Maahmaahyadii 27:14
Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
15Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go'in Iyo naag muran badanu waa isku mid.
8Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa, Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
17Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.
18Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.
17Wuxuu jeclaaday habaaridda, markaasaa habaar ku soo degay, Ducaynta kuma farxin, ducona way ka sii fogaatay isaga.
24Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa, Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.
24Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
25Laakiinse kuwii isaga canaantaa farxad bay yeelan doonaan, Oo dushoodana waxaa ku soo degi doonta barako wanaagsan.
24¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii deriskiisa qarsoodi ku dila. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
10Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.
11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.
16¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
17¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
18¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
19¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.
9Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray.
10Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.
20Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.
24Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon,
20Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
27Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
21Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.
20Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
26Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
13Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay.
15Ha inkaarnaado ninkii aabbahay u bishaareeyey, oo isagoo ka farxinaya ku yidhi, Wiil baa kuu dhashay!
16Oo ninkaasu ha noqdo sidii magaalooyinkii Rabbigu afgembiyey oo uusan u qoomamoon. Oo aroortii oohin ha maqlo, oo hadhkiina qaylo digtooneed ha maqlo,
1Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.
2Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.
15Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
22Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
9Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga.
10Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog.
24Ninkii saaxiibbo badsadaa naftiisuu kharribaa, Laakiin waxaa jira saaxiib walaalkaa kaaga dhow.
22Oo kuwuu barakeeyo ayaa dalka dhaxli doona, Laakiinse kuwuu habaaraa way go'i doonaan.
11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!
17Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya.
28Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.
19oo ay noqon doontaa markuu maqlo habaarkan erayadiisa inuu isagu qalbigiisa ka ducaysto oo isyidhaahdo, Nabad baan heli doonaa, in kastoo aan ku socday madaxadayggayga inaan sakhraannimo ku harraadbeelo.
28Ninkii qalloocanu muran buu beeraa, Oo kii xan badanuna wuxuu kala kaxeeyaa saaxiibbo.
11Kuwa qumman ducadooda magaaladu sare bay ugu kacdaa, Laakiinse kuwa sharka leh afkoodu magaaladuu dumiyaa.
14U duceeya kuwa idin silciya, u duceeya, oo ha habaarina.
14Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
23Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
5Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan.
16Waxaad ku inkaarnaan doontaan magaalada oo waxaad ku inkaarnaan doontaan duurka.
6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
17Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa, Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.