Maahmaahyadii 29:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddii nin caqli leh nin nacas ah la doodo, Nasasho ma jirto hadduu cadhoodo iyo hadduu qosloba.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Wacd 10:13 : 13 Erayada afkiisa bilowgoodu waa nacasnimo, oo dhammaadka hadalkiisuna waa waalli baas.
  • Mat 7:6 : 6 ¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.
  • Mat 11:17-19 : 17 iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen. 18 Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 19 Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.
  • Maah 26:4 : 4 Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 8Kuwa wax quudhsadaa magaalay dab qabadsiiyaan, Laakiinse kuwa caqliga lahu cadhay qabowjiyaan.

  • 11Nacasku cadhadiisa oo dhan buu soo saaraa, Laakiinse kii caqli lahu dib buu u ceshadaa, wuuna aamusnaadaa.

  • 9Xanaaq ha ku degdegin, waayo, xanaaqu wuxuu ku jiraa laabta nacasyada.

  • 75%

    16Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa; Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.

    17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.

  • 3Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.

  • Wacd 9:16-17
    2 aayado
    75%

    16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.

    17¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.

  • Wacd 7:4-6
    3 aayado
    74%

    4Qalbiga kuwa xigmadda lahu wuxuu ku jiraa guriga baroorashada, laakiinse qalbiga nacasyadu wuxuu ku jiraa guriga farxadda.

    5Nin intuu nacasyada gabaygooda maqli lahaa waxaa ka wanaagsan inuu canaanta kuwa xigmadda leh maqlo.

    6Waayo, qosolka nacasku waa sida qodxo dheri hoostiis ka jacjac leh, oo taasuna waa wax aan waxba tarayn.

  • 23Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.

  • 22Ninkii xanaaq badanu muran buu kiciyaa. Ninkii cadho kululuna xadgudub buu badsadaa.

  • Maah 26:4-5
    2 aayado
    74%

    4Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

    5Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

  • 33Xigmaddu waxay taal kii garasho leh qalbigiisa, Laakiinse wixii nacasyada uurkooda ku jiraa waa ismuujiyaa.

  • 73%

    19Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.

    20Ma aragtay nin hadalkiisa ku degdega? Kaas waxaa ka rajo roon nacas.

  • 21Nacasnimadu waa u farxad ninkii caqlidaran, Laakiinse ninkii garasho lahu si qumman buu u socdaa.

  • 29Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay; Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.

  • 73%

    15Nacaska jidkiisu waa la qumman yahay isaga, Laakiinse kii caqli lahu taladuu maqlaa.

    16Nacaska xanaaqiisa haddiiba waa la gartaa, Laakiinse ninkii miyir lahu ceebtuu qariyaa.

  • 3Nin nacasnimadiisu jidkiisay qalloocisaa, Oo isagu qalbigiisa ayuu Rabbiga uga cadhoodaa.

  • 29Kii gurigiisa dhibaa dabayshu dhaxli doonaa, Oo nacaskuna wuxuu midiidin u ahaan doonaa kan qalbigiisu caqliga leeyahay.

  • 28Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

  • Maah 14:6-8
    3 aayado
    73%

    6Kii wax quudhsadaa xigmad buu doondoonaa, mana helo, Laakiinse aqoontu waa u fudud dahay kii waxgarasho leh.

    7Nacaska hortiisa ka fogow, Waayo, bushimihiisa aqoon ka heli maysid.

    8Ninkii miyir leh xigmaddiisu waa inuu jidkiisa gartaa, Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa khiyaano.

  • 16Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.

  • 10Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan.

  • 3Oo weliba kan nacaska ahu markuu jidka marayo wuu caqli yaraadaa, oo ku alla kii uu arkaba wuxuu u sheegaa inuu nacas yahay.

  • 18Ninkii cadho badanu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii cadhada u gaabiyaa murankuu qaboojiyaa.

  • 6Nacaska bushimihiisu waxay keenaan muran, Oo afkiisuna wuxuu u yeedhaa karbaash.

  • 72%

    14Nacasku hadalkiisa wuu badiyaa, waxa ahaan doona binu-aadmigu garan maayo, oo waxa dabadiis dhici doonana bal yaa u sheegi kara?

    15Nacasyada hawshoodu midkood kastaba way daalisaa, maxaa yeelay, isagu xataa sida magaalada loo tago ma yaqaan.

  • 12Kii deriskiisa quudhsadaa waa caqli daranyahay, Laakiinse ninkii garaadka lahu wuu iska aamusaa.

  • 2Waayo, ninkii nacas ah xanaaqiisaa dila, Oo kii doqon ahna ciilkiisaa dila.

  • Maah 9:12-13
    2 aayado
    72%

    12Haddaad caqli leedahay naftaadaad caqli u leedahay, Laakiinse haddaad wax quudhsato, adiga uun baa waxquudhsashadaada xambaaran doona.

    13Naagta nacasadda ahu waa qaylo badan tahay, Iyadu way garaaddaran tahay, oo waxba ma taqaan.

  • 12Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

  • 10Nacaska raaxo uma eka, Waxaana taas ka sii liita in addoon amiirro xukumo.

  • 22In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga.

  • 10Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.

  • 9Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.

  • 3Afka nacasyada waxaa ka soo biqla kibir; Laakiinse kuwa caqliga leh bushimahooda ayaa iyaga dhawri doona.

  • 12Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.

  • 8Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.

  • 3Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis.

  • 7Xigmaddu nacaska way ka dheer tahay, Isagu xagga iridda afkiisa kuma kala qaado.

  • 14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.