa, Garsoorid iyo xaqnimo baad u samaysaa reer Yacquub.

  • 2Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.