Maahmaahyadii 19:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 13:1-4 : 1 ¶ Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab, 2 oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin, 3 waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale. 4 Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan.
  • 1 Boq 22:22-28 : 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel. 23 Haddaba bal eeg, Rabbigu afka nebiyadaadan oo dhan wuxuu geliyey ruux beenlow ah, oo Rabbigu wuxuu kaa sheegay wax belaayo ah. 24 Markaasaa Sidqiyaah ina Kenacanaah intuu Miikayhuu u soo dhowaaday dhabanka ku dhuftay, oo wuxuu ku yidhi, War ruuxii Rabbigu xaggee buu iga maray inuu kula hadlo? 25 Kolkaasaa Miikayhuu ku yidhi, Waad arki doontaa maalinta aad qol hoose u geli doonto inaad ku dhuumato. 26 Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil yidhi, Miikayhuu qabta oo u celiya Aamoon oo ah taliyaha magaalada, iyo Yoo'aash oo ah ina boqor; 27 oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqorkii wuxuu leeyahay, Ninkan xabsiga geliya, oo waxaad ku quudisaan kibis dhib ah, oo waxaad ka waraabisaan biyo dhib ah, ilaa aan soo nabad noqdo. 28 Markaasaa Miikayhuu ku yidhi, Sinaba haddaad ku soo nabad noqotid, Rabbigu igama dhex hadlin. Oo wuxuu kaloo yidhi, Dadkoo dhammow, maqla.
  • Maah 14:7 : 7 Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.
  • Mat 7:15 : 15 ¶ Iska jira nebiyada beenta ah, kuwa idiinku imanaya iyagoo qaba dharka idaad, laakiin hoosta ka ah yeey wax boobaysa.
  • Mat 16:6 : 6 Ciise ayaa ku yidhi, Iska eega oo iska jira khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.
  • Mat 16:12 : 12 Markaasay garteen inaanu ku lahayn, Iska jira khamiirka kibista, laakiin waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta.
  • Mark 4:24 : 24 Kolkaasuu ku yidhi, U fiirsada waxaad maqlaysaan; qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa laydiinku qiyaasi doona oo ayaa laydiin kordhin doonaa.
  • Mark 7:6-9 : 6 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 7 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka. 8 Idinku qaynuunkii Ilaah waad ka tagtaan, oo waxaad xajisaan xeerka dadka, sida dhaqidda dheriyada iyo koobabka, oo wax kale oo badan oo kuwaas la mid ah ayaad samaysaan. 9 ¶ Markaasuu ku yidhi, Qaynuunkii Ilaah aad baad u diiddaan inaad xeerkiinna xajisaan. 10 Waayo, Muuse wuxuu yidhi, Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus; oo kan aabbihii iyo hooyadii caayaa, dhimasho ha ku dhammaado. 11 Laakiin waxaad leedihiin, Haddii nin aabbihii iyo hooyadii ku yidhaahdo, Wixii aan idiin tari lahaa oo dhan waa Qurbaan, waxa weeye, Waa sadaqad aan Ilaah siiyey; 12 idinku uma daysaan mar dambe inuu aabbihii iyo hooyadii wax u sameeyo. 13 Ereygii Ilaah ayaad ku buriseen xeerkiinna aad bixiseen, oo wax badan oo kuwan oo kale ah ayaad samaysaan. 14 ¶ Markaasuu dadkii badnaa haddana u yeedhay oo ku yidhi, I maqla kulligiin oo garta.
  • Yoox 10:5 : 5 Nin qalaadna raaci maayaan, laakiin way ka cararayaan, waayo, codka kuwa qalaad garan maayaan.
  • 2 Kor 11:13-15 : 13 ¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • Ef 4:14 : 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka.
  • 1 Tim 4:7 : 7 Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga,
  • 1 Tim 6:3-5 : 3 ¶ Haddii nin dadka cilmi kale baro oo uusan u oggolaan hadalka runta ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix iyo cilmiga raacsan cibaadada, 4 kaasu waa kibirsan yahay, oo waxba garan maayo. Wuxuuna u jeellan yahay su'aalo iyo hadal-iskuqabasho, waxaana ka yimaada hinaaso iyo dirir iyo cay iyo tuhun xun, 5 iyo murannada dadka maankoodu kharribmay oo runta waayey, iyagoo u malaynaya in cibaadadu tahay wax faa'iido laga helo.
  • 2 But 2:1-2 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. 2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah.
  • 1 Yoox 4:1 : 1 ¶ Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida.
  • 2 Yoox 1:10 : 10 Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,
  • Muj 2:2 : 2 Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Maah 1:7-8
    2 aayado
    80%

    7Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa; Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

    8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 80%

    25Kan wax quudhsada garaac, oo garaadlaawaha ayaa miyir yeelan doona, Oo kii garasho leh canaano, oo isna aqoon buu sii korodhsan doonaa.

    26Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.

  • 7Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga ha ka tegina.

  • 12Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • Maah 4:1-2
    2 aayado
    76%

    1Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan.

    2Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina.

  • 20Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin.

  • 25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

  • 19Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

  • 5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

  • 20Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig.

  • 17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.

  • Maah 5:1-2
    2 aayado
    75%

    1Wiilkaygiiyow, xigmaddayda dhegayso, Oo waxgarashadaydana dhegta u dhig;

    2Si aad digtoonaan u dhawrtid, Oo ay bushimahaaguna aqoon u xejiyaan.

  • 17Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.

  • 20Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.

  • 18Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.

  • 22Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.

  • 24Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta.

  • 15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.

  • 17Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi.

  • 33Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha, Oo ha diidina.

  • 7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

  • 20Talada maqal, oo edbinta qaado, Si aad ugu dambaystaada caqli u yeelatid.

  • 21Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

  • 6Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono.

  • 11Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

  • 11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 7Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 13Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.

  • 15Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.

  • 21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

  • 6Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.

  • 17Adigoo tacliinta neceb, Oo weliba erayadaydana dabadaada ku tuura.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 18Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.

  • 10Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan.

  • 1Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid, Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,

  • 26Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.

  • 10Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan, Ha oggolaan.

  • 5Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon.

  • 1Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso.

  • 32Kii edbinta diidaa naftiisuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa waxgarashuu helaa.