Maahmaahyadii 27:15
Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
13Wiilkii nacas ahu waa u belaayo aabbihiis, Oo naag murammadeeduna waa sida dhibicyo aan kala go'in.
14Hoy iyo hanti aabbayaashaa laga dhaxlaa, Laakiinse afo miyir leh xagga Rabbigaa laga helaa.
16Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa.
23Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
19In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
20Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
9In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
14Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
11Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto.
12Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa.
14Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.
13Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.
14Waayo, waxay fadhiisataa illinka gurigeeda, Oo kursi bay ku fadhiisataa meelaha sarsare ee magaalada,
23Iyo naag la nacay markay guursato, Iyo gabadh addoon ahu markay sayidaddeedii meesheeda gasho.
21Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.
1Naag kastoo caqli lahu gurigeeday dhistaa, Laakiinse nacasaddu gacmaheeday ku dumisaa.
22Naag qurux badan oo aan digtoonaan lahaynu Waa sida dahab gafuurka doofaarka ku jira.
7Sidii ili biyaheeda u soo burqiso oo kale ayay sharnimadeeda u soo burqisaa had iyo goorba, dhexdeedana waxaa laga maqlaa dulmi iyo kharribaad, oo had iyo goorna waxaa hortayda yaal cudur iyo nabro.
26Oo waxaan soo ogaaday wax xataa dhimashada ka sii qadhaadh, waana naag qalbigeedu yahay dabinno iyo shabagyo, oo ay gacmeheeduna yihiin jeebbooyin. Ku alla kii Ilaah ka farxiyo iyaduu ka baxsan doonaa, laakiinse dembilaha way qabsan doontaa.
3Waayo, naagta qalaad bushimaheedu waxay daadiyaan malab, Oo afkeeduna saliid buu ka sii macaan yahay,
4Laakiinse aakhirkeedu wuxuu u qadhaadh yahay sida geed dacareed oo kale, Wuuna af badan yahay sida seef laba af leh.
26Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
18Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,
17Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.
9Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.
4Nin afkiis erayada ku jiraa waa sida biyo gun dheer, Oo isha xigmadduna waa sida durdur socda.
27Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.
29Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
11Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh?
16Naag nimcaysan sharaf bay haysataa, Oo niman xoog lahuna maal bay haystaan.
18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.
22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.
26Afkeeda waxay u kala qaaddaa xigmad; Oo carrabkeedana waxaa saaran sharciga raxmadda.
26Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa.
20Sidaas oo kale waxaa ah naag dhillo ah sideeda, Taasoo intay wax cunto afka tirtirta, Oo haddana tidhaahda, Anigu waxba xumaan ma aan samayn.
17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
14Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay.
5weliba dhibta ay carmalkan i dhibayso aawadeed, waan xaq siin doonaa, si aanay marar badan iigu soo noqnoqon oo ii daalin.
3Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
1Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.
30Suuradwacnaantu waa khiyaano miidhan, oo quruxduna waa ceeryaamo oo kale, Laakiinse naagtii Rabbiga ka cabsata waa la ammaani doonaa.
4Naagtii toolmoonu waxay ninkeeda u tahay taaj, Laakiinse tii ceebalay ahu waa sida qudhun isaga lafaha kaga jira.
16Waxaana weeye qabriga, iyo maxalka aan wax dhalayn, Iyo dhulka aan biyo ka dhergayn, Iyo dabka aan odhan, Bes, igu filan.