Maahmaahyadii 30:10

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Addoon sayidkiisa xan ha uga sheegin, Waaba intaas oo uu ku habaaraa, oo eed lagugu helaaye.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 15:9 : 9 Digtoonow, oo yaan fikir xun qalbigaaga gelin adoo isku leh, Sannaddii toddobaad ee saamaxaaddu waa soo dhow dahay. Walaalkaaga miskiinka ah si aan naxariis lahayn ha u eegin inaadan waxba siin. Haddii kalese Rabbiguu kaaga caban doonaa, oo taasuna dembi bay kugu noqon doontaa.
  • Sharc 23:15 : 15 ¶ Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.
  • 1 Sam 22:9-9 : 9 Markaasaa waxaa jawaabay Do'eeggii reer Edom oo ag taagnaa Saa'uul addoommadiisa, oo wuxuu yidhi, Waxaan arkay wiilkii Yesay oo Nob ku soo socda oo u yimid Axiimeleg ina Axiituub. 10 Oo isna Rabbiguu wax u weyddiiyey, oo saadna wuu siiyey, oo seeftii Goli'adkii reer Falastiinna wuu siiyey.
  • 1 Sam 24:9 : 9 Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?
  • 1 Sam 26:19 : 19 Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.
  • 1 Sam 30:15 : 15 Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.
  • 2 Sam 16:1-4 : 1 ¶ Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah. 2 Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo. 3 Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay. 4 Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.
  • 2 Sam 19:26-27 : 26 Oo isna wuxuu ku jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waxaa i khiyaaneeyey addoonkaygii, waayo, anoo addoonkaagii ah waxaan is-idhi, Waxaan kooraysan dameer inaan fuulo aawadeed, markaasaan boqorka raaci doonaa, waayo, curyaan baan ahay. 27 Oo anigoo addoonkaagii ah ayuu igu kaa hor xantay boqorow, sayidkaygiiyow, laakiinse waxaad tahay sidii malaa'ig Ilaah oo kale; haddaba wixii kula wanaagsan samee.
  • 2 Taar 24:22-24 : 22 Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo. 23 Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa. 24 Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.
  • Maah 11:26 : 26 Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.
  • Maah 24:23-24 : 23 Oo weliba waxyaalahanuna waa wixii ay kuwa caqliga lahaa yidhaahdeen. In dadka garsooridda loogu kala eexdaa ma wanaagsana. 24 Kii kan shar leh ku yidhaahda, Xaq baad tahay, Dadyowga ayaa habaari doona, oo quruumuhuna way karhi doonaan isaga,
  • Wacd 7:21 : 21 Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.
  • Daan 3:8-9 : 8 Haddaba wakhtigaas kuwo reer Kaldayiin ah ayaa soo dhowaaday oo Yuhuuddii dacweeyey. 9 Oo intay u jawaabeen bay ku yidhaahdeen Boqor Nebukadnesar, Boqorow, weligaaba noolow. 10 Boqorow, amar baad ku bixisay in nin kastaaba markuu maqlo codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, uu hoos u dhaco oo u sujuudo ekaanta dahabka ah, 11 iyo in mid kasta oo aan hoos u dhicin oo aan u sujuudin, lagu dhex tuuri doono foorno dab ah oo ololaysa. 12 Waxaa jira kuwo Yuhuud ah oo aad u dooratay inay axwaalkii gobolkii Baabuloon u taliyaan, waana Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo; haddaba, Boqorow, nimankaasu dan kaama ay lahayn; iyagu uma adeegaan ilaahyadaada, umana sujuudaan ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay. 13 Markaasaa Nebukadnesar intuu dhirfay oo aad u cadhooday ayuu amray in la keeno Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo. Markaasay nimankan soo hor taageen boqorkii. 14 Nebukadnesarna wuu u jawaabay oo ku yidhi iyagii, Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoow, Ma kas baad u yeesheen inaydnaan u adeegin ilaahayga ama aydnaan u sujuudin ekaantayda dahabka ah oo aan qotomiyey? 15 Haddaba haddaad diyaar tihiin in wakhtigii aad maqashaan codka buunka, iyo biibiilaha, iyo kataaradda, iyo shareeradda, iyo kiraarka, iyo cayn kasta oo muusiko ah, aad hoos u dhacdaan oo aad u sujuuddaan ekaanta aan sameeyey, hagaag, laakiinse haddaad u sujuudi weydaan, waxaa isla saacaddiiba laydinku dhex tuuri doonaa foorno dab ah oo ololaysa. Kolkaas waa ayo Ilaaha gacantayda idinka badbaadin doonaa? 16 Markaasaa Shadrag, iyo Meeshag, iyo Cabeednegoo u jawaabeen boqorkii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nebukadnesarow, annagu uma baahnin inaannu kaaga jawaabno xaalkan. 17 Haddaba hadday saas tahay, Ilaahayaga aannu u adeegnaa waa awoodaa inuu naga samatabbixiyo foornada dabka ah oo ololaysa; oo isagu waa naga samatabbixin doonaa gacantaada, Boqorow. 18 Laakiinse haddaanay ahayn, Boqorow, haddaba ogow, inaannan u adeegayn ilaahyadaada, ama aannan u sujuudayn ekaanta dahabka ah oo aad qotomisay.
  • Daan 6:13 : 13 Markaasay jawaabeen oo waxay boqorkii hortiisa ka yidhaahdeen, Boqorow, Daanyeelkii ka mid ahaa kuwii Yahuudah laga soo dhacay, dan kama leh adiga iyo amarkii aad saxeexday toona, laakiinse saddex jeer buu maalin walba Ilaahiisa wax weyddiistaa.
  • Daan 6:24 : 24 Dabadeedna boqorkii baa amar bixiyey oo waxaa la keenay nimankii Daanyeel dacweeyey, oo bohoshii libaaxyada ayaa lagu dhex tuuray, iyagii iyo carruurtoodii iyo naagahoodiiba; markaasaa libaaxyadii qabsadeen intayan bohoshii salkeeda soo gaadhin, lafahoodii oo dhanna way burbursadeen.
  • Room 14:4 : 4 Yaad tahay kaaga xukuma midiidinka mid kaleto? Waayo, sayidkiisuu u taagan yahay ama u dhacaa. Waana la taagi doonaa, waayo, Rabbigu waa awoodaa inuu taago.
  • Maah 28:27 : 27 Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Wacd 7:21-22
    2 aayado
    79%

    21Wax kasta oo lagu hadlo ha dhegaysan, waaba intaasoo aad maqashaa addoonkaaga oo ku habaarayee.

    22Waayo, marar badan ayaa qalbigaagu og yahay inaad adba saasoo kale u habaartid kuwo kale.

  • 28¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.

  • 11Waxaa jira farcan aabbahood inkaara, Oo aan hooyadoodna u ducayn.

  • 9Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.

  • 6Erayadiisa waxba ha ku darin, Waaba intaas oo uu ku canaantaa, oo lagu ogaadaa inaad beenaaleh tahay.

  • 1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.

  • 15¶ Haddii addoon sayidkiisii ka soo cararo oo uu idiin yimaado waa inaydaan isaga sayidkiisii dib ugu celin.

  • 14Waa inaadan caayin qofkii dhega la', oo kii indha la'na waa inaadan hortiisa dhigin wax lagu turunturoodo, laakiinse waa inaad Ilaahaaga ka cabsataa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Bax 20:16-17
    2 aayado
    73%

    16¶ Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

    17¶ Waa inaanad damcin guriga deriskaaga, waa inaanad damcin naagta deriskaaga, ama addoonkiisa, ama addoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay oo dhan.

  • 30(Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;)

  • 20Boqorka ha ku caayin xataa fikirkaaga, oo taajirkana ha ku caayin qolladdaada jiifka, waayo, shimbir hawada duusha ayaa codkaaga qaadi doonta, oo wax baalal leh ayaa xaalka sheegi doona.

  • 13Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen,

  • Maah 25:9-10
    2 aayado
    72%

    9Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,

    10Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.

  • 7¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • 9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,

  • 6Afkaaga ha u oggolaan inuu jidhkaaga dembaajiyo, oo malaa'igta horteedana ha ka odhan, Qalad bay ahaayeen. Bal maxaad Ilaah codkaaga ugu cadhaysiisaa si uu shuqulka gacmahaaga u baabbi'iyo?

  • 18Waayo, waaba intaas oo Rabbigu taas arkaa, oo ay shar la ahaato indhihiisa, Oo uu dabadeedna cadhadiisa ka soo celiyaa isaga.

  • 19Addoon hadal kuma edeb yeesho, Waayo, in kastoo uu garanayo ka jawaabi maayo.

  • 70%

    28Deriskaaga sababla'aan markhaati ha ku furin, Oo bushimahaagana ha ku khiyaanayn.

    29Hana odhan, Wixii uu igu sameeyey oo kale ayaan ku samayn doonaa, Oo ninkii sidii shuqulkiisu ahaa ayaan u abaalmarin doonaa.

  • 15Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.

  • 28Iyagu ha habaartameen, adiguse i barakee, Kolkay kacaan, way ceeboobi doonaan, laakiinse anigoo addoonkaaga ah waan rayrayn doonaa.

  • 20¶ Oo waa inaadan deriskaaga marag been ah ku furin.

  • 3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,

  • 6Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.

  • 30Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

  • 2Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin.

  • 11¶ Waa inaanad magaca Rabbiga Ilaahaaga ah si been ah ugu hadal qaadin, waayo, Rabbigu eedlaawe u haysan maayo kii magiciisa si been ah ugu hadal qaada.

  • 1¶ Waa inaadan qaadqaadin war been ah; gacantaada heshiis ha ugu dhiibin kan sharka ah, yaadan markhaati xaqdaran noqone.

  • 16¶ Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

  • 6¶ Miskiinkaaga dacwaddiisa waa inaadan garta ka qalloocin.

  • 3waana inaadan nin miskiin ah u gar eexan.

  • 21Kii addoonkiisa si wanaagsan u soo koriya tan iyo yaraantiisa, Ugu dambaysta wiil buu u noqon doonaa.

  • 24Ku alla kii tuug la shirkoobaa naftiisuu nacaa, Habaarkuu maqlaa, laakiinse waxba kama sheego.

  • 69%

    9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.

  • 12Oo waa inaydaan magacayga been ugu dhaaran, yeydnan hadal nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahiinna, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 10Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa.

  • 13Oo kulli wixii aan idinku idhi oo dhan waa inaad aad u dhawrtaan, oo ilaahyo kale magacood ha soo qaadina innaba, ama afkaagaba yaan laga maqlin.

  • 9Si aanad sharaftaada kuwa kale u siin, Oo aanad sannadahaaga kuwa caloosha adag u siin,

  • 15Waa inaad maalintiisa mushahaaradiisa siisaa, oo qorraxduna yay ka dhicin adoo aan siin, maxaa yeelay, isagu waa miskiin, oo mushahaaradiisa qalbiguu ku hayaa, waaba intaasoo uu Rabbiga kaaga cawdaa oo ay taasu dembi kugu noqotaaye.

  • 10Inkaaru ha ku dhacdo kii shuqulka Rabbiga si dayac ah u sameeya, oo inkaaru ha ku dhacdo kii seeftiisa dib uga celiya inay dhiig daadiso.

  • 24¶ Qof xer ahu macallinkiisa kama sarreeyo, addoonkuna sayidkiisa kama sarreeyo.

  • 10Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon.

  • 8Bal sidee baan u habaaraa mid aan Ilaah habaarin? Oo sidee baan ugu cadhoodaa mid aan Rabbigu ka cadhaysnayn?

  • 2Anoo addoonkaaga ah xukun ha i gelin, Waayo, inta nool oo dhan ma jiro nin hortaada lagu caddayn doonaa inuu xaq yahay.

  • 20Waad fadhiisataa oo wax ka sheegtaa walaalkaa, Oo weliba waxaad xamataa inahooyadaa.

  • 20Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.