Wacdiyihii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 2:43 : 43 Haddaba maxaad u dhawri weyday dhaartii Rabbiga iyo amarkii aan kugu amray?
  • 1 Taar 29:24 : 24 Oo amiirradii oo dhan iyo raggii xoogga badnaa iyo Boqor Daa'uud wiilashiisii kale oo dhammuba Boqor Sulaymaan ayay addeeceen oo ka wada dambeeyeen.
  • Maah 24:21 : 21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
  • Yex 17:13-20 : 13 Oo boqorka farcankiisiina wuu watay, oo axdi buu la dhigtay, oo dhaar buu isagii marsaday, oo weliba wuxuu kaloo kaxaystay dalka raggiisii xoogga badnaa, 14 si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis. 15 Laakiinse isagu wuu ku caasiyoobay markuu ergooyinkiisii Masar ugu diray si ay isaga u siiyaan fardo iyo dad faro badan. Miyuu liibaanayaa? Kii waxyaalahaas oo kale sameeyaa miyuu baxsan doonaa? Amase intuu axdiga jebiyo miyuu baxsan doonaa? 16 Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah meesha uu deggan yahay boqorkii isaga boqorka ka dhigay, oo uu isagu dhaartiisii quudhsaday, oo uu weliba axdigiisii jebiyey, isaga qudhdiisa ayuu Baabuloon gudaheeda kula dhiman doonaa. 17 Oo Fircoon iyo ciidankiisa xoogga badan, iyo guuto badan toona isaga dagaalka kuma ay taageeri doonaan marka tuulmo la tuulo, oo qalcado la dhiso si dad badan loo baabbi'iyo. 18 Maxaa yeelay, isagu dhaartii wuu quudhsaday markuu axdigii jebiyey, oo intuu gacantiisa ku dhaartay ayuu haddana waxyaalahaas oo dhan sameeyey, oo sidaas aawadeed innaba ma uu baxsan doono. 19 Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, sida xaqiiqada ah dhaartaydii uu quudhsaday iyo axdigaygii uu jebiyey ayaan madaxiisa kaga abaalmarin doonaa. 20 Oo korkiisaan ku kala bixin doonaa shabaggayga, oo isagaa dabinkayga lagu soo qaban doonaa, oo Baabuloon waan keeni doonaa, oo xadgudubkii uu igu xadgudbay aawadiis ayaan isaga halkaas kula xaajoon doonaa.
  • Room 13:1-5 : 1 ¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. 2 Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. 3 Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. 4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. 5 Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna.
  • Titus 3:1 : 1 ¶ Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,
  • 1 But 2:13-17 : 13 ¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan, 14 amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala. 15 Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada, 16 idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah. 17 Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.
  • Bax 22:11 : 11 markaas waa in dhaartii Rabbiga la dhex dhigaa labadooda, si loo caddeeyo inuu fartiisa saaray xoolihii deriskiisa iyo in kale, oo kii lahaana waa inuu aqbalaa, oo waxbana loo magdhabi maayo.
  • 2 Sam 21:7 : 7 Laakiinse boqorkii wuu badbaadiyey Mefiiboshed, oo ahaa ina Yoonaataan ina Saa'uul, maxaa yeelay, dhaartii Rabbiga ayaa u dhexaysay Daa'uud iyo Yoonaataan ina Saa'uul.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 8:3-5
    3 aayado
    79%

    3Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo.

    4Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa?

    5Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.

  • 75%

    42Markaasaa boqorkii u cid diray oo Shimcii u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, War miyaanan Rabbiga kugu dhaarin, oo aanan hore kuugu sii sheegin, oo aanan kugu odhan, Ogow oo hubso, inaad xaqiiqa dhimanaysid maalintii aad baxdid oo aad meel kale u kacdid? Oo adna sow iguma aadan odhan, Hadalkaan maqlay waa wanaagsan yahay?

    43Haddaba maxaad u dhawri weyday dhaartii Rabbiga iyo amarkii aan kugu amray?

  • 1¶ Yaa ninka xigmadda leh la mid ah? Yaase wax micnihiisa yaqaan? Nin xigmaddiisu wejigiisay dhalaalisaa, oo adaygga wejigiisuna wuu beddelmaa.

  • 21Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,

  • 11Digtoonaada, waaba intaasoo aad Rabbiga Ilaahiinna ah illowdaan markaad xajin weydaan amarradiisa iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa, oo aan maanta idinku amrayo,

  • 10Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.

  • Maah 25:6-7
    2 aayado
    72%

    6Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

    7Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.

  • 3oo Rabbiga Ilaahaaga ahna amarkiisa xaji, si aad jidadkiisa ugu socoto, oo aad u dhawrto qaynuunnadiisa, iyo amarradiisa, iyo xukummadiisa, iyo markhaatifurkiisa, si waafaqsan waxa ku qoran sharciga Muuse inaad ku liibaantid waxa aad samaynaysid oo dhan, iyo meel kastoo aad u jeesatoba;

  • Wacd 5:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Markaad guriga Ilaah tegaysid is-ilaali, waayo, inaad u dhowaatid si aad wax u maqashid way ka roon tahay inaad bixisid allabariga nacasyada oo kale, maxaa yeelay, iyagu ma oga inay wax shar ah samaynayaan.

    2Afkaaga ha ku degdegin, oo inaad Ilaah hortiisa wax kaga hadashid ha u dhaqsan, waayo, Ilaah samaduu joogaa, adna dhulkaad joogtaa, haddaba hadalkaagu ha yaraado.

  • 13¶ Markaasaa boqorkii wuxuu la hadlay nimankii xigmadda lahaa oo xilliyada yiqiin, (waayo, boqorka caadadiisu saasay ahayd xagga kulli kuwii sharcigii yiqiin iyo xukunkaba,

  • 19Haddaba bal i dhegayso oo waan kula talinayaaye, oo Ilaahna ha kula jiro. Adigu dadka daraaddiis Ilaah u dhowow, oo arrimahoodana Ilaah u keen.

  • 11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.

  • 28¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.

  • 21Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.

  • 27Haddaba Boqorow, taladayda aqbal, dembiyadaadana xaqnimo ku jebi, xumatooyinkaagana ku jebi naxariista aad masaakiinta u naxariisatid si ay xasilloonaantaadu u sii raagto.

  • 17Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.

  • 23Haddaba wax alla wixii Ilaaha samadu uu amro saas dadaal ha loogu sameeyo guriga Ilaaha samada aawadiis, waayo, bal maxay cadho ugu dhacaysaa boqortooyada boqorka iyo wiilashiisa?

  • 6Oo waa inaad xajisaan amarrada Rabbiga Ilaahiinna ah inaad jidadkiisa ku socotaan oo aad isaga ka cabsataan.

  • 1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

  • 4Markaad Ilaah nidar u nidartid waa inaadan inaad bixisid dib uga dhicin, waayo, isagu nacasyada kuma farxo ee wixii aad u nidartay bixi.

  • 1Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.

  • 1Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,

  • 1Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.

  • 6Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.

  • 20Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta,

  • 10Xukunka Rabbigu wuxuu ku jiraa bushimaha boqorka, Afkiisuna kuma xadgudbo garsooridda.

  • 9Haddaba erayada axdigan xajiya oo yeela inaad ku liibaantaan wax alla wixii aad samaysaan.

  • 4Waxaad nagu amartay amarradaada, Inaan aad u dhawrno.

  • 22Oo idinku iska jira inaydnaan xaalkaas daynin, waayo, bal maxaa khasaare ugu sii kordhaya in waxyeello boqorrada gaadho?

  • 31Haddii nin deriskiisa ku dembaabo, oo dhaar la saaro oo la dhaariyo, oo intuu yimaado uu ku hor dhaarto meeshaada allabariga ee gurigan taal,

  • 2Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.

  • 2Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.

  • 11Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta, Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,

  • 8Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.

  • 15Markaasaa boqorkii isagii ku yidhi, Runta mooyaane wax kale inaadan magaca Rabbiga iigu sheegayn intee jeer baan ku dhaariyaa?

  • 14Boqor cadhadiisu waa sida warqaadayaal geeriyeed, Laakiinse nin caqli leh ayaa qaboojin doona.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed waan ku baryayaaye, Bal kaalay aan kula taliyee, si aad u badbaadiso naftaada iyo nafta wiilkaaga Sulaymaanba.

  • 8Haddaba, Boqorow, amarka dhis, oo qorniinka saxeex si uusan u beddelmin, sida sharciga reer Maaday iyo reer Faaris uusan u beddelmin oo kale.

  • 8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

  • 61Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.

  • 2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • 18Iska jir yaanay cadho ku sasabin si aad wax u majaajilootid, Oo furashada weynaanteeduna yaanay ku leexin.