Maahmaahyadii 19:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 27:15 : 15 Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
  • Maah 21:9 : 9 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
  • Maah 10:1 : 1 Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
  • Ayuub 14:19 : 19 Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi'isaa binu-aadmiga rajadiisa.
  • Maah 21:19 : 19 In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
  • Maah 25:24 : 24 In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
  • Maah 17:21 : 21 Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.
  • Maah 17:25 : 25 Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.
  • 2 Sam 13:1-9 : 1 ¶ Markaasaa Absaaloom ina Daa'uud wuxuu lahaa gabadh walaashiis ah oo suurad qurxoon, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Taamaar; oo Amnoon oo ahaa ina Daa'uud ayaa caashaqay. 2 Oo Amnoon ayaa u dhibtooday oo u bukooday walaashiis Taamaar, waayo, iyadu bikrad bay ahayd; Amnoonna dhib bay la noqotay inuu wax ku sameeyo. 3 Laakiinse Amnoon wuxuu lahaa saaxiib, magiciisa la odhan jiray Yoonaadaab, oo uu dhalay Shimcaah oo ahaa Daa'uud walaalkiis; oo Yoonaadaabna nin sir badan buu ahaa. 4 Markaasuu ku yidhi, Ina boqorow, maxaad maalinba maalinta ka dambaysa sidan ugu caatoobaysaa? War maad ii sheegtid? Kolkaasaa Amnoon wuxuu ku yidhi, Waxaan caashaqay Taamaar oo ah walaalkay Absaaloom walaashiis. 5 Markaasaa Yoonaadaab ku yidhi, Sariirtaada ku jiifso oo iska dhig sidii mid buka, oo markii aabbahaa kuu yimaado, waxaad ku tidhaahdaa, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo cunto ha i siiso, oo cuntadana hortayda ha ku samayso, aan iska fiirsadee, oo aan gacanteedana ku cunee. 6 Sidaas daraaddeed Amnoon wuu jiifay, oo wuxuu iska dhigay sidii mid buka, oo markii boqorkii u yimid ayaa Amnoon boqorkii ku yidhi, Waan ku baryayaaye walaashay Taamaar ha ii timaado, oo hortayda ha iigu samayso laba xabbadood oo moofa ah, oo aan gacanteeda ku cunee. 7 Markaasaa Daa'uud Taamaar gurigii ugu cid diray, oo ku yidhi, Orod oo waxaad tagtaa gurigii walaalkaa Amnoon, oo isaga cunto u samee. 8 Sidaas daraaddeed Taamaar gurigii walaalkeed Amnoon ayay tagtay; oo isna wuu iska jiifay. Markaasay qaadday cajiin, wayna cajiintay, oo hortiisay moofa ku samaysay, markaasay moofadiina dubtay. 9 Oo intay digsigii qaadday ayay hortiisa ku soo shubtay; laakiinse wuu diiday inuu cuno. Markaasaa Amnoon yidhi, Dadka oo dhan dibadda iiga bixiya. Iyana dibadday uga wada baxeen. 10 Kolkaasaa Amnoon wuxuu Taamaar ku yidhi, Cuntada qolka iigu keen, aan gacantaada ku cunee. Markaasay Taamaar qaadday moofadii ay samaysay, oo walaalkeed Amnoon qolka ugu keentay. 11 Oo markay u soo dhowaysay inuu cuno ayuu iyadii qabsaday, oo wuxuu ku yidhi, Walaalay, kaalay ila seexo! 12 Oo waxay ugu jawaabtay, Maya, walaalkayow, ha i xoogin; waayo, waxan oo kale in reer binu Israa'iil lagu dhex sameeyo ma habboona, haddaba nacasnimadan ha samayn. 13 Waayo, bal xaggee baan geeynayaa ceebtayda? Oo adiguna waxaad noqonaysaa nacasyada reer binu Israa'iil midkood. Haddaba waan ku baryayaaye, bal boqorka la hadal, waayo, isagu ii kaa diidi maayo. 14 Habase yeeshee wuu diiday inuu codkeedii maqlo, laakiinse wuu xoogay oo la seexday, waayo, wuu ka xoog badnaa. 15 Markaasaa Amnoon iyadii si aad iyo aad u weyn u nebcaaday, waayo, nacaybkuu u qabay wuu ka sii weynaa caashaquu caashaqay. Markaasaa Amnoon ku yidhi, Kac, oo iga tag. 16 Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan. 17 Markaasuu u yeedhay midiidinkiisii u adeegayay, oo ku yidhi, Naagtan hadda dibadda iiga saar, oo albaabkana ka soo daba xidh. 18 Oo iyana waxay qabtay dhar midabyo kala duwan leh, waayo, dhar caynkaas ah ayay gabdhaha boqorka ee bikradaha ahu qabi jireen. Markaasaa addoonkiisii dibadda u soo saaray, oo albaabkiina ka soo daba xidhay.
  • Maah 15:20 : 20 Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.
  • Wacd 2:18-19 : 18 Wixii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo dhan waan nacay, maxaa yeelay, waa inaan uga tago ninka iga dambeeya. 19 Bal yaase yaqaan inuu ahaan doono nin xigmad leh amase nacas? Kolleyse isagaa u talin doona hawshaydii aan qorraxda hoosteeda ku hawshooday oo aan xigmad ku muujiyey oo dhan. Taasuna waa wax aan waxba tarayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 25Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

  • 14Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.

  • 15Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.

  • 1Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.

  • 78%

    18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

    19Ninkii caajis ah jidkiisu waa sida meel qodxan leh oo kale, Laakiinse kii xaq ah jidkiisu waa dariiq bannaan.

    20Wiilkii caqli lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse ninkii nacas ahu hooyadiisuu quudhsadaa.

    21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 21Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

  • 29Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.

  • 75%

    19In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.

    20Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.

  • 13Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.

  • 9In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

  • Maah 15:5-6
    2 aayado
    73%

    5Nacasku edbinta aabbihiis wuu quudhsadaa, Laakiinse kii canaanta maqlaa miyir buu yeeshaa.

    6Kan xaqa ah gurigiisa khasnad weyn baa taal, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa waa dhib.

  • 15Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa.

  • 12Boqorka cadhadiisu waa sida libaaxa cidiisa, Laakiinse raallinimadiisu waa sida sayaxa cawska ku dega.

  • 73%

    13Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

    14Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 18¶ Haddii nin leeyahay wiil madax adag oo caasi ah oo aan addeecin hadalka aabbihiis ama hadalka hooyadiis, oo in kastoo ay edbiyaan aan iyaga dhegaysan innaba,

  • 24In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.

  • 13Oo waxaa iyaga ku soo kor degi doonta murugtii naag foolanaysa. Iyagu waa sida wiil aan caqli lahayn, waayo, haatan waa wakhtigii uusan ku sii raagin meeshii carruurtu ka soo dhalan jireen.

  • 72%

    26Kii aabbihiis kharriba, hooyadiisna erya, Waa wiil ceeb keena oo cay soo jiida.

    27Wiilkaygiiyow ka joogso in markaad edbinta maqashid Aad dabadeed hadalka aqoonta ka ambatid.

  • 1Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.

  • 1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.

  • 72%

    18Wiilkaaga edbi intay rajo jirto, Laakiinse naftaada ha ku qasbin si uu u dhinto.

    19Ninkii cadho badan waa la taqsiiri doonaa, Waayo, haddaad mar isaga samatabbixiso, haddana waa inaad mar kale sidii oo kale ku samaysaa.

  • 17Wiilkaaga edbi, oo isna wuu ku nasin doonaa, Haah, naftaada wuu ka farxin doonaa.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • 3Kii xigmad jecelu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse kii dhillooyin raacaa maalkiisuu khasaariyaa.

  • 24Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.

  • Maah 17:1-2
    2 aayado
    71%

    1Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.

    2Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.

  • 13¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

  • 6Waayo, wiil wuxuu sharafjebiyaa aabbihiis, gabadhuna waxay ku kacdaa hooyadeed, oo naaguna waxay ku kacdaa soddohdeed, oo nin cadowgiisuna waa dadka gurigiisa.

  • 6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

  • 9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

  • 3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

  • 17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 7Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.

  • 11Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba.

  • 24Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.

  • 8Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,

  • 3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

  • 10Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 15Usha iyo canaantu caqli bay keenaan, Laakiinse ilmihii layska daayaa ceeb buu hooyadiis u soo jiidaa.