Maahmaahyadii 23:12

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 2:2-6 : 2 Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid; 3 Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid; 4 Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale, Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon, 5 Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa, Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah. 6 Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda, Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
  • Maah 5:1-2 : 1 Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig; 2 Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.
  • Maah 22:17 : 17 Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.
  • Maah 23:19 : 19 Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
  • Yex 33:31 : 31 Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.
  • Mat 13:52 : 52 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.
  • Yac 1:21-25 : 21 Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara. 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya. 23 Waayo, haddii mid yahay kan hadalka maqla oo keliya, oo uusan ahayn kan yeela, wuxuu la mid yahay nin wejiga abuuristiisa muraayad ku fiirinaya. 24 Waayo, wuu isfiiriyaa, oo iska tagaa, oo markiiba is-illoobaa siduu ahaa. 25 Laakiin kii fiiriya sharciga kaamilka iyo xorriyadda ah oo ku sii socda, isagoo aan ahayn kan maqla oo illooba laakiin kan shuqulka yeela, kaasu waa ku barakaysnaan doonaa yeeliddiisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

    18Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan.

  • Maah 2:1-3
    3 aayado
    84%

    1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

    2Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid, Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;

    3Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid, Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;

  • Maah 5:1-2
    2 aayado
    79%

    1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

    2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • Maah 4:20-21
    2 aayado
    78%

    20Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

    21Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso,

  • 15Kii miyir leh qalbigiisu wuxuu helaa aqoon, Oo kuwa caqliga leh dhegtooduna waxay doondoontaa aqoon.

  • 27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

  • 1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

  • 76%

    22Waxgarashadu waa u il nololeed kii haysta, Laakiinse edbinta nacasyadu waa nacasnimo.

    23Kii caqli leh qalbigiisu afkiisuu wax baraa, Oo waxbarashuu bushimihiisa u kordhiyaa.

  • 13Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.

  • Maah 8:32-33
    2 aayado
    75%

    32Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla; Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.

    33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

  • Maah 1:7-8
    2 aayado
    75%

    7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

    8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 74%

    31Dhegtii canaanta nolosha maqashaa Waxay joogi doontaa kuwa caqliga leh dhexdooda.

    32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.

  • 26Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

  • 2Raggiinna xigmadda lahow, erayadayda maqla; Oo kuwiinna aqoonta lahow, i dhegaysta.

  • 22Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal, Oo erayadiisana qalbigaaga geli.

  • 10Edbintayda qaata, lacagse ha qaadanina, Oo aqoontana ka hor doorta dahabka saafiga ah.

  • 10Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda, Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;

  • 1Ku alla kii edbinta jecelu aqoon buu jecel yahay, Laakiinse kii canaanta necebu waa doqon.

  • 24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

  • 5Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho, Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,

  • 16Haddaba haddaad waxgarad tahay, waxan maqal; Oo erayadayda codkooda dhegayso.

  • 23Canaantayda u soo noqda; Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga, Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.

  • 20Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.

  • Maah 1:2-3
    2 aayado
    73%

    2Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta, Oo loo garto erayada waxgarashada,

    3In la helo edbinta ku saabsan xigmadda, Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;

  • 23Ninkii miyir lahu aqoontuu qariyaa, Laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu naadiyaa nacasnimo.

  • 15Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.

  • 10Oo dhegtoodana wuxuu u furaa waxbaridda, Oo wuxuu ku amraa inay xumaanta ka soo noqdaan.

  • 10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

  • 21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

  • 1Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

  • 5Garaadlaawayaashow, miyir lahaada, Nacasyadoy, waxgarasho qalbiga ku haysta.

  • 15Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.

  • 10War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan?

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

  • 14Kii garasho leh qalbigiisu aqoon buu doondoonaa, Laakiinse nacasyada afkoodu wuxuu cunaa nacasnimo.

  • 22Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

  • 7Kuwa caqliga leh bushimahoodu aqoon bay faafiyaan, Laakiinse qalbiga nacasyadu sidaas ma aha.