Maahmaahyadii 1:8
Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.
21Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho.
1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.
2Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.
3Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday.
4Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa.
5Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.
6Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa.
1Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,
22Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.
9Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan, Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.
1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;
26Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.
27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.
1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.
7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.
6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.
20Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.
21Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,
32Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.
10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.
20Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
26Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
1Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
8Haddaba sidaas daraaddeed, wiilkaygiiyow, codkayga u addeec sida aan kuugu amro.
15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.
11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,
21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.
15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.
4Aabbayaashow, carruurtiinna ha ka cadhaysiinina, laakiinse waxaad ku korisaan edbinta iyo waanada Rabbiga.
18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,
12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
16¶ Aabbahaa iyo hooyadaa u maamuus sidii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray, in cimrigaagu dheeraado, oo aad ku nabdoonaatid dalka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.
1¶ Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
2Qaynuunkii kowaad oo ballan la jiraa waa kan, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus
11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.
6Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.
18Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.
12¶ Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, in cimrigaagu ku dheeraado dhulka Rabbiga Ilaahaaga ahu ku siiyo.
25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.